Warar: May 7, 2007
Maamulka Somaliland Oo Walaac Siyaasadeed Ka
Muujiyey Diyaaradaha Wax Basaasa Oo Dul Heehaabaya...
Magaalooyinka gobolada waqooyi ee isku
magacaabay som-land ayaa dhowaanahanba farta wadnaha kaga hayey in maamulka
dowlada federaalka ah ee uu madaxweynaha ka yahay col,c/laahi yuusuf axmed
saamayn ku yeesho ,taasoo durba hawada waqooyi lagu arkayey diyaaradaha lagu
sheegay maraykanka ee AC-130 .
Warar isa soo taraya ayaa tibaaxaya in maamulka
som-land uu bilaabay olalayn ka bilaabantay wel-welka laga qabo dowlada KMG ah
ee ku sugan koonfurta iyo bartmaha soomaaliya ay xayndaab ka samaystaan taasoo
sida wararku sheegayaan mashquulisay madaxweyne daahir riyaale iyo maamulkiisa
.
Axmed muuse dhubad oo kamida aqoonyahaniinta
som-land islamrkaana indha indheeya siyaasada ayaa ka muujiyey muuqaal murugo
leh diyaarado la sheegay inay dhowaanahanba dul heehaabayeen magaalooyinka
burco, ber-bera iyo hargaysa taasoo sida wararka lagu helayo ahaa diyaaradaha
loo malaynayo maraynkanka ee wax basaasa.
Axmed muuse ayaa isagoo saxaafada u waramaya
sheegay inay tahay mid laga xumaado in durba ay na saamayso dowlada yare ee
Nairobi lagu soo dhisay waa siduu hadalka u dhigaye islamrkaana ku sheegay in uu
c/laahi yuusuf uga digayo inuusan kaga ciyaarin waxa yare ee iftiinka ah ee
dhoob dhoobteen som-land taasoo uu ku macneeyey in halgan dheer loosoo galay
dadaalna lagu keenay nabada umnada som-land manta harsanayso waa siduu hadalka u
dhigaye .
Axmed muuse ayaa Mar ay saxaafadu waydiisay
maxaad ka qabtaan hadii maamulkiina federaalka sidiisaa loogu daro maxay keeni
kartaa ayaa sheegay inaysan taasi macquul ahayn ee ay yihiin som-land dal
dowlada ah islamrkaana ay ilaalinayaan deris wanaaga umada walaalahooda ee
soomaaliyeed .
Waxaa kale oo la waydiiyey maxay kula tahay
diyaaradaha aad sheegtay ee dul hee haabaya hawada waqooyi ,ayuu waxuu ku
jawaabay waa rooxaantii c/laahi yuusuf waayo waxaan u malaynayaa ama shacabka
som-land aaminsan yahiin inuu doonayo ninka madaxda u ah dowlada KMG ah ee
soomaaliya inuu qas ka bilaabo dalka som-land waa siduu hadlka u dhigaye .
Dhaq –dhaqaaqa siyaasadeed oo som-land ayaa si
weyn isu bedelay tan markii ay istaageen dagaaladii ka soconayey magaalada
caasimada ah ee muqdisho taasoo ay sii xoogaysanayso xiisad siyaasadeedka ka
aloosan magaalada hargaysa oo u muuqata mid wel-wel ku abuuraysa siyasiyiinta
goosashada jecel .
Si kastaba ha ahaatee diyaaradaha lagu sheegay
marayknaka ee dul hee-haabaya hawada som-land ayaa si weyn looga hadal hayaa
gobolada hoos taga maamulka som-land kaasoo dadka shacabka ah iyo siyaasiyiinta
ku abuurtay walaac siyaasadeed oo sida hirarka isu soo taraya, xaalada
diyaaradahan ayaa kusoo beegmaya xili ay wasaarada arimaha dibada xukumada
Ethiopia ay faafisay wararka sheegaya in madaxweynaha dowlada KMG ah ee
col,c/laahi yuusuf la geyn doono magaalada hargaysa iyadoo ay hareeraha ka
joogaan ciidamada xukuumada Ethiopia ,taasina ay shaki gelisay xiriirkii u
dhexeeyey Ethiopia iyo som-land .
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Degmooyinka Gobolka Banaadir Oo Qaarkood Loo Magacaabay
Gudoomiyeyaal.
Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna
duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxmed dheere) ayaa Axadii
magacaabay qaar ka tirsan gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka banaadir qaar
kamida .
Maxamed Dheere ayaa magacaabay
gudoomiyaasha Degmooyinka kala ah:-
1-Deg. Xamar Weyne
Guddoomiye: Cabdilaahi Ibraahim Sahal
2-Deg. Shibis
Abuukar Xuseen Bandhaas
3-Deg. Boondheere
Cabdikariin Maxamuud Xasan
4-Deg. Shangaani
Max'ed Isloow Cumar
5-Deg. Huriwaa
Cabdilaahi Shiiqoo Cali
6-Deg. Yaaqshiid
Xaaji Cali Fiidoow
7-Deg. Cabdicasiis
Maxamed Xuseen Cariif
8-Deg. Kaaraan
Sahro Xasan Ceyte.
Duqa magaalada muqdisho Maxamed
cumar xabeeb (maxamed Dheere) ayaa gudoomiyeyaashan ku magaacabay kulan ka
dhacay xarunta weyn ee gobolka banaadir islamrkaana sheegay in inta hartayna loo
magacaabi doono dhowaan .
Maxamed dheere ayaa ku booriyey
gudoomiyeyaasha uu magacaabay inay xilkooda u gutaan si habsami leh islamrkaana
xoojiyaan nabada gobolka banaadir ,isagoo kula dardaarmay iney umada ugu
adeegaan si daacadnimo ah,cidii howlsheeda gudan waydana ay xilka waayi doonto
ayuu ugu hanjabay .
maxamed dheere ayaa sidoo kale
hore u sheegay inuu xaafadaha iyo degmooyinka uu gidigood isku wada xiri doono
islamrkaana u samayn doono degmo kasta waax xaafadeed ay ka amar qaataan
xaafadaasi islamrkaana nabada degmadaas laga hogaamiyo .
Si kastaba ha ahaatee maxamed
dheere oo ah hogaamiye kooxeed si weyn looga yaqaano dalka soomaaliya ayaa dar
dar geliyey tan iyo maalintii loo doortay xilka gudoomiyenimo ee gobolka
banaadir ku cel-celinta hanjaabada iyo soo celinta nabadii muqdisho ,waloow
aysan jirin wax la taaban karo oo ay qabteen maamulka cusubi .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2007
Xeer
hoosaadyadii ay ansixiyeen baarlamaanka
FKMG ee ku saabsanaa waxa loogu yeeray
"Argaggaxisada"
Warbixin: Qarax sababay dhimasho iyo
dhaawac badan oo ka dhacay deegaanka
Gubta
.Ciidamada
AMISOM oo howlo ka fuliyay isbitaalka
Madiina
.Magaalada Baydhabo oo loogaga dhawaaqay
jaamacad
.Guddoomiyaha baarlamaanka oo Muqdisho
soo gaaray
.Howlo lagu burburinayo dhismayaal
Muqdisho.....
Wararka oo
dhan ka akhri halkan....
May 6


|