SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Nuur Cadde: Arrintaadu yay noqon Sheekadii Habar Dugaag.

amiinW/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Barri baa Habar Dugaag oo u weyn yahay Libaax ayaa iyagoo Jilaal jooga waxey heleen Hal ,Hashu waxey ka wada dhaxeysay dhamaan Habar Dugaag oo dhan, Hashaasi Xayawaan kasta oo ka mid ah Habar Dugaag waxa uu doonayaa in uu wax uu ka helo, mid walbna isha ayuu ka Guluc siinayaa wuxuuna fiirinayaa qaabka ay u dhaceyso qeybsiga Hashaasi.

Boqorka Habar Dugaag oo ah Libaax ayaa markiiba waxa uu soo qabtay Dhurwaa oo ku yiri adiga ayaa igu xigee bal qeybi Hasha, Dhurwaagii markiiba waxa uu u tafa xeytay siduu ku qeybin lahaa Hashaasi wuxuuna isha la raacay Habar Dugaag, wuxuuna arkay “in mid walba ay ka caddahay uuna dhowrayo sida uu Dhurwaa wax u qeybiyo”, Dhurwaagii wuxuu bilaabay inuu qeybiyo Hashii wuxuuna u kala dhigo labo qeybood markaasuu wuxuu yiri “Hasha markii labo loo dhigo Boqoroow dhig adiga ayaa leh, dhigta soo hartayna habar dugaag ayay ka wada dhaxeysaa” hadalkaas markuu ka soo yeeray Dhurwaa, Libaax intuu xanaaqay markaasuu Il iyo Dhafoor Dhurwaagii la qaaday, Dhurwaagii waxaa gaaray dhaawac culus oo ishiisii ayaa banaanka timid.

Libaaxii wuxuu dib u eegay Habar Dugaag markaasuu waxa uu soo qabsaday Dawaco oo uu ku yiri “Dawacooy adiga ayaa lagaaga fadhiyaa sida aad habar dugaag ugu qeybin laheyd Hasha, inta soo xaar-xaaratay Dawacadii ayaa iyada oo gariireysa waxey tiri “Adeer gacaliye Hilbaha waan qeybinayaa ee waa in aad ku qanacdaa qaybteyda waxa ay sii raacisay, Hilabaha markii labo loo qeybiyo, dhig Adeer adaa iska leh hadana waxey sii daba dhigtay iyadoo sii qeybinaysa dhigtii Habar dugaag, Bar mise Bar, bar Libaaxow qaado, marba sidii ay u sii qeybineysay Hilbihii habar dugaag ayaa waxay ku soo gabagabeysay Adeer Gacaliye dhamaan Neefku wada qaado” markii hadalkaas uu ka soo yeeray Dawacadii ayay Habar Dugaag candhuufta dib u liqday oo mid waliba meeshiisii ka jucsaday maadaama Dawaco ay dheefkii oo dhan wada siisay Libaax.

Libaax inta uu qosol la dhacay oo yiri “Gax, gax, gax……” Markaasuu dawaco ku yiri “Dawacooy yaa ku baray qeybtaan” Dawaco iskama waalin waxayna tiri “waxaa qeybtaan I bartay ishii Weer ka lulatay” markaasuu wuxuu yiri “Aleey lahee waa runtaa”.

Marka sheekada aan ku saleyno arrimaha Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Raiisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), waxaa dhacday in Golaha Wasiirada ee uu Madaxda u ahaa Cali Max,ed Geed ay heleen xoogaa dhaqaale ah, dhaqaalahaas waxaa wada fiirsanayay dhamaan laba gole ee Dowladda, Madaxweyne C/llaahi ayaa waxa uu ku yiri Geedi “qeybi dhaqaalahaasi” Geedi xoolihii marka uu labo u dhigay ayuu bar wuxuu siiyay Madaxwayne C/llaahi Yuusuf, qeybtii kalana inta soo hartay, C/laahi Yuusuf wuu ka carooday arrinkaas wuxuuna deg deg ugu howgalay sidii uu jagada uga qaadi lahaa Geedi wuxuu raftaba Geedi qeybtii wuxuu ku waayay xilkiisii waa dharbaaxadii ku dhacdey Dhurwaa wuxuuna C/llaahi uu soo qabtay xilkiina u Magacaabay Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), oo ku yiri bal aan aragno sida aad adiguna wax u qeybisid, hadaba Nuur Cadde waxa uu bilaabay in uu qeybiyo dhaqaalihii la hayay isaga oo isha ku haya ama maskaxdiisa ka guuxeysa wixii ku dhacay, Cali Maxamed Geedi, sidaa darteed Nuur Cadde Shacabka Soomaaliyeed uga fadhiyaan sidii uu xilkaasi u gudan lahaa, maadaama Shacabka Soomaaliyeed 17-Sano ay ku jireen dhibaatooyin isugu jira dil, dhac, kufsi, barakac iyo IWM, sidoo kale waxaa looga fadhiyaa sidii uu wax uga qaban lahaa xaalada murugsan ee ka taagan Magaalada Muqdisho waayo Muqdisho waxaa ka barakacay Hal Milyan oo qof iyadoo guryahoodii ay degan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.

Nuur Cadde oo waayo arag u ah xaalada Soomaaliya isla markaana wuxuu yahay nin ay keensadeen beesha caalamka waxaana laga doonayaa sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeeda, sidoo kale Nuur Cadde waxaa Golohiisa Wasiiradda laga doonayaa inay noqdaan kuwo ka samata bixiya xaalads adag ay ku jiraan Shacabka Soomaaliyeed waxayna Gobalada dhexe dadka ka yimaada ay yiraahdaan “Cidi uma maqna Ceelna uma Qodna” reer Koonfurkana waxa ay yiraahdaan “Geed uma saarna Godna uguma jirto” isku soo wada duuboo waxaa qoraalkeyga ku soo gabagabeynaynaa in Raiisul wasaare Nuur Cadde qabtiisa aysan noqon qeybtii Dawacada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

"Buufisku Qur’aan saar ma leh" Hooyo meel la iiga badan yahay ma garanayo... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 26, 2007

Soomaalida oo Loogu Baaqay in ay Qaadacaan Diyaarada Ethiopian Airlines, iibsana Qaadka Itoobiya
MPLS
Kulan Hadaladii ka Soo Baxay Loo Riyaaqay oo ka Dhacay Minneapolis, oo ay Soo Qaban qaabiyeen Ururka Midowga Qurba Joogga Soomaaliyeed.. Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com