Mrs. Ilwaad Cabdulaahi Maxamuud oo loo doortay Gudoomiyaha Ururka
Horumarinta iyo isku xirka Haweenka Soomaaliyeed oo saxaafadda la
hadleysay ayaa waxey ku dheeraatay ahmiyada uu u leeyahay Ururkaan
Haweenka Soomaaliyeed ee Ku nool Dalka Masar, Waxeyna Balanqaaday in uu
Ururkaan Ka Caawin Doono Dumarka Soomaaliyeed Wax Barashada iyo Arimaha
Caafimaadka Ayidoo Sidoo kale sheegtay In Ururkaan u Sameyn Doono
Haweenka Soomaaliyeed Xirfado ay ku shaqeestaan waxeyna Carabka ku
adkeysay in ay tahay Ujeedada Ururkaan Loo asaasay tahay Sidii Dumarka
Soomaaliyeed looga Hormarin Lahaa Dhan Walba.
'Ururkaan Horumarinta iyo isku xirka Dumarka Soomaaliyeed waxaan
asaasnay 26/10/2007 Lakiin dadaal badan kadib waxaa inoo suura gashay in
aan ku dhawaaqno maanta oo ay tahay Tariikhdu 01/03/2008, Waxaana Nugu
Qasbay in aan Ururkaan Asaasno kadib Markii aan aragnay baahida Loo Qabo
urur u doodo Xaquuqda Dumarka Soomaaliyeed ay leeyihiin Kana Shaqeeyo
harumarintooda' ayey Tiri. Waxeyna Intaas Sii raacisay in ay yahiin
Ujeedooyinkooda Ugu Muhiimsan ee Ururka Horumarinta iyo isku xirka
Haweenka Soomaaliyeed loo asaasay;
-ka shaqeynta Sidii ay u Heli lahaayeen Dumarka Soomaaliyeed xaquuqdooda.
-ka shaqeynta Sidii Dumarka Soomaaliyeed ay uga qeeb geli lahaayeen
Shaqa kasta.
-Ka shaqeynta sidii Raga Soomaaliyeed loo fahansiina lahaa in ay dumarku
laf dhabarka Bulsho Walba.
-ka shaqeynta iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka mar walba ka hor
taagan Dumarka Soomaaliyeed Ujeedadooda.
Waraysiyo
Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS
ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha
Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo
baxa Boosaaso... Guji