Saxiixyadii Sheekh Shariif iyo Nuur-cadde oo
Soconwaayey
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Ma durbadiiba! Talaadadii dhoweyd baa u-hadlaha “xukuumadda,”
Cabdi Xaaji Goobdoon saxaafadda horteeda ka akhriyey qodobbo ay
ku jireen xil-ka-qaadistii Maxamed-dheere. Warka markaan
dhegeysanayo maalintaas Talaadada ah weli London qorraxdu kama
dhicin – waa 7-dii (pm) iyo wax la jira. Soomaaliya haddey 7:00
pm gaarto waa habeyn. Habaynkaas iyo subaxii Arbacada waxaa
boggagga Soomaalida ee internetka iyo shacabkuba
soo-dhoweynayeen arrintaas xil-ka-qaadidda ah. Waa maalintaan
gartay in aan dadkeenna Soomaaliyeedba fahmin sida wax u
dhacayaan. Inkastoo dhallinyarada iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed
intooda badan internetka kala socdaan akhbaarta Soomaaliya
haddana waxaa igu filnaanwaayey qoraalkii aan isticmaali jiray
oo waxaan is iri maanta waxay rabtaa hadal. Subixii Arbacada
waxaan ka warhelay in dadkii soo barakacay ee degenaa inta u
dhaxeysa Xamar iyo Afgooye ay bannaanbax ka sameynayaan halkaas
iyagoo soo-dhoweynaya jago-ka-qaadista Maxamed-dheere.
Waxaan goostay inaan la xiriiro idaacadda Capital Voice iyo
Hornafrik. Waxaan is iri ma sugtaa barnaamijka dhacdooyinka
maanta haddana waxaan is iri dadkii masaakiinta ahaa ee cidlada
ka bannaanbaxaya arag. Waxaan is iri haddii wareysiga aan
bixindoono uu u dhiciyo waayo sidaan sheegay soow mala-awaal iyo
ceeb maaha? Haddana waxaan isku samirsiiyey awalba inaanan la
gabban jirin qoraallada oo ay siday ila tahay wax u qoro marka
muxuu hadalku uga duwanyahay qoraalka? Waxaan goostay inaanan
sugin barnaamijka dhacdooyinka maanta oo soo gala qiyaastii 9:30
fiidnimo waqtiga Muqdisho markaasaan wacay barnaamijka Muqdisho
iyo maanta oo ka baxa Capital Voice subaxii. Waxaa wareysiga iga
qaaday Aweys Xaaji Nuur (Aar).
Sheekada Maxamed-dheere oo labadii qof oo siyaasad iska
wareysataaba hadalhayeen ayaan wax weyn iila muuqan maxaa yeelay
waxaa iga yaabiyey oon wareysiga ku sheegay in waddankii Tigree
heysto. Waxa dadka bannaanbaxaya dibadda soo dhigay ma aha
Maxamed-dheere. Waxaan wareysiga ku sheegay in shacabku yaqaan
sida Maxamed-dheere iyo dagaaloogayaasha kale looga saaro
Soomaaliya. Waxaan dadka u sheegay in kuwii ka saaray
Maxamed-dheere Xamar iyo Jowhar ay weli joogaan ee maxay hadda
bannaanbaxayaashu iyagoo intaas tiro le’eg uga dibaxbixiwaayeen
gumeysiga weyn ee Maxamed-dheere soo gashay Soomaaliya –
Tigreega? Soow ma aragtid sida shacabka loogu khaldayo wax aan
weyneyn. Bal suureyso Gabra oo Villa Soomaaliya dhacdiida baa
Maxamed-dheere laga hadlayaa! Waxaan wariyaha u sheegay in ay
arrintu la mid tahay qof madaxa lagu dhuftay oo maskaxdu ka
daadaneyso oo xoogga saaraya xagtin lugta uga taal!
Waxaan wariyaha isugu daray oon shacabka maqashiiyey in
Nuur-cadde la mid ahaa kuwii saxiixa ku sameeyey Jibuuti! Waxaan
uga dan lahaa oon wareygsiga ku sheegay in korneyl C/hi leeyahay
saxiixa ugu dambeeya. Waxaan shacabka u sheegay ismiidaaminta
Nuur-cadde oo ah hadduu saas ogyahay muxuu iskaga dhigay nin
saxiix (casilaad) soconsiinkara? Waa meeshaas meeshaan ka rabay
inaan dadka tuso inuu ku dhacay khaladkii kuwa Jibuuti jooga oo
iyagoon metelin kacdoonka oo huteela iska jiifa raba iney
dhahaan cid bey ka socdaan. Waxaan shacabka weydiiyey C/hi oon
jecleyn in riwaayadaha lala jilo oo cid kale ka soo agdhowaato,
haddii isagoo safar jira laga lug tallaabsaday maxuu sameyn?
Waxaan shacabka xasuusiyey in C/hi lagu sheego inuu gacanta la
galo waxyaalo aan dastuurku u ogolaaneyn marka ninkii saas ahaa
haddii loogu yimid wixii dastuurku u fasaxayey – magacaabidda
iyo ceyrinta guddoomiyayaasha gobollada maxuu ka yeelin? Teeda
kale waxay u muuqatay xitaa inaan Nuur-cadde arrinta kala
tashan.
Waxaan wariyihii iyo shacabka u sheegay in sidii kuwa Jibuuti
jooga ay ugu daneeyeen Tigreega sababtoo ah Tigreegii oo
waddooyinkii mariwaayey oo ku soo ururay xerooyin ciidan ayaa
waxa bannaanka isa soo dhigay kuwa Jibuuti jooga oo leh Tigreega
xabbadda halaga daayo waa baxayaane! Waxay bilaabeen oo isku
dayeen iney shacabka iyo dal-xoreeyayaasha ka jeediyaan halganka
ay ugu jiraan saaridda Tigreega. Ilaahay mahadii gobonimo-doonka
badankoodu dheg jalaq uma siin sheekada kuwa Jibuuti jooga.
Laakiin waxay xoogaa haleen dad iska dabo-ordaya. Nin magaciisa
la yiraahdo C/Xeyi Cismaan Garaad oo maqaal cinwaankiisu ahaa:
Halloo caddaalad falo Ashahaado-la-dirirka ayaa yiri mar uu
weydiiyey kuwa taageera kuwa Jibuuti jooga waxay ku taageereen
bey ku dhaheen: dhegtii C/hi wax ugu sheegi jiray maamulka
Bush/Bulshada Caalamka ayaan teedii kale helnay haddaan nahay
kuwa Jibuuti jooga! Qoraagu wuxuu isweediiyey horta maamulka
Bush ma leeyahay labo dhegood! Labada dhegood waxay metelaan
miisaanka qofka. Micnuhu waa Bush waxaa u cad hal wax –
Ashahaado-la-dirir. Qofkii u diyaar ah inuu mashruucaas ka
qeybqaato wuu soo dhoweeyaa siduu dagaaloogayaasha iyo korneylka
u soo dhoweeyey laakiin kii aan diyaar u ahayn waa ka
fureystaa.
Waxaan wareysiga ku sheegay in sida Tigreegu uga faa’iidey
kuwa Jibuuti jooga uu C/hina uga faa’iidi doono Nuur-cadde.
Sidee? Beryahan shacab badan baa rajo muujiyey oo yiri haddii
kuwa Jibuuti jooga iyo Nuur-cadde wadasocdaan waxyaalo badan bey
qabankaraan. C/hi baa arkayey sida UN-ka iyo Golaha Ammaanka u
hadalhayeen ka-hadalka Soomaaliya. Wuxuu arkay Jendayi Frazer
iyo Axamed Caballa oo ordaya. Korneylku wuxuu is yiri mindhaa
maanta waxaa lagu qabsanayaa shukaanta. Markaan maqlay in
Nuur-cadde uu wareegtadaas soo saaray ayaan gartay in C/hi helay
fursad dahabi ah. Waxaan wareysiga ku sii daray in la arki doono
iyadoo la isku dayayo in Nuur-cadde laga qaado booskiisa.
Markaan wareysiga bixinayey oo la sii daayey ma heyn wax caddeyn
ah oo muujinaya in C/hi diididoono xil-ka-qaadista
Maxamed-dheere iyo in baarlamaanku soo gudbindoonaan mooshinkaas
ee waxaan ka gartay sida wasiirad Khadiijo Maxamed u hadashay in
wax soo fooryayaan. Saacado kaddib ayey ii caddaatay in sidaan
wareysiga u bixiyey ay soo socoto.
Akhristayaal yaan loo qaadan in aan ahay hal mar
wareysi-bixiye oo aan hadalheyntiisa idinku wareershay ee waxaan
u danleeyahay oo heystaa kuwii shacabka baahida la dhimanaya oo
nasiinada u baahan geliyey bannaanbax aysanba garan karin in
waxa laga mudahaaradayo fulidoonaan iyo in kale. Wixii soo
agaasimay bannaanbaxaas waa maangaab. Waxaan idin ku leeyahay
waxaa meesha idin soo tubay waa Tigree. Maxamed-dheere iyo waxa
la mid ka ah waa lagu adeeganayaa. Marka haddaad cid ka
mudaharaadeysaan waa dadka waaweyn oo mas’uulka ah waxa laga
hadlaa – Gabre. Maxamed-dheere isagoo taangi Itoobiyaan saaran
buu Jowhar iyo Xamar ku soo noqday. Haddii taangigu baxo,
sheekada Maxamed-dheere waa hareysaa.
Waxaan wareysiga ku sheegay in waqtigii kuwa Jibuuti sheegeen
in xabbaddu istaageyso ay Tigreegu soo gasheen Baladweyne ciidan
badan oo ay magaaladiiba qabsadeen. Sidoo kale C/hi wuxuu
Baydhabo ka soo lugeysiiyey oo Xamar soo gashay maryo-calas
badan. Waxaa la isku ogaa in Tigreega iyo maryo-calasta laga
saaro magaalada dhexdeeda laakiin waa ku soo badanayaan. Marka
waxaan sheegay in korneylku rabo inuu isna Nuur-cadde madaxa uga
istaago. Halka Kuwa Jibuuti aysan farqaadin; mar horaba Itoobiya
iyo korneylku waa jabsheen saxiixaas. Micnuhu waa halka kuwa
Jibuuti leeyihiin kuwa xornimodoonka ah hubka ha dhigeen ayaa
Tigreega iyo C/hi keensadeen ciidan iyo hub hor leh. Soow ma
aragtid waa isla jiraan seddexdooduba!
Ma jirto in C/hi helay guul-siyaasadeed ka sarreysa tan uu ka
dhashay Nuur-cadde. Wuxuu dadka tusayaan sida kuwa Jibuuti jooga
u yihiin iska-hadlayaal in Nuur-cadde u yahay iska-hadle. Wuxuu
dadka tusayaa ninka rugtuu ku dhashay jooga oo ceyrin la’ ninkii
dad u xigay sidee uga hadli karaa arrimaha Soomaaliya? Been
idiin ma sheegayo weligay ma arag sansaaryo/dibirseexato ka
xanuun badan midda ku dhacday kuwa Jibuuti jooga iyo
Nuur-cadde.
Sida la sheegayo kuwa Jibuuti markay dareemeen in shacabku
garabkoodii ka baxay ayey hadda wadaan ciidan-urursi. Waa
sheekadii dagaaloogayaasha. Laakiin ma filayo in Macallin
Xaashi, Cumar Xaashi iyo C/Raxiim Caddow ay sheekadaas ka
gadmeyso. Markii horaba raggaasi waa arkeen khaladka kuwa
Jibuuti. Maantana waa la arkaa halkey ka mareyso marba haddii
dadkii u xilsaarnaa UN-ka arrimaha ciidamada ay dhaheen ma
sahlana in Soomaaliya la geeyo ciidan nabad-ilaaliyaal ah inta
dammaanad laga keenayo kuwa hubka wata! Oo yaa ka keenaya?
Inkastoo qoraalladeyda iyo wareysiyaasheydu adagyihiin
laakiin mar kasta waa iga nasteexo iyo inaan shacabka u
iftiimiyo waxa la fili karo. Qofkii caqli lihi marka loo digo oo
khatar muuqata loo sheego waxbuu ku qaataa. Sidii Nabi Muuse
(CS) markii nin reer Fircoon ahaa oo Iimaankiisa qarsanaya ku
yiri: Muuse iskaga baxa magaalada waa lagu tashanayee. Ninkaas
muslimka ah waa ka darajo hooseeyaa Nabi Muuse (CS). Marka
haddii dad badan u digeen kuwa Jibuuti jooga iyo Nuur-cadde ma
ahayn inaad diiddaan marka la idin dhaho Gole Ammaan iyo Bush
waa kuwii shalay Soomaaliya soo gashay Tigree. Marka diintii iyo
caqiidadii Soomaaliya wax iskama bedelin. Marka ma garanayo waxa
wiilasha Jibuuti jooga ka bedelikaraan maamulka Bush. Sidaas
darteed baan dhahaa hala sugo inta Bush dhacayo. Badanaa
siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanku si aad ah isuma
bedesho. Hadday isbedeli weydo sideennii baan ahaaneynaa haddii
wixii la doorto ogaadaan in Maraykanku ay dadkoodii iyo dadkii
kalaba dhib ku hayaanna waan arkeynaa laakiin bilahaas la sugo.
Markey kuwa Jibuuti iyo Nuur-cadde diideen naseexadii
waxgaradka Soomaaliyeed ayey qaateen taladii Ibliisku siiyey
abbaheen Aadan iyo hooyadeen Xawaa oo kale. Hadda Jendayi Frazer
iyo Axamed Cabdalla baa ku leh waxaa idiin diyaar ah Beesha
Caalamka. Waxaa la idin ka qabanayaa xag-jirka. Idinkaa
qunyar-socod ah oo waddanka qabsan doona. Iyo waxyaalo la mid
ah. Labadaas tusaale ee waanada ah waxaan ku sheegay wareysiga.
Laakiin sida uu hal daqiiqo Ibliis isu bedelay dagaalkii Badar
ayaa hadda UN-ku ku leeyahay kuwa Jibuuti jooga ma geli karno
Soomaaliya inta la damaanadqaadayo cidda qabaneysa kuwa hubka
wata! Oo ciidankaba waxaa loo dalbaday iney hub uruuriyaane
sidee hadalkaas u dhihi karaan? Waxay i xasuusineysaa odey
xakiim ahaa oo dhaqtar u tagay oo markii dhaqtarku weydiiyey
halka laga hayo odeyga uu odeygii yiri: ka tag! Adaa dhaqtar
ahe ii sheeg meesha la iga hayo!
Sideed beri kaddib kuwa Jibuuti jooga waxaa u buuxsameysa
kala bar waqtigey qabsadeen – labo bilood ilaa haddana hal wax
oo u qabsoomay ma leh. Marka dadka noocaas ah iyo Nuur-cadde oo
Muqdishada oo uu ka soo jeedo sidaas loogu dulleystay maxay ku
soo kordhin karaan Soomaaliya? Teeda kale waxaa ku dhacday
sumcad-darro iyo ceeb aan horay loo arag. Maxaa dadkii barokacay
ee Tigreega iyo C/hi tusay calooshooda iyo iney hadalka
Nuur-cadde soo-dhoweyn laga yeelin? Muxuu Maxamed-dheere ku
sameyndoonaa dadkii dartiis u bannaanbaxay? Soow Maxamed-dheere
ma aarsandoono? Wuxuu Maxamed-dheere ku aarsado soow Nuur-cadde
kama mas’uul aha? Waxaan wareysigii ku daray haddii C/hi oo
doortay Nuur-cadde iyo isagu heshiin karin sidee Nuur-cadde iyo
sheekh Shariif u heshiin? Sidee C/hi iyo sheekh Shariif u
heshiin karaan? Marka hadda kaddib yaan heshiisyo iyo saxiixyo
lagu degdegin.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Jendayi
iyo kuwa Jibuuti Jooga (Ashadaaho-ka-dirir) oo isku
Jaal Noqday