SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAYDHABO

Baarlamaanka DFKMG Soomaaliya oo laba Ajende uusan ka doodin wax ka yar 10-daqiiqo ku Ansixiyey iyo Ajendihii Awood qaybsiga oo ay soo diyaariyeen Gudi hore loogu saarey oo dib loogu celiyey...

Baaralamaanka DFKMG Soomaaliya oo in mudo ah soo waday dooda la xisaabtanka Xukuumada FKMG, islamarkaasina ahayd mid taabaneysay doodaasi dhinacyo kala duwan oo Aakhirkii dhashey isbedelo siyaasadeed oo waaweyn ayaa qodob ka mid ah la xisaabtanka Xukuumada ay ka soo dhex baxdey in dib loo eego Nidaamka Awood qaybsiga oo meel looga dhacay in dib loo eego, waxaana loo saarey Gudi ka kooban 18-xubnood oo uu Gudoomiye u yahay Xildhibaan Sh. Jaamac X. Xuseen.

Gudigaan uu Hogaaminayey Xildhibaan Sh. Jaamac ayaa waxay ka soo diyaariyeen qoraal ka kooban 42 Bog oo ka hadleysay Xilalka Saraakiisha iyo Wasaaradda Arimaha Dibadda, Gudiga Qaranka iyo shaqaalaha Rayidka ee Dowlada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida iyo Nabadgelyada, kan Asluubta, Xilalka Wasaaradaha Xoghayeyaasha joogtada, Agaasimeyaasha Guud, kuwa waaxeedyada, Xilalka
Gudiga Qaranka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka ee Dowlada.

Dhamaan xilalka kala duwan ee lagu xusay qoraalkan ayaa wuxuu ahaa mid kiciyey sisad hor leh oo in badan la hadal hayey, taasoo Aakhirkii dhashay in Gudiga dib loogu celiyo, islamarkaana uu soo saxo.

Qoraalkan ay soo saareen 18-kan Xildhibaan ayaa waxaa lagu xusay sida ay u maamushay dowlada Nidaamkii Awood qaybsiga sida Xilalka saraaskiisha iyo Sácala Arimaha Dibada ayaa waxaa la xusay Ambassadorada, Counselor iyo secretary Beelaha sida ay u kala heleen ayaa waxay ahayd sidan Beesha Daarood 56, Beesha Hawiye 36, Beelaha Digil iyo Mirifle 28, Beesha Dir 29, Beesha Shanaad 18xubnood.

Halka Gudiga Qaranka iyo Sácala Rayidka ee Dowlada Xilallkooda ay u kala heleen Beesha Dardo 3, Beesha Hawiye 3, Beesha Digil iyo Mirifle 3, Beesha Dir 3 iyo Beesha Shanaad oo heshey 2.

Sido kale liiska gudiga dibuheshiisiinta Qaranka, Beesha Daarood waxay heshey 7, Beesha Hawiye 6, Beesha Digil iyo Mirifle 7, Beesha Direed 7,Beesha Shanaad 3.

Dowladu sida ay u maamushey xilallka taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida iyo Nabadgelyada ayaa Beesha Daarood waxay heshey 8 General, Beesha Hawiye 4 Gen, Beelaha Digil iyo Mirifle 5 Gen, Beesha Dir 1, Beesha shanaad ma helin, kan ciidamada Asluunta Beesha Hawiye 1.

Xilalka xoghayeyaasha joogtada iyo Agaasimeyaasha guud iyo kuwa Waaxyaha Beesha Daarood 28, Beesha Hawiye 26, Beesha Digil iyo Mirifle 16, Beesha Dir 8, Beesha Shanaad 8.

Ugu dambeyn qoraalkan laguma xusin sácala Xafiiska Madaxtooyada, kan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kan Ra'iisul Wasaaraha DFKMG.

Taasoo xubnihii Xildhibaanada ka hadlay doodii maanta Baarlamaanka ay badnaayeen islamarkaana kala taageerayey mid kasta laba fikradooda ayaa intii ugu muhiimsaneyd waxay ahayd sida dooda.

Dhinaca kale Baarlamaanka FKMG ayaa laba Ajende oo uusan ka doodin ku Ansixiyey wax ka yar 10 daqiiqo, Ajendeyaashan uu Ansixiyey Baaralamaanka ayaa waxay kala ahaayeen Sharciga Urur Goboleed IGAD iyo Heshiis ay la soo gashey Wasaaradda Dalxiiska iyo Duurjoogta dhigeeda tan Dowlada Suudaan, taasoo u muuqata in Baarlamaanku uu ku socdo wado ka duwan tii laga rabey, iyadoo hore wax badan oo aan la soo koobi karin oo khaladaad ah ay ku sheegaan dadka Arimaha Sharciga iyo siyaasada ku xeel dheer.

Ansixintaan uu ansixiyey Baarlamaanka heshiiska cusub ee ay la soo gashay wasaaradda dalxiiska dhigeeda tan Suudaan ayaa wuxuu yahay midkii ugu horeysay oo uu Baaralamaanku Ansixiyo tan iyo intii uu jirey waxaana Baarlamaanka lagu arkey intii uu jirey waxyaabo ka duwan Baaralmaanadii hore ee Soomaaliya soo marey, hase ahaatee la arkidoonee halka uu kudambeyn doono Baaralmaanka DFKMG qaabka uu u wado.

Hase ahaatee qodobkaan nidaamka awood qaybsiga ayaa waxaad moodaa marka si qoto dheer Loo fiiriyada sida ay uga doodayeen Ajendayaashii kala duwnaa ee Baarlamaanka in ay tahay mida Heli ah ay sida weyn isula yaqaaneen xubnaha Baaralamaanka, waxayna muujinaysay mustaqbalka siyaasada DFKMG awoodeed guud, tan gaar ahaaneed waxa laga sugaayey iyo geedi socodka Nabada Soomaaliya halka ay ku dambeyn doonto, waxay soo ifbixinaysaa Iscasilaadii Geedi in ay ay ahayd mid u iftiiminaysa Mas'uuliyiinta sar sare ee DFKMG xujo cusub oo ka jawaabisteeda ay ku adkaandoonto, maadaama isaga uu xilka si nabad ah uga degay.

Maxamed Macallin Cismaan{All-man} Somalitalk Baydhabo.

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2007

gaaniXildhibaan Gaani oo UNICEF ku eedeeyey ay Musuqmaasuqeyso $7 million oo doolar....
waxana uu yiri: "Hogaamiye kooxeedyada ka harey Soomaaliya waa Hay'adaha Qaramada midoobey" Waraysi

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com