SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoMar 19, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (78), Muqdisho (82), Beledweyne (85), Baydhabo (93),  Galkacyo (114),
Sarbeebtii Diinaari
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Warar: March 19, 2007

  • Hoobiyaal lagu weeraray Dekedda weyn ee Magaaladda Muqdisho..
  • Dowladda Mareykanka oo looga digay in ay dib u soo nooleyso Hogaamiye kooxyadii.
  • Ninkii dilay Taliyahii Ciidanka Booliiska ee Kismaanyo oo La Qabtay ..
  • Madaafiic lagu garaacay goobo ay deganeyd Dowladda Federaalka...
  • Dowladda Federaalka oo sheegtay inay ka go’an tahay sugida amaanka...
  • Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo kulumo la yeeshey Xubnaha labada..
  • Xasan Sade Dhaqane "Naceyb Saxaafadeed.ayaa la ii xirey."
  • Siciid Mugaanbe oo sheegay in uu wax weyn ka bedeli doono...

:::: Hoggaamiyayaasha Muslimiinta iyo Khasaarintooda Maalka Dadweynaha...Akhri.....

Hoobiyaal lagu weeraray Dekedda weyn ee Magaaladda Muqdisho..

Waxaa maalintii shalay ahayd dhowr hoobiye lagu soo weeraray Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, waxaana Hoobiyayaashaasi qaar ka mid ahi ku dhaceen Dekedda gudaheeda oo ay ku dhaawaceen dhowr qofood oo uu ku jiray nin ka mid ah Ragga soo jiida Maraakiibta kuna soo xira Dekedda.

Sidoo kale Madaafiicdaasi ayaa waxay ku dhaceen degmada Xamarjajab oo ay ku dhaawaceen afar qofood, sidoo kale xero Qaxooti oo ku taala xabsiga dhexe agtiida ayaa iyana waxay ku dhaawaceen dhowr qofood.

Ma ahan markii ugu horeysay oo weerar Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, waxayna kooxaha weerarka u gaystay Dekedda horey uga digeen Maraakiibta in aysan ku soo xiran Dekeddaasi.

Ciidamada Dekedda ku sugan ayaa shalay aan wax jawaab ah ka bixin madaafiicdii lagu soo riday, halka warar kale ay sheegayaan in dhowr madfac laga riday Dekedda oo aan la ogeyn halka ay ku dhaceen.

 Dowladda Mareykanka oo looga digay in ay dib u soo nooleyso Hogaamiye kooxyadii.

Waxaa baryahan soo baxayey warar sheegaya in Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ay damacsan yihiin in dib loo celiyo hogaamiye kooxeedyadii, waxaana wararku sheegayaan in lagu martiqaaday kulan ka dhacaya Magaalada Adis-Ababa, waxaana martiqaadkaas u keenay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Itoobiya. Dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya ayaa is tusiyeen in Hogaamiye kooxeedyada aan looga maarmin xaaladda Nabadgelyo ee dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo waayadan cirka isku sii shareereysay, waasida wararka lagu helay'e.

Waxaa jira warar kale oo sheegaya in Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ay qoraal u gudbiyeen Dowlada Mareykanka oo ay kaga dalbadanayaan in aan dib loosoo celin Hogaamiye kooxeeyadii iyagoo ku tilmaamay dambiilayaal dagaal oo qayb ku lahaa burburkii dalka Soomaaliya. Siyaasiyiintaan iyo Aqoonayahanadaan ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed aysan marnaba ogolaan doonin in dib loo celiyo Hogaamiye kooxeeyada.

Dhawaan ayaa markii uu yimid Wasiirka Arimaha Dibadda dee dalka Itoobiya, waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Hogaamiye kooxeedyada waxayna isla soo qaadeen Xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho. Hogaamiye kooxeedyada waa dalka ka saaray Maxaakiimtii Islaamiga kadib markii ay dagaal qaraar la galeen, hase yeeshee waxay taakuleyn iyo gacanba ka heleen Dowladda Itoobiya, waana midda keentay in Maxaakiimtii Islaamiga laga saaro Magaalada Muqdisho. Dhinaca Dowladda Federaalka ayaa iyadu si aad ah uga soo horjeeda in ay wax dhaqdhaqaaq ah sameeyaan Hogaamiye kooxeedyada, waxaana si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf oo horey u sheegay in uusan marnaba isku dhiibi doonin hogaamiye kooxeedyada Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay carqalad ku yihiin nabad lagu soo dabaalo gudaha dalka Soomaaliya.

Ninkii dilay Taliyahii Ciidanka Booliiska ee Kismaanyo oo La Qabtay ..

Maalintii shalay ahayd ayaa gacanta lagu soo dhigay ninkii dilay Taliyihii ciidanka Booliiska ee Gobalka J/hoose gaar ahaan Magaalada Kismaayo Cabdi Max’ed (Cabdi Gaab), kadib markii ninkaasi laga soo qabtay meel aan sidaasi uga fogeyn halkii uu taliyaha ku dilay.

Soo qabashada ninkaasi ayaa waxaa soo dhaweeyey dadweynaha ku nool Magaalada Kismaayo, iyagoo codsaday in deg deg ah Maxkamad loo soo taago, isla shalay ayaa ninkaasi oo ahaa nin Booliis ah Maxkamad la soo taagay, kadibna waxaa dib loogu celiyey Xabsiga.

Maanta ayaa la filayaa in Maxkamad la soo taago mar kale, waxaana lagu wadaa in ninkaasi dil toogasho ah lagu xakumo.

Sababaha loo dilay Taliyaha ayaa lagu sheegay in ay la xiririirtay kadib markii uu muran dhex maray Taliyaha iyo ninka wax dilay, waxaana la sheegay in Taliyaha lala dilay nin kale oo Booliis ah, sidoo kale waxaan goobtii ku dhaawacmay labo carruur ah oo ka dhaweyd halka Taliyaha lagu dilay, waxaana la sheegay in labada carruurta ah uu dhaawacoodu ahaa mid aad u fudud.

Madaafiic lagu garaacay goobo ay deganeyd Dowladda Federaalka...

Madaafiic ayaa shalay ku soo dhacay goobo ay degan tahay Dowladda Federaalka ah oo ku yaala xaafadaha Shibis iyo Cabdi Casiis, waxaana goobaha madaafiicda lagu garaacay ka mid ah Saldhiga Bari, xarunta Gaadiidkii hore iyo xarun xafiisyo u ah Dowladda Federaalka.

Ilaa iyo hadda lama garanayo khasaaraha ay madaafiicdaasi gaysteen, balse warar ayaa waxaa sheegayaan in shan qofood ay ku dhaawacmeen oo ka dhawaan goobahaasi.

Warar kala duwan ayaa ka imaanaya halka ay ka yimaadeen madaafiicdaasi, qaar waxay sheegayaan in madaafiicdaasi laga soo riday dhinaca Badda, iyadoo kooxaha kacdoonka wada ay adeegsanayeen Doomo, warar kale ayaa waxay sheegayaan in Madaafiic ay Dowladdu ku jawaabeysay ay ku dhaceen agagaarka Xaafadaha Shibis iyo Cabdi Casiis, balse ilaa iyo hadda wararkaas wax xaqiijinaya lama hayo. Magaalada Muqdisho waxay maalmahan la Deristay Qaraxyo iyo Weeraro ay wadaan koox aan la garaneyn kuwaas oo ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya iyo waliba Dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka oo sheegtay inay ka go’an tahay sugida amaanka...

Afhayeen u hadlay Dowladda Federaalka ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Magaalada Muqdisho.

Afhayeenku waxa uu sheegay in ciidamo Kumaan kun ah ay diyaar u yihiin sidii loo sugi lahaa Ammaanka Magaalada Muqdisho, oo waayadan u muuqday mid faraha ka sii baxay, isla markaana ay ku soo bateen qaraxyada iyo dilalka.

Ciidamada Dowladda oo haatan degan xerooyin ku yaala Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa sida lagu waramay in ay saacadaha soo socda ku soo fidaan gudaha Magaalada Muqidsho.

Dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa iyagu aad uga walwasan, iyagoo sheegaya in uu iska hor imaad dhex mari karo Ciidamada Dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana meelaha qaarkood laga dareemayey qax.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa horey u sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay sidii ay nabad ugu soo dabaali lahayd Magaalada Muqdisho.

Wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo kulumo la yeeshey Xubnaha labada..

Waxaa maalintii shalay ahayd Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay soo gaaray Kaaliya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, waxa uuna markiba kulamo la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole.

Kulamadaasi aya la iskula soo qaaday arimo la xiriira sidii Qaramada Midoobey ay gacan u siin lahayd Dowladda Federaalka, iyo sidey uga qayb-qaadan lahayd sidii dib loogu soo celin lahaa Hay’adihii Dowladda.

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geeddi oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu u soo jeediyey Qaramada Midoobey in ay door muhiim ah ka cayaarto xaaladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in wafdigaan uu soo kale kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, waxa uuna uga warbixiyey xaaladda dalka uu haatan marayo, iyo sida Qaramada Mdioobey looga baahan yahay inay gacan ka gaysato sidii dib loogu soo celin ahaa Amniga Caasimadda.

Warar kale ayaa waxay sheegayaan in labada dhinac ay isla soo qaadeen sidii Xafiisyada Hay’adaha Qaramada Midoobey ay ugu soo guuri lahaayeen dalka gudihiisa, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Xasan Sade Dhaqane "Naceyb Saxaafadeed.ayaa la ii xirey."

Xasan Sade Dhaqane ah oo weriye u shaqeynayay Idaacad ka hadasha Muqdisho oo mudo sagaal maalmood ah u xirnaa Dowladda ayaa shalay dib u helay xoriyaddiisii kadib markii Xasan uu sheegay in lagu waayey wax dambi ah.

“Waxay igu qabteen aniga oo Hawl saxaafadeed gudanaya agagaarka Lambar Afar, waxayna ii gudbiyeen xabsi ku yaala Garoonka, waxaana halkaasi ku jiray Mudo hal maalin ah, kadibna waxaa la ii gudbiyey Saldhiga Booliiska ee Bari, halkaas oo aan ku jiray mudo Sagaal Maalmood ah” ayuu yiri Xasan Sade oo sheegay in qalabkii uu ku shaqeynayey sida Rikoorkii, Teesarihii iyo Moobeelkii laga haray.

Xasan waxa uu sheegay intii uu xirnaa si wanaagsan loola dhaqmay, hase yeeshee waxa uu sheegay in uu xooggaa xanuun dhinaca Dhuunta ah uu dareemayo.

Weriye Xasan ayaa siideyntiisa waxaa ka qayb-qaatay dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada, gaar ahaan bahda Saxaafadda, Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha, kuwaas oo dadaal u galay in la sii daayo Xasan Sade Dhaqane.

“Runtii waxaan u xirnaa naceyb saxaafadeed, wax dambi ahna waa la igu waayey” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Xasan Sade oo sii deyntiisa ay aad u soo dhaweeyeen bahada Saxaafada iyo Bulshada rayidka ah.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Hanjabaadyo iyo jirdilba loo gaystay qaar ka mid ah Saxafiyiinta Soomaliyeed, kuwaas oo haatan qaarkood la ildaran jirdilkaasi.

Siciid Mugaanbe oo sheegay in uu wax weyn ka bedeli doono...

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta Siciid Max’ed Nuur Siciid Mugaanbe ayaa mar uu u waramayey warbaahinta waxa uu sheegay in uu is bedel deg deg ah ku sameyn doono K/cagta Soomaaliya.

“Waxaan doonayaa in aan wada shaqeyn la yeesho dhamaan kooxaha iyo Bahda Isboortiga” ayuu yiri Siciid Mugaanbe oo uga mahadceliyey Xiriirka K/cagta Adduunka ee FIFA sida ay mar kasta u garab taagan yihiin Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta.

Dhawaan ayaa is bedel lagu sameeyey Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, kadib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii ee Xiriirka Muxiyadiin Dabarweyne, kadib markii lagu eedeeyey in uu lunsaday lacago uu lahaa xiriirkaasi, waxaana shirweyne ay ka soo qaybgaleen ilaa iyo dhowr iyo labaatan kooxood guddoomiye ugu doorteen Siciid Max’ed Nuur (Mugaanbe).

Xilka cusub ee loo magacaabay Siciid Mugaanbe waxaa soo dhaweeyey Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa soo dhaweeyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga ee Dowladda Federaalka, waxayna dhamaantood sheegeen in Siciid Mugaanbe looga baahan yahay in uu K/cagta ku rido wadada toosan si meesha looga saaro dib u dhaca ku yimid K/cagta Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa soo dhaweeyey Doorashada Siciid Mugaanbe dhamaan Bahweynta Isboortiga oo u rajeeyay in xilkaasi uu Illaah la garab galo isna uu dadaal muujiyo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com


Afhayeenka xisbiga RPP ee midowga Yurub oo Warsaxaafadeed ka soo saaray Dilkii marxuum Ciise Cabdi Ciise
Ummadda Soomaaliyeed way salaaman yihiin meel ay joogaanba, salaan kadib wuxuu xisbiga Ramaas canbaaraynayaa dilkii foosha xumaa ee loo gaystay xaquuq udoode Ciise Cabdi Ciise, dilkaaso ahaa mid qorshaysan oo qoto dheer... Akhri halkan....

Zimbabwe oo mucaaridkeeda u diiday iney dalka ka baxaan
Mid kamid ah siyaasinta mucaaridka ku ah dowlada Zimbabwe ayaa booliska dalkaasi waxey kasoo qabteen gedida diyaaradaha magaalada Harere xilli uu siyaasigaasi dalka dibadiisa uga baxayey.... Akhri halkan....


Communiqué: FINDING A WAY OUT OF THE CURRENT SOMALI CRISIS
A NORTH AMERICAN SOMALI DIASPORA CONFERENCE

  • Range Resources Incurred an Operating Loss of $4.16 million
  • Canmex Announces Cdn $20 Million Private Placement
  • Lawless Somalia will keep Karamoja armed forever.
    By Maj. Felix Kulayigye [UPDF spokesperson]

    Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2007



    Soomaali
    Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

    Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....



     

    Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
    © www.SomaliTalk.com