SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 21, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (80), Muqdisho (84), Beledweyne (87), Baydhabo (95),  Galkacyo (116),
Sarbeebtii Diinaari
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Warar: March 21, 2007

  • Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Dekadda Muqdisho..
  • Beesha Cayr oo Cabdulaahi Yuusuf ku eedeysey in uu ka dambeeyey weerarkii..
  • Nabadoon Max’ed Cabdi “Faraha ayaan isa saareynaa Cabdulaahi Yuusuf..
  • Qarax lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan Hayadda..
  • Ciidamada Dowladda oo Isbitaalka Banaadir kala baxay Mu’adinkii Masaajidka .
  • Ururka Midnimada Xirfadleyda oo ka digey Dib u heshiisiinta noqoto..
  • Odayaasha Beesha Shan Gamaas Toore oo doortey Gudoomiye..
  • Xiriirka FIFA oo soo dhaweeyey xil ka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Xiriirka K/cagta Soomaaliya

::: Maxaad ka Taqaan Taariikhdii Jeneraalkii Islaamka, Khaalid Bin Waliid

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Dekadda Muqdisho..

Gawaari Tikniko ah oo Tiradooda lagu qiyaasay ilaa 100-Gaari oo ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya ayaa ka baxay Dekadda wayn ee Caalimiga ee Muqdisho.

A UPDF soldier guards Somalis waiting to fly out of Mogadishu airport. Inset is the commander of the AU peace mission, Maj. Gen. Levi Karuhanga
Ciidamada Uganda oo ilaalinaya Garoonka Muqdisho (Sawirka yar: Hoggaamiyaha Ciidamada AU, Maj. Gen. Levi Karuhanga
UPDF tightens Somali president security

Gawaaridaan oo martay Waddo dhexmarta Garoonka Diyaaradaha ayaa waxa ay ka sii Gudbeen Wadda kale oo dusha ka marta Deegaanka Xoosh waxayna mararka qaarkood Ciidamadaasi ay sameenayeen istaaga si ay isaga sii sahmiyaan Wadada. Gawaaridaan oo ilaalinayeen Ciidamada aad u xoog badan ayaa waxay shalay ku hakadeen Deegaanka Carbiska halkaasi ay isku aruusanayeen waxaana la sheegay in ay ku sii jeedaan Wadankoodii.

Ciidamadaan ayaa waxa Booskoodii Buuxiyey Ciidamada Uganda oo la wareegay dhamaan goobihii ay ka deganaayeen Dekada wayn ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada Uganda ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku heynta dekadda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Beesha Cayr oo Cabdulaahi Yuusuf ku eedeysey in uu ka dambeeyey weerarkii..

Kulan ay shalay isugu yimaadeen Siyaasiyiin, Waxgarad, Odayaal iyo Culumaa’udiin, ka tirsan Beesha Cayr kaas oo ka dhacay Guriga Gudoomiyaha Gudiga Siyaasadda ee Beesha Cayr ayaa waxaa looga hadalayey arimo la xariira Xaalada Murugsan ee ka taagan Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa Xubnihii ka qaybgalay sheegeen in kulankaasi uu ahaa mid looga arinsanayey sidii wax looga qaban lahaa Xaalada ka taagan Magaalada Muqdisho iyo sida ugu haboon oo looga hortagi karo, dhibaatadaasi , hase yeeshee intii kulanku socday ayaa waxaa soo weeraray Dhowr Gaari oo Tikniko oo uu watay Nin la yiraahdo Max’ed Cismaan (Dhagax-Tuur ) waxaan halkaasi ka dhacay israsaaseyn oo ay ku dhaawacmeen 3-Ruux oo labo ka mid ay ahaayeen Qoladii Weerarka soo qaaday balse Shirkaasi kuma istaagin Weeararkaasi halkii ayuuna ka sii socday waxaana waqtiga Weerarku uu dhacayey Guriga ku sugnaa Madaxwaynihii hore Dowladdii Carta Dr.C/Qaasim Salaad Xasan.

Siyaasiga lagu magacaabo Cali Max’ed Cali Ugaas Cali ayaa Weerarakaasi ku Eedeeyey mid laga soo abaabulay Xarunta Madaxtooyada, wuxuu kaloo sheegay inaan Dowladnimo lagu noqon Karin in Qabiil lagu Weeararo laguna Waxyeeleeyo waana mid aan horay uga soo Dagaalanney. Ninka lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey Weerarkaasi Max’ed Cismaan Dhagaxtuur ayaa waxa uu beeniyey in Weerarkaasi uu ka dambeeyey, “Magaranayo sabab aan ku Weeraro Guriga Culusow" ayuu yiri Dhagxtuur oo intaa raaciyey "Culusow waa Nin Walaalkay ah waxaan Naga dhaxeeye Saaxiibtinimo waxaan mar kale ku celinayaa in Weerarkaasi aan ka dambeynin. maalmulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in uu Gudi Baaris uu Dhawaan u magacaabi doono Dhacdadaasi, Dowladda fedaraalka ayaa ilaa haatan ka hadlin Weerarka lagu qaaday Guriga Max’ed Max’ud Culusow (markii warkan la qorayey).

Nabadoon Max’ed Cabdi “Faraha ayaan isa saareynaa Cabdulaahi Yuusuf..

Maalintii shalay ayaa Hotel Amal waxaa isugu yimid 100-Ergo oo ka tirsan Beelaha Hawiye waxaana kulankaasi looga hadlay Xaalada ka taagan Magaalada Muqdisho waxayna Xubnihiii ka qaybgalay kulankaasi ay istusiyeen inaysan mar dambe u dulqaadan doonin madaafiica lagu garaacayo Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho.

Nabadoon Max’ed Cabdi oo la hadalayey Saxaafada ayaa C/laahi Yuusuf uga digay "waxa uu ka wado magaalada Muqdisho" isagoo sheegay inuu mari doono halkii ay mareen kuwii isaga ka horeeyey. “C/llaahi faraha ayaa isa saareynaaa hadii uusan joojin waxa uu ka wado Muqdisho ayuu si kulul u yiri Nabadoonku oo intaa raaciyey "Muqdisho waxaa degan Qabiil gaar ah marnaba u ogolaan meyno in la xasuuqo .

Beelaha Hawiye waxa ay u soo jeediyeen Ciidamada shisheeye inaysan la safan Qabiil gaar ah ay ka shaqeeyaan sidii ay isugu keeni lahaayeen Bulshada Soomaliyeed oo ay ku ekaadaan Xaryahooda ama ay isaga Baxaan Dalka.

Nabadoon axmed Diiriye oo ah Afhayeenka Beelaha Hawiye ayaa asna waxa uu sheegay in Ciidamada puntland laga keenay loo keenay Muqdisho in ka aarsadaan Beelaha Hawiye, waa sida warka u dhigay'e.

Qarax lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan Hayadda..

Gaari ka yimid Magaalada Baydhabo oo ay lahaayeen Hay’adda UNDP ayaa Qarax waxa uu ku qabsaday meel ku dhow Carbiska oo ka tirsan Degmada afgooye waxaan Qaraxaasi dhaawacyo ka soo gaaray 4-Ruux oo saarnaayeen Gaarigaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay Qaraxaasi oo qaar sheegayaan in loo dhigay Jidka Miino warar kale waxa ay sheegayaan in Qoriga Baasuuka ah lagu tuuray Gaarigaasi.

Dadka dhaawaca ahaa oo loo soo qaaday Isbitaalka Madiina ayaa waxaa aan la garanayn sababta loo weeraray Gaarigaasi oo ay la hayd Hay’ad hoos tagta Qaramada Midowbay.

Waxaa maalmhaan Gobolka Shabeelada Hoose ku soo badanayey Qaraxyada waxaana Guriga ku yaala Degmada Afgooyey ku geeriyooday ilaa iyo 9- Ruux oo mar halkaasi uu ka dhacay Qarax sidoo kale Gaari Dad Rakaab ay leeyihiin oo marayey Kanaalka Kali Caafimaad waxaana ku dhaawacmay ilaa iyo 2-Ruux.

Ciidamada Dowladda oo Isbitaalka Banaadir kala baxay Mu’adinkii Masaajidka ..

Ciidamo ka tirsan Dawladda Federaalka oo wata Seddax Tikniko ayaa waxa ay soo galeen Isbitaalka Banaadir, waxayna halkaas kala baxeen Nin wadaad ahaa oo Mu’addin ka ahaa Masjid ku yaala Isbitaalkaasi oo lagu magacaabo Macalin Aadan.

Ciidamadan ayaa sida ay u soo socdeen waxa ay galeen masjidka waxayna qoorta ka soo qabteen shiikhaas oo isagoo qaylinaya la saaray Gaari Cabdi-Bile ah

Lama gararnayo sababaha ciidamada dawladdu u waateen shiikhaas oo la sheegay in intii mudda ahayd uu maamulayay masaajidkaas, waxaana arrintaa si aad ah uga xumaaday dhamaan shaqaalaha Isbitaalka oo ku tilmaamay in ay tahay arrin xad gudub ku ah shareecada islaamka.

Ma aha markii ugu horeysey oo ay ciidamada dawladda Masaajid kala baxaan mashaa’ikh waxayna arrintaa sii korortay markii ciidmada Itoobiya iyo kuwa federaalku ay soo galeen magaalada Muqdisho.

Culumaa’uddiin fara badan oo laga qabtay magaaladan muqdisho ayaa illaa iyo iminka la ogeyn meel ay ku sugan yihiin, waxaa arrintaa wel wel ka muujiyay bulashada Soomaaliyeed ee muqdisha ku dhaqan.

Maamulka Isbitaalka ayaa waxa uu ka codsanayaa dawladda in si dhaqsa ah loo sii daayo shiikhaasi, dhawaan ayay ahayd markii Ciidamada Dawladda ay Masjidka Isbahaysiga ka wateen Khadiibkii masjidkaas kaasoo markii danbe la sii daayay.

Ururka Midnimada Xirfadleyda oo ka digey Dib u heshiisiinta noqoto..

Waxaa qoraal na soo gaarsiyay guddoomiyaha Ururka Midnimada Xirfadleyda Soomaaliyeed isla markaana ah guddoomiyha Beelaha Dulman ee Soomaaliyeed Md Ibraahim Geeddi Jimcaale Shookaali, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay “Ma Jirto Beel Soomaaliyeed oo dagaal nagala dhaxeeyo, hase yeeshee waxaa naga maqan xuquuq siyaasadeed iyo mid maamul oo ay beelaha hubaysani hor joogsadeen, sidoo kale waxaan xuquuqdeena u maraynaa jid nabadeed, sidoo kale waxaan golaha qaramada Midoobay, Dawlada Deeqda bixiya ee beesha Caalamka gaarsiineynaa codsi ku aaddan in la bad baadiyo dan yarta Soomaaliyeed, haddii dib u heshiisiinta Soomaaliya ay ka fursan weeydo dagaal, sidoo kale waxaa nala haboon in dib u heshiisiinta Soomaaliyeed in aan loo marin jid khasaaro badan oo u muuqan kara aar goosi qabiil, balse loo maro dib u heshiisiin siyaasadeed oo gaarsiisan illaa xad in dastuurka wax laga beddelo”.

Ugu danbayntii shir qaab qabiil oo loo gogal xaaro xilligan waxay soo kordhineysaa khilaaf siyaasadeed ooh or oo ka dhex dillaaca beelaha Muqdisha.”

Odayaasha Beesha Shan Gamaas Toore oo doortey Gudoomiye..

Shir ay isugu yimaadeen salaadiinta, Nabadoonada, Cuqaasha iyo siyaasiinta Beesha Shan Gamaas Toore ee Tunni ayay waxay ku doorteen Guddoomiyaha Guud ee Beesha Shan-gamaas Toore.

Xilkaas ayaa waxaa loo doortay Md Maxamed Macalin Faqi oo hadal uu kulankaasi doorashadiisa kaddib khudbad uu ka jeediyay ku sheegay inuu ka shaqayn doono guud ahaan arrimaha Nabaddaynta Soomaaliyeed, gaar ahaana arrinta Beesha Tunni dhexdeeda.

Maxamed Macalin Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa sii raaciyay in beeshu u diyaar tahay sidii ay wax ula qaybsan lahayd beelaha kale ee Soomaaliyeed ee walaalahooda ah isagoo gaar ahaana farta ku fiiqay inay taageersan yihiin soo dhaweynayaan shir dib u heshiisiinta soomaaliyeed ee lagu wado in dhawaan lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Kulankaas waxaa goob joogayaal ka ahaa nabadoonada kala ah. .Nabadoon Xuseen Shiikh Cabdi, Nabadoon Maalin Siidii Cabdi Nuur, Nabadoon Ibraahim Cabdi Aabow, Nabadoon Aadan Maxamed Cali Nabadoon Shiiqeey Wiliyow Cabdi iyo Nabadoon Aboow Cumar Dhuuboow.

Xiriirka FIFA oo soo dhaweeyey xil ka qaadistii Guddoomiyihii hore ee Xiriirka K/cagta Soomaaliya

Xiriirka kubadda Cagta ee adduunka ee FIFA ayaa si rasmi ah u aqoonsaday xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay Guddoomiyihii hore ee xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Md. Muxyiddiin Xasan Cali “Darba Weyne”

Xiriirka kubadda cagta ee Fiifa ayaa soo dhaweeyay guddboomiyaha cusub ee loo magacaabay xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Md Siciid Maxamed Nuur Siciid Mugaanbo, waxaana arrintan laga daalacday wab-site-ka gaarka u ah xiriirka kubadda Adduunka ee FIFA.

Guddoomiyaha xiriirka Kubadda cagta Asia, xubina ka ah xiriirka kubadda Cagta ee Adduunka FIFA Maxamed Bin Xamaama ayaa si kulul u beeniyay war uu sii daayay guddoomiyihii hore ee kubadda Cagta ee Soomaaliya Mr Darba weyne oo ahaa inuu Bin Xamaama u dhex dhexaadinayo xiriirka Soomaaliyeed ee Ku Cagta, wuxuuna sheegay in uu qaadanayo go’aanka xiriirka kubadda Cagta ee FIFA oo isagu soo dhaweeyay xil ka qaadistii Muxyidiin Xasan Cali Darba weyne, sidoo kale waxa go’aanka xiriirka FIFA soo dhaweeyay dhamaanba bahda Isboortiga Soomaaliyeed kaasoo ay ku tilmaameen mid kubadda cagta u hor seedaya horumar taam ah. Wuxuuna Xiriirka FIFA uu sheegey in uu gacan siin doono Xiriirka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

March 21, 2007

:::: Maxaad ka Taqaan Boqortooyadii Cusmaaniyiinta... Akhri....


Afhayeenka xisbiga RPP ee midowga Yurub oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Dilkii marxuum Ciise Cabdi Ciise
Ummadda Soomaaliyeed way salaaman yihiin meel ay joogaanba, salaan kadib wuxuu xisbiga Ramaas canbaaraynayaa dilkii foosha xumaa ee loo gaystay xaquuq udoode Ciise Cabdi Ciise, dilkaaso ahaa mid qorshaysan oo qoto dheer... Akhri halkan....

Zimbabwe oo mucaaridkeeda u diiday iney dalka ka baxaan
Mid kamid ah siyaasinta mucaaridka ku ah dowlada Zimbabwe ayaa booliska dalkaasi waxey kasoo qabteen gedida diyaaradaha magaalada Harere xilli uu siyaasigaasi dalka dibadiisa uga baxayey.... Akhri halkan....


Communiqué: FINDING A WAY OUT OF THE CURRENT SOMALI CRISIS
A NORTH AMERICAN SOMALI DIASPORA CONFERENCE

  • Range Resources Incurred an Operating Loss of $4.16 million
  • Canmex Announces Cdn $20 Million Private Placement
  • Lawless Somalia will keep Karamoja armed forever.
    By Maj. Felix Kulayigye [UPDF spokesperson]

    Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2007



    Soomaali
    Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

    Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....



     

    Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
    © www.SomaliTalk.com