17kii March 2005 iyo 17ka March 2007
Baarlamaanka Soomaaliya maxaa u dhexeeyo.
Maxamed Cabdi
Maxamed Bootaan
Nairobi, Kenya ,
Botaan1@hotmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Mar 18, 2007
Waxaa mahad leh EEBE waynaha
noo suurta galiyay in aan qorno qormadaan,
Naxariis iyo nabad galyana ha ahaato dusha
Nabbi Maxammed SCW..
Qoradaan waxaan ku soo
bandhigayaa qoraal si faafaasan uga hadlayo
is bar badhiga labada baarlamaan
soomaaliya labo sano ka dib markii ay
gacamaha iskula tageen.
Waxaan doonayaa in aan maanta
17ka March 2007 iyo 17kii March 2005 is bar
bardhigno sida ay tahay xaalada baarlamaanka
DFKMG ah ee soomaaliya labo sano ka dib markii
gacmaha ay isku la tageen xubnaha baarlamaanka
DFKMG ah ee soomaaliya, Hotelka (Grand Regency,
Nairobi) dhexdiisa.
Maalintaasi waxay ahayd maalin
khamiis ah aniga iyo saxafiyiin soomaali ah
ayaan waxaan iska raacnay xaafada islii ee ay
soomaalidu dagantahay ee magaalada Nairobi, si
aan u aadno xarunta shirka baarlamaanka
soomaaliya ka dhacayay iyadoo maalintaasi
mooshin-ka hor yiilay oo ahaa keenista ciidamo
nabadda ilaaliyo dalka soomaaliya ,waxaana
gaarnay Hotelkii 680 ee ay daganaayeen xubnaha
baarlamaaka DFKMG ah ee soomaalida, kadibna
waxaan iska raacnay xubno ka tirsan baarlamaanka
oo daganaa halkaasi waxaana tagnay banaanka
Hotelka Grand Regency oo ahayd halkii lagu qaban
lahaa kulanka baarlamaanka DFKMG.
Dhamaan xubnaha baarlamaanku ,waxay
wateen warqado cadeeynaya in ay yihiin xubno
baarlamaan (MP), balse saxafiyiintu waxay wateen
warqado cadaynaya in ay yihiin (Journalists)
saxafiyiin, laakiinse waa na loo tashaday mana
aanan ogayn in na loo tashaday, waxaa isku yimid
dhamaan mudanayaashii waxayna galeen hoolkii
shirku ka dhacayay.
Balse anaga waxaa na looga tagay
banaanka marka laga reebo dhawr wariye oo ay si
hoosaad u galiyeen masuuliyiin ka tirsan dawlada
soomaaliya baarlamaankeeda, oo aanu magac dhabayn
iminka, dhowr saacadood ayaan taagnayn Hotelka
Grand Regency hortiisa laakiinse ma aysan noo
suurta galin in aan galo nasiib xumadeena intii
hore oo dhan.
Aniga iyo gabadh saxafiyad ah oo
SomaliTalk.com iyo waliba meelo
kale u waranta oo la yiraado (Canab Maxamuud
C/dulle Mumtaaz) ayaan waxaan is tusnay in aan
gaari qaadano kuna galno, Hotelka Ganjeelkiisa
hore oo ay tubnaayeen ciidamo ka tirsan
Police-ka Kenya, waxaana soo kiraysanay gaari
yar oo Tax- ah oo taagaa meel aan ka fogayn
Hotelka Grand Regency, gaariigii markii aan
kornay ayaan ku niri wadihii gaariga " Waxaan
rabnaa Hotelka Grand Regency " inta uu yaabay
ayaa waxaa uu yiri " Waa kan Hotelkii ee maad
gashaan " markaasi ayaan niri ''Adiga lacagta
qaado oo na gali gudaha '' waa uu shakiyay oo
waxaa uu na yiri maxaad tihiin ''markaasi ayaan
isku sheeknay in aanu nahay saxafiyiin
soomaaliyeed '' waxaan wadanay boorso ay noogu
jirtay Camera iyo Raadiyaal waxaana tusnay
Cardkii shaqadda '' waxaa uu yiri isagoo yaaban
!! '' boosradaan fura oo i tusa waxa ku jira''
waan tusnay balse waa qalab saxaafadeed iyo
waraaqo .
Markaasi ayaa waxaa uu nageeyay
Ganjeelkii isagoo wali shakisayn, Ganjeelka ayaa
waxaa joogay ciidan Kenyan ah waxyana na
waydiiyeen in aanu nahay Xildhibaano iyo in kale
balse markii aan u sheegnay in aanu nahay
saxafiyiin ayay naga diideen in aan galno
hotelkii, gaarigiina waan ka dagnay oo
lacagtiisii ayaa uu naga qaatay.
(Sawirada ka bilow Midig: Askari
Kenyan ah ,Bootaan, Dharxaabo, Iiman, Qadaafi, Alfaqiih, Dahir
Calosow.)
Markii danbe ayaa waxaa isku soo
aruuray intii aan meesha taagnay saxafiyiinta
soomaalida ahaa ee doonayay in aan si wada jir
ah ku galno Hotelka balse Mid ka mid ah
Police-ka kenya ayaa hor taagan waxaana uu noo
sheegayaa in amar ka yimid dhanka Madaxda
baarlamaanka soomaalida lagu diiday in ay
wariyaasha soomaalida ah soo galaan Hotelka, ka
dibna saxafiyiintii oo dhan waxay ka
biya-diideen in ay ka dhaqaaqaan halka barxadda ah
oo laamiga iyo hotelka u dhexayso ganjeelkiisa.
Shirku inta uu socday ayaa waxaa
na soo ag maray Gaari uu saarnaa Madaxwaynaha
DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf
Axmed iyo waliba ciidamada ilaaladiisa ah oo
saarnaa mootooyin, waxaana na loo sheegay
markaasi xiriir aan la samaynay gudaha shirka
mudanayaal ku jiray in uu ka soo baxay madax
waynuhu ka dib markii maalintaasi baarlamaanka
soomaaliya qaar ka mid ah ay ku buuqeen in uu ka
baxo xarunta baarlamaanka maadaama uusan ahayn
xubin baarlamaanka ka tirsan banaankana ka joogo
shirka halkaasina uu ka tagay ,waxaa fadhiyay
Hootlka shirku ka socday
217 Mudane.
Nasiib wanaag sidii aan meesha u
taagnayn nusaac ka dib ayaa waxaa na soo maray
gaari uu saarnaa mid ka mid mudanyaasha
baarlamaanka soomaaliya,waxaana ku niri '' na
gali meesha amar baalamaan ayaan ku taaganahay''
ka dib ayaa waxaa uu u sheegay Poliskii in ay
na sii daayaan oo aan galno ,wayna ka yeeleen,
sidii ayaanu ku galnay Hoolkii shirku ka socday.
Baarlamaanka ayaa waxaa ka dhex
socotay Dood aad u kulul oo ku saabsanayd in
dalka soomaaliya ciidamo la keeno markii aan
galnay, waxayna ay u kala qaybsanaayeen
baarlamaanku laba qayb oo kala ahayd, kuwa
diidan in ciidamo la geeyo soomaaliya ka socda
safka hore,iyo kuwa rabay in ciidan oo dhan la
keeno safka hore iyo afircanka kaleba.
Doodii sida ay u socotay ayaa
waxaa la gaaray soo dhawaatay sacaadii
(0-Eberta, Sifirta) waxaa kululaatay doodii iyo
hadalkii waxaa bilawday qaylo iyadoo aad
moodaysid in aad dhex joogtid meel Makhaayad
qaad lagu cunayo
buuqa ka taagnaa meesha owgiis.
Saacadii Eberta ayaa garaacday
waxay ahayd 5:15 Pm 17/March/2005 maalinimo
khamiis ah , gudoomiyihii baarlamaaka xiligaasi
Shariif Xasan Shiekh Aadan ayaa soo bandhigay
warqadihii lagu codayn lahaa, waxaa ku qornaa warqadaha
codaynta , ''Haa Ciidamo ka socda Midawga afirka
Jaamacada carabta'', ''Maya Ciidamo ka socoda
Safka hore'', waxaana la soo dhigay sanduuqii
codaynta oo ka samaysnaa dhalo, balse qaylo ayaa
dhalatay oo Raisul wasaare Cali Maxamed Gedi
ayaa diiday in sidaa loo codeeyo, isagoo sheegay
In gudoomiyuhu mooshin kale dulkeenay kii ay
wateen, laakiinse Gudoomiyihii baarlamaanka
soomaaliya ee xilgaasi Shariif Xasan Shiekh
Aadan ayaa ku riday codkii koowaad Sanduuqii
dhalada ka samaysnaa, mid ka mid ah mudanyaasha
wasiiradana ahaa oo aanu doonayn in aan
magaciisa qeexo ayaa dhaladii ku dhuftay buugaag
uu watay halkaasina waxaa ku jabay dhaladii
codka lagu codayn lahaa.
Waxaa bilwoday intaasi ka dib,
isku dhac dhex maray labadii dhinac ee
baarlamaanka soomaaliya ee kala taageersanaa
Ciidamada safka hore iyo Africanka caadiga
iyo jaamacada carabta, meeshii waxaa la isku la
tagay kuraastii lagu fadhiyay iyo waliba
bakoorado, dhiig aan loo baahnayn in oo ka dhex
daato mudanayaal sida la sheegay in ay matalayaal
ummadda soomaaliyaad ayaa daatay waxaana ay
arintaasi igu noqotay mid filan waa ah, waxaana
iga kala dhumay xitaa Radiyihii iyo Cameridii
aan wadanay,balse marii danbe aan helay.
Dagaalku markii oo bilowday ayaa
si dag dag ah waxaa meesha looga saaray oo ay u
dafeen ilaaladii sadex ka mid ah masuuliyiinta
dawlada oo kala ahaa, Gudoomiyihii Baarlaanka,
Sharif Xasan, Raisul Wasaare Geddi ,Raisul
wasaare ku xigaynka ahna wasiirka arimaha gudaha
Xusein M Caydiid, balse intii kale ee
baarlamaanka ayaa iskula tagay gacmaha iyadoo
dhiigku dhulka ku daadanayay maalmo badana
Saxaafada Kenya ay soo saartay shaashadaha .
Baarlamaanka soomaaliya ayaa
waxaa soo kala dhex gashay mugdi saamayn wayn
dhexdooda iyo waliba is fahanwaa keenay in ay
kala dagaan Jowhar iyo Muqdsiho, balse 30kii Jan
2006 ayaa la soo dhameeyay khilaafkaa iyadoo 26
Feb 2006 loo wareegay dhanka baydhabo balse
wareegidaasi iyo hishiiskaasi ma ahayn mid umada
soomaaliyeed markii danbe inta nabadda iyo kala
danbayta jeceli u riyaaqday, waxaana uu noqday
hishiiskii kaliya ee soomaaliya u fasaxay in ay
soo galaan ciidamada Cadowga soo jireenka u ahaa
soomaaliya ee Ethiopianka ee doonayay dhul
balaarsiga .
26 Feb 2006 maalintaasi umada
soomaaliyeed inta badan way ku farxeen waxayna
ku riyoodeen iyaga oo ku dhex jira hurdo dheer
in ay soo noqotay kala danbaytii iyo nabadii iyo
dawladnimadii 16 sano ka dib oo lagu jiray
dawlad lahaan balse faraxaa iyo riyadaa ma noqon
mid rumowda balse waxay noqday mid lid ku ah
riyadii fiicnayd ee dawladnimada iyo sharta
xanbaarsanayd iyadoo dalkii loo fasaxay in ay
soo galaan, Raggii uu Ragaadiyay Raadinta ay
Rabeen in ay mar soo caga dhigaan ciida soomaaliyeed,
badda wayn ee soomaaliyeedna ku dalxiisaan
kalana soo baxaan kaluunka aysan waligood isha
saarin isagoo badda laga soo saarayo wabbi
mooyee.
Farqiga u dhexeeyo 17kii March
2005/ iyo 17ka March 2007/ waa mid wayn waxaana
fiicnaan lahayd inta soomaaliya ay soo gali
lahayd Ehiopianku in ay is khilaafsanaadaan
baarlamaanka soomaaliya dalkana xornimo noo
ahaado, dadka ayaa waxay is waydiinayaan
qaarkood Dawladnimo ayaa ka danbaysay in
Ethiopianku yimaadaan soomaaliya oo nidaam ayaa
la soo celin balse sidaa ma aamin sani anigu
awalba dad ayaa la layn jiray hadana waa la layn
iyadoo ay laynayaan Tigreega ciidamada u badan
ee ka yimid dhanka Ethiopia balse soomaali
dhexdeed way is xalisay ka dib markii ay fahmeen
in islamku yahay xalka kaliya mudu 6 bilood ahna
waxaa soo martay khilaafadii qarniga 1426-aad ee
soomaaliyeed balse Ethiopian ma xalin doonaa
soomaaliya iyo wax ka taagan? iska daa xaline
xaabaddii lagu shidi lahaa xashka soomaliyeed ee
ka haray inta ku dhimatay dagaaladii shaydaanku
shiday ayay doonayan in ay shidaane.
Soomaaliya Ethiopia waxay ka
haystaa gobolka Galbeedka soomaaliya oo uu
siiyay gumaystihii Ingiriisku, waxaana oo
doonayaan Ethiopianku in dhulkaasi ay soomaali
ilowsiiyaan si ay u ilaabaana dhulka soomaaliya
oo dhan qaybadaan soomaaliya in ay ka bad baado
ayaan rajaynanaa dhibkaa iyo xasaradaha ay
keeneen Ethiopianku Somalia oo dawladnimadeeda
iyo sharfteeda dhawraysana way soo noqondoontaa
markii Rabigii soomaaliya samayay u qadaro in ay
dhacdo
Dhacdooyin Muhiim ah
Soomaaliya iyo Ethiopianka
dhulbalaarisugooda
1964 waxay ahayd Markii uu dhacay
Isku daygii ugu horeeyay ee ay Soomaalidu ku
raadinaysay dhulkaa ka maqan,balse si fiican
luuguma guulaysanin.
1977 waxaana ay soomaalida
gacanta ku dhigeen dhulalkaas balse balse
1978kii ayaa isga soo baxeen ka dib markii
Midowgii Soofiyeeti soomaalida uga heeliyay
saaxiibadoodii Ethiopianka ahaa iyadoo
sanadkaasi oo fashilamay inqilaabkii Cirro
iyadoo la aas aasay mucaaradkii soomaali ugu
horeeyay ee minjab xaabinta ku bilaabay
qaranimadii soomaaaliyed waa SSF oo uu aasay
madax waynaha soomaaliya ee iminka Mudane C/laahi
Yuusuf Axmed marki danbe loo baday SSDF.
1982 Degmadda Galgodob iyo
Balanbale ayaa waxaa qabsaday ciimada Ethiopinka
iyo ururkii ugu horeeyay ee mucaaradka ahaa ee
soomaaliya ee uu gudoomiyaha ka ahaa Madax
waynaha soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed,
1985 Wasiirkii hore ee Arimaha
dibda ee Ethiopoia,Gushu Wadale ayaa shir ay
lahayen Africanka ka sheegay in Magaalooyinka
Galgodob iyo Balan Bale ee mudug iyo Galadguduud
ay ka mid yihiin Ethiopia ku dhawaaqay,
1991 Dawladii soomaaliya ayaa
waxaa riday kooxihii laga taageeri jiray
Ethiopia iyadoo dalku galay xiligaasi dagaal
dheer waxaana Ethiopianku bixin jireen hubka iyo
rasaaska soomaalidu isku layso inta badan.
1996 Markii ugu horaysay oo
ay Ciidamado Ethiopianku gacaha soo dhigaan
ciida somaliyeed gaar ahaan gobolka Gedo tan
iyo intii xukunka laga riday Maxamed Siyaad
bare 1991,waxayna Ethiopianku kula
dagaalameen gobolkaasi ururkii xilgaasi la
oran jiray Al Itaxaad al Islaam iyadoo
xiligaasi waxii ka danbeeyay oo gobolku
noqday mid aan laga ilaalin cidna canbaarayn.
meelaha ay sida caadiga ah u
soo gali jiren waxaa ka mid ah gobolada
Puntland iyadoo marii la dhisay 1998 Augst
ay Ethipianku soo galeen gobolada Puntland
sida Goldogob, iyo walibga Galkacyo.
Markii ay dawlada soomaaliya
dagtay gobolka Bay magalada baydhabo 26 Feb
2006 dhawr bilood ka dib ayay soo gashay
gobolka Bakool ,iyo Bay Gedo ,Hiiran Mudug
,Galguduud.
27, Decmeber, 2006
Taariikhdii madoobeeyd ee soomaaliya
maalintii ay bilaabtay markii Ethiopainku
gacalen caasimada soomaaliya.
dhamaadkii qormada
Maxamed Cabdi
Maxamed Bootaan
Botaan1@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Mar 18, 2007