SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Sept 11, 2007

  • Isbitaalka dhimirka ee Xabeeb “Waa Isbitaal u baahan in gacan la siiyo ama loo gargaaro
  • Xaflad lagu maamusayey Kacaankii ee dalka Liibiya oo ka dhacdey Muqdisho

Isbitaalka dhimirka ee Xabeeb “Waa Isbitaal u baahan in gacan la siiyo ama loo gargaaro

 

Mar aan booqanay labada Isbitaal ee qaabilsan Cudurada Dhimirka ee Habeb Public Mental Hospital, ayaan waxaan ku aragnay dad fara badan oo Isbitaalkaasi lagu daweynayo.

 

Mar aan la kulanay maamulaha Isbitaalka Kalkaaliye Sare C/raxmaan Cali Cawaale Xabeeb, waxa uu inoo sheegay in labada isbitaal ay ku jiraan dad gaaraya 120 qofood oo qaba cudurada dhimirka, waxaa kale oo uu sheegay in Isbitaalka intii uu jiray ay dad badan ku caafimaadeen, maantana ay hawlahoodii dib ugu laabteen.

 

“Dad badan ayaanu ka soo uruurinay dariiqyada Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay Maskaxda wax uga dhinaayeen, maanta waa kuwo caafimaad qaba” ayuu yiri C/raxmaan Cali Cawaale oo sheegay in labadaan Isbitaal ay qaabilsan yihiin dadka ku nool gobalada dhexe ilaa iyo koonfurta Soomaaliya, isagoo sheegay in maalin walba ay isbitaalka soo booqdaan dad aad u fara badan.

Intii aan isbitaalka booqaneynay waxaan ku aragnay dad ay silsilado ku xiran yihiin, waxayna dhaqaatiirtu xiligaasi ku hawlanaayeen daaweynta dadkaasi.

 

C/raxmaan Cali Cawaale (Xabeeb), waxa uu inool sheegay in labada isbitaal daawooyinkooda ay bixiyaan Hay’adda WHO, waxa uuna u mahadceliyey Hay’addaasi oo uu ku timaamay inay wax kala qaybatay bukaanka qaba cudurada Dhimirka, waxaa kale oo uu u mahadceliyay Jaaliyadda Isboortiga ee wadanka Ingiriiska oo uu sheegay in ay isbitaalka ugu deeqdeen ilaa iyo 500 oo Doolar, isagoo sheegay in lacagtaasi ay wax ugu qabteen Bukuunada ku jira labada Isbitaal.

 

Kalkaaliye Sare Xabeeb waxa uu u soo jeediyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Di   badaha in ay taakuleyn u fidayaan dadkaasi ku jira labada Isbitaal ee qaba cudurada dhimirka.

Aasaaskii Isbitaalkaani waxa uu ahaa mid uu dadaal u galay Mudane Xabeeb, waxa uuna dadaalkaasi keenay in uu maanta hawlgeliyo labo Isbitaal oo lagu daweeyo cudurada Maskaxda. 

Hadaba cidii dooneysa in ay gargaar u fidisa waxay kala soo xiriiri karaan

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Tel 002521-5532494

Ama si toos ah ula xiriir Isbitaalka

Xaflad lagu maamusayey Kacaankii ee dalka Liibiya oo ka dhacdey Muqdisho

Waxaa shalay Hoteelka Shamow ee Magaalada Muqdisho ka dhacday xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu weyneynayay 38-guuradii ka soo wareegatay Xoriyaddii wadanka Liibiya iyo aasaaskii Kacankii Faatix ee dalkaasi Liibiya xoriyadda gaarsiiyey.

 

Xafladaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka oo ay ka mid ahaayeen Aamino Max’ed Mursal oo ah Wasiirka Haweenka, Mowliid Macaane Maxamuud oo ah Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga, C/llaahi Xasan Ganey Firimbi oo ah guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda ee Gobalka Banaadir iyo xubno kale iyo waliba marti sharaf kale oo lagu casuumay Xafladdasi, waxaana ugu horey halkaasi ka hadlay sii hayaha Safaaradda Liibiya ee Muqdisho Al-Sayid Naaji Axmed, waxa uuna si faahfaahsan uga hadlay Taariikhda wadanka Liibiya oo uu sheegay in ay walaalo si aad ah isugu dhow yihiin dalka Soomaaliya.

 

Naaji Axmed waxa uu Hogaamiyaha Liibiya ku tilmaanay nin geesi ah oo doonaya in uu Afrika gebi ahaanba meel isugu keeno, isagoo sheegay in Mucamar Al-Qaadi u kacay mideynta Afrika, welina uusan ka rajo dhigin, waxa uuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Hogaamiyaha Liibiya, isagoo sheegay in Soomaaliya ay yihiin dad xadaarad leh oo si fiican u kala garan kara xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Qaaradda Afrika.

 

Naaji Axmed, waxa uu sheegay in Safaaradda Liibiya ahayd midda keliya ee xanuunka la ka qaybsatay dadka Soomaaliyeed mudadii 17-sano ahayd ee ay dhibaatada ku soo jireen, sidoo kale waxa uu sheegay Naaji Axmed in Dowladda Liibiya diyaar u tahay inay gargaar u fidiso dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan daafaha Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in Diyaarad gargaar wada ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gaari doona dalka Soomaaliya.

 

Waxaa sidoo kale xafladdaasi ka hadlay Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Dowladda Federaalka Mawliid Macaane Maxamuud, waxa uuna u mahadceliyey Safaaradda dalka Liibiya oo uu sheegay in ay abaal weyn gashatay Soomaaliya, Dowladda Federaalka ahna ay u gudi doonto, waxa uuna Kacadoonkii Faatix ee dalkasi Liibiya ku tilmaamay mid guulo badan horseeday oo Afrika wax badan ku soo kordhiyey, waxa uuna ka codsaday Dowladda Liibiya in si weyn u sii garab qabto Ummadda Soomaaliyeed.

Mawliid Macaane waxa uu sheegay in safar ay isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku tageen dalka Liibiya, isaga isku soo arkeen dhigiisa Dhallinyarada iyo Isboortiga Liibiya, waxa uuna sheegay in ay ka wada hadleen arrimo badan, isla markaana ay isla soo meel dhigeen in sida ugu dhaqsiyaha badan Dowladda Liibiya wax uga qabato Dhallinyarta Soomaaliyeed ee badda Liibiya uga sii tahriibta qaaradda Yurub, waxa uuna sheegay Macaane in dhigiisa uu ka aqbalay in Dhallinyarada Soomaaliyeed loola dhaqmi doono si naxariis leh, isla markaana xabsiyada lagu uruuriyo loogu bedeli doono wax qabad dhab ah oo Dhallinyaradaasi loo fidiyo.

 

Xafladdaasi ayaa waxaa dadka ka soo qaybgalay Heeso lala dhacay ka hor tumayey Fanaaniinta Hobolada Waabari oo runtii qiiro weyn geliyey ka soo qaybgalayaashii iyo waliba mas’uuliyiinta Safaaradda Liibiya ee dalka Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Safaaradda Liibiya xaflad noocaan oo kale ku qabato Magaalada Muqdisho, waxayna sanad walba dhigtaa xaflad noocaan oo kale ah oo lagu maamuusayo Kacaankii Faatix ee dalkaasi Liibiya ee uu Hogaanka u hayo Mucar Al-Qadaafi.

Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2007 

Ciidamadii Dowladda Federaalka oo gebi ahaanba isaga baxay deegaanada SOS iyo Suuqa Xoolaha
.Geedi oo kulan gaar ah la yeeshay Ganacsada Caddaani
.Kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan kooxda Contact G.
.Qaraxyo xalay laga maqlay qaybo ka mid ah Muqdisho
.Daahir Riyaale oo diiday in uu la kulmo C/llaahi Yuusuf
Warar GoosGoos ah ka akhri halkan... Sept 8

Xildhibaanada Xaawo C/llaahi Qayaad oo booqatey Xabsiga Gobolka Baay   
"layma tusin kuwa dilallka u xiran, laakiin wajiyadooda ayaan arkey".... Akhri... Sept 8

Somalia: Warbixinta Gaarka ee Hubinta Cutnada iyo Nafaqada ee FSAU.. Bishii 8aad, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com