Ka: Sharaf; ku:
Sharwadanimo (Labo Shariif iyo Yemen)
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo
naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Ma anaa waalan mise Cadan baa laga
heesayaa wuxuu ahaa maqaal aan ka qoray
shirkii C/hi iyo Shariif Xasan ay ku
yeesheen Cadan markey rabeen iney u
guuraan Baydhabo. Sida cinwaankaas ka
muuqata waxaan shacabka Soomaaliyeed uga
digayey khiyaamo qaran iyadoo la rabay
in la helo xubno barlamaan oo danaha
gumeysiga lagu fushado. Dad badan baa ku
faraxsanaa shirkaas iyagoo is lahaa wax
baa ka soo baxaya laakiin anigu shacabka
waxaan u tusayey arrin waalli ah oo
uusan qof fiyoow ku talin. Nasiib-darro
dadka shirarkaas dhextaagnaa qaarkood,
maanta waxay leeyihiin waxaan ka mid
nahay ururka dib-u-xoreynta
Soomaaliyeed! Iyagaaba gumeysiga
waddanka soo gashay kaddib markey ka
qeybqaateen shirkaas Yemen. Markii
Shariif Xasan Yemen kula shirayey ninka
nooga daran Meles Zenawi – waa
madaxweyne-ku-sheegga Yamen, Cali
Cabdalle Saalax sababtoo ah Zenawi ma
qarsado nacaybka uu Soomaali u qabo
laakiin dad badan oo Soomaaliyeed waa
moog yihiin in Cali uu dabo-dhilif u
yahay Zenawi. Marka qofka noocaas ah waa
ka liitaa Zenawi. Magaca iyo sheegasho
muslimnimo aan jirin micno ma leh.
Shacabka Soomaaliyeed ulama safan
sheekh Shariif qabiil dartiis ileyn
isaga iyo Muuse Suudi iyo Maxamed-dheere
waa isku qabiile ee waxay ku taageereen
qaddiyad. Inta u dhaxeysa labada Raas,
dadka Soomaaliyeed waa taageereen
maxkamadaha iyagoo xitaa qaarkood
leeyihiin wax badan baan ku
khilaafsannahay laakiin si toos ah bey u
ayideen. Waxa kaliya ee aan taageerin
waa dhowrka nin ee horbooda Puntland iyo
Somaliland. Hadday arrintu saas tahay
maxaa sheekh Shariif ka dheefayaa
kulanka Cali Cabdalla Saalaxa soo geshay
Baydhabo iyo Soomaaliya Tigreega? Weli
caddeyn uma hayo eedaha la leeyahay
Shariifkaa la shiray madax ka socota
Itoobiya. Madaxda Itoobiya waxaa ka xun
madaxda Yemen (shacabka Yemen waa
shacabka Soomaaliyeed oo kale marka
waxaan heysto waa madaxda). Marka haddii
Shariifku la shiray madaxda Yemen waxay
la micno tahay isagoo Tigree la shiray.
Mise sheekhu wuxuu rabaa inuu isu rogo
dagaalooge? Ama Ashaaho-la-dirir?
Anigu waxaan tuhmayaa
madaxbannaannida sheekha sababtoo ah qof
sidiisoo kale aqoon leh ma garan waayey
inuu yahay hogaamiye fashilmay? Waxaa ka
sii daran qof kasta oo Soomaaliya waa
ogyahay iney Shariifka Kenya soo gasheen
hay’adda sirdoonka Maraykanka. Maxay
kula heshiiyeen? Ma ogin laakiin waa la
qiyaasi karaa. Waxay iila muuqataa in la
leeyahay waxaan kaa cafinnay toogasho
ama inaad xabsi ku abaadid marka haddaad
noo fuliso taayada waxaan heynaa xal aad
ku ceyshto. Waxaa Maraykanka suuqa
gashaday iney maxkamadaha ku jiraan
qolyo “qunyar-socod” ah waa kuwa mar
kasta Yemen taga iyo kuwo xag jir ah.
Maxaa isku soo beegay ugaarsiga qaar
maxkamadaha ka mid ah iyo
shir-u-qabashada Shariifka iyo kuwa la
midka ah? Maxaa Maraykanku Shariifka
gacanta ugu fidinayaa halka uu gantaalka
ku goobayey Ceyroow iyo Xasan-Turki?
Mise Maraykankanu ma rabo qof u dhashay
USA (ururka sagaalka Abgaal)! Taasi run
maaha oo Bush wuxuu laayey dad badan oo
Abgaal ah sida uu u gumaaday shacabka
kale oo Soomaaliyeed. Waxay u muuqataa
in Maraykanka iyo waddamo kale leeyihiin
waxaan leyneynaa ragga “mayalka” adag
sida Aadan Ceyroow Allaha u naxariistee
iyo ragga la midka ah marka waxaa
xukunka loo dhiibayaa kuwiinna qunyar
socodka ah ee la heshiiya
“dowladda-ku-meelgaarka” ah iyo
Itoobiya. Laakiin waxaan Maraykanka
xisaabta ku darsan in shacabka
Soomaaliyeed ay wanaag iyo soo-dhoweyn u
sii qaadeen As-Shabaab. Xitaa kuwa
qabiilka iyo arrimo diineed uga soo
horjeeday Aadan Ceyroow waxay leeyihiin
waa shahiiday marka shacabku waxay
caaddifad iyo naxariis u gashay
muqaawimadii uu ka tagay.
Sheekh Shariif waxaa loo qaataa inuu
Maraykanka ku dhaho: iddaaya, hadda laga
bilaabo arrimaha Soomaaliya farahaan
kala baxay. Sida Soomaali badan soo
jeedisay ma filayo inuu wax ka dheefayo
khiyaamo qaran. Shariifku ha ku
quusqaato firxadkii
Ashahaado-la-dirirka. Meeye? Maxay
hayaan adduun? Maxaa aakhiro loo fili
karaa? Waxaan sheekha xasuusinayaa
meeris gabey ah oo ka mid ahaa tuducyo
uu tiriyey Imaamkii weynaa ee
Cabdullaahi Binu Mubaarak isagoo u
tirinaya sheekh kale oo weyn oo la oran
jiray Ismaaciil binu Culayah. Imaamku
wuxuu sheekha ku heystay waxaad la
shaqeyneysaa dowladdii Cabbaasiyiinta.
Shaqada uu sheegayo ma ahayn basaasnimo,
dil shacab ama dhaca hantida ee waxaa
sheekha madax looga dhigay dadkii soo
aruurinayey zekada. Marka dambi ma ahan
in qof shaqadaas si caddaalad ah u qabto
laakiin imaamku wuxuu leeyahay sheekh
sidaada aqoon u leh uma dhowaado la
shaqeyntaa raggaas. Ragga uu sheegayo
waa Haaruun Ar-Rashiid iyo iyo
qaraabadiisii. Ka warran ninka la
shaqeynaya hay’adaha sirdoonka sida CIA
iyo tan Tigreega? Waxaa Imaamku yiri:
“sirta majnuunan bacdamaa kunta
dawaa’an lil majaaniina”
oo ah waad waalatay kaddib markaad
daawo u ahayd waalidda. Marka sheekh
shalay adaa la dagaalayey
Ashahaado-la-dirir lacag ka soo qaatay
Maraykan marka sidee Maraykanku adiga
kuugu adeegsan karaa shacabka
Soomaaliyeed? Kuma eedeynayo haddaadan
sameyn ficilkaas ee waano aan ku
leeyahay sidee qof adoo kale ah uga
suurtowdaa arrinta noocaas ah.
Qofka munaafaqeynaya isagay jirtaa
laakiin sidii qorayaasha Xamar jooga iyo
weriyihii u shaqeynayey teleefishinka
janaal 4-ta Ingiriiska ay sheegaan waad
aragteen oo carruurta Xamar joogta waxay
iska yeelyeelaan Allaha u naxariistee
Aadan Ceyroow iyo muqaawamada. Marna ma
ogola in carruurtu iska dhigaan
Maxamed-dheere ama Darwiish. Ma idin la
tahay in dadka carruurtaas dhalay ay
qabaan fikrad taas ka duwan? Marka
carruurtaas waxay matalaan shacabka
Soomaaliyeed. Marka laga hadlayo
gumeysiga Itoobiya ku heyso Soomaaliya,
dadka Soomaaliyeed intooda badan waa
isku dhinac iyagoon khilaaf kale fiirin.
Waa markii laga hadlayo mabda’a laakiin
ficil ahaan dadka badankiisu waa
hurdaan, haddeysanba dhiman. “Marka xil
dhallaan gartay weynaa”.
Kullankii Cadan hadduu keenay
qabsashada Zenawi ee Soomaaliya maxaa
laga fili karaa kan hadda ka socda
Yemen? Ma in Soomaalida la gaaleeyo? Ma
in la barakiciyo oo la barabixiyo? Marka
hadduu sheekhu jantay inuu shacabka
Soomaaliyeed khiyaamo waxaa u fiican in
uu dib u fiirsho xubnihii
Ashahaado-la-dirirka. Xitaa kuwii soo
dirsaday sida CIA wax dan ah ooy u heyso
ma leh maxaa yeelay markii dantii laga
lahaa laga fushaday baa sidii xanjadii
la iska tufay. Marka haddaad tallaabo
noocaas ah ku dhaqaaqdid waad ka
liidaneysaa ururkaas sababtoo ah
dagaaloogayaasha wixii laga filayey bey
sameeyeen ileyn horay bey dhiigga
shacabka u jaqayeen una leynayeen marka
nin islaan 90 sano jirta dilay ama
dhacay la yaab ma leh inuu wadaad dilo
ama iibsado.
Khiyaamada noocaas ah waa soo
degdegtaa. Imisa maalmood bey
dagaaloogashaashii ku fashilmeen markey
ku dhawaaqeen ururkii la dagaalanka
Islaamka iyo muslimiinta? Maalmo. Ilaa
waagaas iyagoo dulli ah bey meelah sidii
ari rabbaayad ah xaabaan. Marka haddaad
rabtid inaad sharafta ka raadgato ood ku
biirto ururkaas haddee adaa khiyaar leh
laakiin waxaan kuu sheegayaa ma filayo
inaad wax ka beddeli karto xaaladda
Soomaaliyeed. Tan Ilaah baa socota?
Maxaa Bush iyo Zenawi uga fulay
Soomaaliya oon ka ahayn iney dadka
laayaan iyadoo shacabka Soomaaliyeed sii
naceen gumeysi. Sidoo kale waxaa fiican
inaad isha mariso madaxweyne-ku-sheegga
Soomaaliya. Marka hadda shacuubtii reer
Galbeedku waa arkeen in jananka Gabre
Soomaaliya xukumo. Marka haddii lagaa
celin la’yahay inaad Gabre qaabisho
haddee ku orod. Haddaadan arrintaas ka
waantoobin waxaan filayaa in aad adiga
iyo Maxamed-dheere isku boos ka ciyaari
doontaan dabadeedna shacabka
Soomaaliyeedna mar kastoo Maxamed-dheere
iyo Muuse Suudi la soo qaato in adna
lagugu lammaandin doono. Marka ma fiican
tahay inaan Ilaah u noqonno?
F.G. Dadka jooga waddamada reer
Galbeedka yeysan been u sheegin bulshada
ay dhexjoogaan. Tusaale ahaan dad badan
baa dowladahaas ku dhihi jiray haddii
maxkamadaha laga saaro Soomaaliya,
shacabka Soomaaliyeed waxay soo
dhoweynayaa Tigreega iyo Bush. Waxay ka
wadaan dadka Soomaaliyeed ma diin jecla.
Marka haddeynu dalkeennii iyo dadkeennii
luminey yeynaan been kale u sheegin
dadka aan martida u nahay.
Qore: Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Gabar Reerkoodii Laga soo Masaafaystay,
Qaalliga oon Muslim Ahayn iyo
Markhaati-yaashii oo Mid Kaliya Marag
Furi Karo! Qaybtii Labaad