SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Madaxweynaha DFKMG Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysa u jeediyey xubno kala duwan oo ka tirsan Golaha Xukuumada waqtigeeda dhacay iyo Xoghaynta Joogtada ah /(PS) ee 31 Wasaaradoodd.

Khudbadaan uu ka jeediyey Madaxweynaha Xaruntiisa ayaa timid kadib markii Siminaar ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha DFKMG oo looga hadlaayey Qorshaha Mustaqbalka guud ee dalka iyo Qorsho hawleedka sanadka 2008-da ee soo socda.


Madaxweynaha DFKMG oo khudbeynaya iyo Labada Prof. oo dhinacyada ka fadhiya

Madaxweynaha DFKMG wuxuu xusay Qorshaha lagu sugaayo nabadgelyada Gobolada dalka qaarkood, kuwa Hay'adaha kala duwan ee dalka Soomaaliya ka hawlgala, Shirkadaha Ganacsiga ee dalka sida kuwa Isgaarsiinta iyo Xawilaadaha.


Dukomintiga ay soo gudbisay Wasaaradda Qorsheynta oo markii la gudoonsiinayey Madaxweynaha DFKMG istaagey iyo xubnaha kale, Nov 20, 2007, Baydhabo.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xusay qorshaha Waxbarashada dalka oo uu ku sheegey in lagala wareego Dugsiyada Quraanka, kuwa Iskuulada H/Dhexe iyo Sare, Jaamacadaha ee ay maamulaan wax uu ku sheegay kuwo xag jir ah oo isagu ay dagaal kala dhexeeyaan.


madaxweynaha DFKMG oo gudoomaya Qoraalkii ay soo diyaareen PS-ada iyo DG-yada 31-Wasaaradood ee ay soo qaban qaabisay Wasaardda Qorsheynta

Xeel dheereyaal dhinaca siyaasadda ayaa carabka ku adkeynaya khudbada Madaxweynaha DFKMG in ay u muuqatey mid soo afjareysay sii jiritaankii Xukuumadii uu dhisay Ra'iisul Wasaarihii hore Prof. Cali Max'ed Geedi, islamarkaana uu si wanaagsan uga baaraandegey Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub, khudbadaan ayaa waxay kaloo dhalinaysaa bay leeyihiin mowjado hor leh oo dabeylo Caro xambaarsan wata, waxayna mustaqbalka dhalindoonta boqolaall la mid ah sidii uu ku soo caan baxay Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf, hadalkaanina ma ahan bay leeyihiin mid Madaxweynuhu uu iska yiri waxayna ahayd kuwa uu in mudo ah ku taamayey inuu fuliyo, balse la arkidoonee halka ay ku dambeyndoonta.


Madaxweynaha DFKMG oo dhegeysanaya Buug hore ay u diyaarisay Dowladii ugu horey ee Soomaaliya

Dhinaca kale waxaa la hadal hayaa ku dhawaaqista Ra'iisul wasaaraha cusub in ay dhaceyso saacad kasta oo soo socta, waxaana magaalada Baydhabo maanta si weyn looga sugaayey ku dhawaaqista Ra'iisul wasaaraha cusub in 20-ka bisha ay noqondoonto.

Sida aan ka helney ilo wareedyo is burinaya ayaa waxay sheegayaan in Ra'iisul wasaaraha cusub ku dhawaaqistiisa ay isku haystaan qayb ka mid ah Jufo hoosaadyada Beelaha Hawiye Beel ka mid ah, waxayna dadweynaha Magaalada Baydhabo qaarkood ay leeyihiin sheekadu waxay u egtahay Barakaat u dhiibo Barakaat ka qaado, taasoo ay uga dan leeyihiin in Beeshii uu ka soo jeedey Ra'iisul wasaarihii hore dib loogu celin doono, iyadoo laga eegayo dhinacyo kala duwan oo dhinaca Amaanka ah iyo Arimaha siyaasada isku murugsan.
khudbada Madaxweynaha oo dhameystira iyo kusimaha Ras'iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG Prof. Saalim Caliyo Ibrow.

Dhinaca kale, Af-hayeenka DFKMG Cabdi Xaaji Goobdoon oo aan kula kulamey Xarunta Madaxtooyada DFKMG ee baydhabo ayaa ka hadley Magacaabista Ra'iisul wasaaraha, kulan ay yeesheen Xubnaha Golaha wasiiradda iyo hawlgalada ay dowlada ka wado Magaalada Muqdisho.


Af-hayeenka DFKMG Cabdi Xaaji Goobdoon

Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com | Nov 20, 2007


Xidlhibaan Sharma'arke Max'ed Xaashi Gaani "Hogaamiye kooxeedyada ka harey Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada midoobey……"

Waxaa waraysiga qaaday: Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

Gaani

Waraysiga Gaani oo dhameystiran dhegeyso.

Xidlhibaan Sharma'arke Max'ed Xaashi Gaani oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Galgaduud iyo Gedo oo aan kula kulmey Xarunta Baarlamaanka FKMG ayaa wuxuu yiri:

"Hogaamiye Kooxeedyada kali ah ee ka jira dalka Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala dalka Soomaaliya, sababtoo ah wadanka Holand ayaa Soomaaliya ugu deeqey lacag dhan $7,000,000 ($7 million) oo sare loogu qaadayo tayada dhinaca waxbarashada, lacagtaasi waxaa loo soo marsiiyey Hay'ada UNICEF, iyaduna waxay tiri "waxaan idiin dhisaynaa Iskuulo Teendhooyinka ka sameysan, arintaasina waxaa ka hor yimid oo diidey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, waxayna u tageen….


Wareysigii Wasiirka Dalxiiska iyo Duurjoogta DFKMG Xildhibaan Cali Xareed

Waxaa waraysiga qaaday: Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

cali xareedWareysigii oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso. ama halkan ka soo rogo (mp3)

Wasiirka Wasaaradda Dalxiiska iyo Duurjoogta DFKM Xildhibaan Cali Max'ed Max'uud {Cali Xareed} oo aan wax ka weydiiyey sida uu u arko Ansixinta heshiisan, qodobada uu ka koobnaa muhiimada ay u leedahay Soomaaliya, waxa u qorsheysan ka wasaarad ahaan iyo in ay jiraan heshiisyo kale oo Wasaaradda dalxiiska iyo Duurjoogta Dowladihii hore ee Soomaaliya ay la galeen.

WareysigiiCali Xareed oo dhameystiran halkaan ka dhegeyso. ama halkan ka soo rogo (mp3)


Wasiirka Warfaafinta DFKMG Md. Madoobe Nuunow Max’ed “Dowladu lama dhihi karo eeda iyadaa iska leh, ee eeda waxaa iska leh dadka……., xabad shacaka Soomaaliyeed mudo badan ayuu ku jirey xalna ma noqoto”

Waxaa waraysiga qaaday: Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

madoobeWareysigii Madoobe Nuurow ka dhegeyso halkaan. (mp3)

Wasiirka Warfaafinta DFKMG Md. Madoobe Nuunow Max’ed oo aan wareysi dheer oo dhinacyo kala duwan taabanaya kula yeesahay magaalada Baydhabo, ayaa ka Hadley tan iyo intii uu xilka ka degey Ra’iisul wasaarihii hore Geedi dagaaladii ka soo cusboonaadey Magaalada Muqdisho, caqabadihii la soo gudboonaadey intii ay dowladu jirtey, fikirka uu ka qabo halka laga soo xulayo Magacaabista Xilka Ra’iisul Wasaaraha, xiritaankii Idaacada shabeele iyo arimo kale.

Wareysigii Madoobe Nuurow oo dhamaystiran ka dhegeyso halkaan. (mp3)


Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya oo laba Ajende uusan ka doodin wax ka yar 10-daqiiqo ku Ansixiyey
iyo Ajendihii Awood qaybsiga oo ay soo diyaariyeen Gudi hore loogu saarey oo dib loogu celiyey...
akhris/dhegeysi.. Nov 20

colTaariikhda Musharraxa Ra'iisul Wasaare DFKMG: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).. Akhri...


"Dadka Fal-dembiyeedyada Dagaalka ka Geystey Soomaaliya waa in la soo taago Maxkamadda Caalamiga ah" Sidaas waxaa yiri Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabislan Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah...

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa markii ugu horeeyey si rasmi ah shaaca uga qaaday sida uu u doonayo in maxkamad caalami ah la soo taago dadka fal-dembiyeedka dagaalka ka geystey Soomaaliya laga soo bilaabo 1991.

Ergeyga oo arrintaas ka hadlaay waxa uu yiri: Dadka lagu tuhmayo in ay Soomaaliya ka geysteen fal dembiyeed dagaal (war crimes) waa in la soo taago maxkamada caalamiga ah (International Criminal Court) ee la saaro dadka gala fal-dembiyeedyada dagaalka si loo soo afjaro sharci darrada ka jirta Soomaaliya.

"Dadka (Soomaaliya ka) geysanaya fal-dembiyeedyada dagaalka iyo tacadiyada weli lama soo taagin maxkamada caalami ah" ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah oo ah ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya. Warka oo dhamaystiran...

batrolGeeddi oo Qiray in Arrimaha Batroolku ay asaas u ahaayeen Khilaafka isaga iyo C/Laahi Yuusuf
"waxa kale oo dhan waxay ahaayeen arrimo yaryar oo ku soo biiray".. Dhegeyso waraysigii Codka Maraykanka


Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaarka Prof. Max’ed Cumar Dhalxa oo ka Hadley xiliga xubnaha Baaralamaanka la fasaxayo……..” wareysi aanu la yeelaney Gudoomiyaha

Waxaa waraysiga qaaday: Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

dalxaGudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo aan wareysi dhinacayo kala duwan taabanaya oo kula yeeshey Xarunta Baarlamaanka FKMG ayaa ujeedada safar uu dhowaan uga ambabixidoono dalka mareykanka, waqtiga la fasaxyo xubnaha Baarlamaanka iyo dhibaatooyinka ka jira guud ahaan dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Prof. Dhalxa waxaa uu sheegay “in wafdi uu hogaaminayo ay ka qaybgeli doonaan kulan looga arinsandoono waxyaabaha ku soo kordhey caalamka oo ka dhacaya dalka Mareykanka 21/11/2007, Horudhaca wafdigaan oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cawad Axmed Cashara iyo laba xubnood oo kale ayaa waxay gaareen magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya”... Warka oo dhamaystiran...


Wareysi aanu la yeelaney Prof. Buubaa iyo Tirada xilka doonista Wasiirka Koobaad oo sii kordheysa.

Waxaa waraysiga qaaday: Maxamed macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

buubaaWararysigii Prof. Ismaaciil Buubaa osagoo Jooga Baydhabo (mp3)

Wasiirka Wax-barashada DFKMG Prof. Ismaaciil Max’uud Hure Buubaa oo aan wax ka weydiiney aragatida uu ka qabo halka laga soo xulayo wasiirka Koobaad, halka ay ku dambeyndoonaan,waxa uu ku sababaynayo, sida lagu maareyn karo dhibaatooyinka ka soo cusboonaadey Gobolada Waqooyi Bari ee la baxay Puntland iyo Gobolada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya oo la baxay Somaliland, Mooshinadii kala duwanaa ee Baarlamaanka uu soo wadey ee la xisaabtanka xukuumada ahaa halka ay ku dambeeyaan, waxa u qorsheysan isaga hadii uu xilku Ra’iisul Wasaarenimo ku guuleysto dhinaca tayada iyo tirada Golaha Wasiirada iyo arimo kale oo dhowr ah.

Wararysigii Prof. Ismaaciil Buubaa osagoo Jooga Baydhabo (mp3)


Ciidamada Itoobiya oo Muqdisho ku Xasuuqay ugu yaraan 40 qof oo shacab ah

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com