SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Musharax C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa Bosaaso soo Gaadhay



Murashax Cabdi Raxmaan Faroole oo ka Mid ah Murashaxiinta isa soo taraysa ee degaanada Puntland ku soo hoobanaysa ayaa waxa uu soo gaarey garoonka diyaaradaha Magaalada Bosaso halkaasi oo ay si wayn ugu soo dhoweeyeen Shacabka Reer Bosaso Qaybohooda kala duwan waxaana uu Safarkiisan kaga soo kicitamay Murashax Faroole dalka isu taga Emaraadka Carabta halkaasi oo uu mudo ayaama ah ku sugnaan ka hor intii aanu ka iman Dalka Austaria ,Faroole ayaa shir jaraaid oo uu ku qabtay Hoteel Internotional Village oo ay ku soo wada Degeen Marushax kale ee Maanta ka soo Degey Garoonka Diyaaraha waxaa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo ku aadan doorashada ku waasi oo ay ka mid tahay wax yaabaha uu qabanayo hadii loo doorto Madaxtinimada Puntland weliba Hadii uu ku guul daraysto wax la haboon.
 


Faroole ayaa waxa uu sheegay inuusan Xil hoose ku qanacsanayn isagoo tusaale u soo qaatay Sidii dhacday dhowaan ee Xukuumada Cade Muuse Waxaana uu intaas sii raaciyey inuu diyaar u yaay Sidii wax uga bedeli lahaa Hanaanka siyaasadeed Ee Xukuumada Puntland.

Faroole ayaa waxa uu sheegay inay tahay waxyaabaha ka taagan Puntland iyo dhibaatoyinka burcadbadeedu mid ay Mar hore ka gaabiyeen iskaashiga Xukuumada iyo Dowladaha ku Shuqule dabar goynta amuurtaasi waxana uu wacad ku maray in si xaqiiqa wax uga bedelayo hadii uu ku Guulaysto Madaxtimiada Puntland.

Faroole ayaa dalka dibadiisa ku Maqnaa Mudo dhawor sano ah isaga oo mar Maamulka Puntland ka Noqday Wasiirka Maaliyada ka dib Gen- Cade Muuse oo is Qabteen awgiis ayuu shaqada uga tegay.
C/raxmaan Faroole waxa uu sheegay Maanta inay Maamulka Lumeen dhamaan dhaqaalihii oo ay Leexsadeen Rag dana gaar ah u adeega isala markaana uu soo Celinayo.


Jaamac Ayaanle Feyte
Somalitalk.com/Bosaaso


Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda.. iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS