SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XEER
QORMADA MAANTA:: Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Daabaco Boggan | Print

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Xeer hoosaadyadii dhawaan ay ansixiyeen qaar ka mid ah golaha baarlamaanka FKMG ee Soomaaliya ee ku saabsanaa waxa loogu yeeray "Argaggaxisada" hoos ka akhri:


XEERKA KA HORTAGA ARGAGIXISDA:

HORDHAC:

Ayadoo la tixgelinaayo xaaladda nabadgelyo daro ee dalka ku soo koradhay guud ahaan taasoo horseedi karta fowdo iyo kala dambeyn la’aan dalka ku baahda , isla markaana sababi karta inuu dalku noqdo hoy iyo gabaad argagaxisada caalamiga ahi adeegsato.

Marii la xaqiijiyay in labadii dhacdo ee laga fuliyay magaalada Baydhabo 18/09/2006 iyo 30/11/2006 ay ahaayeen falal argagixiso. 

Markii la arkay in xeerarkii hore ee ciqaabta soomaaliyeed iyo xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed midkoodna xuseynin fal dambiyeed argagixiso iyo ka hortaga falalka argagixiso, sidaas darteed waxaa la gartay in sharciyadii hore ee dalka lagu kordhiyo xeer (Low) cusub oo la jaanqaada (Socda) isbedelada xaaladaha Amniga , munaasibna u ah inuu u adeego maslaxada bulshada soomaaliyeed kuna haboon ka hortaga falalka argagaxiso. 

Haddaba iyadoo laga ambaqaadayo marxalada cusub ee dalku galay taasoo xal amni, bulsho iyo siyaasadba u baahan waxaan soo saarnay qodobada hoos ku qoran ee xeerka ka hortaga argagaxisada. 

QODOBKA 1 AAD

QEEXID.

1. Ujeedo Argagixiso:  Waa falal ay ka mid yihiin Ismeydaamin , Burburin , Khaarijin ashkhaas , Qarbudaad iyo Cabsi gelin oo ay adeegsadaan kooxo,Ururo iyo Ashkhaas(Shakhsi), si ay u waxyeeleeyaan Sharciyada , Nabadgelyada iyo Xasiloonida bulshada oo ay u gaaraan ujeedoooyin kala duwan. 

2. Fal argagixiso:  Waxaa loola jeedaa falalka argagixisadu qabato in ta u dhaxeeysa hindisaha hawlgalada argagixiso ilaa fulinta fal dambiyeedka

3. Iskuday falal argagixiso: Waa falalka ay ku dhaqaaqdo argagaxisadu oo aan gaarin heer fulineed.

4. Astaamo argagaxiso: Waxaa loola jeedaa calaamadaha Shaabadaha(Timbaro) iyo astaamaha u gaarka ah ee ay adeegsadaan (isticmaalaan) Kooxo gaar ah oo dawlada sharciga ee soomaaliya u aqoonsatay inay yihiin argagixiso.

5.Raad argagixiso: Waxaa loola jeedaa qaabka argagaxa leh ee loo fuliyay falka iyo haraaga burburka naf iyo maal ee goobta dambiga. 

QODOBKA 2 AAD

FALDANBIYEED ARGAGIXISO. 

Waxaa fal dambiyeed argagaxiso ah dhamaan ama qeyb ka mid ah :-

B. Marxaladaha kala duwan ee ku xusan faqradaha 2aad ,iyo 3aad  ee qodobka 1aad ee isla xeerkan.

T. Aasaasida , Abaabulka , Jihaynta , Hogaaminta , Dhiirigalinta , Tababarida, Maalgelinta , Qalabeynta , Qarinta , Taageerida , Ka qaybgalka , Gacansiinta danbiga ku xusan qodobkan waa faldanbiyeed argagixiso. 

QODOBKA 3 AAD

REEBITAAN. 

Waxaa reeban dhismo urur ama hay’ado(hay’ad) ujeedooyin argagaxiso leh

waana faldambiyeed sida ku cad qodobka 1aad. 

QODOBKA 4 AAD

HABKA QABASHADA.

1.Hay’adaha nabadgelyada iyo amniga waxay awood u leeyihiin in ay qabtaan , baaraan, ka hortagaan Qof- Cid kasta oo ku hawlan fal dambiyeed argagaxiso

2 .Xasaanad ka qaadista waxaa loo marayaa sida ku xusan Axdiga qaranka ee KMG qodobkiisa 35aad iyo Shuruucda kalee dalka.

3.Xariga eedeysanayaasha iyo xayiraada hantidooda waxaa xalaaleynaya Maxkamada Gobolka.

4. Qofkii lagu soo eedeeyo faldanbiyeed argagixiso waa in 48 saac gudahood lagu horkeeno maxkamada ay khuseyso.

5.Baarista iyo dabagalka xadgudubyada laga galo xeerkaan waxaa u xilsaaran maxkamada ay quseeyso.

QODOBKA 5 AAD

NOOCYADA CIQAABTA XEERKAAN.

Xeerkaan ciqaabtiisu waa:-

  • Dil toogasho iyo Hanti la wareegid
  • Xabsi Daa’im
  • Xabsi Dheer
  • Xabsi Gaaban

QODOBKA 6AAD

CIQAAB DIL AH.

Qof kasta oo gala faldanbiyeed argagixiso oo ah Asasid,  Hogaamin,Ismiidaamin, Xasuuq iyo Kharajin Shakhsiyaad (asisinashin)  Waxaa lagu ciqaabayaa  Dil toogasho iyo  hantidiisa oo lala wareego

QODOBKA 7AAD

CIQAAB XABSI DAA’IM AH.

Qof kasta oo gala faldambiyeed argagixiso oo ah Abaabul, Maalgelin, Jiheyn  waxaa lagu ciqaabayaa Xabsi daaim.

QODOBKA 8 AAD

CIQAAB XABSI DHEER.

Qof kasta oo gala fal dambiyeed argagixiso oo ah Tababarid, Qalabaeyn, Dhiirigalin  waxaa lagu ciqaabayaa  10 ilaa 30 sano.

QOBOBKA 9 AAD

CIQAAB XABSI GAABAN.

Qof kasta oo gala fal dambiyeed argagixiso oo ah Gacansiin,  Qarin, Taageerid, Ka qaybgal    waxaa lagu ciqaabayaa  5 ilaa 15 sano 

QODOBKA 10 AAD

XAALADAHA CUSLEEYA AMA FUDUDEEYA DAMBIYADA

Xaaladaha dambiyada cusleeya ama fududeeya ee xeerkan waxaa laga qaadanayaa  xeerka  ciqaabta soomaaliyeed. 

QODOBKA 11 AAD

CADEEYMO.

Xeerkani wuxuu cadeeymo u yaqaanaa sida ku qoran buuga 3aad ee xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed oo lagu kordhiyay cajaladaha maqalka, muuqaalka iyo sawirada  la xiiriira faldambiyeedka.

QODOBKA 12 AAD

MARKHAATI.

Dacwadaha argagixisada markhaatiyaashooda waxaa ugu horeeya danbi baaraha, Garsooruhu kuma khasbi karo in danbi baaruhu soo bandhigo Qof ahaan iyo magac ahaan adeegaha qarsoon,  Markhaatiyaasha kalena waxaa loo raacayaa sida uu qabo xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed.

Maragfurida adeegaha qarsoon lama qaadan karo haddii aan loo helin cadeymo kale oo taageeraaya.

QODOBKA 13AAD.

QIRAALKA.

Qiraalada ay bixiyaan eedaysanayaasha loo haysto faldanbiyeed argagixiso waxaa dhageysanaaya garsooraha maxkamada isagoo raacaya sida uu qabo qodobka 68aad ee xeerka habka ciqaabta soomaaliyeed.

QODOBKA 14AAD.

XILGUDASHO LA’AAN.

A.   Masuul kasta oo xil ka saaran yahay arimaha nabadgelyada dalka oo ay xilgudasho la,aantiisu sababto in argagixisadu ka faaiidaysato  waxaa lagu ciqaabayaa 1(Hal ) ilaa 3 (saddax ) sano.

B.   Muwaadin kasta oo ka baaqsada inuu soo sheego dhaqdhaqaaq argagixiso oo uu ka war helay waxaa  lagu ciqaabayaa 6 (Lix) bilood ilaa 1 (Hal) sano.

QODOBKA  15 AAD

MAXKAMADA AWOODA U LEH.

Dhageysiga dacwadaha argagixisada waa heer gobol, waxaana qaadaysa maxkamada gobolka, Go’aanka maxkamada hadii eedaysanuhu uusan ku qancin waxaa u furan inuu ka qaato Racfaan  mudo 30 maalmood gudahooda wuxuuna soconkaraa  ilaa darajada ugu sareeysa.

QODOBKA 16 AAD

QAREEN.

Eedeysane kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu qabsado qareen u dooda hadduu awood u leeyahay.

Eedeysane kasta oo aan awood u lahayn inuu qabsado qareen u dooda waxaa dowladu  u qabaneysaa qaareen difaaca qarashkana waxaa bixinayaa dowlada.

QODOBKA 17AAD

XEER GAAR AH.

Xeerkan wuxuu gaar u yahay faldambiyeedyada argagixisada, waxna u ma dhimaayo shuruucda kale ee ciqaabta.(Ordinary low). 

QODOBKA 18 AAD

DHAQAN GALKA XEERKAN.

Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa marka uu  golaha baarlamaanka  ansaxiyo madaxweynuhuna sixiixo kuna soo baxo faafinta rasmiga ah.

GUDIGA NABADGELYADA IYO DIFAACA EE GOLAHA BAARLAMAANKA.

  • 1.                    Maxamed Xuseen Isaaq (AfAraale)         ____________________________
  • 2.                    Faarax Ismaaciil Xuseen                             ____________________________                
  • 3.                    C/rashiid Maxamed Xiddig                           ____________________________
  • 4.                    C/axmed Cumar (Caano nuug)                 _____________________________
  • 5.                    Axmed Cumar Jees                                      ____________________________
  • 6.                    C/risaaq Isaaq Biixi                                    __________________________
  • 7.                    Ibaahim Aadan Xasan (Kiish)                  ____________________________
  • 8.                    Maxamed Xuseen Cadow                        ____________________________
  • 9.                    Yuusuf Maxamed Kheyr(Guurow)          _____________________________
  • 10.                Yuusuf Maxamed C/qaadir                           ______________________________
  • 11.                Cali Jeyte Cusmaan                                              ______________________________
  • 12.                Ibraahim Maxamed Isaaq                                     ______________________________
  • 13.                Xuseen Maxamed Baantuu                                 ______________________________

XUBNAHA  SHARCI YAQAANADA

  • 14.                Cali Muumin Ismaaciil                  _____________________________________
  • 15.                Cumar Xasan Zubeer                    _____________________________________
  • 16.                Axmed Ibraahim Maxamed          _____________________________________
  • 17.                C/raxmaan Maxamed Cali            _____________________________________
  • 18.                Xuseen Cabdi Wadde                    _____________________________________

Waxaa soo tebiyey
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya 
025215576666 / 002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com