Burcad Badeed: Arin siyaasadeed mise burcadnimo?
Hordhac
Sida la wada ogsoon yahay waxaa waxaa waayadaan dame badda soomaaliyeed
ka dilaacay afduub loo geysanaayo maraakiibta halkaas marta. Ilaa iminka
maraakiibta la qabsaday waxaa ay kor u dhaafayaan boqol. Badankood
maraakiibtaas waxaa lagu sii daayaa madax furasho. Arintani waxaa ay
biyaha badda ee soomaaliya ka dhigtay mid ka mid ah meelaha ugu khatarta
badan aduunka ee ay maraakiibtu maraan. Taasi waxaa ay keentay in
aduunku aad iyo aad uga hadlo arimahaan ka dhacaya badda
soomaaliya.Balse wadamada qaarkood waxaa ay usoo direen maraakiib ay
leeyihiin waxaa ay wardiyeynayaan jidkaas badda ee la maro. Haddaba
waxaan maqaalkaan kaga faaloon doonaa arintan burcad baddeeda oo siyaabo
kala duwan loo arko. Suŕashu waxaa weeyaan burcad badeednimadu ma arin
siyaasadeedbaa mise waa mid burcadnimo?Maxaase keenay in ay arintu xiiso
u yeelato wadamada aduunka?
Burcadnimo mise siyaasad dahsoon
Dhaqanka afduubka ka dhaca biyaha badda korkooda ma ahayn mid ay
soomaalidu caan ku ahayd. Waxaa jirey wadamo kale oo arinkaan ku
sifoobey. Howshatani waa mid ku cusub soomaaliya. Iney cusub tahay waxaa
kuu caddeyneysa ineynaan xitaa luqadeenu lahayn arey bixin lagu sifeyn
karo falalka ay sameynayaan nimanka wax afduuba. Sannadihii ugu dameeyey
ee ay soomaaliya jahwareerka ku jirtey waxaa jirey in gobolada iyo
magaalooyinka soomaaliyeed qaarkood laga sameyn jirey jid-gooyin dadka
lacag looga qaado. Ficilkaas oo ay dadka soomaaliyeed u yaqaanaan
“Isbaaro”. Balse waxaan aragnaa in dhaqankaasi hadda u gudbey xagaa iyo
badda dusheeda. Afkaar kala duwan ayaa laga qabaa ujeedada rasmiga ah ee
ka dameysa afduubka maraakiibta ee ka dhaca badeena. Dadka qaar waxaa ay
aaminsan yihiin inuu salka ku hayo ujeedo dhaqaale. Taas oo macneheedu
yahay nimnaka wax afduubaa waxaa keliya oo ay daneynayaan dhaqaale.
Kolkii ay dhaqaalahooda ka qaataana waa iska siideyanyaan markabkaas, ka
dibna waxaa ay bilaabayaan qorshihii ay kusoo qaban lahaayeen markab
cusub. Dad kale waxaa ay aaminsan yihiin arintu ma aha mid dhaqaale ee
waa mid siyaasadeed oo la huwiyey ujeedo dhaqaale. Fikirkan dadka qaba
oo ay ka mid yihiin aqoonyahano badan oo reer galbeed ah waxaa ay
leeyihiin nimanka wax afduubaa waxaa ay doonayaan in arinka soomaaliya
ee wareeray xal loo helo. Taasna waxaa ay u marayaan wadada ah iney
khatar ku abuuraan dhaqaalaha aduunka oo haddaba ciriir ku jira.
Arinkani waxaa uu waafaqsan yahay hadal uu yiri nin u hadlay burcad
badeeda, kaas oo laga wareystay BBC-da afka soomaaliga.
Ninkaas waxaa
hadaladiisii ka mid ahaa:
“Baddayadii waa la bililiqeystay, waxaa laga dhameystay kaluunkii, waxaa
lagu shubay qashin, waxaan nahay dal burburay oo baabaŕsanaa in
badan.Sidaas darteed waxaanu qabsaneynaa markab kasta oo badda soo
mara.Maraakiibtaas badda soo marta ayaa nooga dhigan kaluun”
Hadalkaan waxaa ku cad inaan arinka qafaalashadu aanu ka mareyn xagga
siyaasada.
Qolo kale oo sadexaad ayaa jirta oo iyana aaminsan in ujeedada burcad
badeedu tahay labada arimood ee aan kor kusoo sheegnay oo la isku
daray.Kuwaas oo ah ujeedo dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Qoladaani waxaa
ay qabaan arinka qafaalashada maraakiibtu kolkii hore waxaa uu ku
bilaamay hab burcadnimo balse kolkii burcadu ogaadeen muhiimada ay
leedahay badda soomaaliyeed waxaa ay arinka u bedeleen mid siyaasadeed.
Gebagabo
Arrinkan burcadnimada baddu, si kasta haku bilowdo kolkii hore, balse
waxaa muuqata inuu hadda isu bedeley dhinac siyaasadeed. Dhamaan
idaacadaha waaweyn ee reer galbeedka iyo jaraaědka ayaa aad iyo aad u
hadal haya arinta burcad badeeda. Haddaba si shicibka reergalbeedku u
fahmaan waxaa ay tahay burcad badeedu waxaa ay idaacaduhu sharaxaan
soomaaliya guud ahaan, qaab siyaasadeedka, dhaqanka, dhaqaalaha iwm.
Waxaa ay aad ugu dheeraadaan jahwareerka siyaasadeed ee soomaaliya ka
jirey 18-kii sano ee ugu dameeyey. Waxaa ay sheegaan in aaney soomaaliya
ka jirin dowlad dhexe oo awood leh oo ku baahsan dalka oo dhan waxna ka
qaban karta nabadgelyada guud ee dalka, bad iyo beriba. Waxaa kale oo
reer galbeedku aad uga hadlaan beryahaan saameynta ay burcadnimada badda
soomaaliya ku leedahay dhaqaalaha aduunka.
Arrinkaan burcadnimada ,waxaa ay dhaqaalayanada aduunku isku raaceen
inuu yahay mid aad u saameyn kara sicirka badeecadaha aduunka, qiimaha
doolarka, qiimaha saliida qeeriin, batroolka iwm. Waxaa la sheegay
haddii maraakiibtu ka wareegaan jidka badda ee soomaaliya iney ku qaadan
doonto ugu yaraan 10-15 ayaamood oo dheeraad ah si uu u gaaro halkii
markabku ku socdey. Maxaa yeelay waa in maraakiibtu kusoo wareegaan
afrika oo dhan inta aaney tegin halkii ay ku socdeen.Maalmahaas
dheeraadka ah ee markabku sii socda waxaa ku baxaya kharash aad u badan
oo gaaraaya ilaa hal bilyan oo doolar. Lacagtaas waa in lagu daraa
qiimaha alaabtii uu sidey markabku. Halkaas waxaa inooga cad in jidka
badda ee soomaaliya uu yahay mid muhiib u ah isu socodka ganacsiga
aduunka. Taas oo keeni karta in ay reer galbeedku isku dayaan iney
xaliyaan arinta siyaasadeed ee soomaaliya si ay u helaan jid nabad ah oo
ay maraan. Waxaa la yaab leh in maanta aduun ka oo dhan uu ka hadlaayo
jidka badda ee ay burcadu jareen, waxaa reergalbeedka ka muuqata murogo
ay ka muujinayaan arintan. Waxaa ay ka doodaan saameynta dhaqaalaha,
waxaa ay ka falanqoodaan sidii loo xalin lahaa.
Balse reer galbeedka iyo xulufadoodu marna masoo qaadaan, kamana
doodaan, boqolaalka soomaaliyeed ee maalin kasta ku dhimaneysa
soomaaliya.Shicib dhan oo burburay, noqdayna wax caddow laayey, wax
gaajo laysay, wax qaxay iyo wax quustay. Haddaba inagoon u cudurdaareyn
burcadnimo, miyaan la oran karin burcadnimada baddu waxaa ay salka ku
haysaa cadaalad xumada iyo munaafaqnimada aduunku ku hayo soomaaliya.
Dooda arinkaas dadweyanaha ayaan u daayey!
Mahadsanidin
C/risaq
Maxamed Xuseen
Master degree economics
Eskilstuna,Sweden
habdirisak@hotmail.com
Cudur
maskaxeedka loo yaqaan ”Autism” oo ku soo badanaaya caruurta
soomaaliyeed ee qurbaha. Akhri...