SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xasuuqii shacabkayga xisaabbaa ka dambayn

A.D. Elmi
adelmi@hotmail.com


Cinwaanka maqaalkaygani waxa uu ka yimid riwaayad aan fiirsaday oo ay sameeyeen arday ka soo jeedda dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya xoogga ku haysato, waa hubaal in maalmaha soo socda ay Itoobiya si uun uga tegi doonto Soomaaliya oo dhan, ha ahaato tan ay hadda qabsatay ama ha ahaato Soomaali galbeed oo ay hore u haysatay, si xoog ah oo ay dabada jeediyaan xeelad ama xal, kay doontaba ha ku baxdee Itoobiya way tegi doontaa Soomaaliduna way isu soo hari doontaa nabad iyo dowladna waan heli doonnaa Inshallaah, … 


Dhiigga daadanaya, xinjiraha nadiifta ah ee shacabkayga aan waxba galabsan, illinta hooyada oynaysa ee wiilkeedii iyo ninkeediiba horteeda lagu dilay, dadka qaxay ee geedaha hoostooda ku hoyanaya, culimada tabliiqa ah ee la dilay iyagoo hub ula ka sita sahayna digsiyo ka sita, in haddana dhegta dhiigga loo daray si xunna loo waray meydkooda iyadoo la yiri waa argagixiso, wixii faraha ku soo haray ee hanti ahaa oo dadka laga boobay iyadoo la huwan yahay magac dawladeed waxay astaan iyo calaamadba u tahay in guul ay soo dhowdahay, ee geesiyaashow guntiga adkaysta ilaah wuu noo gargaarayaa goor dhow, inta idinka dhimata waxaan Ilaahay uga baryaynaa inuu janadiisa geeyo inta nool oo soo hartana sharaf iyo karaamo ayay ku noolaan doonaan haddii Ilaahay idmo. 

Waxaana haddaba muuqanayso in cadowga soo duulay iyo kuwa hoos ordayaba ay sii liicayaan oo ay kala daadanayaan, jabkoodii ayaa soo muuqda waqtigii la xisaabin lahaana way ku xigi doontaa kuwa soo gardarooday, qolo walba oo ku lug lahayd gacanna ka gaysatay dhibaataynta shacabkayga dhinac walba waa lays hor fariisan doonaa goor aan sidaa u dheereyn, xisaabtankuna waxaan jeclaan lahaa inuu noqdo mid si nabad ah ku dhisan maaha xabad, xabadi maaha xisaab ee waa xasuuq, waxaan loo baahan yahay in la helo jawi nabdoon oo lagu wada hadli karo oo la wada gar qaadan karo qof kastaana uu khaladkiisa qaadan karo, cafisna lagu daaweeyo dhaawacyada muuqda. 

Itoobiyaanka waxaa lagula xisaabtami doonaa sidii hadba ay fursaddu saamaxdo, marka laga saaro dhammaan dhulalka Soomaalida oo dhan kuway hore u haysatay iyo kuwa ay haatan qabsatay intaba, ka gadaal waxaan qabaa inay furmaan wada hadalo, wada hadalkaasna ay ka soo baxdo heshiiis ku dhisan is ixtiraam, walaaltinimo, iskaashi iyo darisnimo, sidaas waxaan u leeyahay Itoobiya iyo Soomaaliya isma hurayaan waa laba wadan oo dhinaca isku haya oo aan kala guuri doonin, sidaa daraadeed waxaan qabaa in muruqa, maalka iyo maskaxda loo adeegsaday colaadda iyo dagaalka in loo adeegsan karo mar kale dhinaca wanaagsan ee ah in la iskaashado, la samaysto xiriiro dhinac walba leh oo qoto dheer, maamulka Melezna uu garawsado khaladka baaxadda weyn ee uu galay, xukuumadaha laga yaabo inay ka dhashaan dalka Soomaaliyana waxaan jeclaan lahaa inay noqdaan kuwo ay dadku raali ka yihiin oo la soo doortay, isla markaana beesha caalamka iyo deriska kula noolaada nabad iyo iskaashi.  

Soomaalidana waxaa lagula xisaabtami doonaa agagaarka ceelasha iyo dhul daaqsimeedka la wada wadaago xeerkii iyo geedihii hoostooda ee awelba dhaqanka noo ahayd taas oo macnaheedu tahay Soomaali iyada ayaa is fahmi doonta si uunna isu afgaran doonta, maxaa yeelay dhulka Soomaali ku kala tegi mayso ee waa la isla degenaanayaa sidaa daraadeed ayaan la is hurayn marnaba oo aan la kala maarmi Karin, haddaba haddii arini sidaa tahay, odoyaasha iyo waxgaradka beeluhu maxay u garan waayeen intay goori goor tahay inaan dakane la kala uruursan inleyn darajo lama kala sitee. 

Soomaaliya kama jirto dowlad waqti dhowna ma soo muuqato in dowlad Soomaaliyeed dhalan doonto, sidaa daraadeed waxaan ugu baaqayaa xubnaha ku jira magac u yaalka aan xarfaha dhaafsiisneyn ee TFG intay goor hore tahay inay laalaabtaan bustayaashooda si ay u yaraato dambiyada ay galayaan maalin kasta oo qof soomaali ah la dilayo iyagoon waxba ka qaban karin, la kufsanayo iyagoon waxba ka dhihi Karin waa daciifnimada ugu liidato ee qofi dugsado, sidaasoo kale beelaha Soomaaliyeed ee iyaguna ku deeqay malayshiyooyinkooda waxaan ka codsanayaa inay sida uga dhaqsiyaha badan ugala baxaan wiilashooda oo dib loo hagaajiyo maskaxda qaloocatay, wiilashaasi ma soo celin doonaan waxaan ka ahayn colaad kulul oo daba dheeraata, sidaa daraadeed saw sax maaha in odoyaasha beeluhu ay wiilashooda kala soo baxaan kooxda colaadeedka taagtadaran ee hadana la haysto ee Mpegathi. 

TFG lagama dhaxlin waxaan ka ahayn madaxweyne Soomaaliyeed oo askari Itoobiyaan ah ka amar qaata, TFG lagama dhaxlin waaxaan ka ahayn wasiir Soomaaliyeed oo jadwalka shaqadiisa ka suga Itoobiyaanka, TFG lagama dhaxlin waxaan ka ahayn ducfi, fara isku taag taag iyo in hoos loo ooyo, waa hubaal in saraakiil badan oo ka mida TFG-da ay haatan la yaaban yihiin sida wax noqdeen xittaa hadaysan markii hore maanka ku hayn, mararka qaar ayaan is dhahaa TFG ma waxaa laga soo gaabiyey (tayo xumo, fiiro xumo iyo Gunnimo) 

Xarfaha TFG ma keenin dalka Soomaaliya waxaan ka ahayn dil, dhac, kufsi xasuuq baahsan iyo faldambiyeedyo kale oo lala beegsaday beel gaar ah, oo markii horeba diiradda la sii saartay, taasina runtii ma u soo hoynayso cidna guul gaar ah iyo bilad meel la surto oo taariikhda gasha, waxayse taasi bedelkeeda soo kordhinaysaa oo keliya colaaddii awelba taagnayd inay sii holacdo, haddaba akhristow miyaysan kula ahayn in maanta la joojiyo waxa soconaya, miyaysan kula habooneyn in halkaas lagu ekeeyo waxa ka soconaya dalka soomaliya gaar ahaan Muqdisho, miyeysan kula ahayn in dadka waxgaradka ahi haddiiba ay hareen oo nool yihiin inay gacan ka gaystaan sidi loo horistaagi lahaa beeridda miraha dakanaha iyo cadaawad hor leh oo qarxi karta sanadaha soo socda? Haddii akhristow jawaabtaada aysan HAA ahayn waxaan aniga iyo adigaba wada fiirsan doonnaa wixii ka soo baxa waxa hadda la beerayo waana balan xasuuqa shacabkayga inay xisaabi ka dambeyn doonto. 

Akhri: Qoraaladii Hore ee Elmi

D. Elmi
adelmi@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com |  August 31, 2008

BAARID | SEARCH


yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka
Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri

Sheikh Shariif “ciidamada bixitaankooda wuxuu bilaabanayaa markii la sixiixey heshiiska, laakiin…” Shir jaraa’id
Warbixin arintaas ku saabsan Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS