SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOMALIA

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga oo Gacanta u gashay Degmada Jilib

Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ayaa aroortii Sabtida la wereegey Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ka dib markii uu dagaal socdey muddo saacad ah la galeen Ciidamo beeleedyo muddo halkaa ku sugnaa dagaalkan ayaa inta la og yahay waxaa ku dhintey Shan qofood oo afar ka mid ah ay haayeen Maleeshiya beeleedyadii halka mid kale uu ahaa Ciidamada maxaakiimta Islaamiga
Ciidamada Maxaakiimta ayaa dagaalkaas ku qabsadey Saddex gaari oo Tekhniko ah iyo hub kale oo aad u fara badan

markii Ciidamada Maxaakiimta ay la wareegeen Magaaladda Jilib ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan kuwaas oo ku faraxsanaa Ciidamadda Maxaakiimta waxaana lagu waramey in meel fagaare ay ay kula hadaleen Masuuliyiin ka socotey Maxaakiimta Islaamiga

magaalada Jilib ayaa waxay gacanta ugu jirtey Maleeshiyo Beeleedyo la sheegey in ay dhibaato ku hayeen Dadweynaha halkaas degen iyo weliba dad safarka ah ee marayo wadada dhexmarta magaalada Jilib , ciidamada Maxaakiimta ayaa u muuqda kuwaa doonaya in ay gacanta u gasho dhamaan magaalooyinka Hoostaga Gobolada Jubbooyinka waxaana la sheegey in Ciidamada maxaakiimta ay haatan ku sii jeedaann Magaaladda Kismaanyo oo maalmahan hoy u noqotey kooxo iska soo horjeeda kuwaas oo dhibaato ku haya Shacabka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS