SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKII: Oct 6, 2007

  • Janaraal Jilicow oo shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

  • Ku xigeenkii xeer ilaaliyihii G/ Banaadir iyo labo nin oo la socotay oo lagu dilay Muqdisho

  • Qarax lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada Itoobiya

  • Dowladda Federaalka oo sanadguuradeeda saddexaad ku xuseysa Baydhabo

  • Ciidamada  Uganda oo sheegay in aysan ka qayb qaadaneyn hawlgalada laga bilaabayo Muqdisho


Columbus, Ohio: Gabar Soomaaliyeed oo Shil Gaari ku dhimatay

USA: Maalinimadii khamiistii waxaa shil gaari oo ka dhacay highway dhexmara magaalada Columbus ee gobolka Ohio ku dhimatay gabar Soomaaliyeed oo magaceeda la oran jirey Roda Abdullahi Jama.

Sida uu weriyey telefishanka chanell 10 oo soo xiganeyey booliska, qiyaastii markii ay saacadu ahayd 5tii galabnimo ee Khamiistii ayaa gaari ay wadatay marxuumadu oo marayey jidka 71 ay xakumi kari weydey kaddibna inta uu ku dhacay gaari kale ayuu markaas kabacdi ku dhacay derbiga kala qaybiya wadada islamarkaasna uu qalibmey ama isrogey, halkaasna ay marxuumada oo da'deedu ahayd 27 ay ku geeriyootey isla goobtii, Allah ha u naxariistee. [Eeg sawirka hoose]


Gaarigii ay wadatay marxuumada Roda Abdullahi Jama oo qaliban.. Sawirka: 10TV..


Janaraal Jilicow oo shalay lagu dilay Magaalada Muqdisho

Janaraal Axmed Jilicow Caddow oo todobaadkii hore loo doortay guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka gobalka Banaadir ayaa shalay maqribnimadii waxa ay kooxo dabley ah ku dileen isgoyska Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho.

Gaarigii uu watay Janaraalka ayaa waxaa lagu hor gooyey gaari kale, waxaana ka soo degtay rag hubeysnaa oo rasaas ku furay Janaraalka iyo labo nin oo la socotay, waxaana goobtii ku geeriyooday labadii nin, hase yeeshee Axmed waxaa loo qaatay isbitaalka Keydsanay oo uu ku geeriyooday.

Dilka Janaraalka waxaa ka xumaaday mas’uuliyiinta sare ee Dowladda FKMG, waxaana tacsi u diray madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuuf iyo Ra’isul Wasaarha DFKMG Cali Max’ed Geedi, sidoo kale waxay sheegeen in gacanta lagu soo dhigi doono kooxihii ka dambeeyey dilkaasi.

Janaraalka ayaa xilal badan ka soo qabtay Dowladdii Max’ed Barre, isagoo ka mid ahaa ciidamada nabad sugidda, sidoo kale waxa uu noqday duqa Magaalada Muqdisho, sidoo kale markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye, janaraal Jilicow waxa uu dadaal badan u galay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa gobalka Banaadir, isagoo xiligaani ahaa guddoomiyaha dalladda Bulshada Rayidka ee deegaanka Gobalka, waxaana xafladdii lagu caleema saarayey ka soo qaybgalay Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geedi iyo madax kale.

Ku xigeenkii xeer ilaaliyihii G/ Banaadir iyo labo nin oo la socotay oo lagu dilay Muqdisho

Gaari Mark II oo uu saarnaa ku xigeenkii xeer ilaaliyii gobalka Banaadir C/qaadir Max’ed Yuusuf ayaa waxaa soo weeraray koox ku hubeysneed bistoolado mar uu marayey Jidka Aadan Cadde gaar ahaan agagaarka shirkadaha Xawaaladaha ee suuqa Bakaaraha, waxayna halkaasi ku dileen k/x/xeer ilaaliyihii iyo labadii nin ee la socotay, iyadoo gaarigiina ay kooxdii ku dhufatay bam.

Maydka k/x/xeer ilaaliyaha iyo labada nin ayaa waxay halkaasi yaaleen mudo, waxaana markii dambe goobtii yimid ciidamo ka tirsan Dowladd Federaalka oo qaaday maydkii.

Dhanka kale suuqa Bakaaraha waxaa shalay lagu dilay labo qof oo rayid ah, waxaana la sheegay in mid ka mid ah ay dileen ciidamada Dowladda Federaalka oo ku sugnaa isgoyska Halw.wadaag.

Dilalka ayaa waxay maalmihii ugu dambeeyey ku soo krodhayey Magaalada Muqdisho, waxayna taasi si weyn wal wal ugu abuurtaan shacabka Magaalada Muqdisho, oo iyagu la daalaa dhacayey dhibaatoyin.

Dilalka badan ayaa waxaa loo gaystaa dadka lagu tuhmayo in ay la shaqeeyaan Dowladda Federaalka, waxaana suuqa Bakaaraha lagu dilay labadii bilood ee ugu dambeysay dad fara badan oo ku dhow ilaa iyo 50 ruux.

Qarax lala beegsaday gaari ay lahaayeen ciidamada Itoobiya

Maalintii shalay ahayd ayaa saddex gaari oo Itoobiyaan ah oo marayey jidka Warshadaha ayaa mid ka mid ah lala beegsaday qarax miino, waxaana qaraxaasi la sheegay inuu khasaare weyn gaarsiiyey gaarigaasi oo ay saarnaayeen ciidamo Itoobiyaan ah.

Rasas ay fureen ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ku geeriyooday labo haween ah oo mid ka mid ah la garan waayey, iyadoo goobtii uu ka dhacay qaraxa oo ku dhow kulliyaddii Jaale Siyaad ay isku gadaameen ciidamo Itoobiyaan ah oo bilaabay inay baaritaank u sameeyaan goobtii uu qaruxu ka dhacay, waxaana bilaabatay in dadkii dhallinyarada ahaa ee halkaasi deganaa ay ka firxadeen.

Goobta uu qaruxu ka dhacay ayaa bishii Juun 19-keedii waxaa horey dhacay qarax lala beegsaday ciidamo Itoobiyaa, taas oo keentay in ciidamada Itoobiya ay dhallinyaro halkaasi ku sugeneed ka uruuriyaan oo ay laayeen, waxaana ku jiray saddex carruur ah oo walaalo ah ahaa.

Dhinaca kale Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo Itoobiyaan ah oo baaritaano ka waday jidka warshadaha waxaa lagu weeraray bambooyin, iyadoo la sheegay in khasaare uu ka soo gaaray ciidamada Itoobiya oo dib ugu laabtay xerooyinkii ay ka yimaadeen.

Dowladda Federaalka oo sanadguuradeeda saddexaad ku xuseysa Baydhabo

Wararka aanu ka heleyno Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in magaaladaasi diyaar garow loogu jiro saddex sanad guuradii ka soo wareegatay markii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf loo caleema saaray xilka Madaxweynimada.

“Waxaa lagu waday in lagu qabto Magaalada Muqdisho, balse arrimo la xiriira dhanka nabadgelyada ayaa qasabtay in loo wareejiyo Baydhabo” waxaa sidaa yiri mas’uul ka tirsan Dowladda Federaalka.

Markii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf 10-kii October 2004 la doortay ilaa iyo hadda dowladdu wax qabadkeedu waa uu yaraa waxaana hareeray iska hor imaad iyo is qabqabsi, waxayna dhowr jeer isaga guurtay dhowr magaalo, hase yeeshee mas’uuliyiinta sarsare ee Dowladda waxay ku celceliyaan. In dowladdu ay qabatay hawl muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Ciidamada  Uganda oo sheegay in aysan ka qayb qaadaneyn hawlgalada laga bilaabayo Muqdisho

Muqdisho oo lagu wado in uu ka bilowdo hawlgal balaaran oo la sheegay in uu saameyn doono dhamaan gobalka Banaadir ayaa afhayeen u hadlay ciidamada Uganda waxa uu sheegay in aysan marnaba ka qayb qaadan doonin hawlgalkaasi.

“Anagu waxaan u imaanay in aan sugno goobaha ilaha dhaqaalaha, iyo in aan ka qayb-qaadano sidii Soomaaliya u dhex dhigi laheyn nabad” ayuu yiri afhayeenkaasi oo sheegay in ciidmada Uganda ay ku sugnaan doonaan goobaha ay haatan ku sugan yihiin.

Ciidamo isugu jira kuwa gobalka Banaadir, ciidanka Nabad sugida iyo ciidanka Itoobiya ayaa hawlgal ka bilaabi doono Magaalada Muqdisho, balse dadka u kuurgala siyaasadda ayaa sheegaya in hawlgalkaasi uu keeni karo dagaal la isku riiqmo.

Maalmahan waxaa magaalada Muqdisho ka socday hawlgalo ay wadeen ciidamada Itoobiya yo kuwa Dowladda Federaalka, waxaana weli sii socday qaraxyada iyo iska hor imaadyada iyo dilalka, iyadoo mas’uuliyiinta Dowladda ay ku celceliyaan in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo afjari doonaan qaraxyadaasi yoy weeradaasi.

Hawlgal nabad sugid ah oo ka bilaabanaya Magaalada Muqdisho

Maanta ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho uu ka bilowday hawgal balaaran oo ay si wadajir ah uga qayb-qaadan doonaan ciidamo ka tirsan Booliiska, nabad sugida, kuwa Gobalka Banaadir, iyo ciidamada Itobiya.

Hawl-galkaan ayaa waxaa la sheegay in ay ciidamadu baro ka sameysan doonaan ilaa iyo 50 barood oo ku taala gobalka Banaadir, hase yeeshee ciidamada ayaa waxaa la sheegay in ay iyagoo isku dhafan ay raxan raxan u socon doonaan rondana ku mari doonaan wadooyinka Gobalka Banaadir.

Hawlgalkaan ayaa waxaa ansixiyey Golaha Wasiirada, iyadoo la sheegay in askarigii ku dhinta la siin doono (qoyskiisa) lacag dhan 5-Milyan oo  Shilllin Soomaali ah oo u dhiganta 250 doolar, iyadoo askarigi ku dhaawacmana la siiyo doono daryeel wanaagsan.

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa ka walwalsan hawlgalkasi, iyagoo tilmaamay in uu keeni karo iska hor imaad uu dhiig fara badan ku daato.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa iyagu horey uga soo baxay goobo fara badan oo ku yaal gobalka Banaadir kadib markii ay joogto u noqdeen weeraro kaga imaanayay kooxaha diidan joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka.

1800 oo ka tirsan Ciidamada wadanka Burundi oo ku soo fool Soomaaliya

Waxaa la filayaa in bartamaha bishan ay Magaalada Muqdisho soo gaaraan ila iyo 1800 askari oo ka socda wadanka Burundi oo qayb ka noqon doona ciidmada midowada Afrika ee Muqdisho jooga.

Ciidamadaan ayaa la doonayey in Soomaaliya la keeno bishii May ee sanadkaan balse waxay u baaqdeen arrimo la xiriiray kadib markii la waayey tasiilaadkii lagu soo daadgureyn lahaa.

Kooxaha ka soo horjeeda ciidamada shisheeye ayaa waxay sheegeen in ay isku si ula dagaalami doonaan ciidamada Itobiya iyo kuwa Midowga Afrika ka socda, iyagoo sheegay in ay u arkaan ciidamo u yimid gumeysi oo u adeegaya dowladda Mareykanka.

Ciidamada Uganda oo iyagu kal horey yimid dalka ayaa wax dhanka amniga ay ka qabteen aysan jirin, waxayna difaac kaga jiraan xeryihii ay ku soo degeen, ma jiro dhaqdhaqaaq badan oo ay ka sameeyaan Magaalada Muqdisho.

Waxaa dalka horey ugu sugnaa ilaa iyo 1800 oo askari oo ka socda dalka Uganda, waxayna Dowladda Uganda dhawaan sheegtay inay soo kordhin doonto ciidamadaasi isla markaana ay gaarsiin doonto ilaa iyo 2500 oo askari.  

Amiin Yuusuf Khasaaro.

amiinkhasaaro@hotmail.com

SomaliTalk.com | Oct 6, 2007


Cadde Muuse oo Shaaca ka qaaday in ku "daalay" Madaxweynanimada
"waa waqtigii aan nasan lahaa.. anigu waan daaley.." Sidaas waxaa yiri Madaxweyanaha DGPL oo u waramayey idaacada Codka Maraykanka, waxa kale oo uu ka hadalay Batroolka..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com