SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

SHHRF (Sultan Hurre): Mid ka mid ah qoraalladii Loo Gudbiyey Prime Minister Tony Blair.

Jimce, Febraayo 23, 2007

Ref: SHHRF 0075/2007

 

Mudane/raysalwasaare Tony Blair

10 Downing Street

London SW1A 2AA 

Ujeeddo: Walaac aan ka qabno in Britain soo dhawayso dagaal ooge 

Warqaddani waxay tilmaamaysaa walaac aan ka qabno in Dagaal-oogaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, lagu soo daweeyo dalkan Britain. Hadba marka muddo la joogo ayaa dagaal ooge Cabdullahi yimaadaa London si uu isugu baaro ka dib markii beerka looga beddelay isbitlaalka Cromwell sannadkii 1996..  

dagaal ooge Cabdullahi Yusuf  wuxuu ku caan baxay nin quursada dimoqraadiyadda  kuna tunta xaquuqul iinsaanka. Wuxuu kaloo ku caan baxay nin ka takhalusa ama khaarajiya hadba ninka ay is-hayaan, meeshuu ula dhaqmi lahaa mucaaradkiis sida xeerka qaranku qabo.   

Waa ayaan darro in dagaal ooge, sida Cabdullahi Yusuf, uu yimaado ee iska daaweeyo dalkaan ka dibna dib ugu noqdo Soomaaliya siduu dad kale u dilo ama u baro kiciyo. Waxay ahayd in loo diido inuu dalkan soo galaan iska daa inay iska daaweeyaane. Waxay noqotay fajiciso in dagaal ooge dawaladda Britain marti geliso muddo labo maalmood (22-23 Febaraayo) ah., wakhtigaas oo uu la kulmay madax sare sida  Lord Triesman, Madaxa waaxda Africa ee Arrimaha Dibedda iyo Hilary Benn, Xoghayaha Hay'adda Horumarinta Adduunka.   

Waa wax laga xumaado in la soo dhaweeyo ninkan oo Maxkamaddda Saree ee Ingiriiska xukun ku ridday 14kii  Maarso 2005 (Case No HQ02X03221), kaas oo khuseeyey dilkii Sultan Ahmed Mohamud Mohamed (loo yiqiin Sultan Hurre),  Soomaalia 17kii August 2002. Kiiskaas waxaa soo qaddimay carruurta iyo afadii Sultan Hurre, oo ahaa nin qaatay dhalashada Britain. Wuxuu doonanyey inuu ka caawimo dadkiisa dhanka horumarka ka dib markii ay hay'adahii dawladdu ka burbureen Soomaaliya. 

Sida uu qirtay dagaal oogaha sheeganaya Madaxweynaha ee Cabdullahi Yusuf, Sultan Hurre waxaa dishay ilaaladiisa gaarka ah. Sidoo kale, fal dambiyeedkaan oo kale waxaa lagu fuliyey Colonel Farah Mohamed Said (Farah Dheere) 2002 iyo Abdirahman Aideed 1984. Waxa kaliya ee dadkaasi wadaageen waxay ahayd in ay wada ahaayeen rag ay siyaasadda isaga soo horjeedeen dagaal ooge Cabdullahi..  

Sidaan aan horey u xusnay, waxaa leennahay waa inaysan Britain noqon meel ay isku daaweeyeen ama ay gabbaad ka dhigtaan kuwo soo laayey dad aan waxba galabsan. 

Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF)
webmaster@suldanhurre.org
Faafin: Mar 1, 2007

cc:        Lord (David) Triesman, MP, Foreign Office Minister for Africa

cc:        Hilary Benn, MP, the International Development Secretary. 


Friday, 23 February 2007

Ref: SHHRF 0075/2007  
 

Rt. Hon Tony Blair MP, Prime Minister

10 Downing Street

London SW1A 2AA 
 

Re: Our concern with treating as guest a warlord in Britain 

This is our third letter to you about our concern with the medical treatment which Warlord President Abdullahi Yusuf Ahmed of Somalia is receiving in Britain. From time to time, warlord Abdullahi Yusuf Ahmed comes to London for medical check up for a liver transplant he received at Cromwell hospital in 1996.  

Warlord Abdullahi Yusuf has a notorious and disturbing history in Somalia known for his contempt to democracy and human dignity by eliminating his political rivalries rather than accommodating them as legitimate opposition.  

Warlords, likes Abdullahi Yusuf, are never supposed to come to Britain let alone getting medication as they go back to kill and displace many people. It is weird this time the warlord is given a higher status by considering him as guest of British Government for two days (21-22 February) and meeting senior officials like Lord Triesman, Foreign Office Minister for Africa and Hilary Benn, the International Development Secretary.   

It regrettable to give such status to a man who on 14th March 2005 lost a court case in the High Court of Justice (Case No HQ02X03221) causing the death of Sultan Ahmed Mohamud Mohamed (known as Sultan Hurre) in Somalia on 17th August 2002. The case was brought by the widow and children of the late Sultan Hurre. Sultan Hurre was a naturalised British citizen who went to his home country to help his people in the process of rebuilding their shattered lives following the collapse of the state institutions.  

As admitted by Warlord President Abdullahi Yusuf, Sultan Hurre was killed by the warlord’s own bodyguards. Ironically, this type of extra-judicial execution is believed to be similar to those carried against Colonel Farah Mohamed Said (Farah Dheere) in 2002 and Abdirahman Aideed in 1984. What these men shared was nothing else but by being the political opponents of the warlord president.  

As we stated before, Britain should not be a heaven where warlords get treatment. 

Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF) 

cc: Lord (David) Triesman, Foreign Office Minister for Africa

cc: Hilary Benn, the International Development Secretary. 

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com