SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Soomaalida oo Sabti Go’eysa, Axadna God Geleysa

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Soomaalida oo Sabti go’eysa, Axadna god geleysa! Alloow hana doorin waa la doorsoomaye! Shaki ma leh in is-bedel jiro. Marka waxaan isweydiin doonnaa: Soomaalidu waa dad ceynkee ah? Waxaan arki doonnaa Soomaalida suugaanta iyo sheekooyinka lagu sheego maaha adi iyo ani ee waa dad hore oo dhintay. Haddii geeljirayaashii (khasab maaha in geelleey kastaa geeljirayaal yihiin) dhihi jireen: waxaan rabnaa inaan Khamiis go’no, Jimcana god galno maxaynu innagu u raadineynaa raalligelinta iyo ka-baqidda Bush iyo Zenawi? Dib-u-socodnimo haddaad maqashid waa adoo Khamiis iyo Jimce heysa qaado Sabti iyo Axad. Sidaan maqaalka ku arki doonno ma aha waxa is beddelay maalmaha ee waa Soomaalida oo sideedaba is-bed-bedel badan. Is-bedelladaasi waxay keeneen in Qaaddirkii na abuuray iyo waxyaalo qiimo badnaa aan ka raadgadannay. Godka malaga baqaa? Wuxuu maqaalku taabandoonaa in godkii uu geeljiruhu Jimcaha u dooranayey uu micno ugu fadhiyey. Maaddaama ayna quwadaha shisheeyuhu shuqul ku lahayn godka ooy dadka ula simanyihiin; dadka doortay Sabtida iyo Axaddu waxay daneeyaan dhulka guudkiisa! Haddaba haddaan is-bedelladaas aan maqaal yar lagu soo koobikarin waxaan arki doonnaa niman god galay sida Axamed Gurey, Sayid Maxamed iyo Maxamed Cabdille Xalane, Sheekh Xasan Barsame oo taallooyinkoodii ama xeryahoodii iyo iskuuladoodii ay Tigree hoos taagtaaganyihiin! Waxaan maqaalka ku soo xirayaa haddii Ilaah idmo, nimankan jecel iney maalmahaas god galaan maxay ku oran doonaan markey aakhiro ugu tagaan madaxweyne Maxamed Siyaad oo halgamayaasha taallooyin, iskuulo iyo xeryo ku sharfay? 

Soomaalidu waa dad ceynkee ah? Dadka ay hal-abuurayaashu ka hadlayaan Markey leeyihiin: Soomaalidu qas iyo kibir marna qaadanmeyso. Ama: xumaanteediyo samaanteed Soomaaliya Soomaali baa leh ma aha innaga maxaa yeelay meeyey qabka iyo lahaanshaha aan hadda heynaa? Miyaan jananno Tigree waddanka u talin? Soomaalida laga hadlayo waa kuwa dhintay ee qaarkood aan kor ku magacawnay iyo kuwo kale sida suugaanyahannadii soo halgamay ooy ka mid yihiin Barkhad Cas iyo Timo Cadde. Sida Timo-cadde waa inaan qofku gaal cad iyo mid madow uusan ka baqin. Waa inaan qofku qabyaalad quruntay uusan aamminsaneyn. Ma u maleyneysaa Timo Cadde oo leh: annagoo faro maran oo hub heysan baan dhulkeygii Ingiriis iyo Talyaani ka dhacsaday marka sidee Xabashi xuna ii hunguriyeyn kartaa; inuu maanta janan Tigree ka hor gabyi lahaa? Ama Barkhad Cas u daawasho tegilahaa janan Tigree? Maya, marna ma dhacdeen. Ma u maleyneysaan in dekedda Xamar uu askari Tigree ah Sayidka uga caadi lahaa canshuur kaddib markuu Berbera ka diiday inuu Ingiriis canshuur siiyo? Mise Sayidku iyaguuba canshuur iyo dacwad u qabsan lahaa isagoo leh: yaa idin keenay Soomaaliya?! Marka shacabku saas u dulloowo waxaa madax looga dhigaa dad dhintay. Shacabka intiisa badan waa la qeybsadaan xumaanta marka waxaa ku wada dhaca halaag. Qof qofkii fiican ee ku dhexjira shacabka Soomaaliyeed, Qiyaamaha ayuu raaxeystaa. Fiiri sidaan Qur’aanku u kala reebin Fircoon iyo wixii raacay. Marka haddaan Ashahaado-la-dirir qabiil ama dan ku raacno waxaan la qeybsannay dulmiga iyo diin-nacaybka; haddaad rabto sidaas ha u fahmin.

Dad badan waxay Jimcihii u diideen waa Bush iyo Meles Zenawi dartood. Marka xiriirka iyaga iyo Axad u dhaxeeya waa kaas. Nin khamri cabbay baa beri laga sheegay: boowe aa doorsoomay! Marka nimanka ku sarkhaamay jacaylka Bush iyo Zenawi waxay ku tunteen wax kasta oo diintu xeerin jirtay oo ay Ashahaadadu u horreyso. Jimce-diidnimo waa diin-diidnimo. Waa arrintaas waxaad darteed u maqleysid magaca ah Ashahaado-la-dirir. Ma garaneysaan cid nimankaas ka geesisan?! Markaad Khamiis iyo Jimce joogtid, Sabti iyo Axad waa kaa dambeeyaan! Haddaad rabto waad dhihi kartaa markaad Sabti iyo Axad joogto waxaa kaa dambeeya Khamiis iyo Jimce laakiin ogaada, dadka muslimiinta ah ma dhahaan Khamiista iyo Jimcaha “week end”. Wax la isu abuuray waa cibaado. Marka maalmaha kheyrka leh waxaaba fiican in waxyaalaha fiican sameyntood la badiyo. Xil geeljire gartay weynaa! Inkastoo dadka muslimiinta ah intooda badan ay Jamcaha ka maqanyihiin shaqooyinka iyo waxbarashada haddana magacaas ma dhahaan marka qofkii raba cidna kama hortaagna hadduu wax baranayo ama shaqeysanayo marka laga reebo waqtiga salaadda Jimce la tukanayo ileyn salaadaha kale waxay la wadaagtaa maalmaha kalee. Ma dhicikartaa in Sabtida iyo Axadda Soomaalida looga  dhigo fasax? Ogaada, haddee dastuurradii hore iyo kan hadda waxaa laga keenay shisheeye. Marka ma ahan wax qariib ah in arrintaas la arko.

Ashahaado-la-dirirku ma kala jecla dhufeyska ay Tigreegu qotaan iyo xabaasha (qabriga/godka). Sababtu waa iyagoo rajadii iyo baqdintii Ilaah, siiyey Bush sidoo kalana intey  nabiga (SCW) raacilahaayeenna raacay Meles Zenawi! Waxaa iyaga u daran jagooyin intey dhulka guudkiisa joogaan. Ilaah baan ku dhaartee, aqalka cad ee Maraykanka ooy tagaan ayey ka jecel yihiin iney booqdaan Guriga Ilaahay, Kacbada! Laakiin dadka ka taliya aqalka cad waa diideen iney Soomaali caaq ah ku casuumaan gurigaas. Sidii horay loo yiri: haddaad eey laf iyo dahab u wada tuurtid wuxuu isku maqiiqayaa lafta maxaa yeelay iyadaa u daran oo dahabka dan kama leh. Marka hala yaabina haddey nimaku diinta noo daayeen oo sidii eeygu lafta u doontay ay shilimaad iyo xukun raadsadeen. Ma la yaabteen iney dumarka indho-shareerkii u diiddeen ama gubeenba?

Doorsoomiddii baan weli daba joognaa. Haddaad eegtid qarannimo; kama wadno in marka kasta ay tahay sidii diintu rabtay oo waxaa qaarkeed ka buuxa waxyaalo khalad ah sida taallooyinka. Sidaasooy tahay, dadka micneey ugu fadhidaa. Waxaan xasuustaa, Axmed-gurey iyo Sayidkuba (taallooyinka) waxay u jeedeen dhinaca Galbeedka. Jihadaas waxaa loogu jeedsay waa macno. Qofkaan garaneynoow waa: cadowga ugu daran, Itoobiya xaggaasay naga jirtaa. Qofkii arka Axmed-gurey oo seef u heysta Xabashida waxaan qalbigiisa ka go’ayn waxa Xabashidu tahay. Markii USC diiratay taallooyinkaas waxaa soo baxaya micno ah colaaddii Itoobiya naga dhaxeysay waa yaraatay ilayn taalladu waxay xambaarsan tahay farriin aan intaas oo buug lagu cabbirikarin. Markii taariikhdii Soomaaliya si qabiil ah ama quud ku jiro loo tirtiray ayaa Meles Zenawi si macnawiya oo toos ah u baaba’shay wixii yaraa ee u haray Soomaali. Bal suureyso haddii la dhaho xeradii Xalane waxaa ku xareysan Tigree ama askari Tigree ah baa ciidan Soomaaliyeed ku tabobaraya! Haddey arrintaasi dhacday soow suurtogal ma ahan in janannada Tigreega looga dhiso taallooyin Xamar ama Soomaaliya markey wadaadadii ka xoreeyeen Soomaaliya?! Haddee waxaan mar kasta aragnaa dad dhahaya Tigreegaa naga xoreeyey oo nooga fiican qabiil hebel! Haddii hadda Tigreega looga dhisi lahaa taallo Xamar waxaa loo jeedin lahaa dhinaca suuqa Bakaaraha ama badda oo dani ka heyso. Alloow yaan la oran hadda Soomaalidu taallooyin ha dhisato! Haddee tii Hargeysa laga dhiso waxaa loo jeedinayaa Garoowe; tii Garoowe laga dhisana Dhuusomareeb; tii Dhuusamareeb laga dhisana Boosaaso.

Geeljiroow xaal qaado markii gaaljire (gaal-la-jire) la arko. Waxa geeljiraha ku qasbay in geeridiisu sidaas ku dhammaato waa isagoo dadka ka maqlijiray: Ilaahoow gefkayaga iyo geeridayada ha kulmin. Marka wuxuu is lahaa wax badan baad geel dhacday oo dad dishaye, Ilaahay meydkaaga god ha geliyo maalin Jimce ah si aad dambi dhaaf u heshid. In kastoonan garaneyn meeshuu ka maqlay ajarkaas laakiin waxaan shaki ku jirin siduu u rabo dambi-dhaaf Ilaahey iyo weyneynta maalin Ilaahey agtiis iyo sidoo kale muslimiinta dhexdeeda ku weyn, Jimcaha. Sida Qur’aanku u sheego in aad arkeyso neefka geela ah oo intaas le’eg oo wiil yari iska hogaansanayo ayaad arkeysaa in wiil Tigree ah uu qabiilooyinkii “laan-dheerayaasha” ahaa uu sidii awrtii isku xiriirsaday. Waxaad maqleysaa dagaalooge aan Soomaalida walaal u quurin oo janan Tigree ah ku leh walaal. Ama qabiil leh walaallahayaga Tigreega ayaa naga dhinac dagaalaya si aan u tirtirno qolo hebla ama kuwo leh walaalahayaga Tigreegu nama soo weerarayaan oo xiriir qoto dheer oo walaalnimaa naga dhaxeeya! Waa dabeecadda qofka Jimcaha iyo Axadda isku qalda in qiiradu ka tagto oo sidaas oo kale u hadlo.

Waxaan amminsanahay sida shacabkeenna qaar ka mid ah u dhinteen ama u dhimanayaan inta Tigreegu Soomaaliya heysto ayaan filayaa in kuwo madax sheeganayana ay aakhiro aadi doonaan iyadoo Tigreegu Xamar iyo Soomaaliya xukumaan. Marka markey aakhiro tagaan maxay ku oran madaxweyne Maxamed Siyaad? Mase ka rumeysanayaa in Tallooyinkii, Xalane, iskuulkii Maxamuud Xarbi iyo kulliyaddii ku magacawneyd uu Tigree joogo! Marka marxuumku mar horuu ka galbaday laakiin innagey noo egtahay inaan iskaga tagno adduunka marba haddii janan Tigree ah uu Soomaaliya xukumo. Halka marxuum Barkhad-cas uu Ingiriiska ku lahaa:

  • ninkaas araggiisa uurkaan ka nacee
  • aan ooyee albaabka ii xira

Hadda Ashahaado-la-dirirku waxaad mooddaa iney Bush ama Zenawi ka leeyihiin:

  • ninkaas araggiisa uurkaan ka jeclee
  • aan aadee albaabka ii fura

Sidaan horay usoo iri la yaab ma leh in la arko iyadoo Axadda shaqooyinka laga nasto Soomaaliya. Ama taallo ama jid loogu magacdaray Janan Gabra. Mar haddaan horay u aragnay insho-shareer la gubayo iyadoo la ogyahay in aan wajiga wax lagu qarsankarin. Marka maan inteynaan geeriyoon ka fekerno godka iyo inaan cadow la soo gelin geyigaaga? Sidii uu geeljiruhuba uga fekerayey dhimashada iyo qabriga? Marka waxaan wadnaha farta uga hayaa is-bedelka ku xiga ee aan ka fileyno iney Ashahaado-la-dirirku ku dhawaaqaan: Itoobiya iyo Soomaaliya waa isku dal! Qof kasta oo Soomaaliya waa inuu bartaa afka Amxaariga ama kan Tigreega. Ama Soomaaliya noqoto maxmiyadda Itoobiya.

C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com

Afeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 26, 2007


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com