SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararki: Mar 1, 2007
  • C/laahi Yuusuf Axmed oo Qorsheynaya in uu kala diro Dowladda Cali Geeddi
  • Ciidamadda Uganda oo imaanaya maalinta Berri ah
  • Waan waan u socota Kooxaha haysta Markabka iyo Maamulka Puntland ..
  • Hay’adda EAMI-S oo Siminaar u soo gebagabeysay saxafiyiin ka kala socotay...

C/laahi Yuusuf Axmed oo Qorsheynaya in uu kala diro Dowladda Cali Geeddi

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in C/laahi Yuusuf oo ah Madaxwaynaha Dowladda fedaraalka uu damcsan yahay ama uu qorshaynayo in uu kala diro Dowlada uu madaxda ka yahay Cali Max’ed Geedi, Saraakiil ku dhow-dhow Xarunta Madaxtooyada ayaa inoo xaqiijiyey in C/laahi Yuusuf uu la tashi la soo sameeyey Dowladda itoobiya uuna kala hadalay sidii loo kala diri lahaa Dowlada Ra’iisul Wasaare Geedi isla markaana uu u magacaabi lahaa Ra’iisul Wasaare Cusub.

C/laahi Yuusuf ayaa Dowladda Geedi la sheegay in uu ku eedeynayo inay isdaba marisay lacago fara badan oo Malaayiin Doolar ah oo la doonayey in wax looga qabto dib u dhiska Dalka, Madxwayne C/laahi Yuusuf ayaa la sheegay in haatan Magaalada Baydhabo kulamo la tashi ah kula leeyahay Masuuliyiin ka tirsan Golaha Baarlamaanka uu kala hadlay sidii loo kala diri lahaa Dowladda Cali Max’ed Geedi, mudadii labada Sano iyo barka ahayd ee Dowladdu jirtay maqaban wax muuqda oo la xariira dhinaca Bulshada waxayna waqtigaasi ku dhamaysatay Khilaaf iyo Dagaalo sababay in ay ku nafwaayaan Dad fara badan oo aan waxba galabsan sidoo kale Dakhliga ka soo xarooda Dekada iyo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa la ogeyn halka uu ka baxo sidoo kale Ciidmada Dowladda ayaa wax mushaar ah qaadan Bilooyinkii ugu dambeeyey, warar ayaa waxa ay sheegayaan in C/laahi Yuusuf uu doonayo in uu ka faa’iideysto Sharciga xaalada Deg-dega ah oo la ansixiyey 13-kii janaayo ayaa waxa uu awood badan siinayaa Madxwayne C/laahi Yuusuf Axmed, oo isagu kala diri kara Dowladda Cali Max’ed Geedi.

Wasiir ka tirsan Dowladda ayaa waxa uu sheegay in mudadii 3-Sano ahayd afar jeer uu qabtay afar Xil waxa uuna ku cataabay “markaan is iraahno Wasaaradii waa isku dubariday ayaa laguu wareejinayaa Wasaarad kale waana mid ka mid ah Jahwareerka heysta Dowlada”, Malaayiin Doolar oo soo gashay Dowlada ayaa ilaa haatan la garanayn meel ay ka baxday waana midda keentay in la hakiyo Deeqihii soo gali jiray Dowladda.

Ciidamadda Uganda oo imaanaya maalinta Berri ah

Warar aynu helnay ayaa waxay sheegayaan in Ciidamda Uganda oo Berito lagu wado in ay soo gaaraan Gudaha Waddanka Soomaaliya, waxaana la sheegay in Ciidamada qaybta ugu horeysa ay ka soo degi doonaan Garoomada Diyaaradaha ee Baydhabo iyo Bali-Doogle.

Ciidamdaan ayaa ka kooban ilaa iyo labo Boqol oo Askari waxayna qayb ka yihiin Ciidamda Nabad ilaalinta ee imaanaya Soomaaliya waxaana Ciidamada Uganda ee imaanaya Soomaaliya Tiradooda lagu qiyaasay 1500-Askari oo la sheegay in ay aad u hubaysan yihiin. Madaxwaynaha Waddanka Uganda ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Uganda ay dhex-dhaxaad ka tahay arrimaha Soomaaliya isla markaana Ciidadamadaasi noqon doonaan kuwa ka shaqeeya arimaha Nabada iyo isku soo dhawaanshaha Ummadda Soomaaliya sidoo kale wuxuu sheegay Madaxweynaha in Cidamada Ugaanda ay ka qayb qaadan doonaan dib u dhiska Dalka

Waan waan u socota Kooxaha haysta Markabka iyo Maamulka Puntland ..

Iyadoo dhawaan Markab ay soo raratay Hay’adda WFP isla markaana Deeq Geeyey Gobolada Puntlanda la Afduubtay ayaa waxaa lagu waramay in haatan ay socdaan wadahadalo u dhexeeya Kooxaha wax Afduubtay iyo maamulka Puntland.

Wadahadaladaan ayaa bilowday maalintii shalay ahayd waxaana lagu waramay inay marayaan meel aad u wanaagsan iyadoo Kooxda wax afduubatay ay codsadeen in aan waxba loo raacan waxaana la sheegay in maamulka Puntland uu diidan yahay codsiga ka soo yeeray Kooxaha wax Afduubay.

Hay’adda WFP ayaa Masuul u hadalay waxa uu sheegay in Afduubkan uu keeni karo in Hay’adda WFP aysan wax mucaawino ah keenin Degaanada Puntland waxayna codsadeen in dadaal loo kalo sidii lagu sii deyn lahaa Markabkaasi.

Sanadkii 2005-ta ayey ahayd Markab u rarnaa WFP Afduub loogu geystay Xeebaha Xarardheere waxaana Markabkaasi lagu sii daayey lacag Madax furasha ah

Hay’adda EAMI-S oo Siminaar u soo gebagabeysay saxafiyiin ka kala socotay...

Maalintii shalay ahayd ayaa Hoteelka Naaso Hablood ee Magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyey Siminaar socday Mudoo 5-maalmood ah oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Warbaahinta Bariga Afrika EAMI-S oo gacan ka heleysa Hay’adaha CARE/ iyo USAID waxaana ka qaybgalay Saxafiyiin ka socotay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo tiradooda gaareysay 35-Saxafi.

Siminaarkan ayaa ka qaybgalaashu ku baranayeen Cashiro ay ka mid ahaayeen Anshaxa dhaqameedka Saxaafadda waxaana Cashiro ka Bixinayey Macalimiin Aqoon u leh dhinaca Saxaafadda.

C/qaadir Max’uud Walaayo, oo ah Gudoomiyaha EAMI-S ee Soomaaliya waxa uu sheegay in Siminaarkan uu qayb ka yahay kuwa socon doona muddo 6-Bilood ah wuxuuna u mahad celiyey Hay’adihii ka qaybqaatay Siminaakaasi iyo waliba Macalimiitii Cashirada ka bixineysay intii uu socday Siminaarkaasi iyo waliba Maamulka Hoteelka Naasa-Hablood.

Dad ka qaxay Muqdisho oo dib ugu soo laabtay, kadib markii

Iyadoo xaalada Magaalda Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ay ka soo raynaysey gaar ahaan dhinaca Madaafiicda ayaa arintaan waxay keentay in Dad fara badan ay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho hase yeeshee Dadkaasi ayaa dhibaatoonyin kala soo kulmay Goobihii ay u qaxeen ay ugu horeeyaan dhinaca Caafimaadka.

Caruurtii Qaxday ayaa waxaa ka muuqatay Diif iyo Darxumo waxayna Dadka Qaarkii ay ku dhawaaqeen Erayo ay ka mid ahaayeen” Hoobiya kasta hadhaco walee dib dambe uma qaxo” kuwa kale waxay ku dhawaaqaayeen Erayo ay ka mid ahaayeen “ 16-Sano Xabado ayaa dusheena ku dhacayey meel ugama qaxin maxaa iwaalay oo aan u qaxay”

Muqdisho: Wargelin ku socota dhamaan Injineerada soomaaliyeed

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Sheekh Shariif oo martiqaad ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Switzerland...
.DFKMG: xaruntii Gaashaandhiga noqon doonto saldhiga..
.Ciidamada Itoobiya oo Sawiro isaga qaaday Gurigii Gen. Cali
.Banaanbax looga soo horjeedo keenista Ciidamo Shisheeye
.Taliyihii Ciidamada Madaniga ee NBC oo la dilay...
.Shan qofood oo siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho
.Wafdi ka socda Koonfur Afrika oo soo gaaray Muqdisho
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Feb 28

Ururkii TAYO oo TAF isu beddeley: Feb 28

Baaq ka soo baxay Ururka Mideynta Beelaha Waamo ee ku nool Yurub & Waqooyiga Amerika


DFKMG oo Eedayn Kulul u Jeedisey Hay'adaha NGO-ga ee Jooga Soomaaliya


Xarumaha NGO-yada jooga Soomaaliya

Wasiirka DFKMG u qaabilsan Dib u heshiisiinta iyo Jaaliyadaha, Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye" oo shir jaraa'id ku qabtay magaalaad Baydhabo (Feb 24, 2007) ayaa si kulul u eedeeyey hay'adaha NGO-ga ee ku sugan dalka Soomaaliya. Wasiirku waxa uu si kulul hay'adaha NGO ugu eedeeyey in ay qayb weyn ka yihiin dhibaatada aan dhamaanayn ee Soomaaliya. Waxana uu ku eedeeyey in hay'adahaas NGO-ga ay Soomaaliya beesha caalamka kaga raadsadaan lacago, marka ay lacagtaas soo helaan aan cidna kula xisaabtamin. Lacagtaas oo, ayuu yiri, ay boqolkiiba 70% ku bixiyaan dalxiiskooda, hoteelada iyo guryaha qaaliga ah ee Kenya iyo meelo kale oo adduunka ah. Boqolkiiba 20% lacagtaas ahna waxay ku kiraystaan, ayuu yiri, diyaarado hawada dhulka Soomaaliya kusoo gala si sharci darro ah, kuwaas oo subaxdiina yimaada galabtiina noqda, halkii ay dalka ka shaqayn lahaayeeneen... Dhegeyso Hadalkii Maareeye.

Feb 19, 2007 ayey ahayd markii Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, uu aammaanay hay'adaha NGO oo uu kula kulmay magaalada Garoowe, waxana uu sheegay in  hay'adaha NGO ee fadhigoodu yahay Garoowe ay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Waxaa taas ka sii horeysey in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil u jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis ee dalka maraykanka waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com