SAACADIHII CADAABTA: Warbixin, Duqeynbtii Magaalada
Dhuusamareeb!!!
Qore: Abukar Albadri,
Saxafi Madaxbanaan
Haddii dad badani ay maqleen uun waxaa Dhuusamareeb lagu dilay
hoggaamiyihii dhallinyaro diimeedka Alshabaab Aadam Xaashi Xirsi
(Cayrow) Allah ha u naxariistee, waxaa jira arrimo badan oo u baahan in
daaha laga rogo.
Deegaanka waxaa isu biirsaday Abaar, kuleyl, sicir barar, iyo cabsi ka
dambeysay duqeyntii Mareykanka u geystay magaalada ee lagu dilay Aadan
Cayrow.
Dhamaanba deeggaanku waa uu ka siman yahay dhibaatada abaarta, xoolihii
noolaa dadkii farahooda waa ay ka baxeen, waxaana meel walba daadsan
bakhti xoolaad oo la isku doo aruuriyey si deegaanka daaqsinka leh looga
badbaadiyo inuu saameyn ku yeesho xilli roobaadka.
Arragtida muuqaalka xoolo u baqtiyey oon iyo gaajo ma ahan mid la
yaableh, xitaa hadaadan baqtiga isha saaran wuxuu qof walbaa ku dareemi
karayaa urka meel walba heehaabaya ee ku dareensiinaya in aysan jirin
meel ka badbaaday abaarta.
Dadku gurmad ayey u baahan yihiin, waxeyna iyagoo habaartamaayo oo
naceyb Ameerikaanna aad uga muuqdo hadana safaf dhaadheer u galaan
masago ay ku shaabadeysan tahay astaanta Hay’adda gargaarka Mareykanka
USAID oo muujineysa in uu Ameerikaanku ku deeqay.
Dadka Dhuusamareeb oo qaadanaya raashiin deeq ah.
Waddooyinka qaar waxaa taagan dad gawaarida u gacmo haatinaya oo misana
dhuuntooda ku taabanaya gacantooda, iyagoo ula jeeda “i waraabiya”
Halka ay masiibadu ka dhacday ee lagu duqeeyey Aadan Cayrow waa cirifka
bari ee magaalada, waana meel qiyaastii 2km loo soconayo marka laga
dhaqaaqo bartamaha magaalada, gaar ahaan banaanka weyn ee kulaala Hotel
Ban-Geelle.
Xaafaduhu waa kuwo aan laheyn dhismayaal qurxoon, dadkuna waxey u
muuqdaan kuwo sabool ah oo ay aad u taabteen kuleylada is biirsaday ee
abaarta, sicir bararka iyo dagaalada hana u dheeraatee duqeyntii
Mareykanka.
Sedax god oo waaweyn ayaa ka qodan goobtii uu ahaan jiray gurigii
marxuum Cayrow, godka ugu qotada dheerina waa halkii la iigu sheegay
inuu ahaa qolkii uu seexan jiray oo dhagaxaanta ku daadsan ka sokoow
lagu arkayey oo kaliya wax u muuqday sarwaal tuute ah oo aad u googo’ay
iyo calalo ka haray daahii qolka derbigiisa ku xirnaa.
Dhamaanba guriga waa uu wada dummay, aasaaskiisiina wuu raacay,
dhagaxaantii iyo shamiintadiina way kala soocmeen oo waxey u kala baxeen
asalkoodii.
Dadka Tuulada Bohol ee ku dhaw Dhuusamareeb oo dul joogaan Xolihii
abaartu ka leysay
Mararka qaar qofkii isagoon aan xog ka heysan dheehdaa goobtga la
duqeeyey waxaa ku soo dhaceysa dhagxaanta iyo shamiintadan is
dhaxdaadsan malaha waxaa halkan loo keenay in lagu dhiso.
Hareeraha meeshii ahaan jirtay aasaaskii guriga waxaa dhooban haraagii
gantaalaha (Tomahawk) loo yaqaano ee lagu garaacay, waxeyna qaar
dhumucdooda la egtahay afka hore ee diyaaradaha, waxaana ka muuqanaya
qoraalo isugu jira lambarro iyo magacyo.
Goobta uma eka meel la duqeeyey ee waxey aad ugu eg tahay meel uu ka
dhacay shil diyaaradeed oo ay isku jiireen diyaarado nooca dagaalka ah.
Dadka Tuuladda Bohol oo dul taagan xoolahoodii dhamaaday.
Dhamaanba maacuuntii gurigaasi tiilay iyo xitaa sariirihii midna lagama
arag wax haraa ah, wax la garan karo oo gurigaasi gantaalihii lagu
dhuftay ay ka reebeen waxaa ka jira calalo yar yar oo u badan dharka
nooca tuutaha ah ee ay xirtaan askarta, kabo nooca saandalka ah, hal
joog buut ah, ganjeelkii oo isku duuduubmay iyo qaar ka mid ah
laamayeerigii oo la moodo sida xaashi qoyan oo kale.
ANTEENO AAN LA AQOON
Dadka deegaanku waxey sheegeen in inta aan duqeynbta dhicin muddo
todobaad ka badan ay taleefoonada deegaanka soo galeysay anteen aan la
aqoonin waxa ay tahay, balse aan lagu hadli karin.
Anteenkaas oo qofba si ku macneeyey waxey dadka qaar sheegeen in ay
aheyd aaladda loo adeegsaday bartilmaameedka.
Muddo 5 casho ah ayey anteenkaasi joogtay, waxeyna dadka is weydiinayeen
anteenkani maxey tahay? Ma shirkad cusub oo taleefoon baa hawada ku soo
biirtay?
Hase yeeshee anteenkaasi oo la arko waxaa dadka reer dhuusamareeb ugu
dambeysay habeenkii ay duqeyntu dhacday.
MAATIDA LA DHIBAATEEYEY
Dhibaatada kuma koobna oo kaliya gurigaasi la sheegay inuu
bartilmaameedku ahaa, balse waxaa dhibaato aad u baahsan ay
gantaalahaasi u geysteen dhamaanba derisaantii ka ag dhowaa iyo kuwii ka
fogaaba intaba.
Inta aad dhax taagan tahay halka uu guriga Aadan Cayrow ahaan jirey
dhankasta oo aad eegto waxaad arkeysaa guryo dunsan, kuwo
laamayeerigoodu dul duleelo iyo kuwo gebi ahaanba laamayeerigii saarnaa
uu ka duulay.
Guri walbana ugu yaraan qof ayey wax ku gaareen, wallow ay dadka ka
siman yihiin qalqal xagga maskaxda ah, kor cuncunka iyo aragga oo ka
taga xilliga habeenkii ah (Hammiinisow).
Guri ay laheyd haweeney lagu magacaabo Caasho Maxamed Geeda-Qorow oo
kaabiga koofureed ka saarnaa guriga lagu duqeeyey Aadam Cayrow ayaa
isagana gebi ahaanba dhulka la sinmay, waxaana inta ay duqeynta socotay
kaga geeriyoodeen laba ka mid xubnaha qoyskeeda oo kala ahaa Maxamed
Axmed Nuur oo 14Jir ah iyo Caasho Maxamed C/qaadir oo 22Jir aheyd.
Dhamaan xubnaha qoyska Caasho Geedo-Qorow intooda shilka ka badnaaday
waxey ka dhaxleen dhibaatooyin deris kula noqday nolosha.
Caasho Geedo Qoroow iyo Caruurteeda.
Xubnaha qoyska oo ay ugu weyn tahay Caasho Geeda-Qorow oo ah haweeney
60jir ah, ayna ugu yar tahay Nasro Xasan Nur oo 3Jir waxey ka siman
yihiin “sas” ay ka qaadeen dhawaqii xanuunka lahaa ee dhagaha dilaaciyey
xilligii duqeynta iyo dhimbilii cirka isku shareeray ee sidii go’a la
huwado oo kale uga dul-fiiqay dhismihii gurigooda oo ka sameysnaa
laamayeeri iyo alwaax.
Qaar ka mid ah xubnaha qoyskan siyaabo kala duwan ayey uga sheekeeyeen
khibradii ay u yeesheen wixii dhacay iyo wixii ay ka dhaxleen intaba.
Cabdulaahi Axmed Nuur 8 jir, walaalkiis ayuu la jiifay markii uu
dhimanayey
C/laahi Axmed Nuur oo ah wiil 8Jir ah oo walaakiis ay hal joodari isla
jiifeen uu ku geeriyooday duqeynta wuxuu sheegay inuu ka dhaxlay
duqeyntaas cabsi iyo naxdin daran oo xilliga habeenkii ah iyo riyooyin
argagax leh oo uu ku soo baraarugo goor walba oo uu hurdo.
“Walaalkey waxaan isla jiifnay hal joodari, ilaah ayaa ku shuqul leh
qadartaas, aniga waxba ima gaarin, isagiina wuu googo’ay hilibkiisa,
isla meeshii aan iska jiifnay ayeyna nafta kaga dhacday, walaasheyna
iyadoo dhaawac ah oo lug iyo gacan ay ka gooyeen qaraxyadii ayaa
isbitaalka loo qaaday laakiin inta aanba la geyn ayey dhimatay” ayuu
yiri C/laahi.
“Hadalkii walaashey waxaan ka xasuustaa inay laheyd
walaaloow…walaaloow…mararka qaar waxaan hurdada ka soo naxaa iyadoo
aniga I dhaheysa walaaloow” ayuuna sii raaciyey.
Wiil yar oo ku cayaaraya haraagii gantaalaha lagu duqeeyey guriga Aadan
Cayroow.
Markii uu C/laahi ka sheekeeyey wixii uu ka dhaxlay dhibaatada ka soo
gaartay duqeynta Mareykanka wuxuu yiri “Habeenkii waan naxaa haddii aan
arko wax iftiin ah oo iiga muuqanaya meel fog, waayo waxey iila
ekaanayaan dhimbilihii kuleylka badnaa ee korka nagaga soo daatay markii
gurigeenii uu gubanayey, sidoo kalana mar walba oo aan seexdo waxaan ku
riyoodaa qarixii, ka dibna anigoo qaylinaya ayaan soo kacaa”
Xaliimo C/Rasaaq Nuur oo ah gabar yar oo 9jir ah, isla markaasna uu
dhalay C/laahi adeerkii iyada dhamaanba hadalkii ayey gabtay, waxaana
iyadoo hadasha ugu dambeysay habeenkii qaraxa uu dhacayey.
Saskii iyo naxdintii ayaa dhaxalsiiyey in hadalkii ka soo bixi waayo,
marka lala hadlana indhaha oo qura ayey dadka ka eegtaa, mana awoodo in
ay kuu jawaabto.
Qoyska waxaa intaas u dheer in ay shaki ka qaadeen guri kasta oo weyn
ama u dhisan sida fillooyinka, waxeyna u maleeyaan in la
bartilmaameedsanayo guryaha fillooyinka ah oo dhan.
Waa laga soo raray meeshii ay deganaayeen, waxaa guri aad u yar oo
cariish ah looga dhisay duleedka galbeed ee magaaladda, halka ay markii
hore deganaayeen duleedka bari oo ah halka ugu dambeysa dhismayaasha
magaaladda oo uu ku yaalay gurigii Mujaahid Aadan Cayrow Ilaah ha u
xanariistee.
Ma ahan qoyskan oo kaliya kuwa ay dhibaatadu gaartay, balse waxaa la
wadaaga dhibanayaal badan oo ka mid ah qoysaskii la ollogga ahaa guriga
la duqeeyey.
Dhibaatooyinka laga dhaxlay duqeynta waxaa ka mid ah; dadkii oo ay qaar
waasheen, waxaana ka mid ah haweeney todoba caruur ah heysata oo ku
waalatay naxdintii qaraxa, sidoo kalana laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa
ka mid ah dadka kuwaashay jugtii dhacday xoogeeda.
Inkastoo aanan ogolaansho u heysan in aan magacooda sheego, haddana
waxaa jira ilaa laba rag ah oo iyaga jugtii dhacday ka dib iska waayey
raganimadii.
Nin ka mid ah oo ogolaaday in aan soo xigano ayaa wuxuu sheegay inuu ka
mid ahaa dadkii deriska la ahaa Aadan Cayrow, goobjoogna u ahaa xilliga
jugta ay dhacday.
Wuxuuna yiri “Aniga deris baan la ahaa marxuumkii gardarrada lagu dilay,
markii ay wax dhaceenna waxaan ka mid ahaa dadkii guriga u soo gurmaday
ee meydadka wax ka soo fagay, aburtii iyo uuradii sunta oo igu baxay
ayaan waxaan ka dhaxlay xanuuno ay ka mid yihiin kor cuncun,
indho-xanuun iyo qufac, dhawr maalmood dabadoodna waxaa iga tagtay
awooddii xagga raganimada”
Ninkan oo markiisii hore ka soo qaxay magaalada Muqdisho dagaaladda
awgood wuxuu Dhuusamareeb ku heystaa tiro caruur ah iyo hooyadood,
wuxuuna sidoo kale sheegay inuusan kaligiis aheyn oo ay jiraan dad kale
oo raganimadoodii wax gaareen.
“Ilaa hal qof oo aan saaxiibo nahay ayaan hubaan inuu isagana sidoo kale
dhibkaas ila qabo dad kale oo dhibkoodii qarsanayana waa jiri karaan”
ayuuna sii raaciyey hadalkiisii.
Odayaal Jaro Cayaarayey
Xanuunku kala darane dad buu kan guud u dheeraa mid gaar ahaaneed, dad
baa hilibkoodii dabka lagu solay misana ka waayey cad ay ka duugtaan.
Hooyo Xabiibo Maxamed Aadan oo ah hooyadii dhashay Mujaahidkii da’da
yaraa, Aadan Xashi Cayrow ee ay Mareykanku ku beegsanayeen duqeyntooda
oo aan ku wareystay meel 80km u jirta magaalada Dhuusamareeb ayaa waxey
ka sheekeysay dareenkeeda iyo sida ay u aragto sababaha wiilkeeda loo
dilay.
Xabiibo Maxamed Aadan Hooyada wiilkeedii la bartilmaameedsaday.
Iyadoo dhabanada heysata, ooyeysa, misana ka tiiraanyeysan awoodda loo
sheegtay wiilkeeda ayaa waxey tiri “waxaan garan la’ahay sababta
wiilkeyga uu khatar ugu ahaa Mareykan, wiilkeya Dhuusamareeb ayuu
joogay, Dhuusamareebna dhul Mareykan ma ahan, waa dhul Soomaaliyeed waa
dhulkii Islaamka, waana dhulkii isaga gobal ahaan uu ka soo jeeday”
Waxey intaas sii raacisay “wiilkeyga Aadam wuxuu ku dhashay degmada
Xaradheere ee gobalka Mudug taariikhu Markey aheyd 1975kii, intaas ka
dibna wuxuu ahaa nin akhlaaq wanaagsan oo aad baari iigu ahaa, mana
aheyn qof dadka dhiba, laakiin isagii ayuu cadow dhibay”
Inkastoo ay aad uga murugooneysay dilka wiilkeeda, hadana waxey aaminsan
tahay inuu wiilkeedii ku dhintay jid sax ah oo xaq ay aheyd inuu ku
dhinto, “Aadan nin raga buu ahaa, wuuna dhiman lahaa oo muu waareen, mar
haddii isagoo Allaah u adeegaya uu dhintay waa ilaah mahaddiisa, laakiin
waxey tiiraanyadeedu ideyn la’dahay in la yiraahdo argagaxisuu ahaa”
Laba kala bariday kala war la’
Dowladda Mareykanka waxey u sameysay dilka Aadan Cayrow soo dhoweyn
farxadeed, waxeyna ku faaneen weliba in ay cod dheer ku yiraahdaan
waxaan dilnay hoggaamiyihii Alqaacidada Soomaaliya, laakiin hooyadiis
Xabiibo waxey leedahay Mareykan waxaan ka doonayaa inuu magdhaw ka
bixiyo dilkii wiilkeyga.
“Ameerikaanku gardarro ayey ku dileen wiilkeyga, waxaan ka doonayaa
in ay magdhaw ka bixiyaan dilkiisa” ayey tiri.
Cabdikariin Maxamed Adan, Cayrow Abtigiis oo tusinaya haraagii
gantaalaha
DHAKHTARKA GOBALKA
Dhakhtarka kaliya ee deegaanka ku sugnaa oo ah xiriiriyaha Hay’adda
SAHED Dr. Ahmed Mohamed Mahdi ayaa wuxuu ka warbixiyey duqeyntii ka dib
xanuunada ugu badan ee ay arkaan iyo wax yaabihii ay sida gaarka ah u
diiwaangeliyeen ee ay u arkeen in ay noqon karaan saameyn ka dhalatay
duqeynta.
Dr. Axmed wuxuu yiri “dadka oo dhan waxey ku jiraan xaalad sas ah, way
walbahaarsan yihiin, anaga ayaa ka mid ah dadka uu saska iyo walbahaarka
haayo, sababtuna waxey tahay wixii halkaan ka dhacay oo ahaa wax ka tan
weyn wax uu damiirka aadmiga u adkeysto”
Wuxuuna Dr. Axmed intaas ku daray “dadku waa masaakiin sabool ah,
xilligan uma baahneyn in dagaal iyo duqeyn lagu argagaxiyo, ee waxey u
baahan yihiin in loo kaalmeeyo, waayo xoolihiina gacmahooda waa dhaafeen
abaarihii baa ka dhameeyey, sicir bararna wuu hayaa”
Dr. Axmed wuxuu sheegay in Isbitaalka magaalada Dhuusamareeb ay ka
sameeyeen qeyb diiwaan galisa cudurada ama waxyaabaha aan horey
deegaanka looga aqoonin ama ka dhashay duqeyntii sunteedii.
Laamayeeri ka haray guriga la dumiyey
Wuxuuna dhakhtarka ku waramay in ay hayaan kiisas ay diiwaan galiyeen
inta ay ku guda jireen hawshaasi is xilqaanka ah.
“Dhibaatooyinka ay dadka ka sheeganayaan ee aan diiwaangalinay qaarkood
waxaa ka mid ah kor cuncun, indhihii oo cuncuna habeenkiina aragga uu ka
tago, dhamaan dadka noo imaanaya oo wada traumatic ah, qufac aan kala go
laheyn iyo waxyaabo kale” ayuu yiri dhaktarka.
CABSIDA LA WEHESHADO
Magaaladda Dhuusamareeb waxey leedahay oraahyo soo baxay xilligan
dhaw oo erey-bixin u ah hadba xaaladda jirta.
Odey ka mid ah dadka magaalada ku dhaqan oo aan kula sheekeystay geed uu
ku hoos cayaarayey shax “jaro” ayaa wuxuu iigu waramay sidan.
“Weriye halkaan waxaan ku heynaa Cabsi la weheshado iyo Baahi la
dugaashado” ayuu igu yiri mar aan weydiiyey ka waran xaaladda nololeed
ee magaaladda?.
“Cabsida la weheshado waa Alshabaab, waayo iyagana waan ka cabsanaa, in
weerar iyaga lagu soo qaaday dartiis dhib noo gaarana waan ka baqanaa,
laakiin waa noo fiican yihiin oo waxaan ka dugaashanaa tuugadii dadka
dhici jirtay iyo mooryaantii dadka u dili jirtay sida macno la’aanta ah,
waayo iyaga oo jooga laguma dhici karo, lagumana dili karo oo way
difaacaan qofka la dulminayo” ayuu sii raaciyey.
Mar uu sharaxayey waxa uu ula jeedo baahida la dugashado wuxuu yiri
“waxaa jira hay’ado gargaar oo mar mar halkaan keena masago yar yarey,
nama dherjiyaan oo wax nagu filan ma keenaan, hadana waan dugsanaa oo
Hay’adihii baa raashiin keeni doona ayaan nafta ku sabarsiinaa ilmahana
ku sasabnaa”
RAYIGA NIN KU WAASHAY DUQEYNTA
Kuma aanan koobin xog uruurinteyda dadka miyirka qaba oo kaliya,
laakiin waxaan isku dayey in xitaa aan dareenkooda waydiiyo qaar ka mid
ah dadkii ku waashay dhacdadii xanuunka badneyd ee ka dhacday Magaalada
Dhuusamareeb.
Wiil dhalinyaro ah oo la ii sheegay inuu mar hore qabay xanuuno dhanka
maskaxda ah balse si toos ah ugu dhuftay markii qaraxa uu ka dul dhacay
ayaan la sheekeystay.
Magciisa sheegi maayo maadaama uusan miyir qabin, wax ehelkiisa ahna
aanan ila joogin markii aan wareystay, waxaanse sheegayaa oo kaliya
qaarka mid ah hadaladii aan wadaagnay.
Waxaan weydiiyey xaaladiisa caafimaad, wuxuu iigu jawaabay
“Alxamdulilaah…aad baan u wanaagsanahay…” waxaan kaloo weydiiyey maxaa
kugu dhacay, wuxuuse iigu jawaabay “anigu waan fiicnahay, laakiin waxaan
la yaabanahay dadka xitaa hadii la dilay iska sii nool”
Waxaan sii waydiiyey “yaa la dilay oo weli sii nool?” wuxuuna iigu
jawaab celiyey “dadka reer dhuusamareeb oo dhan waa la dilay, qolo la
yiraahdo Ameerikaan ayaa dishay, welina waa iska nool yihiin”
Gurigii la Dumiyey ee Aadam Cayrow
Ugu dambeyntii waxaan waydiiyey adiga markii dadkan la dilaayey
halkeebaad joogtay wuxuu iigu jawaab celiyey “aniga waan fiicnaa markii
hore, dadka la dilayna kuma jirin, laakiin waxaan dhintay Saacadihii
Cadaabta, waxaana iigu wardambeysay iyadoo ay dhimbilo kor ka soo
daadanayaan, gugac iyo hilaac badanina uu jiro”.
haraagii Gantaalaha
FG: sababta aan warbixinta u qorayo waa aniga oo ah ilaa hadda saxafiga
kaliya ee jaanis u helay inuu booqdo magaalada Dhuusamareeb tan iyo
dilkii Adan Cayrow, sidaas ayaan ku goaansaday in aan wixii aan meeshaas
ku soo arkay la wadaago akhristayaasha.
Qoraaga: Abukar Albadri
Wixii talo ah ku soo hagaaji..
Abukar.albadri@gmail.com