SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaarka Prof. Max’ed Cumar Dhalxa oo ka Hadley xiliga xubnaha Baaralamaanka la fasaxayo……..” wareysi aanu la yeelaney Gudoomiyaha

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo aan wareysi dhinacayo kala duwan taabanaya oo kula yeeshey Xarunta Baarlamaanka FKMG ayaa ujeedada safar uu dhowaan uga ambabixidoono dalka mareykanka, waqtiga la fasaxyo xubnaha Baarlamaanka iyo dhibaatooyinka ka jira guud ahaan dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Prof. Dhalxa waxaa uu sheegay “in wafdi uu hogaaminayo ay ka qaybgeli doonaan kulan looga arinsandoono waxyaabaha ku soo kordhey caalamka oo ka dhacaya dalka Mareykanka 21/11/2007, Horudhaca wafdigaan oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cawad Axmed Cashara iyo laba xubnood oo kale ayaa waxay gaareen magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya”.

Gudoomiye ku xigeenku mar aan weydiiyey in kooxaha ka soo horjeeda DFKMG iyo xubno ku xeel dheer arimaha dagaalka ay ku eedeeyaan dilka xubnaha wax ku oolka ah ee ka dhacaya dalka ay qayb ka yihiin xubno ka titsan dowlada DFKMG ayaa wuxuu ku jawaabey “dilka joogtada ah, Burburka Xarumaha kala duwan ee dalka iyo barakicinta shacabka ma aha mid meel kale looga yimid waxaa ka dambeeya shacabka ku nool Magaalada Muqdisho iyo kooxaha kale ee gabaadka ka dhiganaya, tan kale kuwa ka shaqeeya Saxaafada ayaa iyagana qab ka ah oo la shaqeeya, sababtoo ah markii laba Askari la dilo ama la dhaawaco, waxay yiraahdaan dabley aan hebtooda la garan ayaa laba Aaskari oo ka tirsan ciidamada dowlada ku dilay, halkii laga rabey in ay sheegaan dadkii falkaasi ka dambeeyey”.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenku mar aan weydiiyey isagu fakir ahaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee aan wali la magacaabin halka laga soo xulayo ayaa wuxuu yiri “Aniga waa isugu key mid meel kasta oo laga keeno magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub, hadii uu yahay ruux gudan kara xilkaan mas’uuliyadiisa yahayna ruux iimaan leh oo Alle ka baqaaya”.

Gdoomiye ku xigeenka mar aan weydiiyey goorta xubnaha Baaralamaanka la fasixidoona ayaa wuxuu ku jawaabey “20/12/2007-da ayaa xubnaha Baarlamaanka la fasaxidoonaa, inta ka horeysa waxaa la dhameystiridoonaa Ajendayaasha Baarlamaanka horyaala”.

Gudoomiye ku xigeenku mar uu ka hadlaayey Arimaha ka socda Gobolada Woqooyi Galbeed ee Soomaaliya iyo kuwa Woqooyi Barrie e Soomaaliya ayaa wuxuu yiri “ma ahan xiligaan in dadka Soomaaliyeed loo horseedo dagaal iyo fowdo hor leh oo keenaysa Qax iyo dhibaato kale, waxaana loo baahan yahay in hawlaha lagu dhameeyo wada hadal iyo dibuheshiisiin waarta ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyey Prof. Max’ed Cumar Dhalxa”.


Prof. Max’ed Cumar Dhalxa

Hase ahaatee isku dhiib dhiibka kooxahaan iska soo horjeeda ee ka jira Soomaaliya ayaa waxaad moodaa in ay ka dambeeyaan kuwo qandaraas qaateyaal ah oo aan u naxaynin shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ka ganacsada dhiiga shacabka, iyagoo ku raadsada darajooyin siyaasadeed, kuwo dhaqaale, kuwo Qabiil iyo u adeegista dowladaha doonaya in Soomaaliya aysan degin ilaa laga helo ugu yaraan Koox Kiristaan ah ama Madaxweyne Kiristaan ah oo Geeska Afrika ka taliya, inkastoo dadka arimaha siyaasada iyo dhaqanka ku xeel dheer ay ka deyrinayaan mustaqbalka Caqiida Soomaaliya dadkeeda iyo dalkeedaba.

Maxamed Macallin Cismaan{All-man}Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com

"Dadka Fal-dembiyeedyada Dagaalka ka Geystey Soomaaliya waa in la soo taago Maxkamad Caalami ah" Sidaas waxaa yiri Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabislan Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 16, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com