Qaybtan labaad maanta waxaan ku
soo qaadan doonaa laba mowduuc.
Tan koowaad oo ah waxyaabihii
kusoo kordhay siyaasadda
Soomaaliya qormadeenii koowaad
ka dib. Mowduuca labaadna wuxuu
yahay duqeyntii Mareykanku ku
qaaday gobolka Jubbada Hoose.
Waxyaabihii Kusoo Kordhay
Siyaasadda Soomaaliya
Qormadeenii koowaad kadib,
arrimaha ku soo cusboonaaday
siyaasadda wadanku wey
farabadnaayeen, hase ahaatee,
waxaan door biday inaan
qodobadan ka hadlo:
-
Ansixinta xaaladda degdegga
ah;
-
Caburinta idaacaddaha xorta
ah;
-
Hub-ka-dhigista
qab-qablayaasha dagaalka;
-
Xil-ka-qaadista
guddoomiyihii baarlamaanka;
-
Muqdhiso oo duq magaalo
yeelatay;
-
Gubidda calankii Soomaaliya.
Ansixinta xaaladda degdegga
ah
Waxaa dad badan is weydiinayaan
isbeddelka cusub ee ay keeni
karto wadanka oo xaalad degdeg
ah lagu maamullo. Tan iyo
goortii xaaladda degdegga ah
wadanka lagaga dhawaaqay waxaa
Muqdisho ka dhacay laba weerar.
Labaduba waxay ahaayeen weerarro
qorsheysan. Mid waxaa la
qaaday 14-01-07, lalana
beegsaday ciidamada Itoobiya
goor habeen ah. Weerarkaasu
wuxuu ka dhacay agagaaraha
Shiirkole, Ifka Xalane, Ceymiska
iyo SOS. Waxaa dad xog-ogaal
ahi sheegayaan in dhowr
gaariyaasha milateriga Itoobiya
goobahaa lagu gubay.
Weerar kaloo qorsheysan waxaa
lagu qaaday madaxtooyada
habeenkii 19-01-07. Waxaa
wararku sheegayaan in weerar
xaggga madaafiicda goobta ama
hoobiyayaasha loo yaqaan lagu
qaaday Villa Somalia. Marka
waxaa halkaa inoogu caddaatay in
wadanka oo xaalad degdeg ah lagu
dhaqaahi nabad-gelyo iyo
xasilooni keeni doonin. Waxaa
dad badani arrinkan u qaateen in
looga gol-leeyahay in Soomaaliya
xukun digteetar ah markale dib
loogu celiyo. Sida keli ah ee
Soomaaliya nabad iyo xasiloon
loogu soo dabaali karo waa
iyadoo jidka wadahadalka la
adeegsado. Cid kasta oo la is
leeyahay qeyb-bay ka qaadan
kartaa xasilooni wadanka ka
islaaxdana miiska wadahadalka
lasoo fariisiyaa. Hase ahaatee,
ragga dowladda hogaaminayaa
waxaay u eg yihiin kuwo caga
jugleyn iyo cudud shisheeye ka
doorbidaya miiska wadahadalka.
Caburinta idaacaddaha xorta
ah
Waxaa fajaciso nagu noqotay
markaan maqalnay in wareegto
kasoo baxday xaafiiska
nabad-sugidda ee dowladda ay
amar ku bixisay in howlaha
warbaahineed joojiyaan
idaacadaha xorta ah ee
Hornafrik, shabelle, Quranu
kariin iyo Al-jasiira. Waxaa
lagu amray inay iska xaadiriyaan
xaafiiska nabadsugidda si loola
socodsiiyo sababta howlaha ay
hayeen looga joojiyey. Waxaa
wararku nagu soo gaarayaan in
idaacadahaa loo hanjabay laguna
yiri hadaad wax dowladda liddi
ku ah baahisaan waxaa si rasmi
ah la idiinka joojinayaa
howlahiina oo dhan. Waxaa kale
oo loogu hanjabay in waxyaabaha
ay baahiyaan si joogto ah loo
duubi doono hadii lagu helo in
ay warar dowladda mucaarid ku ah
sii daayaana xarig lala beegsan
doono.
Dhab ahaantii, waxyaabaha ay
dowladdu rabtay ee caburinta
saxaafadda xorta ah durba waa u
dhaqan-gashay. Hadda
websaytyada iyo idaacaddaha
Hornafrik iyo Shabelle sidii
xorta aheyd wax uma soo
tebiyaan. Waxaana durba
saameeyey cagajugleyntii lagu
sameeyey. Waxaa in badan oo
ummadda ka mid ahi is
weydiinaysaa waxa ay dowladdani
soo wadato. Iyada oo caga isku
taagin ayey sidan u
dhaqmeysaaye, toloow xaalku
sidee noqon doonaa hadii ay
xooggeysato. Ma is tiri
maba-dhalane, dhowrteeysan
ogaa!
Hub-ka-dhigista
qab-qablayaasha dagaalka
Hubka dhigista qabqablayaasha
dagaalka in badan oo Muqdisho
deggan waa ay soo dhoweeyeen.
Raggani waa kuwa maanta meesha
aan joogno sababtooda lahaa.
Waa kuwa dagaalada qabaailka
hurin jiray. Waana wax-magarato
dadkooda lugooyo la dabajoogay.
Waxaa jiray abaabullo farabadan
oo lagu doonayey in Muqdisho
lagu nabadeeyo maamul mideysanna
loogu sameeyo. Intaasoo dhan
waxay ka socon weysey qaar ka
mid ah qabqablayaasha dagaalka
Xamar joogey. Aakhirkiina waa
raggii Mareykanka qandaraaska ka
soo qaatay si ay nuurkii
Islaamka ee ka ifayey Muqdisho u
dumiyaan, taasoo ay u yeelayeen
danahooda shaqsiga ah. Waxaa la
wada xusuusan yahay in
Maxaakiimtu aysan u suurta gelin
furidda gegida diyaaradaha iyo
dekedda Mudisho tan iyo intii
qabqablihii ugu darnaa uguna
danbeeyey qabqablayaashii Xamar
ee Cabdi Qeybdiid xoog magaalada
uga saaraan. Marka Muqdisho oo
la nabadeeyo waxaa ka horeysa in
qabqablayaasha hubka laga
dhigo.
Xil-ka-qaadista guddoomiyihii
baarlamaanka
Xilka qaadista guddoomiyaha
baarlamaanku waa arrin lagu
degdeggay. Dowladda waxaa looga
fadhiyey inay soojidato baadi
doontana dadka iyada kasoo
horjeeda si loo helo dowlad
waxtar leh oo qancisa Soomaalida
oo dhan. Shariif Xasan oo
jagadiisa laga qaadaahi waxay
keeni doontaa baarlamaanka oo
sidii hore kusoo noqda labana u
kala jaba. Arrintani waxaay in
badan u fasirteen in dowladdani
tahay mid aan dan ka lahayn dib
u heshiisiin qaran oo wadanka ka
dhacda. Talaabadani waxaay
keentay in khilaafkii jiray uu
cirka isku sii shareero.
Soomaalidu sida ay u badan tahay
waxaay aaminsanyihiin inuu
arrinkani aheyn wax loo baahnaa
baasiinna kusii shubaya
khilaafka jira.
Arrinta xilka dhigista
guddoomiyaha baarlamaanka waxaa
cambaareeyey Mareykanka, Midowga
Yurub, wadamo Carab iyo Afrikaan
isugu jira. Dowladduna waxaay
ku weysay taageero badan oo
caalami ah.
Muqdhiso oo duq magaalo
yeelatay
Wareegto kasoo baxday Villa
Somalia ayaa waxaa Duq Magaalo
loogu magacaabay Cadde gaaboow.
Waxaa ninkan horay u magacaabay
Geeddi isagoo u dhiibay
jagooyinka ah Duq magaalo iyo
guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Muddo ayuu Maxaakiimta la
shaqeeyey balse markii danbe
dhinac ayey isaga riixeen
maadaama dowlad ay Maxaakiimtu u
arkayeen dabadhilif ay horay
masuul ugu magacoowday magaalo
ay ka taliyaan. Waxaa aad loo
soo dhoweeyey fikradiisii aheyd
in ciidamada Itoobiya Xamar laga
saaro baraha ciidamada ee
magaalada ka baxsanna la isugu
geeyo. Arrintani waxaa loo
arkaa mid nabadda aan la isku
haleyn karin ee gobolka Banaadir
waxka qaban karta. Ninkani
wuxuu u muuqdaa mas’uul jagada
loo magacaabay ka soo bixi kara
waxna kusoo kordhinkara
nabadeynta Muqdisho.
Gubidda calankii Soomaaliya
Waxaa Khamiistii taariikhdu
aheyd 18-01-07 mudaaharaadyo
farabadani ka dhaceen inta badan
gobollada Woqooyi ee wadanka.
Midkii ugu weynaana wuxuu ka
dhacay Hargeysa. Dhalinyaro ka
mid ah mudaaharaadayaasha ayaa
calankii Soomaaliya halkaa ku
gubay. Waxaan ogsoonahay in
dadka reer Somaliland arrinkaa
raali ka wada aheyn. Dhalinyaro
koobanna falkan ka danbeysay.
Meeshii calanka lagu gubay waxaa
joogay Faysal Cali Waraabe. Mar
wax laga weydiiyey sababta
calanka Soomaaliya loo gubay
wuxuu ku jawaabay “calankani waa
kii nalagu xasuuqay, markaan
arkana waan ka naxaa, ee reer
koonfuroow iska beddela”.
Arrinkani wuxuu dad badan
xusuusiyey aroohdii aheyd reerka
uu Faysal Cali Waraabe kasoo
jeedo waa Soomaali diid.
Waxaaba la dhihi karaa falkan
wuxuu cadeyn u yahay ama
rumeynayaa oraahdaa kor ku
xusan.
Waxaa uur-ku-taalo ah in dadkaas
walaalaheen ah ee reer waqooyi
ay ku jiraan rag Faysal oo kale
ah oo warbaahinta kala geddisan
ku baahinaaya oraahyo kala
dheereeynaya dadka Soomaalida
ah. Waxaa jira dhalinyaro
dhageysaneysa wuxuu leeyahay oo
reer waqooyi ah deedna run intay
u qaataan cuqdad weyn ku
reebeeysa. Faysal Cali Waraabe
waxaa kale oo laga soo sheegay
inuu yiri Soomaaliya waxay noo
xasuuqday sidii Jarmalku u
xasuuqay Yuhuuda oo kale.
Oraahdaasi miyaaneey ahayn mid
cadowtinimo lagu kala dhex
abuurayo dad hal qowmiyad isla
ah. Dowladdii milaterigu
miyaaneey aheyn middii gobolka
Mudug ceelashii ku yiilley
duuggi jirtay, shacabka ku
abtisan jiray SSDFna gumaadka u
geysan jirtay. Xukuumaddii keli
talisku miyaaneey aheyn tii
dadka ku gumaaday garoonka
kubedda cagta Muqdisho markuu
dadku ku fooriyey Afweyne markuu
khudbee maagay intuu garoonka ku
jiray. Yaa arkay bulshooyinkaa
oo ficilkaa uu keli taliye
geystay Soomaali oo dhan ama
reer gooni ah ku eedeeyneeysa?
Aniga waxaan u soo jeedin lahaa
Faysal inuu cowtinimada uu dadka
isku qowmiyad ah ku kala
abuurayo joojiyo. Waxaana ugu
danbeynta ninkaa ku dhihi lahaa
‘Faysaloow, waa la doogiye, yaan
la dacaroon’.
Duqeyntii Mareykanka ee
gobolka Jubbada Hoose
Wuxuu Mareykanku is-qariyaba
Itoobiyana Soomaaliya u soo
adeegsadaba, waxay
ujeedooyinkiisii si caddaan ah
banaanka u soo bexeen markuu
dagaalladii Maxaakiimta lagu
hayey si bareer ah u soo galay.
Waxaay aheyd 9-1-07 markii USA
caddeystay inuu gobolka Jubbada
Hoose diyaaradihiisa dagaalka ku
weeraray. Weerarkaasu wuxuu
ahaa mid si heer sare ah u
qorsheysnaa. Maxaakiimta ayaa
waxaa la isugu geeyey dhulka
howdka ah ee ku teedsan xuduudda
Soomaaliya iyo Kenya. Qorshihii
Tigreega ee ahaa inay gebi
ahaanba Maxaakiimta meesha ka
saaraan ayaa dhicisoobay.
Dagaaladii iyaga iyo Maxkamadaha
ayaa sii adkaaday. Mararka
qaarkiina waxaa la soo sheegayey
in Itoobiyaanku degaano badan oo
Jubbada Hoose ah lagaga
awood-roonaaday. Taasi waxay
sababtay in ay Tigreegu
Mareykanka taageero xagga cirka
ah wediistaan si Maxaakiimta iyo
goobahay ku jiraanba loo
burburiyo.
Weerarro xagga cirka ah ayaa USA
ku qaaday dhowr tuulo oo
Maxaakiimta lagu maleynayey.
Sida wararku sheegayeen intaan
ka aheyn dhowr tigniko ah oo
ciidamada Maxaakiimtu lahaayeen
mooyee, weerarrada diyaaraduhu
khasaare waxku ool ah Ciidamada
Muslimiinta uma geysan.
Maadaama maakiimtu aysan
degaanada Jubbada Hoose ku
laheyn baro ciidan oo la yaqaano
oo bartilmaameed u noqon kara
weerarada cirka ee Mareykanka,
ciidamadooduna ku baahsan yihiin
howdadka fog ee degaanka Jubbada
hoose, waxaa la aaminsan yahay
dhamaan weeraradii cirka ee USA
qaaday in lala beegsaday dad
reer miyi ah oo xoolahooda iska
jirta. Caddadka dadka reer miyi
ah ee dhintay waxaa hadda lagu
qiyaasaa inta u dhaxeysa 70 ilaa
iyo 100 qof.
Markuu Mareykanku qirtay inuu
Jubbada Hoose duqeeye isagoo ku
andacoonaya inuu weeraradaa la
beegsaday saddex nin oo
argagixisa ah isla markaana
weeraray safaaradihiisii
Nayroobi iyo Daara-Salaam ee
sannadkii 1998, waxaa arrintaa
si weyn uga soo hor-jeestay
Soomaali meelkasta ooy joogtay.
Dadkuna siduu u badnaa
weeraradaa wuxuu u arkay mid
xaqdaro ah oo lagu gumaadayo
rayid aan waxba galabsan.
Dhamaan wadamada ay Soomaalidu u
qaxday ee Yurub iyo Ameerikada
Waqooyi mudaaharaadyo waaweyn oo
weeraradaa USA ku qaaday Jubbada
Hoose lagu diidan yahay ayey
dhigeen.
Waxaa weeraradaa cambaareeyey
dowladaha Islaamka oo dhan.
Waxayna USA ugu baaqeen inuu
weerarada joojiyo. Waxaa sidoo
kale weeraradaa xaqdarada ah aad
u cambaareeyey ururka Midoowga
Yurub iyo Kan Carabta.
Soomaalida oo dhan waxaa
anfariir ku noqday markay
dowladdii ku meel gaarka aheyd
ay soo dhoweysay duqeyntaa loo
geeystay dadka masaakiinta ah ee
xoola dhaqatada ah. Ragga soo
dhoweeyey weeraradaana waxay
kala yihiin: C/laahi Yuusuf,
Geedi, Xuseen Ceydiid iyo kuwo
kale. Ururka Jaamacadda Carabtu
waxay dowladda si aada ugu
dhaliileen uguna cambaareeyeen
ogolaansha ay USA ugu ogolaatay
in dad maati ah oo waxba
galabsan iyo xoolahooda lagu
gumaaddo weerarkan. Ayaandarada
Soomaaliya heysata ayey ka mid
tahay in shaqsiyaad dano
shisheeye fulinaya ay dowlad
isugu sheegaan, una ogolaadaan
in dadkeeda iyo xoolaheeda
wadanka lagu xasuuqo iyadoo
loogu soo ganbanayo joogidda
argagixiso aan waxba ka jirin.
Ilaahoow kuwan dowladda
sheeganaya ummadda dhinac u
dhaafi inta waxa ay geysteen wax
ka daran Muslimiinta Soomaalida
u geysan.
Waa socotaa.... la soco qaybta
3aad...
Halkan
kakhri qaybtii 1aad...