SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Abuu Mansuur Vs Sheekh Shariif

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Muqaawamada iyo Abuu Mansuur weydiideen shirkii ka socday Asmara. Anigu lafteydu si toos ah ayaan maqaal aan ku diiddanahay uga qoray. Shaki ma leh in dad badan oo daacad ah ay meesha joogeen laakiin waxaa meesha is dhexyaacayey dad tiro badan oo kala ujeeddo ah. Dad dibaha ka yimid oo damac siyaasadeed leh. Dammanayaal sheeganayey xildhibaanno baarlammaan iyo dad daacad ah oo sidaas dan moodday. Niman badan oo Xuseen Caydiid iyo Shariif Xasan leh baan ka magaacabay. Raggaan qoonsaday waxaa ku jiray sheekh Shariif laakiin waan ka gaabsaday anoo u tixgeliyey wanaagiisii hore. Laakiin hadda maaddaama uu isa soo bannaandhigay ayaan goostay inaanan ka gabban qofkaan is dhaho wuxuu khiyaamo ku wadaa qaranka Soomaaliyeed. 

Muqaawamada iyo Abuu Mansuur (iyo markii Shariif qummanaa) waxay sheegeen iney jiraan seddex cadow: 

  1. Dagaaloogayaasha Soomaaliyeed iyo wixii ku caqli ah.
  1. Tigreega iyo wixii ku xiran (Yemen, Jibuuti,….iwm.)
  1. Cadowga kale ee dibadda oo u horreeyo maamulka Bush iyo wixii raacsan.

Muqaawamada, Abuu Mansuur iyo Soomaali badan weli meeshoodii bey taaganyihiin halka sheekh Shariif bilaabay inuu cadowgii ku soo koobo Itoobiya oo keliya! Wuxuusanba fahmin in dagaalkii uu ku soo caanbaxay uusan la gelin Itoobiya ee uu la dagaalay dagaaloogayaal ay soo kireysteen maamulka Maraykanka haddaad rabto dheh CIA. Dagaaloogayaashu waa cadowga koowaad ee Soomaaliya. Wixii dowladdii hore geysatay ma Zenawi baa geystay? Wixii Caydiid iyo dagaaloogayaasha kale geysteen ma Zenawi baa shuqul ku lahaa? Markii USC-du Koonfurtoo cagta marinesay; Zenawi cidna ma aqoon welina ma noqon ra’iisul wasaare. Marka hadda ma la fahmay in cadowga koowaad yahay dagaalooge iyo waxa la shaqeysta? Abuu Mansuur waa ogyahay oo waa isaga dhaha lama fariisanayo C/hi Yuusuf, Nuur-cadde, Cabdi Qeybdiid, iyo Maxamed-dheere halka Shariifku diyaar u yahay in uu wax la qeysado.  

UN-ka uu sheekh Shariif ka sugayo iney wax u qabato; Abuu Mansuur wuxuu u arkaa qolo u shaqeysa maamulka Maraykanka. Dhabcan waa saas. Kama hadleyno hay’adaha gargaarka ee waa Golaha Amniga. Is-caawintu waa ka dhaxeysaa binu Aadamka. Markaan Tigreega ka hadleyno kama wadno waxaan la dagaaleynaa qof kasta oo u dhashay Itoobiya. Soow dad u dhashay Itoobiya ma joogaan Boosaaso? Hargeysa, Gaalkacyo iyo meelo kale? Haa. Waa dad qaxootiya oo u baahan in sidii loo caawin karo loo caawiyo. Marka hay’adaha gargaarku halkaas bey soo galayaan.  Maamulada Maraykanku waxay Golaha Amniga ugu shaqeystaan labo siyaabood: 

  1. Qofkii Maraykanku maaro u waayo wuxuu ka dhigaa sidii qof aan dabaal aqoon oo biyo lagu tuuray (wuu xanuujiyaa oo laayaa). Dabadeedna wuxuu Golaha Ammaanka ku dhahaa iska dhiga qof badbaadinaya oo soo qabta. Ka warran qof biyo ku haftoonaya ma diidayaa cid caawisa? Taasaa keentay markii sheekh Shariif u adkeysanwaayey kaneecadii, dukheyntii kaarayaasha iyo madaafiicda Itoobiya iyo tii diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka ayuu yiri Ilaahoow yaa mar gacanta i qabta. Nasiib-darro waxaa gacanta ku dhigay CIA iyo UN-ta. Muqaawamada kale oo Ilaah ku xiran waxaa badbaadiyey oo dabaasha baray Ilaah. Marka meel kasta ooy tagaan waa badbaadaan. Golaha Amnigu intuusan gacanta ku qaban wuxuu shuruud kaaga dhigayaa inaad ogolaato waxay wataan. Waxay iska dhigaan iney maamulka Maraykanka ka madaxbannaanyihiin oo ay dhexdhexaad yihiin. Laakiin si ka khiyaamo badan seddexdaas cadow ayey noola xaalaan.
  1. Haddii qof Soomaaliya oo raba inuu dadkiisa Soomaaliyeed ee biyaha ku hafanaya ka badbaadsho waxaa isa soo taagaya Golaha Ammaanka oo oranaya: adigu waxaad ka timid Koonfur marka ma badbaadin kartid qof ka yimid Punltand iyo Somaliland. Waxay leeyihiin haddaan kuu deyno waad sii hafineysaa/quusineysaa! Marka raalli ahoow oo ku ekoow qabiilkaaga! Iyaga keliya wax badbaadsha! Markaad guuleysato iyagaa ku hor istaagaya. Soow iyaga ma ahayn wixii maalmo ka hor intaan Zenawi soo weerarin Xamar kuwii qaaday cunaqabateynta hubka? Waxay dhaheen qeyb ka mid ah! Zenawi waa cadow oo waa la fahmi karaa weerarkiisa laakiin waxaa ka liita kuwa iska dhigaya iney adduunka metelaan oo sidaas oo kale cadowgaaga ula shaqeynaya. Marka kuwii shalay sheekha dharbaaxay ayuu hadda isu dhiibay.

Waxaa kaloo muhiin ah in aan milicsanno markii dagaaloogayaasha laga saarayey Xamar waxaa hub-wareejinta tagijiray oo ka khudbeynjiray rag ay ka mid ahaayeen: Ceyroow iyo Abuu Quteyba Allaha u naxariistee sidoo kale waxaa ka mid ahaa Abuu Mansuur, Fu’aad Shangole iyo sheekh Shariif. Qof kasta oo khudbad jeediya wuxuu oran jiray waxay ka tahay dar Ilaah. Waxay sheegijireen iney u istaageen iney dalka ka difaaceen cadowga gudaha iyo kan dibadda (seddexdii cadow ee  kore). Markii Itoobiya qabsatay waddanka Xasan Daahir Aweys, Abuu Mansuur iyo Fu’aad Shangole waxay joogeen Xaramka. Sheekh Xasan iyadoo Xajkii maalmo ka dhimanyihiin buu dib ugu soo noqday Xamar. Ma oday lix sano ka weyn baa isagoo Xaramkii jooga dib u soo noqday si uu Itoobiya ula dagaalo? Yaa sameyn kara? Kolley anigu ma sameyn karo. Abu Mansuur iyo Fu’aad Shangole markey Xajkii dhammeysteen ayey iyana saaxiibadoow oo ku go’doonsanaa keymaha ku soo laabteen. Iyana waa ka dhabeeyeen ilaa hadda ballantii ay qaadeen. Yaa sameyn kara? Kolley anigu ma sameyn karo. 

Sheekh Shariif oo BBC-da ka lahaa ma jiro cid nooga badan halganka in kastoo la heli karo cid iila mid ah! Soomaalaay maanta idiinkaa markhaatiya ee arrinta marag ka noqda. Miyaan sheekh Shariif markuu u adkeysan waayey kaneecadii dhoobeyda sidoo kalana ay jiif iyo joog u diideen daryankii madaafiicda iyo gantaalaha Itoobiya iyo Maraykanka uusan soo aadin xadka innaga iyo Kenya noo dhaxeeya? Miyuusan soo-dhoweyn ka helin mid ka mid ah seddexdii cadow –maamulka Bush? Halka Abuu Quteyba uu ku dhintay dagaalladaas miyaan sheekh Shariif lagu soo dhoweyn daaro ku yaal Kenya? Ilaah baan idin ku dhaarshee ma la simi karaa raggaas iyo sheekh Shariif? Sida Ilaahay Qur’anka ugu dhaho Afsoomaali ahaan: Mu’miniinta waxaa ka mid ah rag ka run sheegay waxay Ilaahay kula ballameen. Qaar waa ku dhinteen (cidna Ilaahay uga tazkiyeynmeyno laakiin Abuu Quteybah iyo Ceyroow baa ka mid ah), qaarna waa sugayaan (cidna Ilaahay uga tazkiyeynmeyno) laakiin waxaan rajeyneynaa in Abuu Mansuur, Fu’aad Shangole iyo ragga la midka ah ay ku jiraan. “WAMAA BADDALUU TABDIILAA” waxna iskama bedelin. Marka yaa is bedbedelaya? Ilaahay fadligiis Abuu Qutuyba iyo Ceyroow kuma dhiman xabbad ay soo rideen Ashahaado-la-dirir. Haddii taasi dhici lahayd waxaa dadka qaarkiis is oran lahaayeen waa dagaal sokeeye waxaana dhici kartay in qaar is dhahaan si aan fiicneyn bey u dhinteen laakiin waxaa si xaqdarro u dilay Maraykan iyagoo jooga ciiddoodii hooyo. Ma lihi dadkii ku dhintay xoreyntii Xamar iyo meelo kale kheyr looma rajeynayo. Insh Allaah kulligood kheyr baa loo filayaa. 

Waxaan ka arkay sharraxa kitaabka Ujrumiga isagoo leh: waqtiga dhibaatadaa la bartaa qofka walaalka ah. Dadka ku jihaadaya Tigreegu ma simi karaan Abuu Mansuur iyo sheekh Shariif? Kitaabkaas wuxuu sidoo kale sii yiri isagoo xusaya mar Cumar Binu Khidaab (RC) uu weydiiyey Camri Binu Dii-Macdiyakrib (RC) dagaalka. Camri wuxuu yiri: markii dagaalku shidmo oo dhudhumada la feyto, waa la fahmaa kii ku samra; sidoo kale waa u dhammaataa qofkii daciif noqda. Marka Shariifku waa ka soo cararay dagaalkaas marka isaga iyo muqaawamada gudaha joogta ma sinna. Shariifoow kaligaa kuma ahid cararka. Anigu waan kugula jiraa oo waxaan Soomaaliya uga soo cararay inaan anna la idilin, aniguna aanan cidna dilin. Marka waxa qurbaha jooga oo dhan baad isku jaal tihiin. 

Sheekh Xasan Daahir waxaa u dhisan niyadda oo wuxuu ku mowqif noqday raggaas akhyaarta ah oo aan xusnay halka sheekh Shariif ay isku jaal yihiin Shariif Xasan. Sharii Xasan waa ninkii Soomaaliya soo gashay Tigreega. Markii Maxamed-dheere ka soo ceyrshay C/hi Jowhar yaa korneylka kusoo dhoweeyey Baydhabo? Yaa isagoo Qanyare iyo Muuse Suudi xulufo la ah ku xirtay C/hi oo Cadan ka dhacay? Yaa isagoo Baydhabo leh shirbaan guddoominayaa ay hortiisa waardiye ka ahaayeen Tigree? Yaa haddana ku soo biiray Maxkamadaha? Yaa hadda dib ugu noqonay Tigree iyo C/hi? Xasuuso heestii gabadhii lahayd: 

  • anoo Baladxaawo jooga muxuu Bari iiga yeeray
  • markaan Boosaaso gaaray muxuu Burco iiga heesay

Aakhirkii waxay gabadhu tiri: 

  • haddaan boqsadoo ka reysto
  • sidaan uga booday caashaq
  • jacaylba haddaan u booyo
  • haddaan nin dambe u baroorto
  • aniga belaayaba ha iga raacdo

Goormaa sida gabadhaas, Shariif Xasan iyo inkaar qabayaasha kale ee Soomaaliyeed ka bogsoondoonaan xukun iyo lacag-jacaylka? Ma filayo in daawo loo helayo. Xataa Ashahaato-la-dirirkii la ogaa wax ku dhacay weli waxay u soo taaganyihiin jagooyin iyo xukun! Been ma sheegayo waxaa inkaartu ku dhacday waa shacabka Soomaaliyeed. Saa waa iyaga waxa soo dhoweysta cid kasta oo dhawaaqda. 

Sheekh Xasan Daahir wuxuu uga duwan yahay Abuu Mansuur iyo Fu’aad waa isagoo wax is huwan kula shiray Asmara. Muqaawamada iyo dadka wax qora qaarkood waa ka digeen shirkaas. Sidee  Sheekh Xasan iyo dad la mid ah uga hoosbaxday iney sheekh Shariif madax ka dhigaan iyagoo og sheekadii ku qabsatay Kenya? Soow waxaan ka digaynay maanta ma taagna – labada sheekh kala cesha? Fiicnaan lahaydaa inaad sheekh Shariif ku dhihi lahaydeen inuu dadkiisa dhinac ka raaco ama Xamar aado laakiin aan marna madax laga dhigin. Faa’iidada ugu weyn ee shirkii Asmara waxaa gaaray maamulka Maraykanka iyo Golaha Ammaanka. Waxaa madax ahaan lagu dhawaaqay ninkii ay wateen – sheekh Shariif. Waa isagu sheekhu Jimcihii lahaa ma jirto cid ka qaadi karta jagadaas. Markey ugu yaraato waxaa loogu yeerayaa garab ka mid garabyada Asmara. 

Sidii uu soo qoray C/Kariim Hirsi, sheekh Shariif wuxuu ka yiri Jibuuti in ururkiisu yahay urur nabad ah oo loo dhisay inuu Soomaaliya ka metelo golayaasha ay isagu yimaadaan beesha caalamka! Haddiiba ururka magaciisa la dhaho dib-u-xoreyn marka ma garanayo meesha sheeku ka keenay sheekadaas. Marka haddii uu sheekhu af waddan ku xoreyn karo haddee waa loo fadhiyaa. Marka xisbiyo laga hadlayo waxaa jira labo xisbi – XIZBULLAAHI (kama hadlayo Lubnaan) iyo xisbi-sheydaan. Waxaan shaki lahayn seddexdii cadow oon soo sheegnay ineysan ka mid ahayn xisbiga Ilaahay. Marka sheekhu ha ogaado inuu ku biiray xisbiga sheydaanka. Sidoo kalana ha ogaado in xisbiga Ilaahay ay guushu ku dambeyndoonto. 

Dad badan oo diin laga ururinyo ayaa meelaha kaga hadaaqa sheekhu wuxuu rabaa inuu si qunyar socod ah talada waddanka kula wareego kaddibna uu diinta Ilaah nagu dhaqo! Waxaysan xisaabta ku darsan sidii horay loo sheegay Xamaas iyo Falastiin. Ma filayo in si ka xirfad badan sidii ay doorashooyinka Xamaas ugu guuleysatay ciddi ku imaan karto doorasho sidaasooy tahay marna ma cajab gelin maamulka Maraykanka. Xamaas oo xukunka heysa waxba kama difaaci karto waddankeeda halka XIZBULLAAHIDA Lubnaan aan iyagoo xukun heyn ay waddankeeda sidii la ogeyd u difaacday. Sababtu waa iyagoo aaminsaneyn sheekooyinka ay Ikhwaanulmuslimiinku ku wareershaan shacabka iyagoo sheegi jiray in qaabkii Xamaas ku timid xukunka uu yahay kan ugu fiican. Waxaysan xisaabta ku darsan in cadowgaagu uusan kala jecleyn dariiqaad ku imaaneyso ee mar kasta kaa hortaaganyahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Taasina wax uma  Xamaas. Marka haddaadan halganka u marin sidii la rabay hadhoow baa laga shallaayayaa. 

Waxaan shaki lahayn in ciddii Shariif Xasan iyo wax la mid ah faraqa ku xirata belaayo u dambeyso. Miyaan laga weynaan san-dareeradii ay ku haligmeen dagaaloogayaashu? Mar horaan dagaaloogayaasha u soo qaatay sheekada ninkii lahaa ari ay ku jirto lax marka arigu foofo inta dib usoo guryo noqota cabta wixii ciir iyo caano meesha yaal. Maalintii dambe baa reerkii guuray. Markii duhurkii la marayo baa ninkii yiri war meeday laxdii ciiro? Arigii waa laga waayey markaasaa ninkii yiri: Ilaahay waan aqaan. Caallihii/waraabihiina waan aqaan. Laxdii Ciirana waan aqaan. Wuxuu yiri Ilaahay laxdaas iyo dhurwaa is gefsiin mahayo iyadoo is leh gurigii laga soo guuray ciir iyo caano ka soo cab. Ninkii dib buu ugu soo noqday meeshuu ka guuray. Laxdii oo leh guriga ciir ka soo cab baa dhurwaa dhex ka helay. Sidii ninku sheegay bey noqotay oo wuxuu is kortaagay raqdeedii. Dagaaloogayaasha sidii baa ku dhaxday markay isku dayeen iney afduubaan wadaadada oo waa tii Ilaahay belo kaa raaciyey. Marka haddii sheekhu uu ka soo haro halkanka loogu jiro in dagaaloogayaasha iyo Tigreega waddanka laga saaro waxaan filayaa in sidii laxdaas ay ceebi u dambeyso. 

Waxaan ka dignay shirkii Asmara inuusan faa’iido keeneyn sababtaan xusay darteed. Marka iyagaa labada Shariif jago u dhiibtay. Waxa labada Shariif keenaan waxaa wax ku yeelnaya Sheekh Xasan Daahir, Zakariye iyo waxa la halmaala. Maxaad hadda la qeylineysaan haddaad maalin walba shacabka aad wareerisaan? Abuu Mansuur, Fu’aad iyo saaxiibadood waa idin ka saxsanaayeen markay ka biyo diideen shirkaas. Marka waa caddahay iney waddo sax ah ku taaganyihiin.

Muqaawamadu halkoodii bey taaganyihiin. Cadowgii ay sheegi jireen bey cadow u arkaan halka sheekhu uu Jimcihii dhowaa ka lahaa: inuusan ogeyn cadow aan Itoobiya ahayn! Wuxuu yiri haddii Itoobiya baxdo maxaa loo dagaalayaa? Isagu muxuu 2006 u dagaalay? Mise dagaaloogayaal baa dhamaaday? Dagaalkaas Itoobiya shuqul kuma lahayn oo dagaaloogayaashaasi waa ka soo horjeedeen Zenawi? Haddeysan nimankaasi cadow ahayn maxaa loo laayey ama loo ceyrshay? Maxaa hubkoodii iyo hantidoodii loo qabsaday? Miyaadan u jeedin sida uu sheekhu u gabi dhexyeynayo? Inkastoon horay usoo qoray haddana waxaa si xallad leh sheekha su’aal u weydiiyey dhegeyste Hargeysa jooga oo yiri: adigoo dhul, hub, ciidan heysta baad diidday inaad Itoobiya horfariisato marka maxaa maanta ku wada? Markuu ka warwareegtay ayaa Yuusuf Garaad ku ceshay laakiin sheekhu qosolgariir buu ka qaaday. Waxaan maqli jiray belaayo waa tii kaa qoslisa. Waxaan sheekha ku leeyahay cadowgeenna koowaad waa dagaaloogayaasha iyo waxa la halmaala. Tigreegu waa labaad laakiin waa waajib in waddanka laga saaro. Marka haddaad seddexdii cadow aad mid ka soo reebtay haddee adaa Ilaahay la hortagin. Waxaan aaminsanahay waxa ku raacsan waa boqollaal qabiil kugu taageersan. Iyo boqollaal aad isku mabda’ tihiin oo aaminsanaa sheekho kale. Hadday run noqoto in Itoobiyaanku hubeeyeen ururkii Ashahaado-la-dirirka qaarkood waxay u egtahay iney rabto iney Xamar kusoo celiso dagaalkii sokeeye sidii kii afarta bilood iyo wax la mid ah si iyaguna uga baxaan iyagoo ku dhaafayaan isbaarooyin iyo Ashahaado-la-dirir. Korneylka muxuu sameyn? Waxaa dhici karta in la yiraahdo ku noqo Puntland oo shidaal ka qod! Marka sheekhu wuxuu duudkiisu noqday buundo uu cadowgaasi u isticmaalayo inuu usoo tallaabo dhinaca muqaawamada si loo wiiqo. Laakiin tan Ilaah baa socon

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Maxaynu Bakhtiga Ugu Afureynaa (Shirka Jibuuti) akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | June 17, 2008

BAARID | SEARCH


Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS