SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Nadaara ma wuxuu u afduubnaa Col Cabdullaahi Yuusuf mise Xuseen Xuubsireed?

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Email: Ingiriis@yahoo.com


Muddo laba bilood ku dhow ayaa koox weriyeyaal ah oo ka tirsan Television-ka Soomaaliga ee Universal ee laga daawado dayax-gacmeedka waxay Muqdisho ugu afduubnaayeen maamulka Mbagathi. Cabdilqaadir Maxamed Cashar (Nadaara) iyo Bashiir Ciise Naaleeye oo ahaa war-tebiyeyaashii (anchormen) ugu caansanaa TV-gaas iyo sawir-qaadahoodii Xaamud Maxamed Cusmaan ayaa la iska sii daayey May 22, 2007. Dhinac walba oo laga eego, weriyeyaashani waxay ahaayeen niman lagu yaqaanno xirfad-wanaag iyo asluub shaqo.

Waxaase yaab leh in qafaalashadooda lagu macneeyey “xarig” halkii laga dhigi lahaa “afduub.” Haddii aan qiimeyno isticmaalka ereyga “xarig,” waa sharciyeyn afduubka lagu haystay weriyeyaashaas. Sababtoo ah, soo xiritaanka qof muwaadin ah wuxuu maraa procedure iyo process maxkamadeed, laakiin afduubku waa qof la iska qabsado oo la iska xirto iyadoon la ogeysiin, isla markaana la caddeyn wuxuu u xiran yahay.

Waxaa igu maqaalo ah in Xuseen Xuubsireed oo loo yaqaanno Idamaale, kuna magacaaban afhayeenka Col Cabdullaahi Yuusuf uu xirtay weriyeyaashaas, kuna xirtay “sideed su’aal ii weydiin kartaan?” Qaabka uu ku qabsaday ayaa ahaa qaab qiyaamo ah. Waxaa la soo tebiyey in Xuubsireed uu wacay xarunta Television-ka Universal ee Muqdisho, uuna wargeliyey inay yimaaddaan shir jaraa’id oo uu qabanayo Col Cabdullaahi Yuusuf.

Sida la leeyahay, markii Nadaara iyo kooxdii la socotay ay goobta tageen ayaa Xuubsireed wuxuu u sheegay in qofka shirka jaraa’id qaban lahaa uu isaga yahay, sidaas darteedna ay weydiiyaan wixii su’aalo ah ee ay qabaan. Nadaara ayaa markaas kaddib su’aal weydiiyey Xuubsireed, taasoo keentay in maliishiyo hareerihiisa fadhiday uu ku dalbaday inay u xiraan.

Waxay dhacdadan i soo xusuusiyey nin qabqableyaasha dagaalka Soomaaliya ka mid ahaan jiray oo sannadkii 1999-kii shir jaraa’id ku qabtay xaruntiisa oo ku tiillay Xamar. Markuu hadalka dhammeeyey ayaa waxaa su’aal weydiiyey nin weriye ah oo si adag u dhaleeceyn jiray qabqablayaasha. Su’aashii ayuu ka carooday qabqablihii, wuxuuna candhuuf u tufay dhinacii weriyaha oo ahaa nin oday ah, wuxuuna ku yiri “war imisa sano ayaad weriye ahayd?” Weriyihii oo af-Talyaani ku jawaabay ayaa yiri, “26 sannadood.” Markaas ayuu yiri, “hadde ka warran waxba ma garatide.”

Haddaba, case-ka Nadaara iyo weriyeyaasha kale ee la xabbisnaa ma ahayn xarig ee wuxuu ahaa afduub, waana fal dambiyeed (criminal case) gef ku ah sharciga. Wuxuu ahaa afduub iyo xoog u sheegasho, waana wax ka soo horjeeda diinta iyo damiirka saliimka ah intaba. Wuxuu liddi ku ahaa baaqa caalamiga ah ee adduunyadu wada guddoonsatay ee Universal Declaration of Human Rights. Ma xaqiijin karo in madax furasho laga qaatay lagu sii daayey weriyeyaashan iyo in kale.

Waxaa muuqata in Col Cabdullaahi Yuusuf uu la ogaa afhayeenkiisa anshax-xumada iyo edeb-darrada nin muwaadin ah oo xalaal quudato ah lagu duudsiiyey xuquuqdiisii aasaasiga ahayd (basic right). Xorriyadda shaqsigu (individual freedom) ma ahan oo keliya moral capacity ee waa xuquuq dabiici ah (natural right), waana waxyaabaha ay waajib tahay dadweynuhu inay hab kasta ku daafacdaan.

Haddii weriyeyaashan ay galeen wax dambi ah waxay ahayd in la maqlo maxkamaddii laga dacweeyey oo markaa garsoorku uu go’aan ka gaaro in la xiro iyo inaan la xirin, waxaase iska cad inaan meesha uusan ka jirin sharci iyo nidaam dowli ah midna ee waxa ka jira uu yahay xukunka duur-joogta (rule of the jungle) – kii xoog leh reerka ha u taliyo, iyadoo awoodda ummadda lagu handadayaa ay tahay tan ciidanka Ethiopia.

Saxaafaddu sideedaba waa iftiinka bulshada, waana indhaha iyo dhegaha shacabka. Meel aan saxaafad xor ahi ka jirin waa meel lagu dulleysto ummadda, laguna jirdilo. In la isku dayayo in la dhega-qabto saxaafadda xorta ah ee Muqdisho waxaa marqaati u ah sida maamulka Mbagathi uu ula macaamilayo weriyeyaasha madaxa bannaan, waana wixii aan muddo dheer ka digaayey.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, William Jefferson wuxuu yiri, “Haddii la i kala dooransiiyo dowlad aan wargeysyo lahayn iyo wargeysyo aan dowlad lahayn waxaan dooran lahaa tan dambe.” Dowladda Col Cabdullaahi Yuusuf ayaa iyadu hadda ku tumanaysa axdigii ay dowladda ku sheeganaysay oo dhigaya saxaafaddu inay madax bannaan tahay.

Su’aashuse waxay tahay, maxay ku dhisan tahay dowladda Cabdullaahi Yuusuf? Waxay ku dhisan tahay Axdi-qarameed ku meel gaar ah (Transitional Federal Charter), kaas oo dhigaya in haddii dowladda ku meel gaarku ay laba sano iyo bar ku soo dhisi weydo maamullo federal ah inay dhacayso. Sidaa darteed, in terms of law, dowladda ku meel gaarka ah sharci ma ahan, waxay dowladnimo ku sii sheeganayaanna garan maayo.

Si uu xaqiiqadan u wajaho, Cabdullaahi Yuusuf wuxuu bishii January ee sannadkan soo saaray sharciga xaaladda degdegga ah (Martial Law). Axdi-Qarameedka haddaad sii eegtid, sharci iyo xaq midna uma lahan inuu soo saaro, sababtoo ah wuxuu dowladda ku meel gaarka ah ugu magacaaban yahay Caretaker President (ku-siisime). Waa nin aanay soo dooran wakiillo rasmi ah iyo dadweynaha labadaba – mar haddaan sidaa lagu soo dooranna ma soo saari karo Martial Law.

Waxaa bogaadin mudan hadalkii dhawaan ka soo yeeray Kaaliyaha Arrimaha Afrika ee Xog-hayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Jendayi A. Frazer oo ahaa inay lama-huraan tahay in la beddelo hoggaanka sare ee dowladda Mbagathi. Waxay tani muujinaysaa in Mareykanku uu helay furihii xalka mushkiladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Waxaa beryahan dambe ay taageerayaasha Cabdullaahi Yuusuf ku hujuumaan cid kasta oo ka hor timaadda maamulka Mbagathi inay tahay dowlad-diid iyo qaran-diid (waa ereyada ay isticmaalaan maamullada dhiigga dadka ku nool), waxaase ay hilmaansan yihiin in hoggaamiyahoodu uu isagu afkiisa ka qirto inuu diiddanaa dhammaan wixii dowlado ahaa ee soo maray Soomaaliya.

Hase ahaatee, waxaa dadka ugu indha-adag ninka ka hadlaya dowlad iyo qarannimo, isagoo dalka ku soo hoggaamiyey ciidanka Ethiopia. Waxaa yaab leh markuu ku doodayo, “hay’adaha gargaarka waan la xisaabtamayaa.” Muxuu kula xisaabtamaa oo uu u dhiibtay hay’adaha samafalka Qaramada Midoobay? Ma wuxuu mooday inay isaga u shaqeeyaan? Muu la xisaabtamo kuwa u shaqeeya?

Gobollada Dhexe waxaa laga maahmaahaa, “Dhurwaagii la-tag la-tag barta, dhigdhig waa ku ceeb.” Dhinaca Banaadirna waxaa lagaga shirbaa, “Dhurwaa minaad Dhurwaa tiraa, usmaa dhibsaa, waaba u dhashee.” Waxaan ku soo afjarayaa sadarro ka mid ah gabaygii qaayaha badnaa ee Alle naxariistii Janno ha ka waraabiyee, gabyaagii qiimaha badnaa Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim).

Dambi kuma hadlaayee, ma arag dowladdaan rabaye

Isma doorin gaalkaan diriyo, daarta kii galaye

Dusha midabka, Soomaali baad dugulka moodaaye

Misna laguma diirsadoo, qalbigu waa dirkii Karl

Meeshaan dad aan urursho, iyo dirir ka eegaayey

Iyaba waa darxumo ii hadhee, dacar miyaan leefay?

Ma dorraato raadkaan dhigaan, dib ugu soo laabtay?

Sidii aan dayeysnahay, miyaan dowgi ka habaabay?

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Email: Ingiriis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

May 23, 2007

Lix halkaad ku joogtaan dagaal laabta ka ogaada, haddii luqunta sare leydin jaro lugaha meermeersha!  Akhri


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com