Minneapolis: Senator Amy Klobuchar oo la shirtay Madaxda Jaaliyadda
Soomaalida.
Minneapolis (08/20/2008). Senator Amy Klobuchar ayaa maanta la
kulantay madaxda Jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota. Shirkan ayaa
wuxuu ka dhacay Aqalka Ummada ee Gobolka Minnesota, Shirkan waxaan isku
soo dubadiray Siyaad Maxamuud Cali (Siyaad Geelle) oo ka mid Shaqaalaha
Xafiiska Senator una qaabilsan arimaha Jaaliyadaha Afrikaanka.
Arimaha lagaga wada hadlay ayaa ahaa kuwan soo socda
- Xawilaadaha Soomaaliyeed iyo Caqabadaha ka haysta Shuruucda
Bangiyada.
- Immigration (TPS), Madaxda Jaaliyada ayaa ka codsadey Senatorka
in ay sharci la raadiso dadka Soomaalida ah ee wadanka ku jooga TPS
(Temporary Proctected Status) ka, kuwaas oo sanadkasta ay ka dhacaan
waraaqaha shaqadu, una baahan sharci rasmi ah.
- Qaxootiga Soomaalida ee iman jiray Wadanka oo dhawaan la Hakiyey
ayaa Madaxdu codsadeen in Senatorku wax ka qabto.
- Xanuunka Austims, Madaxda Jaaliyada Soomaalida ayaa walaac ka
muujiyey Xanuunka Austism kaas oo in kabadan 25% caruurta qabta
xanuunka ay yihiin caruur Soomaaliyeed, Arintan oo u baahan in
Senator la hadlo hay’adaha caafimaadka iyo Iskuulada la xidhaadha si
loo baadho sababta xanuunka keentay.
Senator Amy Klobuchar ayaa balan-qaaday in Xafiiskeedu howlaha
guda-galayaan, arimaha qaarna ay badhtanka kaga jiraan.
Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay, Madaxda Jaaliyada, Mudane Dr. Siciid
Faahiye, Confederation of Somali Community, Marwo, Faadumo Mohamed,
Confederation of Somali Community, Mudane, Shafi Hashi Somali Action
Alliance, Mudane: Maxamed Abukar, Somali Benadiri Community, Mudane
Cabdullahi Guled, Afrikan Community Services, Mudane: Omar Jamal, Somali
Advocay Justice, Cabdullaahi Hassan, Cabdirisaq Sugule, Cabdullahi
Ahmed, Ilhaam oo dhamaan ka socday ururka Xawilaadaha Soomaalida.
Dhinaca, Xafiiska Senator Amy Klobuchar waxaa uga qeyb-galay, Senator
Amy Klobuchar, Zach Rodvold, Siyad Ali iyo Tom Sullivan.
Shirkan ayaa wuxuu ku dhamaaday guul, Senatorka iyo Shaqaalihiisuna
waxay balan qaadeen inay howlan siin doonaan muhiimad weyn. Waxna ka
qaban doonaan.