FURAHA GANACSIGA
Bilaabista iyo kobcinta ganacsiga

Buuggan, oo ah kii ugu horreeyey ee ka
hadla bilaabista iyo kobcinta ganacsiga, ku qoran
af-soomaali miidh ah, una qoran qaab akadeemig ah,
cutubyadiisa iyo qaabka uu u qoran yahay labadaba waxa
saldhig u ah saddex arrimood: (1) Cashar diyaarin la
xiriirta maaddada antrabranoornimada iyo ganacsiga
yar-yar (entrepreneurship and small business) oo aan ka
dhigi jirey Macaahid sare oo ku yaala Boqortooyada
Ingiriiska (UK) sanadihii 2001-2005; daraasado aan ku
sameeyey ganacsiga iyo ganacsatada Soomaalida sanadihii
u dhexeeyey 2001-2008; iyo waaya’aragnimo gaamurtay oo
la xiriirta la talinta sharikaadka yar-yar iyo kuwa
dhexe oo aan ka shaqaynayey ilaa 1996-dii.
Buuggan, waxa sidoo kale saldhig u
ah, daraasad socotay mudo labo sano ah oo koobtay:
xaaladda uu qofka Soomaaliga ahi ku sugan yahay inta
uusan bilaabin ganacsiga; noocyada ganacsiga ee
Soomaalidu xushaan iyo asbaabaha ay ku xushaan; qaabka
ay fikradda ku helaan, qaabka ay u horummariyaan iyo
qaabka ay u qiimeeyaan; asbaabaha keena in ganacsiyada
Soomaalida qaar kobcaan, qaarna dhintaan; duruufaha
maammul iyo hoggaamin ee soo wajaha sharikaadka
Soomalida; qaabka suuqgeynta iyo xisaabaadka maaliyadda
ay u sameeyaan; iyo qaabka ay u fahmaan isagana
caabiyaan tartanka.
Guud ahaan saddex qaybdood ayuu
buuggu ka kooban yahay. Qaybta 1aad, fahanka ganacsiga
yar-yar iyo antrabranoornimada, waxay muuqaal ka
bixinaysaa dhalashadda sharikaadka yar-yar iyo dadka
bilaaba sharikaadkaas. Qaybtaas oo ka kooban saddex
cutub, waxay qaadaa dhigayaa qaabka Sharikaadku u
samaysmaan iyo dabeecadaha dadka bilaaba sharikaadkaas.
Qaybta labaad, oo ka hadlaysa
bilaabista, horummarinta, kobcinta iyo fashilka
ganacsiga, waxay marka hore wax ka iftiiminaysaa
qaababka loo helo fikradaha ganacsiga (qaababka loo
dhaliyo fikradaha, qaabka fikradda loogu beddelo fursad
iyo qaabka loo miisaamo fursadda). Waxay marka xiga wax
ka taabanaysaa qaabka loo sameeyo qorshe ganacsi. Waxa
kale oo qaybtaasi dulmar kooban ku samaynaysaa sida loo
bilaabo shirkadda. Labada cutub ee ugu danbeeya qaybtani
waxay faahfaahin ka bixinayaan koboca iyo fashilka
sharikaadka yar-yar.
Qaybta saddexaad, oo daawo u
raadinaysa waxyaabaha sharikaadka Soomaalidu ku liitaan,
waxay ka kooban tahay afar cutub: tartanka, suuqgeynta,
istaraatiijiyadda iyo maaliyadda xisaabaadka. Meesha
cutubka tar-tanku ka waramayo sida loo fahmo tartanka
iyo sida loo ilaashado suuqa; cutubka suuqgeyntu wuxuu
soo bandhigayaa qaababka loo goboleeyo suuqa, loo xusho
gobol ka mid ah, looguna mitido gobolkaas la xushay.
Wuxuu sidoo kale wax yar ka taabanayaa sida loo sameeyo
suuq baaris (market research). Cutubka maaliyadda
xisaabaadku wuxuu ka waramayaa sida loo helo maalgelin
xalaal ah iyo sida loo maareeyo maalgelintaas. Cutubka
istaraatiijiyadu, wuxuu guudmar ku samaynayaa sida loo
sameeyo istaraatiijiyad shirkadda gaarsiin karta
koboc.
Buuggan, oo ujeeddadiisa ugu weyni
la xirriirto, sare u qaadista tirada iyo tayadda
ganacsiga iyo ganacsatada Soomaalida, laba kooxood ayaa
si gooni ah niyadda loogu hayey markii la qorayey: (1)
dadka ku talo jira in ay yagleelaan ganacsi gaarsiin
kara himilooyinkooda - himilooyinkaasi ha noqdeen
maalqabeenimo ama in ay magac ku dhex yeeshaan
mujtamaca; iyo (2) dadka ku dhex jira ganacsiga,
laakiin, jecel in ay wax ka beddelaan jihada ay u
socdaan iyo xawliga ay ku soconayaan labadaba.
Maaddaama buuggu u qoran yahay
qaab akadeemig ah, waxaa loo isticmaali karaa
koorsooyinka ‘entrepreneurship and small business
management’ ee sanadaha 2aad ama 3aad ee jaamicadaha
dalka. Waxaa sidoo kale buugga wehel iyo saaxiib ka
dhigan kara siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada ku hawlan
sidii sare loogu qaadi lahaa tirada iyo tayadda
ganacsiga Soomaalida.
Ugu danbayn, in kastoon intii mudo
ah aan ku dhex jirey cilmiga antrabranoornimada iyo
ganacsiga yar-yar, daraasado badana aan ku sameeyey
ganacsiga iyo ganacsatada Soomaalida, haddana ma sheegan
karo in aan ka soo kor laabtay waxyaabaha saamaynta ku
yeelan kara ganacsiyada Soomaalida oo dhan. Buuggani,
waxa kaliya oo uu soo guuriyey nuxurka daraasadihii aan
ku sameeyey ganacsiga iyo ganacsatada Soomaalida. Dadka
ku takhasusay ama waaya’aragnimada gaamurtay u leh
maaddadan, gunaanadka buuggaan iyo aragtiyaha uu
xanbaarsan yahay intaba waxbay ka oran karaan
Saciid Cali Shire
B.Sc (Hon), PGD, M.A., M.Sc., M. Phil.,
MIBC, MIIBF
saidshire@buuh.net
44 (0) 7838236171
NB: Fadlan la soo xiriir qoraaga si uu
kuugu sheego meesha kuugu dhow ee aad ka heli kartid
buugga