SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Ururka suxufiyiinta somaliyeed ee wadanka kenya  oo cambaareeyay kooxo jirdil ku sameyey Weriye Cabdi Casiis Saleebaan ahmed.

Ururka isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee wadanka Kenya  (SOMJAK) ayaa
wax laga xumaado ku tilmaamay tacadiyada loo geystay Weriye C/Casiis Saleebaan oo ka mida Weriyaasha ugu caansan Magaalada Laascaano ee gobolka Sool.

SOMJAK waxay cambaareynaysaa kooxahii weeraray Wariye Cabdi Casiis,waxayna maamul goboleedka puntland, ugu baaqayaan  inay baaritaan ku sameeyso tacadiga lagu jirdilay Weriyaha madaxa banaan ee degaankaas ka hoowlgala.

Ururka Suxufiyiinta SOMJAK, wuxuu weerarka lagu qaaday Weriye Cabdi Casiis u arkaa mid la doonayo in lagu qalqal geliyo,si uu kaga gaabsado dhacdooyinka gobolka Sool. taasna waxay ka dhigan tahay,mid lagu wax.yeelaynayo madaxbanaanida saxaafada ama warbaahinta.

Xafiska ay ku leeyihiin ururka suxufiyiinta somaliyeed dalka kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa manta waxaa shir jaraa id ku qabtay Afhayeenka ururka  mudane, C/raxmaan xussein (Mr biritisih)oo isagu ah Afhayeenka guud ayaa waxaa saxaafada uga war bixiyay manta sida ay uga xun yihiin dhibaatada ka taagan guud ahaanba dalka Somalia laguna hayo dhamaan saxaafada ama warfidiyeenada.

Mr biritish, ayaa waxuu yidhi,anigoo ah afhayenka ururka kuna hadlaya afka ururka suxufiyiinta somaliyeed wadanka Kenya marka hore waxaan tacsi tiiranyo leh u dirayaa dhamaan shacabka somaliyeed mel walba ay jogaan marka xigta waxaan u dirayaa saxaafada ama warbaahinta somaliyed.

Hadii aan nahay  wayire ama saxafi waxaan ku jognaa ama aan ku sheqaynaa wal wal iyo dhibaato qof walba oo saxafi ah majirto inuu ku sheqeeyo si nabad ama kalsooni ah. Manta waad wada ogtihiin madaama aad wada tihiin saxafiyiin ama wariyaal inaadan awoodi Karin inaad ka wada howl gashaan dalkiina hooyo ama gudaha dalka Somalia  wana la soconaa dhibaatada kaliftay arinkaasi maaha mid kale maaha mid dowladeed waa dad ka soo horjeeda hanaanka geedi socodka saxaafada ama warbaahinta.

Waxaan ka codsanayaa inay dowladda jamuuriyada somalia ee haatan gabi ahaanba gacanta ku haysa dalka somalia inay il gaar ah ku eegto wariyaasha ama saxaafada waayo manta dowladda ayaa awood u leh inay wax ka qabato dhibaatada ama tacadidka lagu hayo saxaafada somalia markaa waliba wasaarada warfaafinta jamuuriyada somalia ayaan si gaar ah uga codsanayaa inay wax ka qabtaan dhamaan gobolada somalia waxa lagu hayo wariyaasha ama warbaahinta xorta ah misina la donayo in lacabudhiyo.

Afhayeenka  ayaa waxuu yidhi sanadka manta ah waa sanadkii ugu tacadiyada badnaa Saxaafiyiinta Soomaaliya, taas oo ka dhigan in lagu xasuusan doono,koox la dilay,koox la xiray,koox la jirdilay iyo koox kale oo la barakiciyay.

Gaba gabadii shirkii jaraa id  ayaa wacuu sheegay afhayeenka ururka saxaafada Kenya mudane.piritish, ina loo baahan yahay wada jir ama midnimo inay ka shaqayso saxaafada somalia ama warbaahinta somaliyeed madaama an wada ognahay inay tahay saxaafada seef laba afleh meshii ay rabtana jari karta markaa waxaan  idinka codsanayaa inaad ku shaqaysaan si dhex dhexaad ah adna ka eegtaan dhanka wanaag san ama midnimo somalia.

 AHMED HANAD.

Nairobi Kenya.tell,0254.722900252

E.mail,hanadyare05@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 13, 2007   

Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com