SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Beesha Tanade (Leelkase) ee degan waamo oo dooratay suldaan cusub

Xaflad aad loo soo agaasimay ayaa si habsami ah dhowaan uga dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose. Xafladaas oo lagu caleemo saaray suldaan Cali Salaad Cusmaan oo noqday suldaanka rasmiga ah ee beesha Tanade degaankeeda waamo, Waxaa Xafladdaasi aad uga soo qayb galay dadweyne Soomaaliyeed oo ay horkacayeen suldaano, isimo, ugaasyo iyo waxgarad badan oo ka tirsan dhamaan beelaha Soomaaliyeed ee Jubooyinka iyo Gedo

Suldaan Cali Salaad Cusmaan oo ku magic dheer Suldaan Cali Sokor waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay oo uusan ka gabanayn howsha culus ee hortaala asagoo uga mahad celiyey beesha dooratay iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee soo xaadirtay caleemo saarkiisa wuxuuna yiri “ Balantii aan idiin qaaday waan oofin insha Allah”

Suldaan Cali Salaad Cusmaan ayaa balan qaaday inuu sii wanaajin doono xiriirka beesha tanade ee waamo iyo dhamaan beelaha deriska kula ah jubooyinka isla maarkaana uu diyaar u yahay ka qaybqaadashada dib u heshiisiinta hadday ahaan lahayd jubooyinka ama guud ahaan Soomaaliya.

Suldaan Cali Salaad Cusmaan oo lagu yaqaan fir fircooni iyo wanaag badan ayaa la soo weriyey in horeba loogu yeertay dhexdhexaadinta beelo walaalo ah oo degan waamo oo dhowaani doodi ka dhex aloosantay.

Hussein Hurry xhurry56@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2008

BAARID | SEARCH


qaadGen. Cadde Muuse oo Amar ku bixiyey in Qof Qaadka Cuna aan Shaqo Laga Siin Shirkadaha Sahaminta Batroolka....
iyo Guddoomiyaha Degmada Ufayn oo caro ka mujiyey Cidda shaqada u qoreysa shirkadaha Sahaminta degaankaas... Akhri... June 2

Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS