SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Waraysi Cusmaan Axmed: Waxaan codsan lahaa in Maamulka Abuubakar hadda ka jira in ay is casilaan

  • Waraysiga waxaa qaaday Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon | December 5, 2008

Cusmaan Axmed Sheikh oo waraysanay arimaha la xiriira dhallinyaro Soomaaliyeed oo la sheegay in laga waayey Minnesota kuwaas oo la sheegay in ku laabteen Soomaaliya. Waxa kale oo aan wax ka weydiiney sida uu u arko guddi cusub oo loo saaray sidii ay ula kulmi lahaayeen waalidiinta ay carruurtu ka maqan yihiin.

Cusmaan Axmed oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri: "Waxaa la ii sheegay in la magacaabay guddi  si ay ula kulmaan waalidiinta ay carruurtu ka maqnaayeen, runtii marka hore waxaan u arkaa in ay wax fiican tahay in la is arko oo la wada hadlo, oo la is fahmo laakiin waxaa ka horeeya meeshaan khalad ayaa dhacay, khaladka dhacay wuxuu yahay carruur ayaa maqan oo Soomaaliya loo diray in ay dagaallada ka soo qayb galaan , carruurtaas cid kasta ha dirto meelkasta halaga diro waxay ahayd masuuliyadda carruurtaas in aysan ku koobnaan ama aysan ka maqnaan oo qura waalidiintii ilmaha dhalay ee dhammaantayo Soomaalida oo idil arrintaas iyo tiiraanyadaas la qaysadaan ayey ahayd. Arrintii ma dhicin oo sidaad maqleysey culimiadaa ciyaalka gacanta ku hayey oo Masaajidkii Quraanka baray ayaa ankiray oo leh ilmo maqnaa oo aan naqaan oo masaaajidka ku xirnaa ma jirto,... oo runtii dadka waalidiinta aad uga danqadeen markii ay maqleen."

Mar aan wax ka weydiiney sida uu u arko xalka waxa uu ku jawaabey:


Osman Ahmed

"Masaajidka annagu aanu ku xiranahay Soomaalida ama noo ah meeshii aanu ku soo hiraneeyney ee Abuubakar maamulkii kajirey ee Guddiga (Board of Directors) waxan qabaa arrintaas in ay ka gaabiyeen in ay wax ka qabtaan in ay waalidiintii dhib joojin u sameeyaan in ay dadkii is fahamsiiyaan. Waxaan codsan lahaa in maamulka Abuubakar hadda ka jira - maadaama ay ku guul daraysteen wixii bulshadu ka sugeysey iyo hankaan u qabney - in ay is casilaan. Waa maamulka masaajidka, labada Maamul ee guddiga ah ee masaajidka ka jira," ayuu yiri Cismaan Axmed.

Guddi 14 Xubnood ka kooban oo Loo Saaray arrinta la xiriirta Dhallinyarada laga Waayey Minnesota....

Minnesota:- Xalay fiidkii (Dec 4, 2008) ayaa waxaa shir iskugu yimid Maamulada Masaajidda Minnesota iyo Waxgarad aad u faraban oo aqoon yahano u badan kuwaas isla lafa guray qaabka ugu haboon ee loo wajihi karo arrinta la xiriirta dhalinyaro la sheegay in ay ku laabteen Soomaaliya iyaga oo ka tagey dalka Marykanka, (Minnesota), arinkaan oo ay warbaahinta maxali ga ah ay aad uga hadlayaan.

Habeenkii xalay ahaa ayaa waxaa la rabay in shirka jaraa'id ay qabtaan gudi ka kooban Maamulka Masaajida iyo waalidiinta si ay warbaahinta u siiyaan waray siyo iyo xog rasmiya. Waxaa ugu danbayntii la isku raacay in la sameeyo gudi ka kooban ilaa 14 xubnood kuwaas oo 7ka mid ah loo xilsaaray in ay arintaan soo baaraan wali lama shaacin magacyadooda.

Xiriiriyaha shirka Abdisalaam Aadam ayaa saxaafadda u sheegay in howshaan ay tahay mid ugub ah isla markaana ay kulan labaad leeyihiin, asaga oo saadaal ka bixiyey in ay Jawi fiican ku dhammaan doonto shirarka danbe ee soo socda.

Shirkaas ayaa xalay ahaa mid wakhti badan qaatay waxaana ka muuqata laba dhinac sida ay uga go'an tahay in xal arintaan loo helo isla markaana aqoon yahanada ka soo qayb galay ayaa muujiyey fir fircooni dheeraad ah, sida ay sheegeen goob joogayaal.

Dhinaca kale waxaa noo suurta gashay in aan waraysi la yeelano Osman Ahmed (sida kor ku xusan) oo ah Madaxa guddiga Riverside plaza isla markaasna ka mid ah dadka saxaafadda maxaliga ah ay waraysatay. Cismaan axmed ayaa waxaa uu waraysi dhowr ah siijyey joornaalada iyo warbaahinta.

Waraysigii Cismaan Axmed Halkan ka dhegeyso ama soo rogo (mp3) ama (cod ah .ram)

Maamulka Masjidka oo aan horay uga waraysanay Shiekh Cabdiraxmaan Halkan ka dhegeyso...

MEYDKA WIIL KA MIDA RAGGII WAQOOYIGA SOMALIA ISKU QARXIYEY OO LAGU AASAY MINNESOTA


Minneapolis: Aaskii Shirwa Ahmed, oo 27 ahaa, Arbaca Dec 3, 2008 (Sawirka: Fox9)

Video: Halkan ka daawo Aaska....

Waxaa galabnimadii Arbacadii (Dec 3, 2008) lagu aasay Gobalka Minnesota ee Xaafadda Burnsville Ahmed Shirwa kaas oo ka mid ahaa shan dhalin yaro oo qaraxyo ka gaystay waqooyiga somalia Bishii lasoo dhaafay ee October, sida ay sheegtay war bixinta idaacadda la iska arko Ee Fox9. Waxaa warbixintu tibaaxday  meydka lagu cadeeyey DNA. Shirwa Ahmed waxuu ahaa Wadni Maraykan ah asal kiisuna yahay Somali. Khubarada Sirdoonka Maraykanka Ayaa ka caawiyey Qoyska Ahmed in mayd kiisa loo keeno sida war bixintu ay tilmaantay, Shirwa waxuu jiray 27, Qoyskiisa iyo qaraaadiisa ayaa diiday In ay u waramaan Saxaafadda, Omar Jamal oo ah Madaxa Somali Justice Advocacy Center Oo waramayey Fox ayaa yiri Daacaddii waxaan isaga u arkaa dhab'ahaantii inuu yahay dhibane, dambiile uma arko, waxaan uga fekerayaa sidii dhibane da'yar.

Sidoo kale danbi baarayaal maraykanka Ayaa baaritaano in Shirwa Ahmed iyo dhallinyarada kale ee Soomaaliyeed ee ka maqan Minnesota in ay jirto kaam argaggaxiso oo ay ku tababarteen.

Sidoo kale war bixinta Fox ayaa tiri: FOX9 waxay ogaatay in 20 dhalinyaro somali ah laga waayey "TWIN Cities" (Minneapolis iyo St. Paul), sanadki tagay. Qaar shakiga ah waxaa lagu jaaha lagu saaray xarunta Abubakar Alsadiiq ee islaamka. Iimaamka xarunta Sheikh Abdirahman waxaa laga horistaagay inuu xajka aado sabtidii, ayey tiri warbixintu. Sh. C/raxmaan waxa uu sheegay inuu aminsanyahay in lagu daray dadka aan safri karin maadama uu baaritaan socdo.

Gabagabadii Markii la aasayey Arbacadii, Shirwac Axmed looma xusin sidii nin Shahiid ah, sidoo kale looma cambaarayn sidii nin wax dilay. waxaa loo aasay sidii qof muslim ah oo uun dhintay, ayey tiri FOX9.

vedioga Fox9 iyo sawirada iyo warbixinta Ka akhri halkan (http://www.myfoxtwincities.com)

Waxaa isku soo dubaridey

Ustaad Abdiwali Bashir Dalboon
North America Minnesota
cdalboon@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | December 5, 2008

sheekhMinneapolis: Iimaamka Masjidka Abuubakar, Sh. C/Raxmaan, oo Laga Hor Istaagey Safarkii Xajka, Isagoo ka dhoofi lahaa Garoonka Diyaaradaha ee Minneapolis. Waraysi Sh. C/raxman

wiil maqanKHATAR KU SOO FOOL LEH SOOMAALIDA MINNESOTA
iyo Wararka wiilal ku laabtay Soomaaliya oo dhaliyey jaahwareen iyo jawaabta masaasjidda. Akhri..

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS