SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

TAZDIIQINTA (ATTESTATION-ka) SHAHAADOOYINKA JAAMACADEED EE WADANKAN PAKISTAN 
 

Hordhac/Gogoldhig 
 

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh, Nabadgalyo iyo Naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. 

Intaa kabacdi, xaqiiqdii waa ciwaan aad muhiim u ah. Waxaana rajeynayaa in ardey iyo waalidiin aad u farabadan uu wax weyn u faa’ideyn doono haduu Alle idmo. Xaqiiqdii qeybo dhan oo ka mid ah Ardeyda faraha badan ee wadankan Pakistan waxkabarata ayaan garaneyn waxa uu yahay Attestation-ka, muhiimadiisa iyo wadada saxda ah ee loomaro intaba. Sidaa daraadeed waxaan qalinka u qaadaney in aan wixii awood ah wax uun ka dhahno, si ummada uga wada faa’ideysato, gaar ahaan kuwa sida tooska ah eey u quseyso, si aay ugu baraarugaan waqtiga ugu haboon, iyo si eey ugu fufudaato wadada saxda ah ee loomaro Tazdiiqinta Shahaadooyinkooda Jaamacadeed. Haduu Alle idmo.  

Waa warbixintii aan jeclaan lahaa in aan anigaba helo sanado farabadan ka hor. Waa maalintii aan wadadan marayey oo xaqiiqdii ii save-gareyn laheyd (Baajin laheyd) Waqti iyo dhaqaale intaba. Sidaa daraadeed ardeyda wadadaas kusoo socota iyo waalidka ama walaalka ka mas’uulka ah ayey xaqiiqdii u tahay wax aad u qiima weyn. Sidaa daraadeed; ka faa’ideeyso una faa’idee inta kale maxaa yeeley “Ragga hore Gubashadii, waa kuwa dambe Gabbaad kood”. 

Waa maxay tazdiiqintu Ama (Attestation-ka) Shahaadada jaamacadeed? 

Bal inta aanan u dhaadhicin ama aanan u guda galin mowduuca, bal aan isla qeexno, Tacriifinno ama isla Define-gareyno waxa Tazdiiqintu tahay. 

Attestation-ka ama Tazdiiqinta Shahaadada Jaamacadeed: waa cadeyn ama xaqiijin lagu sameynayo in shahaadada ardeygu wato; sax tahay, wado sax ahna loo soo marey qaadashadeeda, lagu soo qaatey waqtigii iyo maadooyinkii loogu talagalay intaba, lagana soo qaatey jaamacad eey aqoonsan tahay Hey’ada Tacliinta Sare ee wadanka, ugu dambeyna sidaa shaabada, tiimbaraha ama cadeenta sharciga ah lagu dhufto.  

Xaqiiqdii Waa kala saarida ardeygii mudada sanadaha ah soo dadaalayey iyo Dibjirkii meelaha siduu u daaluqlahaa shahaado iska sameystey ee raba in uu la mid noqdo ardeygii Dhididka soo daliiqay ee naf iyo maalba isugu geeyey sidii uu cilmi dhab ah oo naafic ah ku heli lahaa, kaasoo lagu miro gurto meelkastoo aduunka uu kala tago. Waa u kala garsoorid ardeygii guntigiisa u xirtey waxbarashadiisa ee ku guuleystay howshii waalidkii iyo walaalihii ku ogaayeen, iyo kan “Matacbade Burweynaha” ah ee siduu meelaha u hurdo weynaa oo uu utimo Raamo lahaa kusoo baraarugey ficii oo wax wada bartey, sidaana ku damcey in uu “Baakad Bug ah” iska sameysto si wax uun uu ula noqdo. Waa ukala xaqsoorida waalidiintii waxeey lahaayeen iyo waxkastoo eey heli kareen intaba waxbarida Owlaadooda/Ubadkooda u hurey, Owlaaduna la garteen-ileyn waa muhiime-, iyo waalidkii Jahliga ku fiirsadey Owlaadiisa sidaana Focood uga reebey iyo in eey aqoon wax kula qeybsadaan ama ku hogaamiyaan Asaagood/Focood. 

Muhiimada tazdiiqinta ama (Attestation-ka) Shahaadada jaamacadeed

Qofku marka uu si sharci ah ku qaato shahaadada oo uusan iska sameysan, sida dhacda marar badan, meelo farabadan oo aduunkoo idil ahna ka dhacda, waxaa looga baahan yahay in uu tazdiiqiyo Shahaadadiisa Jaamacadeed (Attestation), si uusan Dhib, Shaki ama Muran ugala kulmin, marka uu ku shaqo doonanayo si caalami ah ama marka uu aqoon sare doonayo in uu sii kororsado iyo waliba xilliga uu doonayo in uu qabto xafiisyada ummada (Public offices).Weey dhacdey rag sheegan jirey in eey kasoo qalin jabiyeen jaamacad heblaayo sidaana Jagooyin dowladeed loogu dhiibey, hayeeshee dib ka cadaatey baaritaan kabacdi in eey Huuhaa iyo Been uun aheyd! sidaana ceebtooda ummadoo idili ku wada ogaatey, maxaa yeeley Caalamkan waxkastaa Computerized-ka wada yihiin oo eey waxkastaahiba ka buuxaan “Database” iyagoo wada leh Serial number-kooda, wey iska fududahay in lakala saaro kan wax sharci ah wata iyo midka waxa Bugta ah wata. Sidoo kale u maleyn maayo in uu jiro ardey Jecel ama ku farxaya in uu la mid noqdo mid asigoo waxba aanan baran Baakad Bug ah iska sameystey iyo isagan sida hufan ugu soo dadaaley tacliintiisa oo eey Berri ku wada tartamaan waxkasta, sidaa daraadeed waa muhiim in ardeygu uu sameysto attestation-ka Shahaadadiisa marka uu ka qalinjabiyo Jaamacada. Xaqiiqduse waxa eey tahay, Waxa idin kala saaraya maaha oo kaliya in aad si sharci ah Shahaado jamaacad uga qaadatey, ee waa in eey Kuu tazdiiqsan tahay ama Attestation kuu leedahay Shahaadadaada jaamacadeed, Waloow waxa dhabta ah ee aadan marna ka sinnaaneyn eey tahay Cilmiga dhabta ah ee Qalbigaada kuugu jira, ee cidina eeysan kaa Bililiqeysan Karin, ee ah Masaar/Gudin aad meelkastood tagto ku geedo guran karto, xaqiiqdiina kuu ah “Hantida dhabta ah ee Maguuraanka ah”.Sidaa si la mid ah ayeyna Muhiim u tahay in uu kasii taxadaro ardeyga shuruudaha lagu xerikaro iyo Dukumiintiyada uu u baahan karo marka uu doonayo in uu sameysto attestation-ka ama Tazdiiqinta Shahaadadiisa jamaacadeed.  

Wadada loo maro Tazdiiqinta Shahaadooyinka Jaamacadeed ee Pakistan

Marka hore si aad u sameysato Attestation-ka ama Tazdiiqinta Sharciga ah, waxaad u baahantahay dukumiintiyo la’aantood aadan heleynin attestation-kaas, sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in aad marka horeba sii urursato dukumiintiyadaa inta aanba la gaarin waqtiga aad wax tazdiiqin laheyd, ileyn waatii Soomaalida hore u tiri “ Cilladhaan warmo kama tunmaane” waliba Dukumiintiyadaa dhamaantood, waa kuwo aad ugu baahantahay sharci kusii joogitaankaada wadankan iyo waliba xasilooni kusii wadashada waxbarashadaada. Marka waxaaga maadba sii urursatid oo dhibba kasii taxadartid, ileyn soomaalida ayaa tiraahda “Biyo inta eeysan kusoo gaarin ayaa leyska Moosaaye/Owdaaye” Yaanan hadalka sii dheereyn ileyn “Hadal badan haan ma buuxshee” Waa sidan dukumiintiyada aad u baahantahay marka aad sameysaneyso Attestation-ka Shahaadadaada Jaamacadeed. 

Dukumiintiyada Ardeyga looga baahanyahay 

  1. Koobiga Baasaboorka oo aan wali kaa dhicin “Valid Passport ” dhamaan inta eey wax uga qoran yihiin.
  2. Koobiga Fiisaha ardeynimo “Valid Study Visa” oo aan iyana dhacsaneyn ama waqtigeedii uusan dhamaan.
  3. Dhowr sawir oo nooca passport size-ka ah
  4. Koobiga Shahaadada tacdiilka ama isbarbardhiga (The Equivalence Certificate)
  5. Koobiga Shahaadada N.O.C-da (No Objection Certificate)
  6. Koobiga a Shahaadada Dugsiga Sare,-waa hadii aad Bachelor tazdiiqsaneysee- Hadiise aad shahaado kasii sareysa u rabto, dabcan tii ka horeysey waa leyska doonayaa.
  7. Shahaadada laguu attest-gareynayo iyo Transcript-geeda (Warqada Maadooyinka iyo Buundooyinkooda ku qoran yihiin) dabcan waaba waxa aad mesha geeyneyso.

Waxaa is xasuusin Mudan waxa aad gudbineyso ee lagaa reebanayo waa Koobiyaasha Dukumiintiyada, waxaase lagama maar maan ah, in dhamaan orjinaalka Dukumiintiyadaasina aad wadato, oo aad hore usii qaadato, maxaa yeeley iyana waa lagaa qaadayaa oo la hubinayaa, laguuna soo celinayaa, kadib marka howsha laga lahaa laga dhameysto, hadiise aad kasii tagto, oo Koobiga uun lasii orodo, ee lagu soo celiyo, “Wixii dhaca adaa dhigey” 

Meesha laga sameysto Attestation-ka

Waxaa laga sameystaa Attestation-ka, illaa iyo sadex meelood badanaa, mid kastaahise qolo gaar ah ayey quseysaa. Waa tan 1-aade; waxaa laga sameystaa Xarunta weyn ee Hey’ada Tacliinta Sare ama HEC-da (Higher Education Commission), kuna taalla Caasimada wadanka ee Islamabad. Waxaa wanaagsan in ardeygu uu waqti hore tago, sida 9:00am iyo wixii u dhow, maxaa yeeley dadka wadankan oo aad u tiro badan(165Million) ,si aad ahna wax u barta iyo jaamacadaha wadankan oo aad u badan, ayaa waxeey sababeysaa in sanadkastaa Daadad ardey ah soo wada qalin jabiyaan. Maalinkasta ee ardey Attestation u tago xarunta Hey’ada Tacliinta Sarena waxaa aad u buux dhaafaya ardey. Waxaa lagalaa Saf dheer, hadii aad soo dib dhacdo wax yar ee inta aadan soo gaarin meesha Safkaas lasameeyana hade dadka kusoo daba feyl ayaa kuu taalla, adigoo meesha kusoo kallahay ayeyba foojignaan gaar ah kaa rabtaa si aan gadaal laguu marin. 

Waxaa sidoo kale jirta in ardeyga badanaa waqti uga lumo isku qaldida labada Foom oo mid uun la buuxinayo inta aadanba safka galin. Waa caqli hadii aad labo tihiin ee midna Foomka idiin sii buuxbuuxiyo midka kalana leynka idiin waar diyeeyo ee idiin sii galo booska. Labadaas Foom ayaa kala ah, mid loogu talagalay ardeyda Ajaanibta ah, iyo mid loogu talagalay dadka wadankan u dhashay, hadii ardeygu uusan ku baraarugsaneyn in eey jiraan labadaa Foom ee kala duwan, wuxuu iska qaadan karaa, iskana buuxsan karaa midkii aan isaga loogu tala galin, maadaama eey isku egyihiin, meelna wada yaallaan. Mudo markuu ardeygaa saf ku jirey  ee isaga lasoo gaarana lagu yiraahdo orodoo dib u noqo oo kan kale soo buuxi, waa gadaal kasoo biloow, xaqiiqdiina waa dhabar-jab iyo dhib intiisa la eg. Waxaana wanaagsan in ardeygu Koobiyadiisa oo dhameystiran horey usoo wada qaato si uusan iska daba wareeg kale u galin. 

Qiimaha lacagta Attestationka ee Hey’ada Tacliinta Sare waa Rs200/ ($2.86)/warqadii orginal ahba, halka wixii Koobi ahna laguugu Attest-gareynayo Rs100/ ($1.43)-Qiimaha iyo Sarifkuba weey is bedeli karaan Dabcan-Waxeey kaga dhufanayaan Attestation-ka qeybta dambe ee Degree-ga iyo Transcript-ga Orjinaalka ah, halka koobiyaashana eey uga dhufanayaan wajiga hore. Qiimaha lagaa qaadayo waxeey ku qoran yihiin foomka aad buuxbuuxineyso, waxaana sidoo kale eey ku dulqoranyihiin waraaqaha yaryar ee aay kuugu dhajinayaan Dukumiintiyada la Attest-gareynayo, waa waraaqaha Soomaalida u taqaan “Farangaboolooyinka”, waxkastana waxeey kuu lahaanayaan Serial Number, laga xaqiijiyo attestation-kaas markastoo loobaahdo. Nuxurka hadalka ama Muhiimada ayaa ah in adeygu ogaado in Hey’ada Tacliinta Sare eey tahay meesha ugu muhiimsan ee ugu horeyn eey tahay in ardeygu uu maro marka uu Shahaadada Jaamacadeed Attest-gareysanayo, waana meesha hadii eeysan u tazdiiqin , wixiisu ka kac yihiin/Bilaash yihiin. 

Udiyaargaroow su’aalo Kadis ah ee lagaa weydiinkaro maadooyinka aad kusoo qaadatey qeybta aad baratey, in aan lagu weydiina waa wax dhici kara. Waa Su’aalo qodqoditaan iyo baaritaan ah, waloow qofkii si dhab ah wax u bartey eeysan ku noqon doonin wax sidaa usii weyn. 

2-Meesha labaad ee ku xigta marka aad kasoo Attest-gareysato Hey’ada Tacliinta Sare, waa Wazaarada Arimaha Dibada, iyana waxeey kaa qaadayaan lacag dhan Rs 25/($0.42)/Warqadiiba. Nasiib wanaagse orjinaalka iyo koobiyaasha kalama saaraan. Howsha halkan weey ka fududahay, shaqaalaheeda oo aad u badan iyo dadka wadanka u dhashay ee Dibada wadanka uga socda oo kaliya ayaa imaanaya, marka laga reebo Ajaanibta, marka xoogaa weey ka Zaxmad/Buuq yartahay, weeyna ka fududahay Hey’ada Tacliinta Sare, dhinackasta hadii eey ahaan laheyd baaritaanka, qodqodista iwm, waxaa laga yaabaa in eey sabab u tahay maadaama qofka uu horey u soo marey Hey’ada Tacliinta Sare oo aad u ad adag, dabcan waxeey isleeyihiin waxkasta oo aad marsiin laheydeen horaa loosoo marsiiyey, waloow hey’ad kastaahiba eey leedahay Siyaasadeeda iyo hab wax-u-qabadkeeda (Policies and Procedures). Wazaarada Arimaha Dibadu waxeey ku xigtaa ahmiyad ahaan tan Hey’ada Tacliinta Sare. Waana muhiim in aad Attestation-kaas Wazaarada arimaha dibada ka sameysato, maadaama aad dooneysid in aad wadankan Pakistan dibadiisa Shahaadooyinkaas wax uga qabsatid ileyn Ajnabi ayaad tahaye,hadii gudaha wadankan aad uga shaqeysaneysana, kaba sii fiican oo waa kalsooni weyn, marba hadii intaas oo xafiisyo muhiim ah kuusoo tazdiiqiyeen.  

3-Meesha Sadexaad ee Ardeygu uu Attestationka kasii sameysanayo ayaa iyana ah Safaarada Wadankiisa, waloow eey “Mustaxab” iska tahay, hadana waa wax aad u wanaagsan, maadaama wadanka aad wax ku baratey xafiiskii kumatalayey eey tahay, waana wax inta badan aqoonyahanadu sameystaan , sababo kaloo farabadan oo tan aan sheegey kasii muhiimsanna wey jiri karaan, ee adiguba kusii darso.Waxaa sidoo kale meesha ku jirta hadii aad wadan kaloo Ajnabi ah usii socodo Safaraadooda in aan kasii smeysatana wax weyn ayey xaqiidii caawineysaa, dhibkii aad documents-kaas kala kulmi laheyd ayey iyana yareyneysaa amaba meesha ka saareysaa.  

Gabagabo/Gunaanad

Gabagabadii iyo Gunaaanadkii waxaan dhihi lahaa ardeykastoow, wadankan Pakistan si sharci ah kusoo gal, oo viso ardeynimo oo sharci ah kusoo gal marka hore, markasta oo eey kaa dhacdana cusbooneysiiso oo 45-maalmood ka hor gudbi dukumiintiyadaada, noockasta oo dukumiinti ah ee aad u baahankartana waqti horeba sii ururso, ileyn garanmeysid waxa is bedelikaree, ogoowna in wadada saxda ah  in uu ardeygu maro eey markasta ugu qarashyartahay haba u ekaatee in eey mararka qaar wadada gaaban(The short cut) fududahaye, cawaaqibteeda ayaanse la mahdineyn. Ugu dambeynna waa in uu ardeygu raadiyaa waxkastoo muhiim u ah waxbarashadiisa iyo mustaqbalkiisaba, si wax muhiim u ahba uusan si fudud ugu seegin. Waa waano tan ugu muhiimsan gaar ahaan in aad hesho waqtiga ugu munaasibsan ee taladu kula simantahay, cidkastaana eeysan kuula soo ordeynin waa Qurbe iyo caadadiisee, Asia-na kumaba sii jirto oo wax yaabaha lagu barto eey ugu horeyso Xaasidnimo! “Waa qofkii aan naftiisa kala dagaalamin saameyntan xune”. 

Mahadnaq

Waxaan si Kal iyo Laab ah ugu mahadnaqayaa walaalkeey iga yar Eng.Cali Maxamed Cismaan “Cali Nuur’ iyo Dumaashidey Naciima Axmed Yuusuf “Ummu Sumaya” .. Oo xaqiidii si hufan igala shaqeeyey ururinta, qorista iyo soo bandhigida warbixintan Muhiimka ah.

Wabillahi Toqfiiq

Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdi Boqor”

MBA (MKT) Bahria University

Karachi- Pakistan

Email: abdulkadirphd@hotmail.com

Mobile No: 0092-3002477489

Qoraaladii hore ee Cabdi Boqor

Faafin: SomaliTalk.com |  August 3, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS