SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XOOLAHA

Mashruuca Daryeeelka Cafimaadka Xoolaha Soomaaliyeed....

Waxaa laga wada dheregsanyahay ahmiyadda ay xoolaha nooli u leeyihiin dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Geeska Afrika.

Tan iyo intii ay bur-burtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa ilihii dhaqaale oo dhan oo ay xooluhu ka mid yihiin ku dhacay bur-bur laxaad leh.

Kaalintii daryeelka caafimaadka xoolaha ee dawladdii dhexe ka baxaday waxaa soo galay hayado madax banana oo caalami ah, kuwaas oo in kastoo waxqabadkood iska yaraa hadana aan ka darin.

Tan iyobadhtamihii sanadihii1960 maadka waxaa deeg bixiyayaal badani oo uu ugu horeeyo Midowga Urub (EU) maal geliyeen mashaariic dhowr ah oo laga fuliyey guud ahaan qaaradda Afrika inteeda badan oo ay ku jiraan Dhul-deegaaneedka Soomaalida (Somali Eco-system) kuwaas oo ay ka mid ahaayeen mashruuc la odhanjirey JP-15 (Joint Project 15) PARC (Pan-African Rinderpest Control Programme), PACE (Pan-African Control of Epizootic Diseases). Mashriicdaasi waxay ku wajahnaayeen dabargoynta  cudurkii loo yiqiin Dabakaruubka ama Shifowga. Maanta waxaa la joogaa heer la filayo in cudurkaas Dabakaruubka adduun weynaha laga tirtiray.

Sanaadkii 2005 ta markii uu dhamaaday mashruucii PACE oo ka hirgalay 32 wadan oo Afrika ah, Midowga Urub wuxuu Soomaaliya u sameeyey mashruuc kale oo la yiraahdo Somali Animal Health Services Project oo marka la soo gaabsho loo yaqaan SAHSP. Wejigii hore ee Mashruucaas oo ahaa mid socdey 3 sanadood waxaa fuliyey saddex hayadood oo Talyaani ah kuwaas oo kala aha aha Terra-Nuova, COOPI iyo UNA wuxuuna dhamaay aakhirkii sanadkii 2007da.

Bilawgii sannadkan 2008 ayuu  Midowga Urur hadana maal geliyey wejigii labaad ee Mashruucaas oo la yiraahdo SAHSP II kaas oo socondoona laba sanadood. Mashruucan oo ay hay’adahii fuliyey wejigii kowaad  ku soo biireen laba kale oo kala ah VSF Germany iyo FAO wuxuu xooga saarayaa sidii loo adkayn lahaa la dagaalanka cudurada xoolaha siiba kuwa dhoofka ama suuqgeynta  aafeeya.

(War dheeraad ah waxaad ka heli kartaa websitka mashruuca ee ah: www.sahsp.org)

Wacyigelinta dadweynaha xoolaha la xidhiidha ama daneeya waa qodob ka mid ah hawlaha Mashruuca SAHSP II. Maqaaladan ama qoraaladan ku saabsan cudurada halista ah ee xooluhuna waxay ka mid yihiin wacyi gelintaas. In kastoo la garan karo in reer miyiga xoolaha dhaqdaa aanay awood ama aqoon u lahayn qalabka casriga ah ee Internetka, haddan waxaa la hubaa in neefka xoolaha ah ee la dhoofiyaa uu sii maro gacanta dad aan ka yarayn 10 qof laga bilaabo kuu u dhashay ilaa kan markabka la sii raacaya. Qoraaladan waxaa loogu talagalay inay dadkaas reer magaalka ahi akhristaan una gudbiyaan inta kale.

Wuxuu Mashruuca SAHSP II u mahad celinayaan intaa ka qayb qaadata fidinta macluumdkan muhiimka ah.

SAHSPII Project Management Unit (PMU)
Nairobi, Kenya


SAMBABKA RIYAHA: Afka Ingriisiga waxaa lagu yiraahdaa ‘Contagious Caprine Pleuropneumonia (CCPP)

Cudurka Sambabka Riyaha meelaha ay Soomaalida xoolo-dhaqatada ahi degto waxaa looga yaqaan magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin :Riinweyne, Haarweyne iyo Gees-dhowr. Magacyadaasi mid kastaaba wuxuu sifaynayaa ama tilmaamayaa astaamaha ay dadku ku arkeen neefka cudurkani ku dhaco ama hadba xoolaha nooca uu saameeyo; Riinweyne iyo Haarweyne oo macnahoodu isku dhow yahay waxay tilmaamayaan taah ama jibaadmuujinaya in neefku aanu si caadi ah u neefsan karin oo dhibaato jirto.Gees-dhowr macnihiisu waxaa weeye cudurkan wuxuu eegtaa geeska riyaha oo keliya laakiin kuma dhaco idaha ay xerada ku wadajiran. Magaca Sambab laftiisu wuxuu sheegayaa in cudurkaasi saameeyo sambabada neefka uu ku dhaco. Akhri Qoraalak Ariga oo Dhan (pdf).


SAMBABKA LO'DA: Afka Ingriisiga waxaa lagu yiraahdaa ‘Contagious Bovine Pleuro-pneumonia (CBPP)

Cudurka Sambabka Lo’da waxaa keena nooc ka mid ah Bakteeriyadakuwa loo yaqaan Mycoplasma.Wuxuu ka dhacaa meelo badan oo adduunka ah oo ay ka mid yihiin badiba qaaradda Afrika daafaheeda kala duwan oo ay ku jiraan dhulka Soomaalidu degto. Sambabka Lo’du wuxuu ku dhacaa lo’da la dhaqdo iyo duurjoogta la yiraahdo Lo’a Gisida. Akhri Qoraalka Lo'ada oo Dhan (pdf).


FURUQA GEELA: Afka Ingriisiga waxaa lagu yiraahdaa Camel Pox

Cudurka Furuqa Geela waxaa keena nooc ka mid ah Fiiruska kuwa ka tirsan bahda loo yaqaan Poxviridae.Furuqa Geelu wuxuu ka dhaca qaaradda Afrika iyo tan Ashiya labada meelaha geela lagu dhaqo, oo ay ku jiraan dhulka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto.Furuqa Geelu wuxuu ku dhacaa geela labadiisa nooc ee adduunka jiraba ;nooca leh labada kurus iyo kan leh kuruska keliya.Wuxuu Furuqa Geelu ku dhici karaa oo kale dadka. Akhri Qoraalka Geela oo Dhan (pdf).

Faafin: SomaliTalk.com |  August 1, 2008

BAARID | SEARCH


guriAustralia: Gurigii Xafiiska u ahaa Shirkadda Range Resources oo La Xaraashayo
Gurigaas oo ku yaal galbeedka Perth oo xafiis u ahaa dhawr shirkadood oo ay ka mid tahay shirkadda heshiiska kula jirta DGPL ayaa Akhri

yusuf iyo handuleSafiirka Soomaaliya ee Moscow oo wada-xaajood kula jira Shirkadda Ruushka ee Gazprom
Xaggeese Marayaa Heshiiskii C/llaahi Yuusuf iyo Shirkadda Militariga Faransiiska. Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS