SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii Caalamka ee Maanta:::

Mar 18, 2007

Zimbabwe oo mucaaridkeeda u diiday iney dalka ka baxaan

Mid kamid ah siyaasinta mucaaridka ku ah dowlada Zimbabwe ayaa booliska dalkaasi waxey kasoo qabteen gedida diyaaradaha magaalada Harere xilli uu siyaasigaasi dalka dibadiisa uga baxayey. Afhayeen u hadlay xisbiga Mucaaridka ah ee la yiraahdo MDC ayaa sheegay in siyaasiga la yiraahdo Nelson Chamisa ay ciidamada booliska kasoo celiyeen madaarka xilli uu doonayey inuu ka qeyb galo shir la sheegay inuu ka dhacayey dalkaasi Belguim. Waxaa kale oo intaasi ku daray afhayeenkan in isku dar afar siyaasi oo ka tirsan xisbigaasi loo diiiday iney dalka ka dhaafaan. Dalka Zimbabwe ayaa waxaa heysta cadaadis caalami ah tan iyo markii ay soo baxeen in banaanbaxyo ay qabeen mucaaridka dalkasi la baajiyey islamarkaasina xabsiyada loo taxaabay siyaasinta ugu sareysa ee xisbigaasi.

Xildhibaanada dalka Masar oo qaadacay dood ka socotay baarlamaanka


Xilidhaabano gaaraya boqo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dalkaasi Masar ayaa gadooday fadhiga baarlaamanka oo lugu waday in wax looga badalo dastuurka dalkaasi ee awooda siinayey Madaxweyne Mubaarak sida ay ku warameen kooxaha dhaliilsan. Madaxweyne Mubaarak ayaa horey u soo gudbiyey hindisi dhigayey inaan la abuuri karrin xisbiyo siyaasadeed oo salka ku haya arrimo diimeed. Hey'ada Amnisty oo isha ku heysa arrimaha dalkaasi ayaa walaac ka muujisay qaabka ay dowlada dalkaasi ku dooneyso iney dastuurka wax kaga badasho iyadoo qodobka ka horta argagaxisada ee hindisahaasi ku jiray yahay mid ka bad badis ah islamarkaasina ay haboon tahay in laga hortago, taasoo ay ku tilmaantay hey'adu mid lugu sad bursanayo awooda dowladnimo.


Kooxaha mayalka adag ee Mareykanka oo cambaareyey dowlada Bush
 
Ma ahan oo keliya kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha falalka ka dhanka ah xukuumadda Washington ee ay kula kacdo waxa ay ku sheegtay maxaabiista argagaxiso ahaanta loo soo qabto. Balse waxaa jiro kooxo masiixyiin ah oo xag jir ah kuwaasoo ku sugan gudaha Mareykanka ay si weyn u cambaareeyey falalka lugula kaco maxaabiista muslimiinta ah ee argagaxisada lugu sheegay.
Qoraal ay ka diyaarsheen falalka tacadiga ah ayey ku sheegeen in xukuumada Washington ay ku tumatay xuquuqda aadanaha dalkuna yahay dal si weyn dunida Islaamka sumcadiisa uga halowday. Kooxahan xagjirka ayaa sidoo kale warbixintooda waxey kaga hadleen xabsigii Abuu gureyb ee Ciraaq, xabsiga Bagram ee ku yaala Afgaanistaan iyo duulimaadyada CIA-da qarsidooga ah ee caalamka ka sameysay. Inkastoo warbixintani looga hadlay Ciraaq iyo Afgaanistaan hadana kooxahan warbixintooda kagama hadlin xabsiga ku yaala jasiirada Kuba ee Guantanamo Bay.
 
Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Afgaanistaan oo caafimaad darro maskaxda ah heysato
 
Ciidamada ameerikaanka ee loo geeyey dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan ayaa waxaa heysta xaalad caafimaad darro oo xagga maskaxda ah. Warbixin uu qoray wargeyska ka hadla caafimaadka ee la yiraahdo Archives of Internal Medicine ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ee tiradooda gaareyso 103.000 askari ee baaritaan caafimaad lugu sameeyey intii u dhaxeysay sanadihii 2001- ilaa 2005-ta ay soo baxday iney heysato caafimaad darro xagga maskaxda ah, marka amuurtaan tiro koob ahaan la baarayna waxaa la sheegay in tiradooda ay gaarayaan 31%. Wargeyska oo weli amuurahan ka hadlaya ayaa sheegay in kooxaha ugu yar ee cudurada xagga maskaxda ku dhaca ay da'doodu tahay 18 ilaa 24 jir kuwaasoo ah askarta ugu da'da yar ee l oo diray dalalkaasi.
 
Waxyaabaha sida aad ah uga hadlay wargeyska ee heysta ciidamadaaasi ayaa kamid ah wel wel joogto ah stress-ka iyo qofka ku dhaca cudurka depression-ka loo yaqaano sidoo kale waxey aad ugu waalan yihiin iney cabaan waxyaabaha maanka dooriya. Ciidamadan oo markey dalkooda dib ugu laabtaan ayaa waxey aadan baaris caafimaad oo xagga maskaxda ah tirada guud ee  baaritaankaasi sameysay ayaa waxey gaarayaan 29%. Arrintanina waa mid wel wel ku keentay xukuumada Washington ee iyadu sheegtay iney dagaal aan dhamaad laheyn kula jirto waxey ku sheegtay argagaxisada caalamiga ah.  
 
                                           Holland: Nin dilay carruurtiisi iyo sodohdiis 
 
Waxaan maqli jiray duco ah "Ilaahow nimaad saliday hanugu soo salidin" dabcan ducadaasi waxey tahay in Illaahey ruuxuu maagay inuusan inugu inu soo aadin dhibkiisi iyo shartiisa, sidaasoo tahayna markey timaado qadarta ninka gefimeyso. Balse dalalkan qurbaha aynu ku nool nahay waxaad arkeysaa waxyaabo yaab kugu abuuro markaad maqasho.  Nin baa xaaskiisa dilay ama iyada dishay waa waxyaabaha dabiiciga ka noqday dalka qurbaha oo aan marna lala yaabeyn.
 
Dalka Holland waxaa ka dhacday arrin dadka ka yaabisay kadib markii nin sida muuqta madaxa looga jiro ama uu hayo xanuunka waalida qarsoon uu dilay sodohdisa dabadeedna labo carruur ah oo u dhalay haweeneydaasina heysay qasab inta uga qaaday ku tuuray tareen jidka marayey. Warbixinta dalkaasi oo amuurtan ka hadashay ayaa qortay in ninkani oo 52 jir lugu sheegay da'diisa uu tagay sodohdiis si uu uga soo kaxeysto carruurtiisa balse markey diiday iney ka furto albaabka ayuu iyadii dilay, kadibna carruurti inta gaari ku ritay iyagiina u dhigay tareen wadada marayey. Dadkii tareenka saarna oo argagaxsan ayaa warbaahinta u sheegay iney arkayeen filkii halkaasi ka dhacay oo ay aad uga naxeen.  
 
 
Wararkii 12.3.2006  
 
                   Mareykanka oo ciidamo ku sii guraya Afgaanistaan  
 
Dowlada Mareykanka ayaa go'aansatay iney ciidamo dheeri ah u dirto dalkaasi Afgaanistaan. Ciidamadan oo tiradooda lugu sheegay 3.500 askari ayaa tiradooda guud ahaaneed ee dalkaasi ku sugan waxey noqonayaan 27.000 oo askari tan iyo intii duulaanka loogu magac darray la dagaalanka argagaxisada lugu qaaday sanadkii 2001-da.
Afhayeen  u hadlay Aqalka cad waxa uu sheegay in ciidaman dalkaasi loo diray ay yihiin kuwo tabaro siinaya ciidamada Afgaanistaan ee dowlada dalkaasi ugu talagalashay iney nabadgalayada wax ka qabtaan. Gordon Johndroe oo isagu ah afhayeenka Aqalka cad waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamadan ay laftooda ka qeyb qaadanaya dagaalka lugu jiro kooxaha wax iska caabinta ah ee Taalibaan oo horey balan qaaday iney weeraro u geysan doonan ciidamada dalkooda ku soo duulay. 
 
 
                                         Bush iyo Chavez maxaa kala heysta?
 
 
Madaxweynaha dalkaas Venezuela oo laftiisa socdaal ku tagay dalka jaarka la yahay Nicaragua ayaa si darran u weeraray siyaasada madaxweyne Bus-ka dalkaasi Mareykanka oo ay in dhawaaleba ahaayeen cod siyaasadeed. Chavez oo balan qaaday adduun dhan 2.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah kaasoo wax looga qabanayo sidaalka dalkaasi Nicaragua, ayaa intuu uu ka joogay dalkasi  ka hadlayey Bush iyo siyaasadiisa dibada ee ku aadan waxa loogu yeeray argagaxisadaa. Kol hore ayey aheyd markii madaxweynahaasi oo ka qudbadeynayey kulankii madaxda Qaramada Midoobey ee sanadkii hore dhismaha daarta Qaramada Midoobey ka xijaabtay goobtii Bush ka qudbadeynayey taasoo si weyn uga yaabisay madaxdii kale ee kulankaasi iskugu timid. Venezuela waxey kamid tahay dalalka uu Mareykanku ku daray argagaxisada, mana ahan oo keliya dalkaasi balse waa dal kasta oo dunida 3aad ku yaala siyaasada Bush ee marin habowsan kasoo horjeeda. Dalka Ereteriya yaa haataan liiska dalkaasi lugu biiriyey.

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH