Musharaxa
Cusub oo ku dhawaaqay in uu u taagan yahay Jagada Madaxweyne DGPL
Eng Nuur Xasan Faarax oo ka mid ahaa Xukuumada Gen Cade Muuse ayaa isku soo
taagay jagada Madaxweyne nimada DGPL Eng Nuur ayaa ahaa Wasiir ku xigeenka
Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyeenta DGPL isagoo sheegay sababta uu iskaga
casilay Jagadaa ay tahay in uu wax ka qaban karo dhibka taagan uuna yahay Aqoon
yahay u dhashay wadanka ayna waajib ku tahay in uu wax ka badalo dhibka taagan
Aqoonyahanada oo dhana ay waajib ku tahay in ay wax ka qabtaan dhibka jira.
Musharaxa ayaa jagooyin kala duwan ka soo qabtay Xukuumadii hore ee Dowladii
Siyaad bare iyo Xukuumada DGPL ee Gen Cade Muuse.
Musharaxiinta ayaa isasoo taraya tiradooda aydoo la filayo in ay yimaadaan
Jagada Madxweynenimada DGPL iyo Kuxigeenkiisa aydoo aysan jirin ilaa hada Cid
isku soo sharaxday Jagada Madxweyne ku xigeenka DGPL.
Musharaxa Madaxtinimada Puntland 2009 Engineer Nuur Xassan Faarax

Eng Nuur Xasan Faarax
Taariikhda Musharaxa (CV)
Dhalashada
Musharax Eng. Nuur Xassan Faarax wuxuu ku dhashayMagaalada Gardho ee Gobolka
Karkaar sannadku markuu ahaa1952, halkaas oo uu ku barbaaray kuna bartay
qur?aanka kariimka ah.
Waxbarashada
Musharax Nur Xassan Faarax wuxuu waxbarashadiisa ilaa heer Jaamacadeed ku qaatay
kuna dhamaystay Magaalada Muqdishu. Wuxuu Dugsiga sare ka baxay 1976dii wuxuuna
ku biiray Kulliyadda Gahayr ee Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed 1978 kadibna
markii uu soo dhamaystay hal sano oo ah shaqo qaran ee macallinnimo.
Musaharraxu Wuxuu 1982 dhamaystay ku takhasuska Cilmiga Geology oo uu ku qaatay
Shahaadada Bachelor degree
Shaqada iyo Xilalka
1982dii wuxuu musharaxu shaqo ka bilaabay Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ee
Dawladdii Maxamed Siyaad Barre oo uu kasoo qabtay jagooyin kala duwan, laba sano
kadibna wuxuu ku wareegay Wakaaladdi Horumarinta Biyaha ee isla Dawladdii
Maxamed Siyaad Barre.
1985 Musharaxu wuxuu iskaga tagey shaqadii wuxuuna bilaabay Ganacsi gaar ah ee
dalka iyo dibadda
2004tii wuxuu noqday Wasiir ku xigeen Wassaradda qorshaynta io xiriirka
caalamiga ah ee Dawladda Maxamuud Musse xirsi si uu kaalin buuxda uga
qaatohagaajinta iyo horumarinta DGB.
Dhamaadkii 2007 wuxuu markale ka noqday Wassir ku xigeen Wasaaradda Halwlaha
Guud kadib markii la isku shaandheeyey Dawladda Maxamuud Muusse Xirsi.
Barnaamij Siyaasadeedka Musharaxa
Musharax Nuur Xassan Faarax wuxuu go?aansaday inuu iskaga tago jagadii uu ka
hayey Dawladda Maxamuud Muuse Xirsi hal sano ka hor kadib markii uu waayey
hankii horumarineed ee uu ka filayey Dawladdii uu ka qayb qaatay
Waxaan go?aansaday inaaan isu taago Jagada Madaxweynaha ee Puntland sabatoo ah
Puntland maanta waxay u baahantahay badbaado iyo isbedel dhinac walba ah.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Mahadsanidin
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 18, 2008 |