SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Afar qof ayaa ku geeriyootay, labo kalen wey ku dhaawacmeen dagalka Isniintii ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka hiiraan.

Dagaalkan oo u dhaxeeyey ciidamada Ethiopia oo wata in kabadan toban gawaari nooca loo yaqaano Uuraalka iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda ayaa Isniintii ka dhacay meel kantarool ah (Checkpoint) oo ku yaala wadada u dhaxaysa Kalabayrka iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Iska hor imaadakaan ayaa dhacay kadib markii subaxnimadii Isniinta ay soo gaareen checkpoint-iga Bacda ciidamo ethopian ah oo ka kala yimaadeen magaalooyinka Baladweyne iyo Guriceel oo ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Afar qof oo rayid ah ayaa ku geeriyoon halka labo kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo ciidamada Ethopia ay ku dileen gudaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Lama garanayo khasaara dhabta ah ee soo kala gaarey kooxaha uu iska hor imaadka u dhaxeeyey, inskatoo wararka qaar sheegayaan in labo ka tirsan ciidamada Ethiopia ay ku nafwaayeen dagaalkaas isla markaana lagu gubay hal gaari oo ah nuuca loo yaqaano Uraalka.

Dagaalkaan ayaa mar kale ka qarxey meesha la yiraah Goofado oo shan kilometire kaga toosan dhanka bari degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dagalaakaan dambe ayaa u dhaxeeyey ciidamo ethopian ah oo ku soo jeeday dhinaca degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud iyo kooxo hubaysan oo ka soo horjeeda joogitaankooda.

Lama garanyo khasaaraha uu gaystay dagaalkaan dambe, sidoo kale dadka ku nool degmada Matabaan ayuu saameyn weyn ku yeeshay iyagoo intooda badan ay isaga qaxeen halkaasi iyagoo xirey goobihii ganacsiga kana baqanaya inuu ku fido dagaalkaan.

Abdulkarim Mohamed Jim'ale (Muxsin)

 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2007

Soomaalida oo Loogu Baaqay in ay Qaadacaan Diyaarada Ethiopian Airlines, iibsana Qaadka Itoobiya
MPLS
Kulan Hadaladii ka Soo Baxay Loo Riyaaqay oo ka Dhacay Minneapolis, oo ay Soo Qaban qaabiyeen Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed.. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com