Cudur maskaxeedka loo yaqaan ”Autism” oo ku soo badanaaya caruurta
soomaaliyeed ee qurbaha.
Hordhac
Cudurka ku dhaca maskaxda qaybaheeda kala duwan ee loo yaqaan ”Autism”
ayaa si aad iyo aad ah ugu soo badanaaya caruurta soomaaliyeed ee ku
dhaqan qurbaha. Arinkan ayaa saxaafada caanka ah ee mareykanka iyo yurub
ay bilihii lasoo dhaafay aad wax uga qoreen. Waxaan qoraalkan ku soo
qaadan doonaa laba baaritaan oo kasoo baxay wadanka mareykanka iyo
sweden. Balse inta aanan u gelin baaritaanadaas waxaan waxyar ka
sheegaynaa waxa uu yahay cudurkani iyo sida uu maskaxda u waxyeeleeyo.
Cudurka maskaxda ku dhaca ee autism-ka waxaa uu waxyeelaa qaybo
muhiim u ah maskaxda. Taasi waxaa ay keentaa in qofka cudurkani qabaa
aanu sameyn karin xiriirka caadiga ah ee uu la yeelan karo dadka kale.
Qofka cudurkaan qabaa waxaa uu leeyahay dhaqan gaar ah oo ka duwan midka
dadka caadiga ah. Cudurkani waxaa uu ku dhacaa caruurta gaar ahaan inta
aaney gaarin saddex sanno jir. Caruurta cudurkaan qabaa waxaa ay dunida
ka haystaan aragti ka duwan midka caruurta caafimaadka qabta.Caruurta
qaba cudur maskaxeedka autism-ka waxaa ay u baahan yihiin kaalmo
dheeraad ah si ay u fahmaan waxyaalaha ka dhacaaya aduunka inagu
wareegsan.
Tusaale ahaan, ilmaha caafimaadka qabaa waxaa uu si sahal ah isugu
xiri karaa xiriirka ka dhexeeya qosolka iyo farxada. Balse ilmaha qaba
cudurka autism-ka waa ku adag tahay inuu labadaas arimood isku xiro.
Caruurta cudurkaan qaba siyaabo kala duwan ayaa calaamadihiisu uga soo
baxaan. Qaar baa hadalku ku adag yahay, qaarna maba hadlaan, qaarbaa
socodku dhibaa ama si gaar ah u socda. Fahamka caruurtaas ayaa isgana
aad waxyeelo u gaartaa, taas oo keenta iney u baahdaan iskuulo gaar
ah.Cudurkan autism-ku waxaa uu leeyahay heerar kala duwan, waxaa jira
mid sahal ah, mid meel dhexaad ah iyo mid aad u daran. Ilmaha uu ku
dhacaa dudurkaan waxaa ay badankood u baahdaan caawinaad joogto ah.
Baaritaano la sameeyey
Maqaal dheer oo ku soo baxay joornaalka la yiraa Dagens nyheter ayaa
waxaa uu aad uga hadlay cudur maskaxeedka autism-ka. (http://www.dn.se/DNet/jsp/polopoly.jsp?a=804604)
Cudurkaas oo aad ugu soo badanaaya wadanka sweden. Maqaalku waxaa uu
salka ku hayaa baaritaan ay sameeyeen laba dhaqtar oo iswiidhish ah oo
lakala yiraa; Susanne Bejerot iyo Mats Humble, Labadan dhakhtar waxaa ay
qoraalkooda si gaar ah ugu magacaabeen in caruurta soomaaliyeed ee ku
dhaqan sweden ee cudurkan qabaa ay aad usoo badanayaan.
Waxaa ay yiraahdeen dhaqaatiirtu: “cudurkani kolkii uu ku batay
caruurta soomaalida ah ee dalkaan ku dhaqan ayaa waalidiintu waxaa ay u
bixiyeen; cudurkii sweden”
Dhaqaatiirtu waxaa ay baaritaankooda ku sheegeen in cudurkani uu ku
badan yahay caruurta soomaaliyeed ee ku nool qurbaha kolkii la garab
dhigo kuwa ku nool wadanka soomaaliya. Sababahaan soo socda ayaa ka mid
ah arimaha dhaliyey in caruur badan oo soomaali ah uu ku dhaco cdurkan
autism-ka ayey dhaqaatiirtu yiraahdeen.
- Viitamiinka D ee meelaha laga helo ay ka mid tahay
iftiinka qoraxda ayaa ku yar caruurta soomaalida ah. Guud ahaan
wadanka sweden oo ku yaala cirifka waqooyi ee yurub ayaa waxaa aad u
yar bilaha la helo iftiinka qoraxda. Iftiinka qoraxdu waxaa uu
dhisaa qaybaha kala duwan ee lafaha. Dadka jirkoodu madow yahay ayaa
u baahan iftiin qoraxeed aad u badan si jidhkoodu u sameeyo
vitamiinka D. Waxaa kaloo qofku ku heli karaa viitamiinkaas muhiimka
ah isagoo cuna noocyada kala duwan ee kaluunka. Weliba kaluunku waa
inuu noqdaa mid baruur leh. Jirka oo uu ku yaraado ama aan haysan
viitamiin D waxaa kale oo uu keenaa in qofku isku buuqo
(depression). La aanta vitamiin D waxaa kale oo uu horseedaa cuduro
kale sida; kuwa ku dhaca wadnaha, lafaha oo aad u jilca iyo weliba
cudurka kaadi macaanka (diabetes).
- Isbedelada kala duwan ee ku dhaca degaanka ayaa iyaguna noqon
kara qayb ka mid ah sababaha keena autism-ka.
- Sabab kale oo aaney soo qaadan dhaqaatiirtani balse lagu soo
qaatay baaritaano kale ayaa cudurka autism-ka ka dhigeysa mid
dhalaxtooyo. Joornaalka wax ka qora arimaha sayniska ee la yiraa:
the journal Science ayaa baaritaan uu sameeyey waxaa uu kaga hadlay
waxa la yiraahdo “shared ancestry to autism” Taas oo loola jeedo
cudurada ay suurta galka tahay iney qaadaan caruurta ay iska dhalaan
dadka qaraabada ah ee is guursada. Baaritaano lagu sameeyey ilmo ay
dhaleen dad badan oo qaraabo isu dhow ah ayaa waxaa laga helay
noocyo ka mid ah cudurkan autism-ka.
Baaritaan kale oo ay sameysay haweeney joornaaliiste ah isla
markaasna wax ka dhigta iskuulada Minneapolis ee wadanka mareykanka
ayaa baaritaan dheer iyo qoraalba ka sameysay cudurkan autism-ka oo
fara kulul ku haya caruurta soomaaliyeed ee ku dhaqan guud ahaan
wadanka mareykanka gaar ahaana minneapolis.
Naagtaas baaritaanka sameysay oo magaceeda la yiraa Elizabeth Gorman
yiraa ayaa waxaa ay aad isu weydiisey sababta keentay in caruurta
soomaaliyeed ee qaba cudur maskaxeedka autismku ay ku soo badanayaan
minneapolis.
Qoraalka gabadhaan oo dheer ciwaana looga dhigay:
“A mysterious connection: autism and Minneapolis' Somali children”
waxaad ka akhrisan kartaa ciwaankan soo socda: (http://www.minnpost.com)
Maxaa inala gudboon?
Haddaba suŕasha isweydiinta mudani waxaa weeyaan : Maxa inala
gudboon?
Suŕal kasta waxaa ay ku haboon tahay in la weydiiyo, baaritaankeedana
loo xilsaaro dadka aqoonta gaarka ah u leh. Sidaas darteed arintani
waxaa ay u taalaa dhaqaatiirka soomaaliyeed ee takhasuska iyo cilmiga u
leh cudurkaan aan kor kusoo sheegnay.
Aniga oo ah isu soo duba diraha qoraalkaan wax cilmi ah haba yaraatee
uma lihi arimaha caafimaadka. Balse waxaan ahay dhaqaale yahan iyo
macalin. Waxaan iska xilsaaraa kolba intii aan ka gaaro inaan bayaamiyo
waxyaalaha ku saabsan arimaha bulshada, anigoo rajeynaaya iney bilow u
noqoto baaritaan ay sameeyaan dadka arinka cilmiga u leh.
Cudurkaan Autism-ka waa mid haddii aan nahay soomaali aynaan u lahayn
cilmi badan isla markaasna aynaan ka haysan wax khabaar ah oo badan.
Waxaa ay u badan tahay inuu mugdi badani inagaga jiro waxyaalaha lagu
garto cudurkaan, sidii loo barbaarin lahaa ilmaha cudurkan qaba iwm.
Taas waxaa kasii daran ineynu weli cudurada qaarkood u aragno kuwo ceeb
ah oo aan la sheegin. Inagoo weliba ogsoon wax walba in eebaha awooda
lihi keeno.
Haddaba waxaan ku dhiiri gelinayaa dhaqaatiirka soomaaliyeed iyo
ardayda soomaaliyeed ee barata culuunta caafimaadku iney il gaar ah ku
hayaan cudurkaan ku fidaaya caruurteena. Isla markaasna ay isku dayaan
iney baaritaano gaar ah ku sameeyaan. Arintaas waxaa lala kaashan karaa
dhaqaatiirta ajnebiga ah ee horay u baartay.
Mahadsanidin
C/risaq
Maxamed Xuseen
Eskilstuna, sweden
habdirisak@hotmail.com
2002:
Dhakhtar Sheegay in Cudurka Sonkorowga oo Ku Soo Badanayo Soomaalida
Maraykanka....