SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowlada Boqortooyada sucuudiga oo mucaawino dhaqaale gaarsiisey Ganacsato Soomaaliyeed oo hantidooda lagu boobey K/Afrika. 
 

Waraysi: Dhegeyso Masuuliyiin ka tirsan SASA ama Halkan (MP3)

Sidoo kale dhegeyso Cododka Dadweynaha ama (MP3)

Illaa 35 qof oo ganacsato Soomaaliyeed ayaa ka faa段ideysatay mucaawino dhaqaale oo hey誕da samofalka ugu tallogaleen in eey ku caawiyaan Soomaalida lagu boobey K/Afrika, mucaawinada oo lasoo mariyey ururka jaaliytada Soomaalida dalkani (SASA) ayaa maanta dadkii loogu tallo galay lagu wareejiyey.

Deeqda dhaqaale oo badeeco ahaan lagu siiyey ganacsatada ayaa gaaraysay boqolaal kun oo lacagta dalkani ah, waxaan lasoo mariyey ururka SASA oo isagu ahaa kan markii hore gudbiyey codsiga Soomaalida ku hanti beeshay boobabka dadka Dhibaateysan. 

  • Sawirka midig: Dr. Carte, Cali Saciid oo lagu wareejinayo Voucher-ka iyo qaar ka mida ganacsatadii ka faa'iideysatay mucaawinada..
  • Sawirka bidix: mucaawinada.

Dadka wax la siiyey waxay gaarayeen 35 qof oo ahaa dad dukaamadooda lagu boobey agagaarka caasimada Pretoria bishii Maarso, goortaasoo dhibaatadooda safaarada u gudbisey Jaaliyada, qofkiiba waxaa la siiyey Voucher (Shati) ay ku qorantahay R20,000, una dhiganta $2,000 (labbo kun doolar) oo badeecad ahaan waxay rabaan lagu siinayay ,  Sheeikh Cumar Axmed, Bashiir AMaxamuud Xuseein iyo Cabdi faarax Cumar oo ka mid ahaa dadkii maanta badeecada mucaawinada ah ka qaatay goob laga dukaamaysto oo ku taala Caasimada Pretoria ayaa sheegey in eey aad ugu faraxsanyihiin mucaawinada walaalahood islaamka ah ey soo gaarsiiyeey, waxayna sheegeen in eey wax baddan ka tari doonto dhibaatada heysa. 

Mas置uliyiinta Jaaliyada oo eey ka midyihiin Mudane Cali Siciid iyo Dr. Claahi Carte ayaa goobjoog ka ahaa meesha badeecada lagu gudoonsiinayay dadka Soomaalida ah, waxayna sheegeen in eey tahay talaabo hormar leh, oo eey dadka Soomaaliyeed aad ugu farxeen.  Mas置uliyiinta ayaa ka hadlay in dhibaato baaxad leh ay Soomaalida soo gaartay, eyna jiraan boqolaal dad ah oo ku hanti beeley rabshadihii dalka ka dhacay,kuwaasoo iminka aan heysan wax ay ganacsiyadooda dib ugu bilaabaan, waxay sheegeen in deeqda hadda timid ey ku timid magaca dadkani hadda la siiyey oo dabcan ka horeeyey xiliga rabshadaha ay xoogooda dhaceen, waxay intaasi ku dareen in ey filayaan mucaawinooyin kale oo markaasi wax loo qaban doono dadka hadda aan ka faa段ideysan mashruucani. 

SASA ayaa waxaa u diiwaan gashan illaa 700 qof oo ganacsiyadooda la boobey, oo u baahan in la kabo oo badeecooyin ey wax ku biloowdaan la siiyo, dadka diiwaanka ku jirra ayaa ah kuwa heysta cadeyn dhanka police-ka  ah oo muujineysa meesha uu dukaanka ku lahaa, dhibaatada gaartay iyo baaxada qasaaraha maaliyadeed ee gaaray, waxay sheegeen saraakiisha SASA in eey diiwaankaasi horey u gudbiyeen, xagga dowlada iyo hey誕daha qeyriga ahba, isla markaana ay filayaan in dhowaan ay mucaawino timaado, mucaawinada oo aan lacag aheyn, oo ah badeecado tii aad doonto oo dukaanka aad ku camireysid ayaa waxaa marka labbaad ka faa段ideysan doona dadka diiwaanka ku jirra.  

Waa markii labaad oo jaaliyada SASA sanadkani dhexdiisa ay mucaawino deeq dhaqaale ey gaarsiisey dad barokacay, laakiin deeqdani sacuudiga ka timid ayaa aheyd tii ugu badneyd ee dhawaanahan timaada.

C/Nasir saxansoxo. Email: saxansoxo1@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com |  July 26, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS