Barack Obama iyo Somalida aan la kulmay

Ridwaan Haji Abdiwali, London
Email: ridwaan@london.com
Qoraalkan waxaan jeclaan lahaa in aan kusoo koobo dhowr su’aalood oo aan ugu
tala galay in ay is weydiiyaan dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan,
kadib markii ay fajiciso ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed guusha Barack
Huseen Obama oo da’diisu ay tahay 47 sano jir, aabihiina uu ka soo jeedo dalka
Kenya ee dariska la ah Somaliyada bur burtay.
Xiligii uu Barack Hussein Obama ku guda jiray ololaha doorashooyinka dalkaasi
marayknaka waxaan la kulmay dad gaaraya 300 oo Somali ah oo si ay saaxiibtinimo
ku dheehantahay aan u weydiinayay aragtidooda ku aadan in Obama uu guulaysan
karo iyo in kale, si aan u qiimeeyo jawaab ka imanaysa qof si daacad ah kuugu
waramaya.
284 kamid ah dadkaasi aan la kulmay waxaa ay aaminsanaayeen in Madaxweynaha la
doortay Barack Obama uusan guulaysan doonin , sababtuna ay tahay in uu yahay nin
madow ah oo lala xiriirinayo in uu lug ku leeyihiin qoys muslimiin ah oo uu
kasoo jeeda dalka Kenya. 16ka qof ee kale waxaa ay aaminsanaayeen in uu
guulaysan karo Obama.
Waxaan shaki ku jirin in inta badan Soomaalidu aysan wali u bislayn Dawladnimo
ama aanay wali bislaanin marka laga hadlayo Siyaasad ahaan iyo Bulsha ahaan
sababo jira awgood, waana midda keentay in ay ku miizaamaan barack Obama sida ay
u miizaamaan Siyaasadda Somalia.
Shaki kuma jiro in dadka Soomaalida aysan gaarin xilli ay Afkaar ku loolamaan
ama ay joojiyaan gacan qaadka iyo qoriga oo kamid noqday nolol maalmeedka
siyaasadeed ee dalka ka jira.
Hadaba su’aalaha aan jeclaan lahaa in aanu isweydiino hadii aanu nahay Somali
ayaa waxaa kamid ah:
1- Maxaa keenay in Somalia ay u bur bursanaato danaha gaar ah ee ay ku
loolamayaan Qabaa’ilka, Kooxaha Jabhadaha ah iyo Kooxaha sida ay jecelyihiin ugu
dabaqaya diinta Siyaasaddaha qalafsan ee dalka ka jira?
2- Maxay in badan oo kamid ah Soomaalidu u aaminsanyihiin in ay ku tiirsanaadaan
Qabiilka isla markaana ay isugu xirmaan kooxo yar yar oo isku dan ah isla
markaana kala dan ah?
3- Inta aan la kulmay iyo inkale waxaa ay Obama ku diidayeen midabka , iyagoo
qaarkood isku haysta in aanay ahayn dad madow , hadaba ma aaminaa in isbadallo
ay dhici karaan aadan filanayn oo u baahan in aad ogolaato?
4- Ma aamini karnaa in aan samayno tanaazul inta dadku ay u bislaanayaan ama
looga diyaarinaya nidaam ay ku doortaan qofka dalka hogaaminaya ama mas’uuliyad
ka qabanaya?
5- Qof walba oo soomaali ah maka xoroobi karaa danaha gaarka ah ee uu ku dhex
dabaalanayo nooca ay doonaan ha noqdaanee?
6- Ma samayn karnaa in aanu wax ka badalno dhibaatada haysata dadka iyo dalka
anagoo tala saaranayna Ilaahay isla markaana ka run sheegayna diinta Islaamka?
7- Dagaalka iyo dhiiga qubanaya ma joojin karnaa, kadibna Afkaar aan hubaysnayn
malagu dagaalami karaa ama malgu tartami karaa?
Ridwaan Haji Abdiwali, London
Email: ridwaan@london.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 10, 2008