USA Waa ka soo horjeedaa "HR 2003" - RiceDhinaca kale, Condoleezza Rice oo ah xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo Addis Abaab kula kulantay col. Nuur Cadde (Dec 5, 2007) ayaa wararku waxay sheegeen in ay quudarayneysey in col. Nuur Cadde uu wada xaajood la furo dadka xukuumadiisa ka soo hor jeeda. Dhanka kale, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanku waxa ay Arbacadii (Dec 5, 2007) Addis Ababa ka sheegtay in xukuumadda Maraykanku ay ka soo horjeedo xeerka lagu magcaabo "HR 2003 - the Ethiopia Democracy and Accountability Act of 2007" kaas oo la doonayo in looga codeeyo aqalka odayaasha Maraykanka si Itoobiya mucaano loogu siiyo DIMOQRAADIYADDA. Condoleezza Rice waxay caddaysay in maamulka Maraykanku xeerkaas ka soo horjeedo. Hadalka xoghayaha arrimaha dibadda ay ka sheegtay magaalada Addis Ababa, ee ah in xukuumadda USA ay ka soo horjeeddo HR 2003, waxay waji gabax ku tahay meles Zenawi oo Maraykanka muddo dheer ku sasabaney in uu hir gelinayo dimoqraadiyad iyadoo adduunku hadda indhaha ku kala qaaday tacadiyada ay xukuumadiisu ka geysaneyso Itoobiya, gaar ahaan dhibaatada lagu hayo qowmiyadaha ay ka mid yihiin Oromada iyo Soomaalida dhulka xoogga lagaga haysto. Kulan Ururka Midnimadda Soomaliyeed iyo Madaxweynaha Finland Beelaha Jareerweyn, Digil & Mirifle iyo Sade oo si toos ah uga horyimid Qaab-dhismeedka Xukuumadda col. Nuur CaddeDec 4, 2007: Hoos ka dhegeyo codad kala duwan oo isugu jira is casilaad iyo dhaleeceyn Xildhibaano kala duwan ay u soo jeediyeen dhismaha Xukuumada cusub ee col. Nuur Cadde.. Sidoo kale akhri C/laahi Yuusuf oo diyaarad gaar ahi u qaaday Nairobi iyo col. Nuur Cadde oo gaarey magaalada Addis Ababa... iyo DFKMG oo Gargaarkii Qaramada Midoobey gaarsiin lahayd ka mamnuucday Gobolka Shabeelada Hoose...
Xildhibaan Sh. Jaamac Xaaji Xuseen "Xubin buuxda haa,laakiin mid
dhiman maya"
Xildhibaan Sh. Cali Aadan "Waxaan ku dagaalameynaa Waranka, Falaarta iyo Masaarta...."
Xildhibaan Max'uud Sayid Aadan oo u hadley Beelaha Sade iyo magacyada xildhibaanada beesha Sade ee bayaanka soo saaray:
Waxaa codadka soo duubay:
Col. Nuur Cadde oo Gaarey Addis Ababa:
Ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde, ayaa Talaadadii (Dec 4, 2007) gaarey magaalada Addis Ababa, arrintan oo kusoo beegantahay xilli buuq aad u xooggan ka dhex jiro baarlamaanaka DFKMG kaas oo ku saabsan xukuumadda uu col. Nuur Cadde soo magacaabay taas oo beelaha qaarkood si toos ah uga soo horjeesteen. Col. Nuur Cadde waxaa horyaal sidii uu xukuumadiisa markale u soo dhisi lahaa maadaama ay wasiiro iska casileen kahor intii aan la horgeyn baarlamaanka Baydhabo. Marka uu soo dhamaystirona waxaa horyaal in uu baarlamaanka hor geeyo si cod bixin loogu qadon. Waxaana jira warar hoose oo sheegaya in xildhibaanadu u tashadeen sidii dib xukuumadaas loogu celin lahaa col. Nuur Cadde.
Warbixinadii hore ee wasiirada is casiley hoos ka akhri: Xildhibaanada Beesha Sade oo Kalsoonidii kala Laabtay Xukuumada col. Nuur Cadde
SomaliTalk.com | Baydhabo Dec 4, 2007: Xubnaha beesha Sade ugu jira baarlamaanka DFKMG iyo odayaasha beesha kaga sugan magaalada Baydhabo ayaa gebi ahaanba kalsoonidii kala laabtay xukuumada col. Nuur Cadde. Beesha Sade ayaa noqotay beeshii labaad oo si toos ah kalsoonida ugala laabata golaha uu soo dhisay col. Nuur Cadde. Beesha Digil iyo Mirifle ayey ahayd beeshii shalay wasiiradoodu is casileen.
Xildhibaan Barre Aadan Shire "Barre Hiiraale" ayaa laga soo xigtey, isagoo u hadlayey xubnaha kalsoonida la laabtay, in uu yiri: Beesha Sade waxay xaq ulahayd ugu yaraan 2 wasiir ilaa 3 wasiir oo ah heerka kowaad iyo 3 wasiir ku xigeen iyo hal Ra'iisal wasaare ku xigeen, waxana uu intaas ku daray in xubnaha beesha ugu jira DFKMG iyo odayaasha beeshu isku waafaqeen in ay gebi ahaan kalsoonidii kala laabtaan xukuumada cusub ee col. Nuur Cadde. Waxaa kale oo maanta xilkii wasiir ku xigeenka Wasarada Awqaafta iyo arimaha diinta iska casilay Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen, isagoo sheegay in uusan u baahnayn jagadaas uu u magacaabay col. Nuur Cadde. Dhanka kale waxaa Isniintii diyaarad gaar ah ay baydhabo ka qaaday madaxweynaha DFKMG, col. C/laahi Yuusuf, waxaana la geeyey cisbitaal ku yaal Nairobi.. [Akhri Warka oo faahfaahsan] Waxaa jira warar laga helayo ilo u dhowdhow madaxtooyada C/laahi Yuusuf oo sheegaya in golaha wasiirada ee uu soo dhisay col. Nuur Cadde gebi ahaanba dib loo soo dhisi doono kaddib marka dib u habayn weyn lagu sameeyo. Dadka siyaasadda odoroasa ayaa tibaaxay in wasiiro Soomaaliya ay yeelato aysan beelaha Soomaaliyeed ku qanci doonin inta uu jiro nidaamka loo yaqaan 4.5 ee xaqiraadda ku ah beelaha qaarkood maadaama laga dhigay nus (1/2) taas oo ah quursi uu sharciyeeyey dastuurka lagu soo dhisay Nairobi. "Qof aan loo eegayn aqoontiisa, wax qabadkiisa iyo waaya aragnimadiisa meel ma hgaari karaa," ayaa la is weydiinayaa. Afar Wasiir oo iska Casiley Xukuumadda Cusub ee col. Nuur Cadde...Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Ciidda Soomaaliya oo Madaafiic ku garaacay Huriwaa, Muqdisho...
Dec 3, 2007: Shir jaraa'id oo ay habeenimadii Isniinta ee Talaadadu soo geleysey ku qabteen magaalada Baydhabo, ayaa afar xubnood oo uu col. Nuur Cadde u magacaabay golihiisa xukuumadda waxay ku dhawaaqeen in ay is casileen.
Idaacadaa Codka Maraykanka oo su'aalo weydiisey ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde, ayaa mar uu ka hadlaayey qaabka uu u soo dhisay golihiisa xukuumada waxa uu yiri "Waa laga yaabaa in dhaliilo ka jiraan dhiilitirka" xukuumada. Waxa kale oo col. Nuur Cadde uu markii ugu horeysey qiray in xukuumadiisa ay ku jiraan qabqablayaashii dagaalka Soomaaliya, isagoo arrintaas ka hadlaayana waxa uu yiri: "Dagaal oogayaashii dagaalku wa ku jiraan golaha" (wasiirada DFKMG)... Mar uu ka jawaabayey waqtiga uu xukuumadiisa hor geyn doono baarlamaanka si loogu codeeyo, waxa uu sheegay in safaro jiraan oo marka Hawlihii bannaanka ku xirnaa ay soo dhaystiraan la isu soo noqon doono oo baarlamaanka la hor geyn doono golihiisa xukuumadda. Col. Nuur cadde ma cadayn hawlaha bannaanka kuxirayn waxa ay yihiin: Afarta xubnood ee is casiley xukuumada col. Nuur Cadde ayaa kala ah:
"Shaatiguduud" oo ka hadlay arrinta ay isu casileen waxa uu sheegay sababta ay isu casileen in ay tahay maadaama aan cidi la tashan iyo in ay jiraan "isquursi iyo tix gelin la'aan". Dhanka kale waxaa buuq weyni ka dhex jiraa xildhibaanada Baarlamaanka taas oo ku saabsan qaabka cod bixinta loo qaadayo in baarlamaanku ogolaado golaha wasiirada ee uu soo magacaabay col. Nuur cadde.. Taas oo ilaa 90 xildhibaan ay doonayaan in si qarsoodi ah cod bixintaas loo qaado. Xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka DFKMG ayaa ku doodaya in xukuumada la soo dhisay ay tahay tii Cali maxamed Geeddi. Arrintaas oo kulankii Isniintii ee baarlamaanak Baydhabo ka dhalisay buuq wax kala socon waayeen. Waxaa jira warar sheegaya in qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ay ka biyo diideen qaabka uu col. Nuur Cadde u magacaabay golihiisa wasirada, ayadoo la sheegayo in aan lagu salayn habka loo yaqaan 4.5 ee QABIILKA ee ay ku dhisan tahay DFKMG. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Ciidda Soomaaliya oo Madaafiic ku garaacay Huriwaa, Muqdisho... Ciidamada Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee Isniintii (Dec 3, 2007) waxaymadaaxfiic xoog badan ku ku garaaceen xaafado ka mid ah Muqdisho sida Huriwaa iyo Shibbis, arrintaas oo ka dambeysey dagaal aagaas ku dhex maray ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxaha Muqaawamadda ee ka soo hor jeeda joogitaanka Ciidmada Itoobiya ee ciidda Soomaaliya. Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ay geysteen madaaficdaas. Laakiin waxaa warar ay fidisay idaacada codka maraykanku uu sheegay in madaafiicda Itoobiyaanku ay ku ridayeen Muqdisho ay ay ku burbureen hanti aad u farabadan, iyadoo ay jirto dhimasho iyo dhaawac soo gaarey shacabka. Waxaa taas ka horeysey in gelinkii hore ee Isniintii in dagaal xooggani ka dhaceen aagga suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho. Fafain: SomaliTalk.com | dec 3, 2007 Col. Nuur Cadde oo Magacaabay Golihiisa Xukuumadda oo ka kooban 73 xubnood.. - Dec 2, 2007
Col. Nuur Cadde oo akhrinaya magacyada golaha xukuumadiisa:
Hoos ka akhri dhammaan xubnaha golaha xukuumada ee uu magacaabay col. Nuur Cadde: Wasiirada:
Wasiiru Dowlayaal:
Wasiir Ku xigeenadda (W/x):
Wasaaraddaha la magacaabay oo tiradoodu dhan tahay 31 waxay la mid yihiin tiro ahaan iyo muuqaal ahaanba golihii hore ee xukuumadii Cali Maxamed Geeddi oo ahaa 31 wasaaradood. Xubnaha ku soo biiray golaha cusub ee col. Nuur Cadde waxaa ka mid ah Maxamed Cali Xaamud, iyo C/raxmaad Cabdi Xuseen "Guulwade". Wasiirada xilkoodii waayey waxaa ka mid ah Xasan Abshir Faarax (oo beryahan dambe joogitaankiisu u badnaa magaalada Garoowe) iyo Mowliid Macaane (oo aad u taageeri jirey Geeddi). Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) waxaa ra'iisul wasaaraha DFKMG loo magacaabay Nov 22, 2007.. Akhris/dhegeysi...
Waxaa isku soo dubaridey: Wararka kale ee maanta hoos ka akhri::
6000 oo Shacab Soomaaliyeed ah oo La Diley Sannadkan 2007...:Sida ay faafisay hay'adda wararka ee Reuters, oo soo xiganeysey hay'adda xuquuqul insaanka u dooda, ayaa sheegtay in sanandkan 2007 Soomaaliya lagu diley ugu yaraan 6000 (lix kun) oo qof oo shacab ah. Warku waxa uu intaas ku daray in hay'adda "Elman Peace and Human Rights" ay xaqiijisay ama diiwaan gelisey 5,930 oo dhimasho ah, 7,980 oo dhaawac ah iyo 717,784 oo barakacay. [Tiradaasi waa inta la diiwan geliyey] Dhanka kale, waraysi uu Axadii (Dec 2) Ra'iisul wasaaraha DFKMG, col. Nuur Cadde uu siiyey NTV ee Kenya ayuu kusheegay in uu diyaar u yahay in uu la hadlo dadka ka soo horjeeda DFKMG. Ururka Isbahaysiga dib u xoraynta Soomaaliyeed ayaa hore u sheegay in aysan la hadlayn ra'iisul wasaaraha cusub inta ciidamada Itoobiay ku jiraan gudaha Soomaaliya. 80 qof oo ku dhintay Badda u dhexaysa Soomaaliya iyo Yemen: Sida ay Sabtidii (Dec 1) faafiyeen wararka ka imanaya Yemen, waxaa xeebta Yemen ku soo caariyey ugu yaraan 80 qof oo meyd ah oo ah dad ka soo cararay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya kuwaas oo meydkooda lagu arkay xeebtaa ku dhereran dalka Yemen. Waxaa wararku sheegeen in doonta dadkaasi ay ku dhinteen ay saarnaayeen ilaa 126 qof. Ma aha markii uguhoreysey ee Soomaali ku dhintaan badda cas, laga soo bilaabo markii dagaaladu ka bilowdeen Soomaaliya (1991) dad Soomaaliyeed oo Tahriibaya ayaa ku dhimaneyey baddaha. [Akhri Qormadii SomaliTalk.com ee Tahriibayaasha ee 2005] Bender Bayla: Weerar lala Qaaday 13 Gaari oo Xamuul Sidey... Dec 2, 2007: 13 baabuur oo wadey laashay iyo xamuul loo wadey Bayla (Bari) ayaa koox hubaysani rasaas ku fureen, waxaa goobta la sheegay in ay ku dhinteen laba qof, afar kalena ay ku dhaawacmeen, waxaa kooxdii weerarka geysatey ay kaxaysteen ilaa sagaal gaari oo xamuul sidey, gawaaridii kalena waxay ka duqeeyeen matoorada iyo taayirada. [Dhegeyso warbixintii Idaacada Codka Maraykanka] Cadde Muuse oo si sarbeeb ah wax u tusaaleeyey col. Nuur Cadde: Dhinaca kale Madaxweynaah DGPL Gen. Cadde Muuse ayaa maanta (Axad Dec 2, 2007) mar uu khudbad ka jeedinayey doorashadii duqa cusub ee degmada Boosaaso waxa uu sheegay in Ra'iisalwasaarihii hore ee DFKMG, Prof. Cali Maxamed Geeddi sababta uu isku casiley ay ahayd isagoo ka soo horjeestey horumar inay gaarto Puntland iyo in ay Puntland ka faa'ideysato khayraadkeeda. Gen. Cadde Muuse waxa uu intaas raaciyey in uu si buuxda ula shaqayn doono ra'iisul wasaaraha cusub. Isla markaasna waxa uu goobta ka sheegay in uu xiriir la sameeyey ra'iisul wasaaraha cusub ee DFKMG, col. Nuur Cadde, oo ay ka wada hadleen sidii ay u wada shaqayn lahaayeen maadaama ay Puntland tahay qayb muhiim ah ka tahay DFKMG. Hadalka uu yiri Gen. Cadde Muuse waxa uu ku soo beegmay xilli uu col. Nuur Cadde ku dhawaaqayey golihiisa wasiirada (ee magacyadoodu kor ku xusan yihiin). Hadaladaas waxay dadka la socda arrimaha Puntland ku macneeyeen in Gen. Cadde Muuse uu col. Nuur Cadde ugu muujinayey in uu aqbalo heshiisyada Puntland ee Batroolka, haddii kale uu mari doono wadadii pro. Geeddi. Maadaama sababta uu Cali Maxamed Geeddi kursigiisii kuwayey (sida uu Geeddi qudhiisu qiray) in ay ahayd arrimaha la xiriira Batroolka Puntland. Ilaalada Gaarka ee
Gen. Cadde Muuse oo Jirdil u geystay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka
Puntland.
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 2, 2007
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com
| © www.SomaliTalk.com
|
MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside |
|