SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Bil-guuradii ka soo Wareegtay “Shirkii Jibuuti”

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Bil markey ka soo wareegtay heshiish-ku-sheeggii Jibuuti ka dhacay waxaa bannaanka isa soo dhigay waxyaalo cusub oo aysan xisaabta ku darsan qolyihii is diray ee heshiiska la saxiixday maqaar-saarka Zenawi. Naguma cusba in la arko dad iskood cid u taageera oo makhaayadaha iyo meelaha la isugu yimaado ka murma – fadhi-ku-dirir. Sidoo kale waa naga bateen in la arko qof ama koox ummad dhan iska afduubta oo siday rabaan ka yeela – dagaaloogayaal laakiin dhaqan muslim iyo mid gaalo lama hayo koox aan cidna matelin oo leh cid baan wax u saxiixeynaa! Waa arrintaas tan keentay in aan la dilin ergi la soo dirtay. 

Bisha la sugayey in uu heshiiskaas dhaqangalo waxaa soo kordhey waxyaalo badan oo shacabkii iyo gumeysigiiba ka yaabiyey. Kooxihii muqaawamadu waxay toban-jibbaareen weerarradii ay ku hayeen gumeysiga madoow ilaa ay gaareen heer ay si toos ah ula dagaaleen Tigreega meelo ka baxsan Xamar sida Matabaan iyo Guriceel. Waxay Itoobiya ka horjoogaan Baladweyne saacaddaan aan maqaalka qorayo. Waxay weeraraan meeshay rabaan sida Baydhabo, Daynuunaay, Ballidoogle iyo meelo kale. Waxaa la arkayaa madaxda muqaawamada oo iyagoon qofna ka baqeyn ka khudbeynaya magaalooyinka waaweyn. Taasi waxay farriin u tahay in is-dirayaasha heshiiska saxiixay gartaan ineysan cidna matelin. Marka waxaa Ilaahay soo dedejiyey ceebtii igu weyneyd ee ku dhacda qof hogaamiye sheegta. Ogoow, qofku hadduu dagaalooge sheegto waxaa dhici karta in loo seeto dheereeyo oo uu muddo ceysho laakiin haddii arrintu gesho diin iyo kacdoon waxaa si dhaqso ah u soo daahira wixii dulmi wata. 

Markii heshiiskaas bil ka soo wareegtay waxaa la arkay Ashahaado-la-dirir ka soo muuqday bakhaarkii galleyda ee Baydhabo iyo iyagoo hub ku heysta Kaaraan! Sheekh Shariif iyo Nuur-cadde waxay shacabka u sheegeen in xabad-joojini dhaqan galeyso wixii loo gaaro 10/07/08 ama dheh bil kaddib heshiiskii Jibuuti. Muuse Suudi oo tikniko ku naalloonaya iyo nabad taabogashaa isma qabato! Waa arrintii: QAALALLAAHU TACAALAA iyo qulaankaanu fas weeye isma qaadan karaane qaalliyoow kala daa! Oo yaa Qanyare u gacanhaatiyey? Ma qolyaha ay isku heybta yihiin oo sheekh Shariif la socda? Muxuu sheekhu u rabaa in Goluha Ammaankuna u ogolyihiin in Muuse Suudi hub heysto halka aan loo ogoleyn in Abuu Mansuur iyo Fu’aand Shangole aysan heysan Karin? Wixii Zenawi sameeyo waxaa raalli ka ah Gololaha Ammaanka/Bush. 

Maqaal aan maalmo ka hor soo qoray ayaan ku sheegay in Gabre rabo inuu Soomaaliya iskugu diro qaab qabiil. Weliba anigu shacabka kama qarine waxaan iri waxaa soo socda dagaalkii afarta bilood anoo xusay in Abgaal iyo Habargidir la isku soofeynayo. Waxaan kaloo dadka u sheegay in markuu sheekh Shariif lahaa: haddii Itoobiya baxdo yaa lala dagaalayaa inuu ka wato dhagar iyo khiyaamo. Waxaan maqaalladaas ku sheegay in uu ku soo caanbaxay dagaalkii uu la galay dagaaloogayaasha marka haddaan cadow aan Tigree ahayni jirin muxuu ula dagaalay dagaaloogayaasha? Mise sidii Fircoon buu dadka ku leeyahay: idiin ma arko waxaan arko waxaan ahayn! Marka hadda wuxuu rabaa in Cabdi Qeybdiid oo nabadda-sugaya (booliis), Maxamed-dheere oo Banaadir xukuma iyo Muuse Suudi oo Kaaraan xukuma uu wax la qeybsado, innagana nagu boorriyo inaan arrintaas ayidno! 

Naseexada maxaa lagu gartaa? 

Islaamku wuxuu nooga tagay tusaalooyin. Qofkii wax u naseexeynayaa waa inuu sheegaa wax waaqici ah oo uu hubo. Laakiin kan danta lihi wuxuu iska sheegaa riyo iyo khiyaali. Tusaale ahaan ninkii mu’minka ahaa ee nabi Muuse (CS) u nasteexeynayey wuxuu u sheegay inuu maqlay madaxyo-weyntii Fircoon oo dhaqar u maleegeysa Muuse (CS) si loo dilo ama loo xiro. Ninkii wuxuu yiri: iskaga bax magaalada waa iga nasteexee. Halka Ibliis uu aabbaheen Aadam iyo hooyo Xawaa uu been u sheegay. Inta khiyaali u sheegay buu isna yiri waan idiin naseexeynayaa isagoo dhaar ku daraya!  

Mar kasta oon dagaaloogayaasha ka hadlayo sida korneylka waxaan soo bandhigaa waxay ummadda ku faleen. Waxaan sheegaa dhibta Tigreega iyo Bush ku hayo Soomaalida. Markaas kaddib baan gudogalaa naseexadeyda. Waxaan ka digay intaas oo shir sida Mbagathi, Asmara iyo Jibuuti oo u dambeeyey. Kuwo hadda Asmara iyo mucaarad sheeganaya waxay gacanyarayaal u ahaayeen dagaaloogayaasha sidaas oo tahayna waxay rabaan inta nasoo hor istaagaan iney nabad iyo heshiish nooga khudbeeyaan! Qolyaha Jibuuti ku shiray sidii Ibliis bey la soo istaageen: Golaha Ammaanka/Bush baa Itoobiya naga saaraya! Haddee ogaada waa kuwii Zenawi nagu fasaxay. Waxay dhaheen cadow aan Itoobiya ahayn ma lihin! Waa la ogaa wixii dagaaloogayaashu Soomaaliya ka sameeyeen. Qof kastana waa ogyahay in dagaaloogayaashu ka daranyihiin Zenawi. Beentaas kaddib bey inta BBC-da tagaan dhahaan waxay hayaan tubtii nabi Muxamed (SCW) iyo heshiiskii Xudeybiya oo kale! 

Marna kulama taliyeen culumada ka timid Xamar oo Yemen kula shireysa sheekh Shariif iney halkaas tagaan. Ninka Yemen heysta waa ka liitaa Zenawi marka ma fahmin waxa culumadu arrintaas u arki weyday. Marka waxaan culumada kula talinlahaa haddii la cubburiyo in inta dhahaan waxa Cabdalla Saalax farxadgelinaya kaddibna ku laabtaan meeshay ka yimaadeen ay dadka u caddeeyaan waxay la soo kulmeen. Haddey xor u yihiin fikirkoodana noo sheegaan waxa la isla meel dhigay. Ilaa hadda lama hayo qof Soomaaliya oo inta ku dhacay waddada labada Shariif dib usoo noqday. Marka waa hungo qofkii sheekh Shariif ka suga inuu meel iska fariisto. 

Marar badan baan xusay in Bush iyo Zenawi rabaan iney dilaan dadka duxda leh ee Tigreega hortaagan halka ay naasnuujinayaan Ashahaado-la-dirirka. Soow Bush ma dilin Ceyroow Allaha u naxariistee iyo akhyaar kale halka Zenawi soo hubeeyey Muuse Suudi iyadoo sheekh Shariif noo hoosaasinayo cadowga? Ogaada sheekha hogaanka sheeganaya marna ma cambaareyn falalkii lagu dilay raggii wax ka dhigay. Sidoo kale ilaa hadda kama hadlin arrinta Muuse Suudi iyo kuwa Baydhabo fadhiya. Been idiin ma sheegayo, Qanyare iyo Muuse Suudi baa xageyga igala macquulsan labada Shariif. Qanyare iyo Muuse mar mar si saraaxad leh bey u hadlaan iyagoo toos u abbaara qofkey weerarayaan iyo waxay rabaan iney dhahaan halka labada Shariif ay ged kale la soo baxeen. Marka haddiiba markii la rabay in xabad-joojintu dhaqangesho uu Tigreegu soo hubeeyey Ashahaado-la-dirirkii waxaa meesha soo galaysa in Ilaahay rabo in shacabku arkaan sida ay wax u socdaan oo aan mar dambe la khaldin. Askartaaba mar mar dhaanta kuwa diin sheeganaya. Soow korneyl Cumar Xaashi ma hortaagna Tigreega hadda? Wuxuu xasuustaa Xalane (Allaha u naxariistee) oo leh: 

  • cadowgu bir maahee burburiya
  • ciiddeyda u diida cadaawaha

Gobonimo-doonkii waxay leeyihiin: ilko doofaar sahansan. Waxaa carruurta loogu sheekeeyaa in libaaxu waagii hore ka biqi jiray doofaarka ilkaha dhaadheer ee duurjoogta ah. Mar libaaxii naftu qabatay buu maalintii dambe yiri: wixii ka dhaca haka dhaceene isku day doofaarka. Daqiiqad ma qaadan markuu qoorta ka jabshay oo cunay. Hadda gobonimo-doonku waxay shacabkii tuseen in la gaaray waqtigii Tigreega loo tub iyo ceeljoogsan lahaa. Hadda dhalinyaradii yaryaraa ee aan jihaadka horay ugu jirin baa hadda la dagaalaya Tigreega kaddib markii maxkamuduhu tuseen in la la dagaali karo. Waxaa dhimman hal mar oo sidii 2006-kii inta shacabku iska daayo shakiga ay ku dhawaaqaan taageerada muqaawamada. Marka Allaha na gaarsiiyo afarta bilood (120-ka beri) ee heshiiska Jibuuti iyo 4 sano oo korneylku xiro oo isku aaddan.

C/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com

Caawa Maxaa Xalay Uga Eg (Shirka Yemen) Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com |  July 12, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS