SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirkada Golis oo Xarunta ka Furatay Laas-caanood

Xafladan oo lagu Daahfurayey Furitaanka Shirkadda GOLIS xarunteedda Laascaanood ayaa waxa lagu qabtay Hotel Xamdi maalinimdii Arbacadii 12ka November 2008.

Ugu horayn waxaa xafladda furay , isla markaana kalmado soo dhowayn ah ka soo jeediyay Maamulaha Golis Laascaanood Aadam Cali Nuur isagoo tilmaamay sida shirkaddu shaqa bilowday isagoo dadweynaha reer Laascaanood uga mahadceliayay soo dhowaynta balaaran ee ay ku ajiibeen adeegyada shirkadda.
Cabdilaahi Cali Cumar oo ah Madax Hawl-galadda Shirkadda GOLIS ayaa isagu war bixin dheer ka bixiyey sababahaku kalifay in GOLIS xarun Isgaarsiin la hubo ay ka furato Magaaladda Laascaanood.

Sidoo kalana waxaa madaxa Hawlgaladu xusay in shirkadu ay ka shaqayso in ka badan 32 Magaalooyinka waaweyn ee deegaanadda Puntland oo dhan, Somaliland iyo Galmudug State ay xarumo ku leedahay, iyo weliba in ka badan 50 barood oo ku yaala tuulooyin iyo dhulal miyi ah oo dadku ka faaiidaystaan, taas oo shirkadda Golis ka dhigaysa shirkadda ugu balaaran marka loo eego baaxadda dhulka ay ka hawlgasho.

Madaxa hawlgaladu wuxuu dadweynaha reer sool uga mahadceliyay sida diiran ee ay durbaba u isticmaaleen adeegga Golis, wuxuuna cadeeyey in shirkaddu door weyn ka qaadan doonto horumara laga sameeyo magaalada laascaanood.
Madaxa Suuq geynta iyo Ganacsiga Shirkadda Cumar Ciise Maxamed "faaruuq" ayaa isaguna sharaxaad ka bixiyey Adeegyadda kala duwan ee ay shirkaddu bixiso isaga oo tilmaamay E-voucher oo ah in lacagtaada adiga oo gurigaaga, ama meel kasta jooga ay kuugu soo dhacayso oo aadan u baahanayn inaad xoqdo kaadh, Dual Imsi oo ah kaadh ku shaqaynaya labo nambar oo kala duwan , Xogmaal oo ah adeeg kuu sahlaya inaad akhbaarta gudaha iyo dibadaba kala socoto mobilka Golis !!!!, iyo adeegyo kale oo casri ah oo dadkii xafladda ka soo qayb galay aad ula dhaceen .
Amiir Jaamac Maxamed Mirre oo ku hadlayey magaca Odayaasha Laascaanood ayaa aad ugu mahadceliyey shirkadda Isgaartiinta ee GOLIS adeegyadda aad ka u qaaliga ah ee ay u balan qaaday.

Waxa kale oo uu Amiir Jaamac ka codsaday in Saamiga shirkadda qayb weyn laga siiyo dadka reer Laascaanood si ay u noqoto mid laga leeyahay Laascaanood.

Cabdinaasir Abu shaybe iyo Ugaaso Xasan Cali ayaa iyaguna ku hadlayey Magac Jaamacadda Nugaal iyo Haay'adaha Caalamiga ah waxa ayna si siman ugu mahadceliyeen shirkadda GOLIS.

Waxa ayna ka Codsadeen in balanqaadkii shirkadda ee ahaa Taageeridda Jaamacadda qaybteedii ka qaadato.
Isku soo wada xooriyoo Xafladii Furitaanka shirkadda Isgaarsiinta ee GOLIS Laascaanood ayaa ahayd mid aan iyadoo kale horay uga dhicin magaalada taasoo ku bilaamatay jawi dagan kuna dhamaatay.



Jaamac Ayaanle Feyte
Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS