SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shacabka Puntland oo soo dhaweeyay Murashax Cumat Cali Farjac

Bosaaso:- Mudooyinkan waxa soo baxay baaqyo taageero ah oo ka imanaya dhanka Bulshada reer Puntland kuwaasi oo soo dhaweeyay Murashaxa u taagan Madaxtinimada Puntland ee horaanta sanadka 2009-, shacabka Puntland ayaa sheegay in Murashac Cumar Cali Farjac uu yahay kan kaliya loo wakhtigan is bedel ku keeni kara Puntland.

Murashax Cumar Cali Farjac oo haatan Abaaul iyo kulamo kula leh Jaliyadaha Puntland ee Dibada kaasi oo ujeedkiisu yahay inuu taageero ka helo Bulshadiisa uu hogaamin doono.

Camar Cali Farjac ayaa waxa soo bandhigay wax qabadkiisa isaga oo sheegay inuu xooga saaro arimaha Amaanka, Caafimaadka iyo waxbarshada, isaga oo aad uga hadlay hadii uu ku guulaysto korisga Puntland uu keeni karo Is bedel xoogan.


Cumar Cali Farjac

Murashaxa ayaa sheegay dhanka kale in wakhtigan Puntland ay soo food saartay Amaan xumo taasi oo loo baahanay in bulshada Puntland la badbaadiyo, Cumar Cali Farjac ayaa ah nin aad aqoon u leh isla markaana hogaaminkar Bulshada wayn.

Dhawaan bay ahayd markii uu Cumar Cali Farjac kulamo la qaatay Isimada Puntland isaga oo ay sheegeen in loo baahany yahay inuu noqdo kan kaliya ee hogaamin kara Puntland si looga baxo dhibaatooyinka badan ee soo food saaray reer Puntland oo ay ugu horeeyaan Amaan xumada baahsan.

Somalitalk.com/Bosaaso

Faafin: SomaliTalk.com |  July 18, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS