Bismilaahi Raxmaan Raxiim
Barnaamijka musharaxa xilka Madaxwaynenimo ee DGPL sanadka 2009
Mudane Khalif Xaaji Jaamac Cabdule (MANDELA).
Mudane Khalif ''Ma u baahan nahay
in isbadal ka dhaco Puntland?
Haa ( Yes) waa loo bahan yahay in isbadal laga sameeyo Puntland ( We need
change) waana awoodnaa, hadii aan iskaashano, waana qorshayn karnaa
isbadal ( We plan Change) anagoo mudnaanta kowaad siinayna dalka ( Frist Country
).''
Hordhac
Ugu horeyntii waxaan halkaan ka salamayaa bulshaweynta Soomaaliyeed meel
kasta oo ay joogaan, waxaana u rajaynayaa midnimo iyo wanaag.
Salaan kadib, waxaan farxad ii ah inaa idin sheego inaan go'aansaday inaan isu
taago tartanka madaxwaynenimada Dowlad Gobaleedka Puntland ee sanadka 2009.
Waxaa arintaas igu dhaliyay sababaha soo socda:
· Kadib markii ay igu muuqatey in degaanka Puntland uu manta u bahan yahay
isbadal, xaalada uu hada ku sugan yahay awgeed.
· Anigoo canshuurtii dalka wax ku bartey, ayna waajib igu tahay inaa dib ugu
abaalgudo dalkayga iyo dadkaygaba, isla markaana aan u huro maskaxdayda,
xoogayga iyo wax kasto kale oo aan awoodo.
· Iyadoo haatan dalka uu ku sugan yahay marxaalad adag, oo dadka intiisa badani
ay qabaan sidaasi si ka duwan in la helo, isla markaana aan qabo inaan waxtar
weyn ka gaysan karo, heer tayo lehna aan ku soo celin karno, markaan la kaashado
gacana ka helo bulshaweynta Puntland ku dhaqan.
· Degaanka Puntland waxaa ku nool dad kula duwan, waxayna intiisa badani u
arkaan in dad kale hagaajintiisa laga sugaayo, aniguse waxaan qabaa inaan ka mid
ahay dadka hagaajintiisa laga rabo, sidaas darteedna aan ugu soo istaagay
musharaxnimada xilka Madaxwaynenimo.
Taariikhda Puntland.
Puntland waxaa la aasaasay 1998, waxayna arintaasi ku timid markii dagaaal
sokeeye la soo marey 1991-1998, dowladii qaranka Soomaaliyeedna la waayey,
markaas ayaa bulshada Puntland waxay go'aansatey inay samaysato maamul, si loo
helo nabadgalyo, kala dambayn iyo horumar macna leh, waana lagu guulaystey
arintaas.
Hadii aan halkaas kaga gudbo taariikhda Puntland, waxaan halkaan ku xusayaa
barnaamijkayga wax qabasho, si bulshadu uga bogato, faahfaahintiisuna waa
sidatan:
Nabadgalyada
Bulsho kasta oo meel ku nool waxaa saldhig u ah inay hesho ammaan iyo xasilooni
joogta ah, taasna waxaa lagu heli karaa nabada oo saldhig u ah, horumar kasta oo
bulshadu ku talaabsanayso, sidaa darted waxaan halkaan ku xusayaa sidii loo
adkayn lahaa nabadgalyada guud, waana sidatan:
· Sugida amniga Puntland ayadoo sida ugu wanaagsan loo maareynayo sidii wax
looga qaban lahaa.
· Dib u dhisida ciidamada Daraawiishta ee sugi lahaa nabadgalyada Puntland.
· Xoojinta iyo dib u habaynta ciidamadii Booliska oo amniga deeganka ku shaqada
leh.
· Sugida iyo ilaalinta xuduudaha PL oo ah lagama maarmaan in la sugo.
· Degaanada maamul Gobaleedka PL ee ka baxay gacanta maamulka soo celintooda,
waana muqadas, arintaas oo salna u ah midnimada PL.
Arimaha Bulshada
· Adeega guud ee bulshada waa kaalin muhiim ah, si gaar ahna xasaasi u ah loona
baahan yahay in mudnaanteeda la siiyo, sida Tacliinta, Caafimaadka iyo Shaqo
abuurista oo kor loo qaado.
· Sida tayada arimaha bulshada kor loogu qaado waa in Dumarka iyo Dhalinyaradu
kaalin mug leh ka qaataan, isbadal kasta oo dalka lagu horumarinaayo.
· Waxaa kale oo muhiim ah daryeelka guud ee bulshada, taas oo kaabaysa
nolashooda iyo wixii taakulayntooda la xiriira
· Waxaan ku dadaalaynaa dadka Soomaaliyeed ee tahriibka ku dhimanaya inaa wax ka
qabano
Dhaqaalaha iyo Horumarinta
· Dhaqaalaha maamulka PL oo iska kooban, waxaa loo baahan yahay in loo
beeqaamiyo si qorshaysan si loo helo mushaarka ciidamada, wasaaradaha iyo adeega
guud ee hore u socodsiinta.
· Waa in miisaaniyada dhaqaale loo sameeyo qorsho gobaleed horumarineed sida
qorsho dhaw, mid dhaxe iyo mid fog.
· Waa muhiim in kaabayaasha dhaqaale la xoojiyo sida dekadaha, garoomada
diyaaradaha, jidadka iwm.
· In la abuuro / la sameeyo iskaashi guud ee dhaxmara wax soo saarka guud, wax
soo saarka gaarka ah iyo kan bulshada ee samafaleed.
Xiriirka Dibadda
· Hagaajinta xiriirka gudaha iyo dibaddaba waa laga maarmaan, waxaana aas aas u
ah qodobadaan soo socda:
· Xoojinta iskaashiga hay'adaha deeqaha bixiya si looga helo kaalmooyinkooda
samafaleed.
· Dalalka dariska nala ah waa inaa xiriir wanaagsan la yeelano, si nabadgalyo
loogu wada noolaado.
Ma u baahan nahay in isbadal ka dhaco Puntland?
Haa ( Yes) waa loo bahan yahay in isbadal laga sameeyo Puntland ( We need
change) waana awoodnaa, hadii aan iskaashano, waana qorshayn karnaa
isbadal ( We plan Change) anagoo mudnaanta kowaad siinayna dalka ( Frist Country
).
Sababaha aan u rabno isbadalka waa sidatan:
1. Nabadgalyadii oo xumaatey, soo Celina u baahan.
2. Dhaqaalihii oo wiiqmay wax ka qabadna u baahan si loo soo kobciyo.
3. Horumar oo aan jirin u howl gal la'aan awgeed.
4. Gobalada ka maqan Puntland oo soo celin u baahan, iyadoo loo marayo hab wada
xaajood iyo mid wada tashi oo ay yeeshaan dadka Puntland, oo ah sidii xalku ku
jiro.
5. Burcad badeedka abuurantey una baahan in xal loo helo, si jiritaanka iyo
sharafta Puntland loo dhawro.
6. Jiha siyaasadeed oo aan jeexnayn ( Political direction).
7. In la helo qaab ku dhisan xukun wanaag Dimuqaraadi ah ( Good govermence)
8. Majare u dhigida mustaqbalka Puntland ( Foundation stone for the Puntland
future).
9. Shaqo u abuurid la'aan dhalinyarada suuqa ku daadsan, oo loo baahnaa in loo
abuuro xirfado shaqo oo ay ku shaqaystaan, taas oo kaabi lahayd nolashooda.
Gabogabo
Waxaan ka codsanayaa shacabka Puntland inay gacan igu siiyaan sidii aan ugu
guulaysan lahaa doorashada madaxtinimada Dowlad gobaleedka Puntland, si aan u
hirgaliyo barnaamijka aan soo xusay, kaas oo dan u ah degaankeena.
Waxaana u rajaynayaa shacabka dowlad gobaleedka Puntland guul, horumar, barwaaqo
iyo nabad waarta.
Mahadsanidiin
Musharaxa xilka madaxwaynenimo DGPL 2009
Mudane Khalif Xaaji Jaamac Cabdule ( Mandela)
Voteforkhalifjama@gmail.com
Puntland,
Somalia
Taariikh noladeedka musharaxa xilka madaxwaynenimo
DGPL 2009.
Curriculum vitae (CV), Mudane Khalif X.Jama Abdulle ( Mandela).
Waxaan ku dhashay degaanka Nugaal ( Garoowe) 1955, ku barbaarey.
Waxbarashada
1961- 1962 Barashada Quraanka Kariimka
1963 - 1969 Dugsiga H/Dhexe
1969 - 1972 Dugsiga Sare
1973 - 1975 Accounting & Management ( xisabaadka iyo maamulka)
1975 - 1976 Audit & Bank system ( Hantidhawrka)
1996 - 1997 IT & TEC
Shaqada
1973 – 1974 Khasnaji, xisaabiye (W/G).
1975 – 1976 Xisaabiye guud & hanti dhawre.
1977 – 1980 Isu duwe gobal ( Jubooyinka).
1981 – 1988 Agaasime ganacsi & xiriirka dibadda ( W/H)
Agaasimaha maamulka lacagta iyo howlaha guud ( W/H)
Mareeyaha maamulka lacagta ( Snai)
Mareeyaha maamulka lacagta iyo shaqaalaha ( W/S)
Ku sime maareeye guud ( W/H)
Mareeye guud ee W/Berbera)
1988 – 1990 Horumarinta howlaha warshadaha
1991 - 2008 Nabadaynta, dib u heshiisiinta, taakulaynta dadka iyo dalka
Waxaan gacan ka gaysanay Tsunami, dhaqaalena u aruurinay
Lacagtaas oo aan u gudbinay hay’adaha samafalka, si ay dadka
Wax ugu qabtaan, sida ceelal laga cabo, daawooyin iyo raashin.
Hobby : Aqrinta,( Reading) cayaaraha ( Sport),Suugaanta Soomaliyeed
Luqadaha: English, Italian, Arabic, French & Somali ( Afka hooyo)
Dhamaad.
Vote for Khalif 2009.
Email:
Voteforkhalifjama@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2008