SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Qormadii Muxyadiin iyo Geeridii Aadan Ceyroow

Dabcan waxa uu u noqonayaa war wanaagsan,shakina kuma jiro in Dowlada Soomaliya, Itoobiyaanka, Isbaheysiga Mareykanka iyo inta Siyaasadooda aaminsan in ay muujiyaan farxad, waxa ay rumeysandoonaan in boog dikaam joogto ah ku heysay ay bugsandoonto, Waxa u dhiman oo kali ah in ay yiraahdaan Dagaalkii aan Al-shabaab iyo Al-Qa'eda Soomaaliya kula jirnay waa uu idlaaday, laakiin wali ma dhihin.

Siddii Geeridii General Ceeydiid ay Mareykanka u yiraahdaan cirbad ku taagneed Nabada Soomaaliya ayaa ka fuqday ayeey haddana markale ku sigteen caqabad Xanuun joogta ah ku heysay Dowlada Soomaaliya, Itoobiyaanka iyo dadka la dhacsan Siyaasada Mareykanka ee ku saleysan ciilkaanbinta ayaa la xaliyay.

Laakiin si kale marka hadal kooban loogu yiraahdo uma ahan War farxad leh Geerida Aadan Ceyroow dadka isaga taageersan, kadib geeridiisii si fikirkiisii uu usii jiro waxa uu ku fakaray Macalin Ceyroow in uu abuuro dhalinyaro kasii da'yar oo mowqifkiisa kusii taagnaata, dabcan tababaro ayuu siiyay, waxa uu ku kordhiyay khibradii uu ka helay Dagaalkii uu qeybta ka haa ee ka dhacay Afghanistan ee Mareykanka lala galay.

Wiilkaan dada yar ee la yiraahdo Macalin Aadan Xaashi Ceyroow waxa uu ahaa nin heysto khibrad dagaal, dajiyana qidadaha dagaalka ee cadowgooda ay la galaan, waxa uuxirfad u lahaa Farsameynta Waxyaabaha qarxa iyo hubka lagu weerar tago sida Bambooyinka iyo waxyaabaha kale ee la isku daro kadibna sameeya Qaraxa, waxa uu ahaa dhiirigaliyo islamarkaasna aad u yaqaan abaabulka ciidanka.

Ma tahay Geerida Ceyroow oodin ka fuqday Dowlada FKMG iyo Isbaheysiga Mareykanka

"Haa, waa khatar ay ka gudubtay Dowlada Soomaaliya,waana guul usoo hoyatay Dowlada Somalia, Itoobiya iyo waliba Isbaheysiga Mareykanka, caadna iga masaarna in ay Niyad jabayaan Kooxda Shabaabka maadaama la dilay nin ay ku taagnaayeen" Sidaasna waxaa Yire Sarkaal ka Tirsan Dowlada Soomaaliya oo diiday in aan isticmaalo Magaciisa.

Laakiin Hadal kaas ka fog ayaa waxaa ii sheegay Sarkaal Ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.
Waxa uuna igu yiri"Dabcan Hogaamiyaheena waxa uu helay waxii uu raadinayay Alle ha ka aqbale shahaadadiisa, Laakiin waxaan heysanaa Figradiisii, Khibradiisa ma uusan la dhiman laakiin waxa uu ku reebay Dhalinyaro kale oo aad u firfircoon, waxaa jira kumanaan Dhalinyaro ah oo Tababaro sare heysta, Kuwaas oo diyaar u ah in ay maraan Wadadii Macalin Aadan Xaashi Ceyroow, taasna waxa ay dheerigalineysaa in ay soo baxaan hogaamiyaal kale oo fikradii Macalinkeena halkaasi kasii wada"

Sidoo kale Khabiir kale oo arrimaha Geeska Afrika ka faalooda islamarkaasna Qoraalo badan ka sameeyay Kooxda Al-Shabaab ayaa Yiri isaga oo ka hadlayay Dilka Macalin Aadan Xaashi Faarax Ceyroow

"Waa Dhacdo muhiimadeeda Leh, Marka Hore Ceyroow waxa uu ahaa Shakhsi ka mid ah raga ugu sar sareeya uguna muuqda alshabaab,Dhabar Jab ayeey ku tahay Al-Shabaab waxa ay guul u tahay Mareynkanka iyo dhinacyada kale ee ay Isbaheysiga leeyihiin sida Itoobiya iyo Soomaalida Kale, waxay meesha kasaarikartoo oo kale xubin laga yaabo in uu kasoo horjeeday Wadahadalo ay galaan dowlada iyo Mucaaradka Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya"

Isaga oo kasii hadlayay Al-shabaab iyo Waxa hadda laga filan karo waxa uu yiri :-

"Al-Shabaab waxa ay sheegatay in uu hogaamiyo sheikh Abuu Subeyr oo laga yaabo in uu yahay Arday kale oo kasoo dhexbaxay Kooxdaas, laakiin waxaa jira Shakhsiyaad kale oo midkasta doorkiixa ciyaaro waxaa ka mid ah Ibraahim Xaaji Jaamac, Axmed Cabdi Godane iyo Shiikh muqtaar Rooboow, waa in aad ka filataa in ay howsha sii wadayaan, waa in aan sugnaa haddii ay hogaamiyaal kale oo ay Al-shabaab yeelato ay Magacyadooda qariso dilka Ceyroow"

Dadka Shacabka ee Soomaalida siyaabo kala duwan ayeey uga hadleen Dilka Alle ha u naxariistee Macalin Aadan Xaashi Faarax Ceyroow

Bal eeg Haddal ayigu tire Gabar Soomaali ah oo lagu Magacaabo Maariya Cali Xaaji "Geerida Macalinka Cadowga waxa ay ku fasiranayaan in uu guuldaroobay halkii Al-shabaab laakiin tan waxa ay keeneysaa in ay Soomaalidu u imidoobaan siddii ay uga hortagi lahaayeen Siyaasadaha Cadowtinimada Mareykanka ee lagu laynayo Geesiyaasha Soomaaliyeed"

Sidoo kale Nin Gudoomiye ka ah Shirkad qaabilsan mushkiladaha wadamada la isku yiraahdo Sub-sahara Afrika ayaa sheegay isna" Geerida hal hogaamiye oo kale ah dib u dhac uma keeneyso howloha Al-Shabaab oo ah koox taliyayaal badan, mana baajineyso Weeraro ka dhan ah."

Muuqaal ahaan Ceyroow Ceynkee ahaa

Qiyaasii Saddex Jeer ayaa arkay Aadan Ceyroow, dabcan wakhtikastaba waxaan ku arkay nuuc aan loo maleysan karin, maadaama uu ahaa nin madax ah, waxaan kale oo aan maleynayaa in intaas ka badan aan is aragnay Ceyroow, markii iigu horeysay waxa uu ahaa nin labisan dharka lagu yaqaan askarta gaar ahaan nuuca tuutaha ah ee ay xiran jireen ciidamadii Maxkamadaha, waxa uu watay qoray AK47ah , waxa uu ku dhex jiray koox hubeysan oo ku labis ah islamarkaasna Dhalinyaro u badan,marnaba aniga kama soo saari karin ilaa si hoose la iigu tilmaamay in ninkaas yahay Macalin Aadan Xaashi Ceyroow.

Ma laheyn Garweyn iyo timo badan ,madaxiisa waxa uu umuuqday mid xiiran oo timo yar ay hadda usoo baxeen, wakhtigaas iima suurtagaleynin in aan la hadlo,laguma yaqaan in uu la baxo ama uu ku faano magacyada Carbeed sida Hogaamiyayaasha Shabaabka qaar kood.

Ma sahlaneyn in qof waliba markiiba aqoonsado, uma muuqan in madaxnimo jeceyl ay wado ama dano Qabiil raadinayay, waxayna asxaabtiisa ahaayeen kuwo Qabaa'ilo badan isugu jiray oo isugu yimid Hal Ujeedo oo kali ah sida ay aaminsanaayeen.

In badan ma raaco Gawaarida raaxada ama madaxda, waxa uu aad u jeclaa in uu ku dhexjiro ciidamada islamarkaasna uu gadaal ka saarnaado Gawaarida dagaalka ee Xambaara Ciidamada.

Marka aad si fiican ugu sii fiirsatid waxaa kuu sawir maya nin ciidamada soo galay isaga oo aad u yar, islamarkaasna kusoo barbaaray, waxaa ka go'neyd in Dowlad Islaami ah oo si dhab ah u hirgalisa shareecada Islaamka Soomaaliya laga dhiso, laakiin uma aysan hirgalin, dadka qaarkood haba u heystaane nin kul-kulul oo waday figrad ay adkeyn si ay Soomaaliya uga hirgasho.

Inta badan ma aheyn nin soo dhexgala Shirarkii iyo Dibadbaxyadii ay maxkamadaha qaban qaabin jireen marka laga soo tago shirarka hoose.

"Waxaa uu ahaan jiray waqtiyada qaarkood ama inta badanba goobjeeye la socday tababarkeena Isaga wali tababar ima siin aniga maxaa yeelay waxaan aaminsanahay in aanan gaarin heerka aan hoos fadhiisan lahaa Macalin Ceyroow, laakiin waxa uu talooyin iyo figrado siin jiray Macalimiintii ina tababareysay, waan maqlayay isaga oo dhowr jeer la hadlayay macalimiinta oo dajinayay Jadwalka Tababarkeena" sidaas waxaa ii sheegay wiil in ka badan Saddex bil kadib Burburkii Maxkamadaha tababar Militiri ku qAadanayay meel ka mid ah Muqdisho.

Maxaan ka naqaanaa Aadan Ceyroow

Aadan xaashi Faarax Ceyroow waxa uu dhashay sanadkii 1976, Waxa uuna ahaa 32 jir, laakiin waxa uu u muuqdaa in uu ahaa nin intaas ka yaray, Ceyroow waxa uu qiray in uu tababar Militiri kusoo qaatay Dalka Afghnistan, waxaadna mararka qaarkood rumeysaneysaa in uu yahay nin ay aad saaxiibo u yihiin Usaama Bin Ladin, dabcan laga yaabee in ay hal goob kawada dagaalameen Uma Bin Ladin Aadan Xaashi Ceyroow iyo Abuu Muscab Al Zawqaawi.

Sida ay ii sheegeen rag ka tirsan Madaxda Sar-sare ee Al-shabaab Aadan Ceyroow Afar jeer ayey Mareykanku duqeeyeen, Mar Afghanistan ayey ku duqeeyeen, inta kalena gudaha Soomaaliya,wakhti ka mid ah Afartaas jeer waxaa soo gaary Ceyroow dhaawac halis ah oo waxyeeleeyay qeybo ka mid ah beerka iyo saableyda, wakhtigaas uu dhaawac soo gaaray waxaa la sheegay in lagu daweeyay mid ka mid ah Goobo caafimaad oo dalka ka baxsan, waxaa ku baxday qiyaastii qarash ka badan 20 kun oo Doolarka Mareykanka ah,mar kalena asxaabtiis ay halka meel ku sugnaayeen ayuu ku waayay.

Mudoo laga joogo qiyaastii Sanad ama ka badan waxaa la ii sheegay in Ceyroow uu ahaa Aabe leh Saddex Caruur ah, labo Gabdhood iyo wiil, laga yaabee in hadda tiradaas ay isbadal ku yimid, Ceyroow waxa uu leeyahay walaalo dhowr ah laakiin gabar oo kale ah ayaa ku hooyo ah, Ceyroow Hooyadiis waxaa aabahiis loo siiyay Xiskin ahaan, kadib markii ay geeriyootay Xaaskiisii hore oo la dhalatay Gabadha dhashay Ceyroow, kadibna u dhashay Ceyroow iyo Gabar kale, Ceyroow aabihiis waa uu geeriyooday, Inkastoo dadka qaarkood ay ii sheegeen in uusan Ceyroow ku sugneyn halka uu ku geeriyooday taasna waxaay keentay in uusan ka qeybgalin aaskii Aabihiis.

Qof ka mid ah dadka la dhashay Ceyroow ayaa tiri ama yiri"Mar ayaan tagay Muqdisho, waxa uu ii yimid xili habeen ah waqtigaas oo ay dalka joogeen ciidamada Itoobiya, wajigiisa waa uu iga qarsanaa, wax yar kadib isaga oo fadhiisan ayuu iga tagay, isaga oo igu yire kheyr baan kugu ogahay"

Aad uma xeeldheereen Ceyroow Xariirka uu lahaa qoyskiisa, taasna waxa ay muujineysaa markale in uu ahaa nin lahaa ujeedo fog, sida Wariye ka tirsan BBC-da uu u sheegay Ceyroow waxaa ka goneyd in uu dalka soomaaliyo ka hirgaliyo Diinta Islaamka ku dhaqankeeda, Waxa uuna sii raaciyay "anigu ma ahi nin qabiilka ku
dhaqma,taana waxaa iiga maraga in 12 nin ee ah ilaaladeyda gaarka ahi uusan ku jirin nin aniga igu qabiila"

Aadan Ceyroow waa uu ka duwanaa hogaamiyeyaasha kale waayo mar walba waxa uu gashanaa dharka dagaalka isla markaana waxaa garbka u suranaa qoriga dagaalka, mana aheyn Hogaamiye Jecel in qalabka Warbaahinta laga maqlo,Iskaba dhaaf in Isaga oo qori wata la sawirii, isaga oo caadi ah ayuu diidijiray in la sawiro, dabcan xitaa Al-shabaabka qaar badan oo ka mid ah ayuu ka duwanaa.

Ceyroow mar la weydiiyay sababaha uu qoriga ugu qaatay dadka Soomaalida ee Muslimka ah waxa uu yiri "dadku wey doonayaan in islaam lagu xukumo ee kuwa u diidan in diinta lagu xukumo ayaan qoriga u qaatay",macalin Ceyroow mar wax laga weydiiyay inta uu dagaalku soconayo waxa uu yiri "ilaa ay Soomaaliya ka hirgasho shareecada islaamka ama aan nafteyda ku waayo waan wadayaa dagaalka",Aaden Ceerow waxa uu ka mid ahaa ragga ay maxkamadaha tixgeliyaan.hadna waxa uu ku jiray raggii ka goostay maxmadaha ee shabaabka goonida u taagay.

Khabiir Arrimaha Geeska Afrika ka hadla ayaa yire:-"Ceyroow Waa mid ka mid ah aas-aasayaashii al shabaab kana dambeeyay in ay noqdaan Ciidan xoogan gaar ahaan markii la aas-aasay Al-shaab sanadkii 2005tii ayey soo baxay in uu yahay hogaamiyaha Koox Jihaadiya markaas oo ay saldhig ka dhigteen Qabuurihii Talyaaniga ee Magaalada Muqdisho, Inkastoo si joogto ah loogu tilmaamo in uu yahay taliyaha Al-shabaab, waxa ay ila tahay inay Al-shabaab leedahay Dhowr taliye, Waxaase lagu yaqaanaa in uu ahaa Taliye adag".

Dhanka Dagaalka marka laga hadlo, Ceyroow waxa uu ka qeyb galay dagaalkii itixaad ay ku qaadeen gobolada waqooyi bari ee soomaaliya horaantii Sagaashameeyadee, Waxaa la sheegaa isaga uu qiray in uu kasoo dagaalay Afghnistan laakiin ma cadda in dagaalka uu kasoo qeyb galay ee ka dhacay Afghnistan uu yahay Ki Talibaan iyo Mareykanka u dhaxeeyay,Aadan Ceyroow waxa kale ee uu ka qeybgalay dagaalkii Gedo ku dhexmaray ciidamada itoobiya iyo ururkii itixaadka isla bartamihii 1990kii,waxa uu ka mid ahaa raggii hogaaminayay maxkamadaha dagaalkii Muqdisho looga saaray hogaamiye kooxeedyadii sanadkii 2005tii.

W/D:Muxyadiin Axmed Rooble
Senior Political Journalist

Email: saadaam_7@hotmail.com

muhudin@gmail.com

Tel:+254728003737

Nairobi,Kenya
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS