SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Oct 7, 2007

  • Khilaaf la sheegay in uu u dhexeyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Uganda

  • Dowladda Federaalka oo sheegtay in shirkii dib u heshiisiinta uu ku dhamaaday fashil...

  • Qaraxyo iyo iska hor imaadyo ka dhacay deegaanada  Carafaat iyo Suuqa Xoolaha

  • Taliyihii Nabad sugida ee Wadajir oo xalay lagu dilay deegaankaasi 

  • Goobaha ciidamada Dowladda iyo kuwa  Itoobiya ay baro ka dhigayaan oo la shaacayay

  • Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay dilalka ka dhacay Magaalada Muqdisho


Khilaaf la sheegay in uu u dhexeyo ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Uganda

Warar aanu ka helnay dalka Uganda waxay sheegayaan in Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho iyo ciidamada Itoobiya uu u dhexeeyo khilaaf, kaas oo ah mid la xiriira sidii nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay doonayeen in ciidamada Uganda ku sugan Magaalada Muqdisho ay kala qayb-qaataan hawlgalka la damacsan yahay in laga fuliyo Magaalada Muqdisho. Dowladda Uganda ayaa ku wargelisay ciidamadeeda ku sugan Muqdisho in aysan marnaba ka qayb-qaadan Karin hawlgalkaasi. “Anagu uma aan nimaan dalka Soomaaliya dagaal, balse waxaan u nimid sidii aan nabadgelyada uga shaqeyn lahayn” ayuu afhayeen u hadlay dolwadda Uganda oo sheegay in Dowladda itoobiya mas’uul ka tahay dhibaatooyinka ka dhacay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Kulan la filayey in uu dhex maro saraakiil ka socotay Uganda iyo kuwa Itoobiya ayaa baaqday kadib markii la sheegay in ciidamada Uganda ay ka hor yimaadeen qorshayaal ay waday Dowladda Itoobiya ee ku aadan nabadgelyada Magaalada Muqdisho. Dhinaca kale waxaa isna khilaaf soo kala dhex galay Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Itoobiya, kaas oo la xiriira kadib markii Dowladda Mareykanku ay Dowladda Itoobiya ku eedeeysay in ay tahay mid ku tumatay dhanka xaquuqda Aadanaha, waxayna Dowladda Mareykanku waddo qorshayaal looga joojiyo dhanka safarada dibadda mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya iyo waliba dhanka kaalmada, haddana afhayeen u hadlay Dowladda Mareykanka waxa uu sheegay in aysan marnaba jari doonin xiriirka u dhexeeya iyada iyo Itoobiya, isagoo sheegay in Itoobiya tahay saaxiibka koowaad ee ay ku leeyihiin Geeska Afrika. 

Dowladda Federaalka oo sheegtay in shirkii dib u heshiisiinta uu ku dhamaaday fashil iyo musuq-maasuq

Wasiirka dib u heshiisiinta Maxamuud Cabdi Xayir Maareeye ayaa mar uu warbixin ka jeedinayey Golaha Baarlamaanka waxa uu sheegay in wasaaraddiisu ay ku guuleysatay in ay dib u heshiisiin dhex dhigto dhamaan Beelaha Soomaaliyeed, sidoo kalana waxa uu sheegay in Dowladdu ay diyaar u tahay in ay wada hadal la gasho kooxaha ka soo horjeeda.

Mudane Maareeye mar uu ka hadlayey shirkii dib u heshiisiinta ee ku dhamaaday dhawaan Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu ku tilmaamay mid ku dhamaaday fashil iyo musuq-maasuq, waxa uuna sheegay in aysan jirin wax ka soo baxay shirkaasi, sidoo kalana waxa uu sheegay in shirkaasi lagu lunsaday hanti fara badan oo ay lahaayeen dadkii ka soo qaybgalay shirkaasi.

Inkastoo Golaha Wasiirada kal fadhi ay yeesheen dhawaan ay si weyn ugu soo dhaweeyeen go’aanadii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta, iyagoo isla qiray in shirkaasi uu ahaa mid ku dhamaday guul iyo is afgarad, sidoo kale guddiga dib u heshiisiinta qaranka ayaa isna waxa uu sheegay in shirkii dib u heshiisiinta uu ku dhaamaday sidii loogu talagalay, hase yeeshee ergooyinkii ka qaybgalay shirkaasi ayaa mar ay u waramayeen saxaafadda waxa ay sheegeen in shirkii Muqdisho lagu qabtay uu ku dhamaaday sacab iyo mashxarad oo aysan ka soo bixin wax natiijo ah.

Qaraxyo iyo iska hor imaadyo ka dhacay deegaanada  Carafaat iyo Suuqa Xoolaha

Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa Dowladda Federaalka oo baaritaano ka waday Suuqa Xoolaha iyo agagaarka Carafaat ayaa shalay lala beegsaday qaraxyo iyo iska hor imaadyo, waxaana la sheegay in halkaasi ku geeriyoodeen labo askari oo ka tirsan ciidamada Dowladda.

Rasaas ay fureen ciidamada Dowladda ayaa waxaa la sheegay in ay waxyeelo ka soo gaartay labo qof oo rayid ah, iyadoo mid ka mid ah uu geeriyooday.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qaraxyo noocaan oo kale ah lala beegsado ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Dowladda Federaalka oo isku diyaarinaya hawlgalo ka dhici doona Magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay Dowladdu sheegtay in wax looga qaban doono arrimaha nabadgelyada, haddana waxaa weli socda qaraxyada iyo weerarada lagu hayo ciidamada Dowladda.

Dowladda Federaalka waxay sheegtay in hawlgalkaani uu socon doono mudo 20 maalmood ah, waxaana arrintaani walwal ka muujiyey shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, oo qaarkoodba bilaabay in ay guryahooda isaga cararaan.

Taliyihii Nabad sugida ee Wadajir oo xalay lagu dilay deegaankaasi 

Nin ku hubeysnaa bistoolad ayaa madaxa ka toogtaqy markii la tukanayey Salaadda maqrib taliyihii nabad sugida degmada Wadajir Axmed Xabeeb, waxaana dilkiisa gaystay, kadibna waxaa la sheegay in ninkii falka uu gaystay uu cararay.

Taliyaha oo dhaawiciisa markii hore loo qaaday Isbitaalka Madiin ayaa markii hore ku geeriyooday meel dhexe, waxaana markii dambe dib loogu celiyey gurigiisa.

Dhinaca kale waxaa shalay degmada Heliwaa lagu dilay guddoomiyihii Maxkamadda degmadaasi kadib markii ay soo weerareen kooxo dabley ah, sidoo kale waxaa doraad ahayd la dilay gudoomiye ku xigeenkii garsoorka Dowladda Federaalka C/qaadir Max’ed Yuusuf (Aayatulllaahi), sidoo kale waxaa isla maalintaasi la dilay gdudoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka ee deegaanada Gobalka Banadir Janaraal Axmed Jilicow Caddow.

Waxaa maalmahan Magaalada Muqdisho ku soo kordhay dilalka faraha badan ee loo gaysanayo dadka loo maleynayo in ay u shaqeeyaan Dowladda Federaalka, basle waxa arrintaani walaac ka muujiyey dadweynaha Gobalka Banaadir oo sheegay in aan waqtigaan loo baahneyn in dilal noocaas oo kale ah la gaystao, maadaama bulshada.

Labo gabdhood oo lagu dilay xaafadda Heliwaa

Labo gabdhood oo da’doodu kala ahayd 20-jir iyo 18-jir ah ayaa rag hubeysani ku dileen xaafadda Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Labadan gabdhood oo maydkooda mudo yaalay goobta lagu dilay ayaa dadka qaarkii waxay sheegeen in sababta loo dilay ay tahay in ay xiriir la laaheen ciidamada Itoobiya ee ku sugan warshadda Baastada.

Dilkaan ayaa qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ka xumaadeen, waxayna tilmaameen in haweenkaasi ay habooneed in la wacyigeliyo oo wax loo sheeko.

Dhawaan ayay ahayd markii labo gabdhood ay iyana dhaawacyo ka soo gaareen rag hubeysan mar ay ku sugnaayeen xaafadda Gubta, kadib markii lagu eedeeyey gabadhaasi in ay ka soo baxeen wasaaraddii hore ee Gaashandhiga ee degan yihiin ciidamo Itoobiyaa, sidoo kale bishii hore ayay ahayd markii gabar la oran jiray Adna oo lahayd Uur 8-bilood ay toogteen niman ku hubeysnaa bistoolado, kadib markii iyana lagu eedeeyey in ay shaah u Karin jirtay ciidamada Uganda ee ku sugan Garoonka Muqdisho, isku soo wada duuboo falalkaan ayaa waxaa lgu tilmaamay in yihiin kuwo ka baxsan dhinaca Bini’aadannimada iyo xaquuqda uu qofku leeyahay. 

Goobaha ciidamada Dowladda iyo kuwa  Itoobiya ay baro ka dhigayaan oo la shaacayay

Kulan ay shalay isugu yimaadeen guddiga ammaanka qaranka Gobalka Banaadir uuna shir guddoominayey guddoomiyaha Gobalka Banaadir Max’ed Dheere ayaa waxaa looga hadlay qaabka ay u hawlgali doonaan ciidamada isku jirka ah ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowladda Itoobiya ee lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho.

Goobaha lagu dhawaaqay in ay ciidamadu degi doonaan ayaa waxaa ka mid ah, degmada Hodan waxay ciidamadu ka degi doonaan Warshadda Caanaha, Isgoyska Kaasa-Balbalaare iyo isgoyska Bakaaraha, sidoo kale ciidamada ka hawlgali doona Hawlwadaag ayaa waxaa la sheegay in ay degi doonaan Isgoyska Hawlwadaag, kan Sayidka iyo agagaarka Baar-Ubax gaar ahaan laanta Hawlwadaag ee Salaama, degmada Wardhiigley ayay ciidamadu ka degi doonaan Isgoyska Aadan Cadde, Isgoyska Carwo Idko iyo Isgoyska Ifka Xalan, sidoo kale degmada Yaqshiid waxay iyana ciidamadu ka degi doonaan Isgoyska Towfiiq iyo Isgoyska Fagax, sidoo kale degmada Heliwaa ayay ciidamadu dib ugu laaban doonaan goobihii ay jpreu soo baneeyeen, waxaana hawlgalkaani walaac xoog leh ka muujiyey shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho oo iyagu sheegay in ay keeni karaan isku dhacyo xoogan oo uu dhiig badani ku daato. 

Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale oo cambaareysay dilalka ka dhacay Magaalada Muqdisho  

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo ee xaquuqda Aadanaha ayaa walwal iyo walaac ka muujisay falalka argagaxa leh ee ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jira iska hor imaadyo, dilal abaabulan qaraxyo, jirdil iyo barkacin loo gaysanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, waxayna sheegtay in Hay’addu in xadgudubyadaasi ay galaafteen nolosha dad fara badan oo aan waxba galabsan.

Dadka la dilay kuwoodii ugu dambeeyey waxay kala yihiin Buuwe Cismaan Shiil oo la dilay 27-dii September laguna dilay suuqa Bakaaraha, Yuusuf Max’ed Maxamuud (Tiribo) oo la dilay 28-kii September laguna dilay suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa,  Col Axmed Xaaji Cabdi oo ka mid ahaa saraakiisha ciidanka Booliiska oo isna la dilay 30-kii September, kaas oo lagu dilay suuq Bacaad ee degmada Yaqshiid, C/qaadir Max’ed Yuusuf oo ahaa madixii garsoorka ee Dowladda Federaalka oo isna 5-tii October oo lagu dilay suuqa Bakaaraha, Janaraal Axmed Jilicow Caddow oo isna 5-tii October lagu dilay afarta Jardiino ee degmada Yaqshiid, waxayna dhamaan dilalkaasi xadugudub ku yimiidn Diinta Islaamka, xeerarka soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaaliyaa iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha qodobkiisa 3-aad oo leh “qof waliba waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabadgelyo iyo xoriyo, waxayna Hay’addu u soo jeedineysaa dhamaan dhinacyada ku lugta leh xadgudubyadaasi in ay joojiyaan, waxaana ku saxiixnaa guddoomiye ku xigeenka xarunta Dr Salaad Jimcaale Cosoble.

 
Amiin Yuusuf Khasaaro.

SomaliTalk.com | Oct 7, 2007

Janaraal Jilicow oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
.
Ohio: Gabar Soomaaliyeed oo Shil Gaari ku dhimatay
.Ku-xigeenkii xeer ilaaliyihii G/ Banaadir lagu dilay Muqdisho
.Qarax lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada Itoobiya
.DFKMG oo sanadguuradeeda 3aad ku xuseysa Baydhabo
.Ciidamada Uganda kama qayb qaadan doonaan hawlgalada
Wararka oo dhan halkan ka akhri... Oct 6


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com