Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa
ha ahaato.
Qoraal cinwaankaas wata ayaan soo qoray 2003-dii
markii la fadhiyey Eldoret, Kenya. Ma filayo in fahanka cinwaankaas
uu dhib ku ahaa qof Soomaaliga ku hadli kara. Nasiibdarro, waqtigaas
dadka badankiisa ooy ku jiraan dad hadda mucaarad sheegta waxay ku
hawllanaayeen ka qeybgalka shirka sida iyagoo sheeganayey bulshada
rayidka ah amaba taageerayey qabqablayaashii dagaalka ee ay isku
heybta ahaayeen. Malaayiin Soomaaliyeed oon goobjoog ahaynna waxay
kala socdeen warbaahinta iyagoo aad u daneynayey shirkaas.
Markaan arkey in xaalka Soomaalidu marayo nin bukoow boqol kuu
talisay dabadeedna dhibkii na gaaray dartii ay dadku iska jecel
yihiin in wax laga sharqamiyo iyagoon sii eegin ciribta dambe ayaan
goostay in aan cinwaankaas ku cabbiro waxaan dareemayey.
Inkastoo dadka qaarkiis ay neef geel ah soo qaataan markii laga
hadlayo Soomaaliya; anigu waxaan ka dhigay Maandeeqdii gabadha ahayd
ileyn hooyadu gabar bey mar ahayde. Markaan masaafada ka hadlayey
qof kasta waa ogaa in dagaaloogayaashii Kenya joogay aan cidna
dooran ee ay si khasab ah u matalayeen dadka Soomaaliyeed. Marka uma
baahna sharrax dheeraad ah. Qaalliga oon muslim ahayn waa Bethuel
Kiplagat – waa ninkii dowladda Kenya u xilsaartay inuu shir-guddoon
ka ahaado shirkii Kenya.
Haddii qaalligu yahay qof muslim ah oo mas’uul ah wuxuu ninka
haweeneyda wata weydiiyaa inuu fasax ka heysto caa’ilada haweentaas
uu la soo baxay. Xitaa hadduu yahay qaalliyaasha suuqa madow waa
inuu ugu yaraan ku dhahaa samee meher-xadka laakiin waa inaad
gabadha gurigoodii si dhaqso ugu celisaa. Marka inta badan reerka
gabadha la iskuguma daro in laga meherxado iyo in la waayo gabadha
meel ka baxday oo meel kale lagu qariyo. Marka marna ka meynaan
filayn in Kiplagat noo dhacsho xaqii ka maqnaa ummadda Soomaaliyeed
isagoo dhahaya: dadkiinaan dagaaloogayaasha ah uma qalantaan inaad
qaran dhistaane ka taga meesha oo keensada dad kale.
Maddaama shirka loo xilsaaray waddama safka hore wixii meesha si
fiican uga muuqday waxay ahaayeen seddexda waddan ee Jibuuti, Kenya
iyo Itoobiya. Maaddaama aan qof aan muslim ahayn aan markhaati la
gashan karin markii laga hadlayo guur iyo waxyaalo badan oo la
xiriira axkaamta Islaamka; waxaa markhaati gelikaray waa Jibuuti
laakiin nasiib darro Jibuuti waxay ahayd waddanka dhaqaale, siyaasad
iyo saameyn kalaba ugu yarayd. Marka markhaatiyaashiina waa na
gabeen. Gabidda kaliya maahee iyagaaba la rabay dagaaloogayaasha in
waddanku u afduudnaado.
Markaan maqaallada noocaas ah qori jiray waxaan la kulmi jiray
dad badan oo igu mucaaraday. Qaar si handadaad ah bey iila hadli
jireen ama waraaqo iigu soo dirijireen. Qaarna sidii iyagoo ii
nasteexeynaya bey dhihi jireen arrimaha faraha kala bax, waxba kama
qaban karin marka intaan dad dacaayadeyn lahaa waxaa ii fiican bey
dhaheen inaan iska aamuso.
Waxaan bilaabay maqaalo taxane ah oo ka hadlayey qiimaha dhulka
iyo sida aysan Soomaalidu u qaddarin. Markaan muddo sanad ka badan
ku celcelinayey arrintaas anoo dadka tusaya in arrintu ku socoto in
Maandeeq loo gacangelinayo dagaaloogayaasha iyo markhaatiyaashooda
ayaan jeclaystay bal in aan si sawir ah ugu muujiyo dadka
Soomaaliyeed ileyn waa iyada la dhaho sawirku wuxuu ka gudbin
ogyahay boqollaal qoraal. Waxaan la xiriiray nin sawir-gacmeed ku
dheereeya oo la yiraahdo Bashiir Abiikar oo markaas Kanada joogay.
Waxaan u sheegay waxaan rabay wuuna ii sameeyey. Sawirkii uu
sameeyey waxaan ku dhigay jaldiga buug aan ku uruuriyey maqaalladii
ka hadlay qiimaha dhulka iyo kuwa kale. Markey soo dhawaatay
dhoobdhoobkii xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynenimada ee Kenya
lagu falkiyey ayaan buuggii daabacay. Sida aad sawirka ka arki
doontaan waa Meles Zenawi oo wata booyad shidaal ah oo iska dhigaya
inuu dab-damis wato rabana in labadii gobol ee haray ee Soomaaliyeed
oo gubanaya uu baasiin ku sii shubo/ku damiyo. Waxaan dadka tusayey
oo odorasayey in Koonfur iyo Waqooyiba dhibku gaarayo. Meeday Xamar
iyo Koonfurtii Soomaaliya? Soow hadda Puntland iyo Somaliland iskuma
heystaan Laascaano? Soow Zenawi labada dhinacba ma xukumo? Soow
Zenawi oo leh waxaan badbaadinayaa shacabka Soomaaliyeed kama dhigin
wuxuu dilo iyo wuxuu barokiciyo?
Waxaan maqaalka igu kallifay waa anoo dhaliilsan dadkii sheegan
jiray hal-abuurka ee tirinjiray heeso ama suugaan lid ku ahaa
Itoobiya markii dhibka Itoobiya intaan ka yaraa oo intooda badan
iska aamusay ama goor dambe soo baraarugay. Waxa hadda hal-abuurka
ama qoraalka safka hore uga jira waa dad intooda badan dhallinyaro u
badan oon horay loogu aqoon hiwaayaddaas. Waa jiraan kuwo lagu
yaqaanay laakiin waa yaraayeen. Ma jirto maalin ay maanta ka liidato
marxaladda Soomaalida. Saasooy tahay wixii fan iyo fannaaniin
sheegan jiray intooda badan waxba kama oran shirarkaas ama goor
dambe bey soo baraarugeen.
Meles Zenawi wuxuu adduunka maqashiiyey in Maandeeq loo guuriyey
nin Soomaaliyeed oo madaxweyne laga dhigay laakiin xaqiiqdu waxay
ahayd inuu inta dagaaloogayaasha ugu xiro meher-xad uu hadhoow ka
furto. Waxaad markhaati ka tihiin cidda hadda ka talisa Soomaaliya
waa Zenawi. Islaamku ma ogola in nin uu naag u guursado si uu ugu
xalaaleeyo nin horay iyada u qabi jiray. Ka warran nimanka Maandeeq
u xalaaleeyey Zenawi? Marka gabadhii Kenya loola fakaday waxay ku
dambeysay iney ka soo jeesato guriga Zenawi! Anigu markii horaba
maqaalka saasaan uga danlahaa. Haddaad i rumeysan weydaan hoos ka
fiirsha sawirkii la ii sameeyey 2004-tii intaan madaxweyne la
dhoobdhoobin.
Gabadheennii iyo dhulkeenna waan soo ceshan karnaa haddaan
heshiinno. Mar kasta oon maqaal soo qoro waxaa la i weydiiyaa maxaa
xal ah. Qofka gaajo heyso wuu yaqaan in cuntadu xal u tahay. Keliya
waxuu isweydiiyaa sidee cunto ku heshaa. Carruurtu markey gaajoodaan
ma dhahaan maxaa gaajada iga jabin kara ee waxay u ooyaan cunto.
Inkaar haku dhacdo qofkaan aqoon waxa xalka Soomaalidu ku jiro!
Marka su’aashu ma ahan maxaa xal ah oo qof kasta oo muslim ah wuu
yaqaan wixii xal ah ee su’aashu waa sidee xalka hadda ku gaarnaa?
Waxaa fiican in la ismaqlo. Maxay saxaabadii iyo dadkii
wanwanaagsanaa ku gaareen kheyrka aakhiro iyo adduun? Waa iyagoo
maqlay Ilaahood. Waa arrintaas waxa Qur’aanku u ammaano dadka
hadalka (sharciga) maqla sida ugu fiicanna ugu dhaqma. Nin
Soomaaliyeed baa la weydiiyey sifada ugu fiican ee dumar lagu
doorto. Wuxuu yiri waa iney wax maqasho. Markaasay dhaheen hadday
sidaas iyo sidaas ku sifoowdo ka warran? Markaasuu yiri ku dhaha
iska daa! Sey dhaheen ka warran hadday diiddo? Taan ka hadlay maaha
buu ku jawaabay. Wuxuu ka wadaa wuxuu yiri mid wax maqasha. Haddana
waxay dhaheen hadday sidaas iyo sidaas ku sifowdo? Haddana wuxuu
yiri ku dhaha iska daa! Wixii oo dhan wuxuu uga baxay ku dhaha iska
daa ileyn waa dhaganugushahoo waa iska deyneysaaye. Marka inta la
iska daayo xalka la isku weyrixinayo qof walboow qabyaalad darteed
nin daalin ah haku raacin. Qof kastoow qof Soomaaliyeed qabiil
dartiis haku dhibin. Qof kastoow qabiil kale dartiis ha u soo
dhoweysan Meles Zenawi. Haddaan saas yeelo xalka waan gaareynaa.
Waxaad mooddaa inaan ku dayannay falsafadda masiixiyiinta ee
dhahaysa waxa Ilaah necebyahay dambiga ee ma necba qofka dambiilaha
ah. Sida xaqiiqada ah dhibku waa dambiilaha ee maaha dambiga.
Dambigu keligiis gooni uma jiro. Dambigu waa maxsuul. Weligiin ma
aragteen qof aan wax xadin oo tuug ah? Tusaale ahaan ma jirto wax
qabyaalad la yiraahdo oo bakhaaro noogu xareysan. Qabyaaladdu waxay
timaaddaa marka nafteenna iyo sheydaan inta caqliga Ilaah na
siiyeeyey isticmaalaan dabadeedna aan si ficil ah qof ugu dhibno.
Markaasaa qabyaalad timaaddaa. Yaa dambiga leh ma innaga intaan
fekernay ficilka sameynay mise wax maxsuul ah sida qabyaaladda?
Xitaa feker keliya kuma filna inaad wax ku dhibtid. Ka soo qaad
inaan ku fekerro inaan qof qabiil kale ah aan ku dhibo qabiilka uu
yahay dartiis laakiin markaan xoogga joogay weli anoon wax dhibin
baan goostay in aan Ilaahay arrintaas uga baqo dabadeedna aan faraha
ka qaado. Ma sameyn wax dambiya mana soo bixin wax qabyaalad ah.
Waxaan mar kale ku celinayaa qabyaalladdu ma ahan wax maaddi ah oo
sida sunta kale. Tusaale ahaan sunta nukliyeerka ama qashinka ka soo
hara warshadaha waa maaddi marka waxaa dhib ah sidii loo aasi lahaa
xitaa haddaan goosanno ineynaan cid kale ku waxyeeleyn. Waxaa la
hubaa in qabyaaladdaan sameynay intii dowlad la’aantu jirtay aysan
meel noogu keysaneyn keliya haddaan is cafinno oo faraha ka qaadno
dhib dambe nooma keeneyso. Burburkii iyo dhaawicii ay keentay waa
muuqanayaan laakiin haddii laga haro iyada saameyn dambe ma
yeelaneyso. Qofkii si uun u fahmiwaaya waxaan ka wado ha isoo
weydiiyo.
F.G. Anigu waxaan aamminsanahay in Ilaahay wax walba abuuray
xitaa maxsuulka sida dambiyada. Waxaan kaloo aaminsanahay ineynaan
dambaabeyn haddeynaan xumaan sameyn. Marka maxsuulkaas sida
dambiyada ee Ilaahay abuuray cidna khatar kuma aha haddeynaan innagu
xumaan la imaan.
Qaybtii 1aad....
Qore: Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com