SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii Caalamka ee Maanta:::

Jan 31, 2007

 Israa'iil oo fadeexo xagga jinsiga ah hareeyeen

Wasiirkii hore ee cadaalada dalka Israa'iil ninka la yiraahdo Haim Ramon ayaa shalay waxa uu qirtay inuu yahay dambiile la xirriira xoogis uu doonayey inuu ku sameeyo haweeney askariyad ah iyadoo sidoo kalena uu bishii Agooste uu ka dagay jagadii uu hayey markii ay soo baxday eedeyn la xiriirta dhunkasho qasab ah uu ka doonay haweeney kale oo askariyad ah iyadana.
Balse isagoo eedeymaha qaar iska fogeynaya ayuu sheegay in haweeneyda uu dhankashada ka doonay ay markii hore soo jiidasheeda laheyd taasoo ula jeedo ineyba iyadu bilowdo. Waxaana la sheegay iney kulmeen bilowgii dagaalkii Lubnaan lugu qaaday bartimihii sanadkii hore. Wixii ka dambeeyey eedeymahaasina waxaa laga qaaday xilkii uu hayey.
Dhamaan xukuumada Ehut Olmert ayaa lugu wadaa in isku shaandheyn lugu sameeyo fadexada wasiirkaasi kadib.
Ma ahan oo keliya wasiirkaasi waxa eedeyn noocaas ah loo heysto balse waxaa jiray eedeyn kale oo kufsi la xirriirta oo lugu eedeynayo madaxweynaha dalkaasi Moshe Katzav kadib markii dumar badan ay ku eedeeyeen inuu isku dayey kufsi taasoo uu gaashaanka u daruuray. Haatana waxa uu fasax ka yahay shaqadiisa iyadoo uu dhowranayo qaadista dacwada lugu soo oogey ee xagga jinsiga salka ku heysa.

Nancy Pelosi:" Xaalka Ciraaq waa mid cakiran"


Haweeneyda afhayeenka uga ah labada gole ee Kongoreeka iyo Senet-ka dalkaasi Mareykanka Nancy Pelosi ayaa socodaal shan cisho ah oo ay ku tagtay Ciraaq dib uga soo laabatay waxaana xaalka dalkaasi ku tilmaantay mid cakiran. Haweeneydan iyo asxxaabta kale ee ka tirsan labada golle ayaa wada qorshe ay haatan ku doonayaan in cod bixin loo qaado go'aankii dhawaan Bush-ka waalan ee dalkaasi ku gaaray in ciidamo dheeri ah loo dirro Ciraaq si ay u xoojiyaan kuwii halkaasi horey u joogay ee dhibka hayey. Waxaana ay arrintan ku tilmaameen haweeneydan iyo xulafadeeda xalka ugu wanagasan ee wax looga badali karro siyaasada marin habowsan ee Bush.

Nancy Pelosi booqashedii ay ku tagtay Ciraaq waxaa ay la kulantay ra'iisal wasaaraha maqaar saarka ah ee Ciraaq, waxaana rajo xumo ka muujisay in istiraajiyada cusub ee Bush aanu aheyn mid wax dhiseysa. Wareysi ay siisay idaacada la yiraahdo NPR ayey tibaaxday in istiraajiyadaasi aheyn mid xaalka adag wejihi karta ama dalkaasi burbursan.
"Dalkaasi xaalad cakiran ayaa hareeyey , afar sanno ku dhawaad joogitaanka dalkaasi ee aan waxba soo kordhin waa inaan kasoo baxnaa, joogitaanka aan sii joognaana xaaladu mid halis ah ayey u noqoneysaa cidankeena iyo mujtamaca dalkaasi" ayey tiri haweeneydan oo rajo xummo ka muujisay dagaalka Bush ee dalkaasi lugu burburiyey.

Dhinaca kalena iyadoo ka hadleysa dagaalka ay dowladeeda kula jirto waxa ay ku sheegeen argagaxisada ayey tilmaantay in lama huraan tahay in cudud adag lugu qabto kooxaha kusugan Afgaanistaan halkaasina la geeyo ciidamo dheeri ah. Waxaa ay tiri "Afgaanistaan waxey kooxaha jooga ka faa'iideysteen sii jeedistaanka ay ciidamadoodu ku jeedan Ciraaq waxaana ay dar dar geliyeen howlgaladooda, waana muhiim in argagaxisada Afgaanistaan wax laga qabto"

Bush-ka dalkaasi waxaa ka go'an inuu go'aankii uu gaaray ku dheganaado haddii lugu mucaarado iyo haddii kale, taasina waxey abuuri kartaa xiisad siyaasadeed iyo taloobooyin ay ka qaataan labada golle maadama ay yihiin kuwa ansixinaya dhaqaalaha ku baxaya dalkaasi taasoo laftirkeeda ay diidi karaan ama joojin karaan.


Jan 23, 2007

Banaanbaxyo rabashado wato oo markale hareeyey magaalada Beyruut

Magaalada caasimada u ah dalkaasi Lubnaan ee Beyruut iyadoo awalba mudooyinkan dambe ay ka jireen xiisado siyaasad oo u dhexeeya dowlada Fu'aad Sinyoora iyo asxaabta mucaaridka ah ayaa hadana waxaa aad u soo xoogeysanaya cadaadiska kooxaha mucaaridka ah iyagoo indhaha shacabka ku jeediyey dowladaasi.
Banaanbaxyo rabashado wata oo maanta ka dhacay magaalada caasimada ah iyo magaalooyin kale ayaa keentay rabashado waxaana rabshadahaasi ku dhintay labo ruux iyadoo dad gaaraya boqolaalna ay ku dhaawacmeen, sodon iyo shan ruux oo kamid ah dadkaas ayaa dhaawac xabado lugu furay ay ka soo gaareen.

Dadweynahan oo aad uga careysan xukuumada reer Galbeedku taageero ee Fu'aad Sanyuura ayaa waxey wadooyinka ku gubeen taayaro iyo waxyaabo kale. Urrurka Xisbullaah oo kaashanaya dhamaan mucaaridka kale ayaa ku baaqay banaanabaxyadan iyo in shaqo gadoodin la sameeyo si loo cadaadiyo dowladaasi, waxaana dhamaan asxaabtaasi ku baaqeen doorosho kale oo ay asxaabtu ka qeyb galaan islamarkaasina codka diidmada qayaxan ee VETO loo yaqaano ku yeeshaan.

Dowlada Fu'aad Sanyuura-na waxaa ay sheegtay ineysan isku dhiibeyn mucaaridka siyaasada aan hufaneyn ee ay wadaan. Dhamaan dadweynaha dalkaasi ayaa banaanbaxan ka qeyb galay iyadoo gegidii caalamiga aheyd ee diyaaradanaha la kansalay diyaaradihii ka kici jiray goraankaasi, sidoo kale ra'iisal wasaaraha ayaa isagana lugu waday inuu ka qeyb galo kulan ka dhici lahaa magaalada Paris, hase ahaatee waxaa wararku sheegen in xafiiskiisa lugu go'doomiyey.

Weriyihii Turkiga lugu dilay oo maanta la aasay


Kumaan kun oo dadweyne ah una badnaa dadka Turkumeeniyiinta ayaa iskugu soo baxay xafiiska wargeyska afka turkimeeniyiinta ku hadla ee Agoos la yiraahdo kuwaasoo ka qeyb qaadanayey aaska loo sameyey weriye u dhashay Turkimeenistaan oo wargeyskaasi ka shaqeynayey kaasoo la oran jiray Hrant Dink.
Qoyska uu ka dhashay weriyahaas ayaa codsaday inta ay socoto ka qeyb galka aaskaasi aaney isku badalin mid dhalisa rabasho,waxaana ay ku baaqeen inaan la adeegsan ereyo caro leh oo xiisado keeni karra. Dadweynaha kasoo qeyb galay aaskaasi ayaa watay boorar ay ku qornaayeen waan kula jirnaa iyo erayo kale. Weriye Hrant Dink ayaa toddobaadkii hore la dilay waxaana la dilay oo la xiray dilkiisi wiil Turki ah oo ka xumaaday qoraalo wargeyska uu weriyahan ka shaqeynayey lugu qoray kaasoo ay dowlada Turkiga ku cadaadinayey iney sheegato xasuuq loo geystay dad reer Turkimeen ah oo dagaalkii labaad ee dunida loo geystay.



Ayman Al-Zawaahiri oo farriin soo diray

Hogaamiye ku xigeenka Urrurka Alqaacida Dr Ayman Al- zawaahiri ayaa farriin muuqaal ah soo diray, waxaana uu fariintaasi kaga hadlay isbadaladii ugu dambeeyey ee dalka Ciraaq. Muuqaal internet-ka la soo geliyey ayuu Ayman ayuu isweydiiyey sababta Bush-ka reer Mareykan uu Ciraaq labaatan kun ugu soo diraya ee uusan ugu soo dirin konton ama boqol kun oo askari." Ma ogidiin miyaa in eeyaha Ciraaq ay u hamuun qabaan baqti meydadkiina ee jidadka yaala" ayuu yiri Dr Ayman oo ka codsaneyey Bush in dhamaan ciidamada Amerikanka loo soo diro Ciraaq oo ay halkaasi ku sugayaan Mujaahidiinta balan qaaday iney ka cirib tiraan dalkaasi.
Ayman Al zawaahiri ayaa sidoo kale waxaa uu ka hadlay arrimo ay kamid yihiin ciidamada ku soo duulay dalka Soomaaliya waxaana uu shacabka soomaaliyeed ugu baaqay iney cadowgaasi iska saaran, waxaa uu sheegay sidoo kale in Bush Itoobiya uu hog ku riday qabrigoodina uga qoday Soomaaliya.

Wararkii 22.1.2007

Yurub iyo Mareykanka oo isfgarad ganacsi dhexmaray dhexmaray

Midowga Yurub iyo dowlada Mareykanka ayaa is afgarad la xirriira ganacsiga caalamiga ahi dhexmaray ka hor intaanu qabsoomin wadahal looga hadlayo ganacsiga caalamiga ah. Wargeyska ka faalado badanaa arrimaha dhaqaalaha ee Financial Times ayaa qoray in Midowga Yurub iyo Mareykanku ay isku af garteen arrimaha ay kamid yihiin in la dhimo qiimaha badoocooyinka la xirriira wax soo saarka 45% Mareykanka uu sidoo kale yareeyo canshuurta iyo taageerada uu siinayo beeraleydiisa.

Wahadalo dhexmaro dalalka wax soosaarka ee ku jira WTO ayaa ku guuleys dareystay iney yeeshaan qorsho mideysan, waxaana bur buray bartamihii sanadkii hore wadahalo amuurtan la xirriira kadib markii uu is afgaran waa dhexmaray dalalka xubnaha ka ah WTO.

Bush oo diiday in ciidamo waqtigan laga soo celiyo Ciraaq

Iyadoo ay aheyd dhawaan markii Bush-ka reer Mareykan uu soo bandhigay qorshe istiraajiyadeed oo la xirriira wadciga Ciraaq islamarkaasina sheegay in ciidamo dheeraad ah oo loo diro dalkaasi ay kamid tahay qorshahaasi istiraajiyadeed, ayaa hadana waxaa jira warar sheegaya in Bush lugu cadaadinayo in ciidamada qaar ka tirsan laga soo celiyo dalkaasi taasoo uu ganafka ku dhiftay.
Sida ay qortay jariidada USA Today ayaa iyadoo soo xiganeysa wareysi ay la yeelatay sheegay in haatan uu ku jiro halgan dheer oo adag islamarkaasina aysan suuragal aheyn in bisha Agoosto uu ciidamo dalkaasi kasoo celiyo.

Wararkii 21.1.2007


Barnaamijka Big brother oo xiisad siyaasadeed ka dhex dheliyey Hindiya iyo Ingiriiska


Hindiya iyo Ingiriiska oo ah labadood dowladood oo xirriir aad u wanaagsan leh ayaa haatan waxaa ka dhex dhashay xiisad siyaasadeed oo keentay in siyaasiinta dalka Ingiriiska ay booqasho ku tagaan dalkaasi Hindiya si xiisadaan loo damiyo. Inkastoo Hindiya lafteeda tahay dowlad mustacmaradii Ingiirku gumeystay hadana labada dowladood waxey ahaayeen dalal xirriir wanaagsan ka dhaxeeyey tan iyo muddo aad u fog.

Hada baraamijka caan baxay oo dalal badan oo reer Galbeed ahi sameeyeen lana yiiraahdo Big brother ayaa waxaa xiisad kulal oo siyaasadeed ka dhex dheliyey dalalkaasi, kadib markii mid kamid ah khalanjada Bollywood ee dalkaasi Hindiya lana yiraahdo magaceeda Shilpa Shetty hadalo cunsuriyadeed kala kulatay qaar kamid ah dadka reer biritan oo ka qeyb qaadanayeey barnaamijkaasi, taasina wax ey keentay in dad badan oo hindi ah ay aad ugu caroodeen.

Wasiirka ganacsiga Britian Gordon Brown oo haatan joogta dalkaasi Hindiya ayaa durba dowlada dalkaasi waxaa uu kala kulmay su'aalo badan oo ka baxsan howshii uu halkaasi u tagay lana xirriirta barnaamijkaasi lugu ihaaniyey fanaandaasi caanka baxday ee Shilpa Shetty. Dad weyne badan oo reer Hindiya ahi waxey dalkaasi Hindiya ku gubeen calanka Ingiriiska iyagoo aad ugu xun falkaasi cunsuriyada leh.

Haweeneydii ugu da'da dheereyd dunida oo Kanada ku geeriyootay

Inkastoo dad badan oo dunida ku nool horey loogu sheegay iney ahaayeen dadkii ugu cimriga dheeraa dunida ayaa hadana haweeneyda haatan la sheegay iney tahay ruuxii ugu da'da dheereyd waxaa ay ku dhimtay dalkaasi Kanada iyadoo da'deedana lugu sheegay iney tahay 115 jir. Haweeneydan oo magaceeda la yiraahdo Julie Winnefred Bertrand waxaa ay dhalatay sanadku markii ahaa 1891, waxaana ay ku dhalatay gobolka Quebec, waxaana la sheegay in haweeneydani oo haatan geeritootay noqon laheyd qofkii labaad ee sabankan ugu cimriga dheer haddii ay noolaan laheyd haweeney kale oo u dhalatay dalkaasi Mareykanka magaceedana la yiraahdo Elisabeth Bolden oo bishii hore ku geeriyootay cimriga 116 jir.

Inkastoo laban qof ee u kala dhashay Mareykanka iyo Kanada ay noqdeen dadka waqtiyadan ugu cimriga dheer hadana waxaa la rusan yahay in Jeanne Calment oo u dhashay dalkaasi faransiiska ahaa qofkii ugu cimriga dheeraa kaasoo ku geeriyooday da'da ah 122 sanno waxaana uu geeriyooday sanadkii 1197-kii.
 

Jan 19, 2007

Boqor C/llaha Jordan: "Waxaanu dooneyna inaan ka faa'iideysano tamarta Nukliyeerka"

"Dalka Jordan dooni meyso iney ka liidato Israa'iil, Masar iyo Iiran ee waxanu dooneyna inaan ka faa'iideysano tamarta Nukliyeerka" waxaa sidaas yiri boqor C/llaha dalkaasi Jordan oo u waramayey wargeyska Haaretz. Boqrka waxaa uu intaas ku daray barnaamijkani uu ahaan doono mid nabadeed islamarkaasina ay dowladiisa sameysay xirriiro ay arrintaasi kala hadasho reer galbeedkuna ugu horeeyaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xaalka amuurtan ee guud ahaan gobolka oo dhan ay isbadashay isagoo fart ku fiiqay Masar iyo dalal kale oo gobolka ku yaala ay haatan u hanqaltaagayaan. Iiraan oo kamid ah dalalka ku yaala ayaa iyadu lugu eedeynayaa iney ku howlan tahay sameynta hubka wax gumaada, halka Israa'iil oo lafteeda la leeyahay waxaa ay heystaa hubkaas aysan cadeysan ayaa dhamaantood waxey yihiin ah arrimaha gobolkaasi xiisadaha ka jira qeyb ka yihiin. Balse dowlada Israa'iil wareysiga boqor C/llaha Jordan wax hadal ah kama soo saarin

Yurub oo dabeylo iyo roobab iswata dad badani ugu dhinteen

Dalalka ku yaala qaarada Yurub gaar ahaan kuwooda galbeedka ayaa haatan waxaa ka jira roobab iyo dabeylo iswata kuwaasoo dhibaatooyin u geystay dadka rayidka ah. Meelaha u daran waxey ahaayeen dalka Ingiriiska oo halkaasi ay ku dhinteen 12 ruux kuwaasoo ugu wacneyd geedaha ku dhaceen ama dabeyshu ku soo tuurtay, Jarmalkana waxaa la sheegay iney toddobo ruux ku dhinteen halka Holland iyo Faransiiska ay ku dhinteen guud ahaan dad gaaraya shan ruux.

Irland-na waxaa haatan la sheegaya iney toddobo ruux ku la' yihiin xeebaha Soomaaliya tan iyo marka ay dabeylahan ku dhifteen, iyadoo haatana dabeylaha waxaa ay ku sii socdaan dalka Tjeckis. Garoomaha diyaaraha qaarkood ee Yurub-na waxaa wararku sheegayaan in la xirray iyadoo sidoo kalena baraf badan la saadaalinayo ay wadada ku soo jiraan.

Wasiirka gaashaandhiga cusub Mareykanka oo Ciraaq tagay

Wasiirka Gaashaandhiga cusub ee dhawaan Bush magacaabay Robert Gages ayaa socdaal aan horey loo shaacin waxaa uu ku tagay magaalada Basra ee ku taala xagga koonfureed ee dalka Ciraaq. Weriye ka tirsan Ruters oo wasiirka la scoday ayaa soo sheegay inuu halkaasi kula kulmayey jeneraalka hogaaminaya ciidamada halkaasi joogta ee George Casey. Booqashadanina waa tii labaad ee dalkaasi ku tago tan iyo markii uu badalay Rumsfeild ee la casilay.


Jan 17, 2007

Cali Cabdalla: "Maxkamadaha waxaan kula talinay iney wadahal la galaan xukuumada hase ahaatee waa diideen waana timid wixii aan maanta uga digayey"
  
Madaxweynaha dalka Yaman Cali Cabdalla ayaa ka warbixiyey iskuday uu ku doonayey inkuu ku dhex dhexaadiyo dowlada KMG iyo gollihii maxaakimta ee laga awood roonaaday. Waxaana uu cadaayey in dowladiisa ay arrintaasi dhexda marada ugu xiratay, isagoo kulan la yeeshay madaxdii maxkamadaha.
"Waxaan halkan kula kulmay madaxii maxkamadaha iyo kaaliyahiisi ka hor ciidi carafo waxaana nasteexo ahaan ku siiyey iney wadahal la galaan xukuumada, islamarkaasina ay ka qeyb qaataan dowlada iyo baarlamaanka weyna iga diideen. Waxaan sidoo kale ku iri shacabka soomaaliyeed waxey idiin siiyey kalsooni iyo badbaado, hase ahaatee waxaad ku dheesheen masraxii siyaasadeed maxaa yeelay dariiqo aan habooneyn baad ku timaadeen, haatana waxaan maqlaya jawi iyo xiisad kacsan hadeyse timaado talaabo meleteri meesha waad ka baxeysaan shacabkuna idiin masiin doono markale kalsooniddii ay idiin siiyeen mana heli doontaan meel aad dhigtaan lugaha waana tan hada dhacday" ayuu yiri madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo ku dheeraaday kulankii uu la yeeshay maxkadamaha isagoo sidoo kalena cadeeyey in xoghayihii arrimaha dibada ee maxkamadaha iyo dowlada Mareykanka ay haatan dalkiisu wahadal ugu socdaan.  Sidoo kale waxa uu sheegay in maxakamaduhu ay ahaayeen kuwii dalka gacanta ku hayey 95% maalmo gaaban kadibna ay gacantooda noqotay taasina ay ku timid caqlo xummo qaaday waa sida uu sheegaye.
Madaxweyne C/lla mar uu ka hadlaayey soo gelitaanka ciidama Itoobiya ee Soomaaliya waxa uu sheegay iney ku yimaadeen codsi uga yimid dowlada KMG ah. "Waa dhici kartaa iney cabsi ka qabaan in kacdoon uga dhasho gobolka Ogaadeen oo ah dhul soomaaliyeed sidaasina ay isku difaaceyso balse sida aan ka maqlay Sanaawi waxa uu sheegay in ciidamadiisa kala soo baxayo Soomaaliya" ayuu yiri madaxweyne C/lla oo isagu ka hadlayey qaabka ay ku yimaadeen ciidamada Itoobiya.
 
Xigasho: Al-quds- Al arabi

Jan 16, 2007

Fidel Castro oo xaaladiisa caafimaad laga deyrinayo

Madaxweynaha dalka Kuba Fidel Castro ayaa wararka ka imanaya dalkaasi waxey sheegayaan in xaaladaasi caafimaad laga deyrinayo. Amuurtan ayaa waxaa wax ka qoray wargeys kasoo baxay dalkaasi Isbeyn oo la yiraahdo El Pais. Wargeysku inkastoo aanu faah faahin ka bixin caafimadarada madaxweynahaasi hadana waxa uu xusay iney jirto xaalad caafimaad darro.

Fidel Castro oo la dhigay cisbitaalka muddo haatan laga joogo bilooyin ayaa laga qaliin looga sameeyey caloosha kadib markii infashin kaga dhacay taasina ay sababtay qaliino badan oo lugu guul darreystay. Castro ayaa xukunka waxaa uu qabtay 1959-kii, waxaana lugu tiriyaa inuu yahay nin ad adag. Balse bilihii ugu dambeeyey ee sanadkii hore ayaa xaalad caafimaad darro.

Mareykanka oo qaban qaabinaya shirweyne caalami ah oo loogaga hadlayo barriga dhexe

Dowlada Washington ayaa qaban qaabineysa shirweyne caalami ah oo loogaga arrinsanayo xaalada barriga dhexe. Hadalkan ayaa waxaa sheegay sarkaal ka tirsan wasaarada arrimaha dibada. Sarkaalka ayaa sidoo kale sheegay in arrintani ay haweeneyda arrimaha dibada uga ah dalkaasi Condoleezza Rice ay kala hadashay ra'iisal wasaaraha dalkaasi Israa'iil ee Ehut Olmert.
Shirweynaha ayaa hadduu hirgalo ajandaha looga hadlaya waxa uu noqonayaa siddii dowlad Falastiin leedahay loo yag leeli lahaa, waxaana lugu wadaa in sadexda ilaa afarta toddobaad ee soo socota qabsoomo walow aan si rasmi ah loo ogeyn halka lugu qaban doono. Sarkaalkan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in sharkani noqonayo kii ugu horeeyey ee ahmiyad la siiyo tan iyo xukunkii Clinton oo markaasi kulan sadex gooseed ah kala qeyb galay ra'iisal wasaarihii hore yahuuda Ehut Barak iyo madaxweynihii falastiinyiinta ee geeriyooday Yasir Carafaat kuwaaso ku kulmay magaalada Taba ee dalkaasi Masar.

Ciraaq oo dad badan lugu laayo maalin walba

Magaalada Bakhdad oo kamid ah magaalooyinka ugu amniga xun ee dunida ayaa haatan u muuqaneysa mid heerkaas liita kasii liideyneysa iyadoo maalin walba lugu dilo dad aad u tiro badan. Maantana waxaa qaraxyo kala gooni gooni ah oo meelo kala duwan ka dhacay lala beegsaday dad shicib ah.
Maanta gelinkii hore qarax ay ku dhinteen ugu yaraan 25 ruux ku dhinten masjid ay leeyihiin suniyiinta dalkaasi halkaasoo dad gaaraya labaataneeyo ay ku dhinteen. Qarax kale oo lala beegsaday jaamacad ku taala dalkaasi ayaa iyadana waxaa ku dhintay lixdameeyo qof kadib markii labo gaari oo nooca caasiga (mini bus)-ka loo yaqaano oo bambaano lugu soo xiray ku qarxay meel u dhow jaamacadaasi, badi ardeyda ku dhimatay goobtaas ayaa u badnaa ardey dhiganeysay jaamacagadasi.

Qaramada Midoobeyna waxey sheegtay in ugu yaraan 106 qof weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah. Dowlada dalkaasina waxaa ay sheegtay iney haatan isku dayeyso sidey u xakameyn laheyd dhibaaatadaasi. Mareykankana waxaa uu soo bandhigay dhawaantan istaraajiyad cusub oo loogaga hortagayo qalalaasaha dalkaasi ka jira. Bush-ka dalkaasi ayaa sheegay inuu u dirayo ciidamo dheeri ah oo nabadgalyo xumada wax ka qabtana waxaana uu ku hanjabay inaanu taageero siiney dowlada Bakhdad hadaaney amuurtan aysan maareynin. Isku duubo xaalka Ciraaq waxaa uu noqday mid faro ka bax ah mana muuqato in joogitaanka ciidamada dalkaasi jooga ay wax ka badalayaan wadciga jira sidoo kalena hadey ka baxaan meesha ay arrintu cirka isku shareereyso, waxaana dadka reer Ciraaq heysta labo darran mid dooro.


Jan 13, 2007

Rice oo barriga dhaxe taageero uga raadineysa Istiraajiyada cusub ee kuwajahan Ciraaq

Iyadoo awalba Mareykanku ilo gaar ah ku hayey dhaqdhaqaayada Iiran ee ku wajahan Ciraaq islamarkaasina iyo siyaasiinteeda lugu bahdilay gudaha dalka Ciraaq ay tahay qorshe uu saxiisay Bush-ka dalkaasi , ayaa hadana haweeneyda xoghayaha arrimaha dibada u ah dalkaasi socdaal ku timid barriga dhaxe iyadoo lugteedii ugu horeysayna ay soo dhigtay dalka Israa'iil. Haweeneydan oo sida muuqato taageero u raadineysa qorshaha cusub ee dowladeeda kuna wajahan dalkaasi Ciraaq ayaa sheegtay ineysan arrinkaasi u iman barriga dhaxe balse ay u timid sidii hogaamiyeyaasha barriga dhaxe qaarkood kala hadli laheyd sidii dalkaasi Ciraaq wax looga qaban lahaa. Waxey sidoo kale sheegtay in xukuumadeeda aysan u dulqaadan doonin dhaq dhaqaaqyada Iiraan iyo Suuriya ee arrimaha Ciraaq,iyadoo farta ku tilmaantay in Iiraan tahay "Cabsida barriga dhaxe ee ay gudaha Ciraaq kala kulmeyso"

Dhinaca kale wareysi ay siisay wargeyska New York Times ayey sheegtay in Bush uu sameeyey qorshe lugu kordhinayo dhaq dhaqaayo Iiraanta dhexdeeda ah, kuwaasoo loo fasiran karro iney wadaan qorsheyaal ka dhan ah Iiraan taasoo noqon karta howlgal meleteri , hadana meysan soo hadal qaadin weerarkii lala beegsaday qunsuliyadii Iiraan ee ay ku laheyd waqooyiga Ciraaq oo ay gudaha u dhaceen askarteeda.

Digniintii laga baxshay badgariirka Tsunami oo dib loola laabtay

Dowlada Mareykanka ayaa saacadihii ugu dambeeyey ee habeenimadii sabtida bixiyey digniino la xirriir badgarriirka loo yaqaano Tsunami iney ku dhiftaan badweynta Baasafik. Badan oo marta dhamaan dalalka Japaan iyo Ruush-ka ayaa dib loola laabtay isla saacado kadib halkaasoo laga soo bilaabay gobolka Hawaay ee Mareykanka iyo deegaanada jasiirada ah ee ku teetsan. Arrintana ayaa timid markii mowjado badda ah oo rog rogmanaya xoog aaadiis loo mooday iney ahaayeen mowjadihdii kal hore ku dhiftay badweynta Hindiya iyo jasiirado ku yaala Indooniya halkasoo dad badan ay ku li'deen.

Ciraaq oo weerarada lala beegsado Masaajidada sii kordhayaan

Masaajidada lugu tukado ee goobaha lugu cibaadeysto waxey inta badan kamid ahaayeen kuwa had iyo goor aamin ah oo ciddii ku jirta aan waxyeelo soo gaari jirin ilaah hadduu yimaado amar Alle xagiise ah, hase ahaatee dalal badan oo fowjo iyo dagaalo sokeeye ka jiraan islamarkaasina Islaam sheegta ayaa lugu arkay in guryihii Ilaahey ee masaajidada dadkii ku tukanaayey ku nabadgelin. Soomaaliya oo kamid ah dalalkaasi lafteeda waxaa horey u dhacday dad gudanaya waajibaadkoodii diiniga ahaa inta loogu soo gelo la dilo sababo la xirriira aano qabiileed iyo mid siyaasadeed intaba. Hadaba dalka Ciraaq oo ay meesha ka baxday dowladii sharciga aheyd ee ay afgembiyeen ciidamo soo duulay ayaa masaajidada ku yaala noqdeen goobo aaney ku nabad gelin dadka shicibka ah ee u soo gala kasokow iney qaarkood waajibkooda gudanayaan qaarkoodna ay naftooda kula soo cararaan.

Hadaba iyadoo dalkaasi xaalkiisa guud ahaaneed yahay mid faraha ka baxay ayaa dagaalka u dhaxeeya kooxaha shiicada iyo sunniyiinta dalkaasi noqdéen kuwo kasii daraya. Dadka rayidka ah ee macno la'aanta lugu leeynayo malaha xisaab. Balse arrinta naxdinta leh ayaa ah in masaajidadii Illaahey noqdeen bartilmaameedyo ay isku eegtaan kooxahaasi xurgufta siyaasadeed kala fogeysay.
Ragg hubeysan ayaa shalay waxey tacshiirad ku fureen xamaalato reer Ciraaq loona badinayo iney ahaayeen Shiicada, sidoo kale masjid isagana lahaayeen kooxahaasi shiicada ayaa lala beegsaday bam, masjidkaasi oo dhismo ka socday ayaa markale qaraxaasi bambaano waxa uu la simay dhulka.

Magaalada Kirkuk oo ah magaalo ay dagaan kooxaha shiicada, Kurdida iyo Kurmiiiniyiinta ayaa isku heysta ciddii deeganadaasi gacanta ku heyn laheyd, taasina waxey sababtay iney dhiig badan oo dad rayid ah daa'to. Magaalada Samara ee xagga koonfureed ku taala waxaa iyadana lugu dilay wadaad dadka salaada tujinayey, tanina waxey qeyb ka tahay gumaadka lugu hayo culimada dalkaasi ee haatan Ciraaqiyiintu iskugu raadsanayaan kala duwanaaanshaha ay Islaamka ku kala duwan yihiin ee ah Sunni iyo Shiico. Culimada Islaamkana waxey baaqyo badan ka soo saareen inaan la daadin dhiiga muslinka ah ee aan waxba galabsan. Dhawaan ayey aheyd markii magaalada barakeysan ee Makkah Al Mukarama qalinka ku duugeen hoogaamiyeyaasha diidamaha dalkaasi joojinta goobaha muqadaska ah ee bartilmaameedka laga dhinayo.


Jan 12, 2007

Washington Post." Ciidamada Mareykanka ayaa galay gudaha Soomaaliya!"

Inkastoo cidkastaa fahmi karto ujeedada dahdoon ee kulmiyey dagaalka aan geed ku gabashada laheyn ee ay cadowga Itoobiya ku qaadeen dagaalka Soomaaliyadii xorta aheyd iyo waxa kulmiyey weerarada gardada ah ee ay Mareykanku laftoodu ku qaadeen qeybo kamid ah koonfurta Soomaaliya ayaa hadana la runsan yahay iney jiraan dano iyo siyaasad fog oo labadaasi dal ay ka leeyihiin Soomaaliya walow aaney dadku soomaalida arrintaasi fahmin.

Hadaba wargeyska Washington Post oo arrimaha ugu dambeeyey ee Soomaaliya wax ka qoray ayaa daabacay qoraal uu ku sheegay in ciidamo Mareykan ah ay gudaha u galeen dhulka Soomaaliya gaar ahaan koonfurta. Wargeyska ayaa tibaaxay in isagoo soo xiganayo ilo ka tirsan Aqalka cad ay u sheegeen in k ooxo yar oociidankaasi ahi u galeen arrimo lugu dheegay "iney muhiim tahay" islamarkaasina ay qiimeyn ku sameynayaan cida ku dhimatay ama ku dhaawacantay. Warbixintan ayaa sidoo kale qortay iney tahay markii ugu horeysay ee ay ciidamadasi tagaan Soomaaliya tan iyo markii ay ku fashilmeen howlgalkii luugu magacdaray Rajo soo celinta ee ay maamulka Washington kaga soo baxeen sanadkii 1994-kii. Wargeyska waxa kale oo qoray in la ogeyn ciidamadaasi khamiistii galay dhulka koonfureed ee Soomaaliya iney joogaan iyo inkale.

Saraakiisha joogoa safaarada Mareykanka ee Kenya ayaa sheegay iney muhiim tahay iney kooxaha soomaalida wadahadlaan iyagoo carabka ku dhiftay "odey dhaqameedyada, qabaa'ilada sida jufooyinka, odey diimeeyada (laakin afka laga dhowray culimada diinta) iyo hey'adaha aan dowliga aheen ee soomaalida. Jariidada waxey sidoo kale qortay in duqeynta aan naxariista laheyn ee Mareykanku waxyeelo u geysteen xoolo dhaqato ku sugneyd dhul daaqsin aheyd oo xooladooda ku waraabsanayeen kuwaasoo tiradooda tahay 70 ruux sida laga soo xigtay hey'ada gargaarka ee la yiraahdo Oxfam oo deegaanadaasi tagtay.

Gollaha Muslimiinta Ingiriiska oo cambaareeyey weeraradii Mareykanka ee Soomaaliya

Adduunka iyadoo ay la yaaban yahay weerarada garada ah ee Itoobiya ku qaaday dalka Soomaaliya ayaa hadana Mareykanka oo waaydanba u muuqday booliska adduunka waxaa uu kasoo dhex baxay siyaasada murugsan ee Soomaaliya waxaana duqeyn xoogan oo ay geysteen ku laayeen dad badan oo xoolo dhaqato u badan, saas oo ay tahayna Mareykanka waxa uu sheegay iney dileen dad gaaraya 10 ilaa 15 oo Alqaacida kamid ah oo ku dhuumaaleysanayey goobaha diyaaradaha sida arxandarada ah loogu garaacay ee Raaskambooni.

Hadaba madaxa Gollaha muslimiinta dalka Ingiriiska oo la yiraahdo Muslim Council of Britain ayaa si weyn waxey u cambaareeyeen weeraradii waxshnimada laheyd ee lugu gumaaday dad rayid ah oo ku sugnaa gobolada koonfureed ee dalka.
Xoghayaha guud ee Gollahaasi ninka la yiraahdo Maxamed Cabdul Bari oo si darran u weeraray weeraradaasi ayaa ku tilmaamay kuwo ms'uuliyad darro ah islamarkaasina Mareykanku aanu casharo ku qaadan weeraradii sanadkii 1998-dii u geystay dalka Suudaan. Mudane Bari ayaa intaasi hadalkiisa ku daray in weerarkii lugu qaaday Soomaaliya ay ahaayeen kuwo ujeedo fog lahaa haddii dal kamid ah dalalka Yurub ay joogi lahaayeen waxa loogu yeeray kooxahaasi argagaxisada ah uusan markaasi Mareykan duqeyn laheyn.
Wuxuu sidoo kale sheegay mudane Bari in beesha caalamka ay indhaha ka xiratay isagoo dhamaan dhinacyada isku hayaa Soomaaliya ay qaadaan wadada hanaanka caalamkana uu taasi lafteeda adeegsado siyaasad hufan oo wax loogu qabanayo ummadda Soomaaliya, ciidamada ku soo duulay ee cadowga ahina lugu badalo kuwo nabada ilaaliya oo caalami ah.

Madaxweynihii hore ee Arjantiin oo lugu qabtay dalkaasi Isbeyn lana si daayey

Madaxweynihii hore ee dalkaasi Arjantiin Isabel Perón oo lugu eedeynayo inuu falal ka baxsan bani'aadnimada geystay xilligii uu dalkaasi ka talinayey sanadihii 1974-76-dii.

Qabsashadeedana waxey timid markii dowlada dalkaasi Arjantiin ay bixisay amar caalami ah oo haweeneydaasi gacanta loogu soo dhigayo.Haweeneydan qabtay ayaa lugu wadaa in laga dhageysto arrimo ay kamid yihiin nin la sheegay in la waayey sanadkii 1976-dii iyadoo weliba la sheegayo in ay ciidamada sirdoonka gacanta ku dhigeen. Arrimaha kale ee loo heysto haweeneydan ayaa waxaa kamid in dad badan oo la laayey iyo weeraro argagaxiso oo sanadahaasi dhacay ay ku lug laheyd ka hor intaan xukunka kala wareegin madaxweynihii isagana la afgembiyey Juan Domingo Peron oo inqilaab meleteri loogaga qaaday awooda sanadkii 1976-dii, waxaana uu haatan ku nool yahay dalka Isbeyn. Warar goor dhow wariyeen wakalaadaha wararkana waxaa ay sheegeen la sii daayey kadib saacado badan oo dhageysi ah iyadoo suganeysa maxkamad la saaro labo toddobaad kadib.

Jan 10, 2007

Ma dhabaa in ciidamada Mareykanku ka baxayaan Ciraaq bisha November?

Inkastoo bush u qudbad u jeedin doono dadka Ameerikaanka ah caawa saq dhexe xilliga bartamaha Yurub lugu wado inuu kaga hadlo istiraajiyada cusub ee la xirriira xaalka murugsan ee Ciraaq ayaa hadana warar qarsoodi ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada duulaanka ku qaaday dalkaasi Ciraaq ay maamulka ku wareejin doonaan xukuumada taagta daran ee Bakhdad.
Hadalkan oo uu shaaciyey lataliye ka tirsan Aqalka cad lana yiraahdo magaciisa Dan Bartlett ayaa isagoo u waramaya talefeyshinka CNN-ta ee Mareykanka sheegay in Bush-ka dalkaasi uu sheegi doono qorshaha cusub ee Ciraaq isagoona sidoo kale dalbanaya in ciidamo dheeri ah loo diro dalkaasi.

Ilo kale oo ka tirsan Aqalka cad ayaa iyagana laga soo xigtay in ciidamada Ameerikanka ay kama dambeyn kasoo bixi doonaan dalkaasi, iyadoo taasi macnaheedu aheyn bey yiraahdeen ilahan in Mareykanku xakameyn waayey wadciga jira. Taageerada xaga maaliyeed ee ku baxaya ayaa lugu qiyaasay haatan inuu dhan yahay hal bilyan oo doolar, halka tan iyo markii duulaankaasi garadarada ahi la qaaday sanadkii 2003-da ay ku baxday aduun dhan 3 bilyan oo doolar islamarkaasina galaaftay ciidamo tiradooda ay kor u dhaafeen 3 oo askari.

Xabad joojin kumeel gaar ah oo laga fulinayo gobolka Darfur

Dowlada dalka Suudaan iyo jabhada ka dagaalanta gobolka Darfur ayaa la sheegaya in dowlada iyo jabhadu ay heshiis muddo lixdan maalmood ah oo ay kala saxiixdeen la rejeynayo. Heshiiskana waxaa lugu wadaa in uu wadada u xaaro ciidamo nabadeed ilaalineed oo gobolkaasi la geeyo sida uu dhigayey heshiis bishii meey lugu saxiisay. Hadalkan ayaa laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo Mareykan ah.

Duqa gobolka New Mexico ee dalkaasi Mareykanka Bill Richardson oo haatan ku sugan dalka Suudaan ayaa shirkiisi jaraa'id ee ku qabtay Suudaaan sheegay in xukuumada Bashiir ay soo dhaweyneyso heshiis noocaas oo kale ah. Ergeygan oo booqanaya gobolkaas ayaa labada dhinacba la kulmay JEM SLA oo iyago aan qaarkood saxiixin heshiisha-kaasi balse ay soo dhaweeyeen heshiis noocaas. Lama oga goorta heshiiskaasi la sheegayo iney dowlada iyo kooxaha mucaaridka ah ay kala saxiixdaan, Bill Richardson-na waxaa uu tibaaxay in amuurtan ay shaacin doonan Qaramada Midoobey iyo M Afrika.


Jan 9, 2007

Nin Marookaan ah oo loo xukumay weeraradii 11 septermber ee ka dhacay Mareykanka

Nin u dhashay dalka Marooko ayaa maxkamad ku taala dalka Jarmalka ayaa ku xukuntay 15 sanno oo xarig ah. Ninkan oo magaciisa la yiraahdo Mounir al-Motassadeq ayaa la sheegay in uu ka qeyb qaadatay weeraradii kow iyo tobankan septermber ee Mareykanka ka dhacay taasoo ay ku dhinteen diyaarad kamid ah diyaaradaha la afduubay 246, sidoo kale ka qeyb qaatay xerro tabaro lugu qaadanayey oo ku taala Hamburg ee dalkaasi Jarmalka.
Ugu dambeyntii maxkamada Karlsruhe inkastoo aysan keenin cadeyn buuxda oo la xirriira heerka uu gaarsiisan yahay ninkaasi ka warqabadii uu ka warqabay weeraradii 11 september hadana waxaa ay fulisay xukunkaasi shan iyo tobanka sanno ah.

Dhul gariir ka dhacay dalkaasi Uzbekistan oo ay dad badani ku dhinteen

Dhul gariir xoogan oo lugu qiyaasay 8 Richter oo ah halbeega lugu cabiro dhul garriirada ayaa ka dhacay dalkaasi Uzbekistan, halkaasoo la sheegay inaan la ogeyn qasaaraha ka dhashay balse Wakaalada wararka ee dalkaasi faadisa wararka RIA Novosti oo soo xiganeysa gargaarka gurmadka ah ayaa sheegtay in dhulgariirkaasi habeenimadii xalay ahaa ku dhiftay meel labaatan mayl u jirta magaalada caasimada ah ee Tasjkent. Qaraxan ayaa ka dhacay dhulka deegaanada ah ee koonfur bari ee dalkaasi.
Waxaana ay qeyb ka tahay dhul gariiro taxane ah oo dalkaasi horey uga dhacay.

Diyaarad laga leeyahay Turkiga oo ku dulburburtay dalka Ciraaq

Ugu yaraan yaraan 34 ruux ayaa la runsan yahay iney ku dhinteen diyaarad laga leeyahay dalkaasi Turkiga oo ku dul burburtay dalka Ciraaq, iyadoo dhamaan dadkii diyaaradaasi saarna ay ahaayeen injineero, mid kamid ah dadkaasi oo ka badbaaday shilkaasi ayaa la sheegay in dhaawaciisu halis yahay.

Diyaaradan oo aan la ogeyn waxa keenay in burburtay xilli ay bilowday duulimaadkeeda ayaa kasoo kictintay magaalada la yiraahdo Adana ee Turkiga waxaana ay ku sii jeeday magaalada Balad oo xaga waqooyi ka xigta caasimada Bakhdaad.
Rakaabka diyaaradan saarna ayaa ka kala yimid wadamo kala duwan haba u badnaadaan Turkiga, hal mareykan ah ayaa isagana lugu soo waramayaa inuu ku jiray halka dadka kale ay u badnaayeen shaqaale u dhashay Ukureyn, Madoofiya iyo Ruush-ka.

Sawiro hor leh oo ku saabsan dilkii Saddaam Xuseen oo internet-ka lugu faafiyey

Iyadoo awalba dilkii aan sharciga waafaqsaneyn ee lugu filiyey madaxweynihii hore ee dalkaasi Ciraaq Saddaam Xuseen beesha caalamkana ay si weyn u xumaatay qaabka loo dilay iyo sawirada foosha xun ee dilkaasi la xirriira ee Internet-ka lugu faafiyey ayaa hadana waxaa jirro sawiro kale oo hor leh kuwaasoo iyagana ah qeyb kale oo dilkiisa ku saabsan.
Sawirka haaatan lugu faafiyey Internet-ka ayaa muujineysa saddaam Xuseen oo ku jira meeshii u ku dhacay markii ay nafta ka baxay ee godka biraha ah sameysnaa islamarkaasina ay qoortiisa dhiig badan ka socday sida ay BBC-da ka warisay amuurtan.

Kal hore ayey aheyd markii internet-ka lugu faafiyey Saddaam Xuseen oo ay ihaaneynayaan qaar kamid ah kuwii fulinaayey dilkiisa ka hor intaanu dhiman isagana uu ihaanadaasi iska difaacayey, tanina waxey dhalisay camabareyn xoogan oo beesha caalamka xageed ah. Walow dowladihii awooda is baday ee dalkaasi qabsaday ay u riyaaqeen dilkii Saddaam Xuseen ee lugu soo beegay xilli ay dunida Islaamka u dabaal dagayeen ciida Carafo.



 

Jan 8, 2007

Baaritaan la xirriira dilkii Amiira Diana oo London ka socda

Iyadoo muddo haatan ku dhawaad lago joogo tobon sanno geeridii amiiradii reer Wales ee dalkaasi Ingiriiska ayaa hadana magaaladaasi waxaa ka socda baaritaan xoogan oo la xirriira sababtii ka dambeysay dilka haweeneydaasi iyo Maxamed Fayid oo isagana Diana kala dhaxeeyey xirriir. Baaritaankan amuurtan oo si cadaalad ahaaneed lugu wado in la baaro ayaa waxaa codsaday wiilashii ay dhashay Diana, walaalaheed iyo aabaha dhalay saaxiibkii Diana ee Alfayid. Baaritaankan oo sidoo kale dalkaasi looga yaqaan "inquest" oo ah arrin marka ay timaado geeri aan la xaqiijin karrin sidey ku dhacday, islamarkaasina la sii raaciyo baaritaano kale oo maxkamadu amarto taasoo iyadana qaadata waqti dheer inta laga helayo xaqiiqda dhabta ah geeridaasi keentay.

Bishii dicember ee sanadkii hore ayaa booliska London waxaa ay shaaca ka qaadeen in baaritaan kale oo amuurtan la xirriira taasoo ay ku sheegeen in geeridii Diana ay sabab u aheyd shilki ku helay magaalada Paris ee xarunta dalkaasi Faransiiska, taasoo meesha ka saareysa tuhun ah in qoyska reer Boqor ee dalkaasi ku lug leeyihiin walow aan cadeyn loo heyn hadana fartaa ku godan. Wiilasha ay dhashay amiiradana waxey codsadeen in si deg deg ah baaritaanka geeridaasi loo gudo galo inkastoo ay qaadaneyso bilooyin.

Bush oo ciidamo dheeri ah u diraya Ciraaq xilli laga sugayo Istiraajiyad cusub

Cadaadis dheeri ah oo saaran dowlada dalkaasi Ciraaq iyo ciidamo dheeri ah oo loo dirayo intaba waxey qeyb ka yihin qorshaha cusub ee haatan maamulka Bush lugu wado inuu soo bandhigo taasoo wax logaga qabanayo xaalka faro ka baxa ah ee dalkaasi tan iyo duulaanka garada ahi lugu qaaday sanadkii 2003-da. Wargeyska la yiraahdo New York Times ayaa sheegay in Bush-ka dalkaasi soo bandhigi doono qodobo dhowr ah oo wax looga qabanayo xaalada murugsan taasoo ah mid si weyn ay doonayaan dowlada taagta daran Ciraaq.

Qorshaha labaad ee ku jira Israajiayda cusub ee Bush ayuu sheegay wargeysku iney kamid yihiin ciidamadii hore loo shaaciyey in la geynayo si ay u taageeraan kuwa kale horey halkaasi u joogay, walow la ogyahay ineysan waxba soo kordhineyn ciidamo kale oo dheeri ah marba kuwii halkaasi horey u joogay ay ahaayeen kuwii dhibka maanta taagan horseeday. U dirista ciidamadan kale ee 20.000 gaaraya ayaa Bush waxaa durba uu kala kulmay cambaareyn xoogan oo keentay in laga cosado in kuwii dalkaasi joogay uu dib u soo celiyo. Arrintanina waxey timid xilli labada gole ee Mareykanka ay gacanta ku hayaan xisbiga Diqmoraadiga oo siyaasada Bush ee arrimaha dibada la aamisan yahay iney wax uun ka badali doonaan.

Xoogsato reer Ciraaq oo maanta siyaalo kala duwan loogu dilay dalkaasi

Sida ay sheegayaan illo ka tirsan cisbitaalada magaalada Bakhdaad ayaa waxaa shalay siyaalo kala duwan duwan loogu dilay dhowr iyo toban qof oo xamaalo ah kuwaasoo bas ay la socdeen loo galay wadada . Weerarada lala beegsado shacabka muddo lix bilood ah waxa uu sadex jibaarmay in ka badan 17.000 oo iskugu jira rayid iyo ciidanka booliska dalkaasi ayaa la dilay sidey sheegtay jariidada Washington Post oo heshay nuqul kamid ah warbixin sir ah oo laga diyaariyey dadka dalkaasi lugu dilay. Balse warbixin kale oo ay Qaramada Midoobey ka diyaarisay dalkaasi ayaa tiro taa ka duwan muujineyso walow tiradaasi ay kor u dhaafayaan 28.000 tobankii bilood ee ugu horeysay.


 Jan 7, 2007

Indooniisiya oo weli la la' yahay diyaarad hawadeeda ku dhuntay

Diyaarad kuwa rakaabka qaada oo laga leeyahay dalka Indooniisiya bishan horaanteediina ku dhuntay hawada dalkaasi ayaa weli la la'yahay, iyadoo diyaaradaasi dadkii saarna lugu qiyaasay tiradooda 101. Toddobaadkii horena hadal ay dowlada dalkaasi ku sheegtay in diyaaradaasi la helay ayaa dib uga laabatay hadalkaasi iyadoo weli baadi goob loogu jirro diyaaradaasi.
Qubaro mareykan ah ayaa haatan dalkaasi u kictimay si ay dowlada u siiyaan gacan islamarkaasina loo heloo diyaarada. Diyaaradan ayaa la runsan yahay iney ku dhuntay inta u dhaxeysa hawada Surabaya iyo Java ee deegaanka manado ee gobolka Sulawesi. Bilowgii shagaashameeyadiina sadex jeer ayaa diyaaradaha dalkaasi mid kamid ah la waayey ilaa haatana lama oga halka ay jaan iyo cirib dhigtay.

Koox mutadawaciin ameerikaan ah oo ku banaanbaxaya Guantanamo bay

Kooxo rayid ah islamarkaasina ah mutadawaciin u dhashay dalkaasi mareykanka ayaa lugu wadaa iney banaanbax ay ugu soo horjeedaa siyaasada qalifsan ee lugu hayo maxaabiista ku xiran xabsiga Guantanamo bey ee jasiirada Kuba kuwaasoo ah badidooda muslimiin laga soo qab qabtay dalkaasi Afgaanistaan luguna sheegay iney yihiin argagaxiso.
Kooxahan mutadawaciin ah oo soo gaaray dalkaasi Kuba ayaa sheegay iney ku faraxsan yihin imaatinkooda dalkaasi Kuba oo aan xirriir wanaagsan la laheyn xukuumada Washington. Haweeneyda la yiraahdo Cindy Shaheen oo wiilkeeda lugu dilay dalka Ciraaq kana qeyb qaadan doonta bananabaxaasi ayaa tilmaantay iney aad uga wel welsan tahay siyaasada dalkeeda ee dagaalka Ciraaq taasoo howlaha ay halkaasi ka wadaan yihiin kuwo dhib u keenay ciidamada.

Haweeneydani oo sanadkii hore si weyn dunida caan uga noqotay sida ay uga soo horjeeda dagaalka Ciraaq ayaa u sheegtay suxufiiyiinta ineysan ka cabsaneyn ganaax laga yaabo in loo soo diro markey dalkeeda ku laabato taasoo ah mid quseysa muwaadiniinta Mareykanka ee aada dalkaasi oo iyagu u baahan iney helaan ogolaansho qaas. "Ma cabsanayo waxaanse ka wel welayaa xaquuqul insaanka ay dalkeyga ku tumanayaan kana dhigeyso kuwo dambiilayaal ah" ayey tiri haweeneydan iyo kooxda ay la socotay oo dowlada Havanna ay siisay ogolaansho ay ku bananabaxaan maalinta khamiista ah ee fooda inugu oo heysa. Xabsigaasi ayaa haatan muddo shan sanno ah waxaa ku xiran dad maamulka Washington ku sheegeen argagaxiso kuwaasoo aan ilaa iyo haatan wax cadaalad ah la soo hortaagin.

____________
Jan 6, 2007

Filibiin oo sheegtay iney dishay lix ka tirsan kooxaha Abusayaaf

Ciidamada dalkaasi Filibiin ee dagaalka kula jirro dagaalyahanada hubeysan ee Abusayaaf ayaa sheegay iney lix kamid ahi ay dileen kaasoo uu ku jiray mid kamid ah oo ay Mareykanku doon doonayeen. Ciidamada ayaa sheegay in dilkaasi uu dhacay markii ay tacshiirado isku weydaarsadeen deegan jasiirado yar yar ah oo la yiraahdo Tawi- tawi oo xaga koonfur galbeed dalkaasi kaga xigta. Kooxdan Abusayaaf ayaa lugu eedeynaya iney xirriir la leedahay urrurka Alqaacida ee sida Mareykanku ku eedeyo inuu ku lug lahaa qaraxyadii loo geystay dalkaasi sanadkii 2001-da. Kasokow taasi kooxdan ayaa sanadkii 2002-da ay dalkaasi Filibiin waxey ka afduubteen daxiisayaal dalkaasi ku sugaan oo tiradooda markaasi dhameyd 17 ruux oo ay midkood dileen.

Ruushka oo suuqa shaqada u fureysa dadka ajaanibta ah ee dalkeeda jooga

Dowlada Ruushka ayaa haatan la sheegay iney qorsheyneyso sidey dadka ajaniga ah ee dalkeeda ku nool ugu furi laheyd suuqa shaqada, taasoo ah mid looga gol leeyahay in lugu badbaadiyo lacagaha canshuurta ah dalka dibadiisa . Dowlada ayaa sidoo kale la sheegay in haatan miiska u saaran yahay qorshe lugu doonayo in lix malyahan oo kamid ah dadka loo yaqaano martida la shaqaaleysiiyo kadibna la barbardhigo hal malyan.Arrintanina waa hindise ay katimid madaxa xarunta dhaxe ee suuqa shaqada dowladu leedahay oo idaacada Sweden qeybteeda wararka u waramayey.

Guud ahaan dalkaasi Ruushka shaqaalaha ajanabiga ah ee ku sugan ayaa gaaraya halman 180.000 oo kamid ahi ka yimaadeen dalka Ruushka halka inta kalena ay yihiin dalalkii la oran jiray Midowga Soofiyeeti. Balse dowladu ayaa sheegtay iney xisaabisay 10 malyan oo kale oo ajanabi ah ay si suuq madow ah ku shaqeeyaan iyagoo intooda badana ay yihiin kuwo aan laheyn sharci ku jooga dalkaasi.


Jan 5, 2007

Dad reer Kuba ah oo loo diiday iney seexdaan Hotelo kamid hoteelada Iskaandaneefiyaanka

Dowlada Kuba ayaa qaar ka tirsan dalalka Yurub ku eedeysay iney cadaadiska maamulka Washington ku heyso ay dhinacoodana kala qeb qaateen, kadib markii wefdi reer kuba oo ganacsi ahaan u yimid dalka Norway loo diiday iney hotelka la yiraahdo Scandic seexdaan. Hoteeladan oo hoos taga hotel Hilton ayaa sheegay iney amuurtani qeyb ka tahay cuno qabateynta xagga dhaqaalaha ee ka dhanka ah Kuba.

Christina Karlegran oo ah u qeybsanaha warfaafinta hoteelada Scandic iyo Hilton ee dalalka Iskaandaneefiyanka ayaa sheegay Sweden xitaa ay hadey iman lahaayeen wefdigaasi ganacsi loo diidi lahaa. Inkastoo mas'uuliyiinta dowlada Sweden ee xagga ganacsiga u qaabilsan ay amuurtaasi kasoo saareen eedeyn ay u soo jeediyeen.

Haweeney Afrikaan ah oo noqoneysa ku xigeen xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey


Wasiirka arrimaha dibada Tansaaniya haweeneyda la yiraahdo AshaRose Migiro ayaa noqoneysa ku xigeenka xoghayaha guud ee Gollaha Amaanka, kadib markii u doortay Xoghahaya guud ee dhawaantan xilka qabtay Ban Ki- Moon iyadoo taas lafteeda qeyb ka ah sida uu xoghayaha u doonayo in doorshada dambe ee jagada xoghayanimo uu isku soo sharxo nin Afrikaan ah.

Ban Ki- Moon ayaa dhowr qof oo sodomeeyo gaaraya ka codsaday iney la yimaadaan qorshe ay gollaha ku howlgasho luguna balaarinayo sida laga soo xigtay ilo ka tirsan Qaramada Midobey. Qaar kamid ah raggaasi ayaa si rasmi ah loo shaacin doona bisha feberaayo ee fooda inugu soo heyso. Iyadoo qaarkodna ay shaqooyinkooda sare ay heysan doonaan. Haweeneydan loo doortay ku xigeenimada xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee noqoto ama jagadaasi qabata kadib markii Koofi Cannan ka baxay meesha.

Imaam lugu dilay jiida Qaza

Imaamka masjid ku yaala magaalada Qaza ee dhulka falastiinyiinta ayaa la dilay kadib salaadii qudbada jimcaha. Inkastoo aysan jiray sabab la xirriirta oo li dilay wadaadkaasi, hadana waxaa la sheegaya inuu eersaday heshiis uu sheegay iney haboon tahay inuu dhex marro urrurada Tafax iyo Xamas. Dilka imaamkan ayaa timid xilli ay markii ugu horeysay ay weji ka weji u kulmeen intii muddo ah labada hogaamiye ee Maxamuud Cabbas iyo Axmed Haniyah oo ka wadahadlayey sidii loo xalin lahaa xiisada u dhaxeysa falastiinyiinta dhexdeeda.
 


Jan 4, 2007

Israa'iil oo raaligareyn ka bixisay weeraro ay maanta ka geysatay Raamalah ee dhulka falastiiniyinta

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil oo haatan booqasho ku jooga magaalada Sharam El-Sheikh ee dalka Masar ayaa raali gareyn ka bixiyey weeraro meleteri oo ciidamadiisa ka fuliyeen deegaanka Raamalah ee dhulka Falastiinyiinta taasoo ay ku dhinteen afar falastinyiin ah.Weerarakaasi ayaa keenay in madaxweyne Mubaarak-ga Masar oo ka xumaado islamarkaasina Israa'iil ku canaantay falkaasi waxshnimada leh ee ay maanta ku dishay dad rayid ah. Israa'iil ayaa maanta howlgal balaaran oo ay ka fulisay deegaanka Raamalah ku dishay afar falastiiniyiin ah islamarkaasina ay ku dhaawacmeen dad gaaraya labataneeyo ruux. Haweeney u hadashay ciidamada Israa'iil ayaa sheegtay in maanta howlgalkaasi ay ku qabteen afar nin oo baadigoob loogu jiray.

Mulaax Cumarkii Afgaanistaan oo sheegay inaanu arag Osama Bin Laadin tan iyo sanadkii 2001-da


Hogaamiyihii hore Talaalibaan ee dalkaasi Afgaanistaan Mulaax Cumar ayaa sheegay inuusan arag hogaamiyii Alqaacida ee Usama Bin Laadin kaasoo la aamisan yahay inuu ku sugan yahay dhulka buuraleyda ah ee dalkaasi.Mulaax Cumar oo wakalaada wararka Rueters u diray fariin xagga e-mail-ka ah ayaa laga soo xigtay inuu sidaasi yiri. Wakaalada ayaa sidoo kale sheegtay in su'aalo tirro badan oo ay u direen ayuu ugu soo jawaabay "Inuusan isku dayin la kulanka Bin Laadin in dhawaale balse uu caafimaad iyo nabadgalyo u rajeynayo"

Bin Laadin oo ah hogaamiyii Alqaacida ayaa dalka Mareykanka iyo reer galbeedkuba ku eedeynayaan inuu ka dambeeyo weeraradii loogeystay dalkaasi Mareykanka. Kasokow arrintaasi eedeynta ah Mulaax waxa uu sodey u yahay Bin Laadin oo gabadhiisa ku daray. Aragti ahaana markii ugu dambeysay waxey aheyd markii uu farriin cod ah u soo diray telefeyshinka Al-jazeera oo kaga hadlayey doorashada Mareykanka iyo isbadalada dunida muslinka wajahay. Wargeys kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa bishii september ee sanadkii hore waxa uu qoray in Bin Laadin u geeriyooday cudurka Tiifowga, balse ma jirto warar madax banaan oo xaqiijiyey arrintaasi iyadoo tanina aysan ka duwaneyn hadalo noocan oo kale oo ay dowlada Pakistaan horey u shaacisay.

Inkastoo aan la ogeyn labadan hogaamiye halkey jaan iyo cirib dhigeen hadana dowlada Pakistaan waxey sheegeysa in Bin Laadin aanu joogin Afgaanisteen ee ku sugan yahay deegaanka loo yaqaano Quetta.

Israa'iil oo casileysa wasiirkeedii Gaashaandhiga


Ra'iisal wasaaraha Yahuuda Ehut Olmert ayaa maanta go'aansaday inuu casilo wasiirkiisa Gaashaandhiga kadib markii la sheegay in eedo badan uga timid qeybaha kala duwan ee Bulshada. Telefeyshinka dalkaasi ee Channel 2 oo amuurtan shaaciyey ayaa sheegay in ra'iisal wasaaruhu yiri "haddii aanu isagu is casilin wasiirkaasi oo uusan jego kale qaban aniga ayaa jagada ka qaadaya" Wakaalada AP-na ay si xog ogaal ahaana uga xaqiijisay xafiiska wasiirkaasi.

Amir Peretz oo ah wasiirka Gaashandhiga dalkaasi ayaa waxaa eedo badan uga timid dagaalii Lubnaan lugu qaaday taasoo sida dowlada dalkaasi ay dooneyso aanu dhicin lugu eedeynayo inuu dowr ka qaatay waayo aragnimo la'aanta dagaalkaasi.Mana jirto baa la yiri wax xog ogaalnimo ah oo la xirriira arrimaha meleteriga ee u leeyahay balse ra'iisal wasaaraha dalkaasi ayaa siinaya fursad kale oo dolwadiisa uga midn noqon karro.


Jan 3, 2007

Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee dalka Suudaan oo falal xadgudub ah ku kacay

Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala dalka Suudaan ayaa laga soo sheegaya iney falal xadgudub ah ku sameeyeen carruurta yar yar ee dalkaasi. Jariidada The Daily Telegraph oo amuurtan ku soo daabacay boggiisa internet-ka ayaa sheegay in falalkn oo iskugu jira kufsi iyo falal kale ay shaqaalaha Q Midoobey ka geysteen deegaanka Juba ee dalkaasi.

Wargeyska oo amuurtan kasii hadlaya ayaa sheegay in macluumaad faro badan uu ka arruuriyey labataaneeyo dhalinyarro kuwaaso u sheegay in shaqaalaha oo iskugu jira kuwa caadi ah iyo askarba ay geysteen falalkaasi kufsi iyo jirdilka lehba. Mana jirto ilaa iyo hada wax war ah oo kasoo baxay Qaramada Midoobey ee la xirriira warka ay qortay jariidadu.

FBI-da oo heshay warbixino la xirriira falal ka dhacay xabsiga Guantanamo bay

Hey'ada FBI-da ee dalka Mareykanka ayaa heshay warbixino laga soo aruurshay xabsiga Guantanamo bay ee jasiirada Kuba. Warbixinadan oo ka kooban 26 warbixinadood ayaa sheegaya in xabsigaasi maxaabiista ku jirta si xun loola dhaqmay. Haweeney halkaasi ka shaqeysa ayaa la sheegay in nin maxbuus ah ay kula kacday falal xaga jinsiga ah (kuwo damac ahaaneed) islamarkasina ay dhiig marisay wejiga. Mid kale oo kamid ah maxaabiista halkaasi ku xiran ayaa isagana la sheegay madaxa loo geliyey bac qalin ah kadib markii uu xusay cadad kamid ah Quraanka karrimka.

Warbixintan ay soo gudbisay hey'ada FBI-da ayaa waxaa codsaday hey'ada u dooda xaquuqda aadanaha oo la yiraahdo American Civil Liberties Union oo iyadu horey dacwad ka dhan ah wasiirkii hore ee gaashaandhiga dalkaasi Donald Rumsfeld, iyadoo sidoo kale ay hey'adaaasi sugeyso go'aan dacwadeed oo la xirriira iney dacwadey ku soogtay wasiirkaasi la qaado iyo in kale.


Jan 2, 2007

Wadadahalkii nabada ee kooxdaha ETA oo burburay

Dowlada Isbeyn ayaa shaaca ka qaaday inuu gebi ahanaba burburay wadahaladii nabada ee kala dhaxeeyey kooxaha gooni u goosadka ETA.
Arrintana ayaa timid markii muraacadka dalkasi ay dowlada ku cadaadisay iney talaabo ka qaado amuurtan ayaa wasiirka arrimaha gudaha Alfredo Perez Rubalcaba. "Kooxaha ETA ayaa jebiyey heshiiskii" ayuu yiri Alfredo. Iyadoo ra'iisal wasaaraha dalkaasina José Luis Rodríguez Zapatero uu dhawaan sheegay in wadahadalada kooxahaasi uu yahay mid qabow oo inta uu sii jiri karro la ogaan karro.

Waxaana uu haatan sheegay ra'iisal wasaarahu in haatan uu wadahadal la galayo asxaabta siyaasadeed si loo soo bandhigo isiraajiyad lugula dagaalo ETA. Dhamaadkii toddobaadkii hore ayey aheyd markii meel gawaarida la dhigo oo kamid ah Ayraboorka Madrid ay ku qarax bambaamo aan qasaaro sidaas ahi geysan taasoo ay sheegteen mas'uuliyadeedii kooxaha ETA.

Carruur reer Maali ah oo laga badbaadiyey adoonsinimo

Carruur u dhashay dalkaasi Maali ayaa la sheegay in laga bad baadiyey adoonsinimo loogu waday dalka Evry Cost. Carruurtan oo tiradoodu aheyd kow iyo toban ayaa gaari weyn si dhuumaaleysi ah dalkaasi loogu waday, sidoo kale ayaa la sheegay in sadex nin oo howshan ku jiray ayaa la qabtay mid kamid ah kaasoo ahaa darawalka gaariga carruurtaasi saarnaayeen waday halka labada kale ay baxsadeen. Arrintani waxey timid markii dadka deegaanada carruurtaasi laga kaxeeyey ay dowlada ku wargeliyeen sidaasina lugu qabtay ninkaasi.
Carruurta lugu shaqeeyo ee siyaalaha kala duwan loo adeegsaado ayaa ah dhibaatooyin ka jira dalalka ku yaala Afrika galbeed, waxaana carruurtaasi qaarkood la xadaa iyagoo sadex jirro ah kuwaaso durba lugu shaqeeyo qaarkoodna kufsi iyo jirdil loogu dhaqaaqo.


Jan 1, 2007

Qaar katirsan dalalka Yurubtii bari oo Midowga Yurub ku soo biiray

Qaar ka tirsan wadamadii Yurubta bari ayaa waxey habeenimadii soo galaysay sanadka cusub ee 2007-da ku soo biireen dalalka Bah wadaagta Midowga Yurub. Dalalkan ayaa waxaa ay kala yihiin Roomaaniya iyo Bulgaariya kuwaasoo sharuudo adag kadib la aqbalay codsigoodii sidaasina ku noqday labadii wadan ee ugu dambeeyey ee ku biira kuwaasoo dhamaantood noqonaya 27 dal.

Magaalooyin madaxda dalalkaasi Sofiya iyo Buqaris ayaa waxaa ka dhacay xaflado iyo damaashaadyo lugu maamuusayey ku biirista dalalkaasi oo wax ka badali doonto hanaankooda siyaasadeed ee ku dhisnaa shuuciyada. Sidoo kale dalalkaasi ayaa waxaa heystay dhibaatooyin ay kamid yihiin masuqmaasunimo iyo dhaqaalaha oo aad u liita. Dalalkan ayaa sido kale looga fadhiya iney wax ka qabtaan xaduudaha kuwaasoo ay qaxooti badani laga baqayo iney ka soo jabaan.

Dalka Islofeeniya ayaa isagana waxa uu qaatay lacagta ay dalalka Yurub leeyihiin Yuurada loo yaqaano. Dowlada Turkiga oo xuduud dhul ahaaneed la leh Asiya iyo Yurub ayaan weli suuragal u noqon iney dalalkaasi ku biirto sababo la xirriira dadka Islaamka ah oo dalkaasi ku badan.

Diyaarad rakaab ah oo ku dhuntay hawada Indooniisiya

Diyaarad kuwa rakaabka ah oo ay saarnaayeen dad gaaraya boqol qof ayaa la sheegay iney ku dhuntay hawada dalkaasi Indoonisiya.Diyaaradan oo la sheegay iney kasoo kictintay garoon ku yaala Surabaya oo ka tirsan deegaanada jasiirada Java, waxaana ay ku sii jeeday Manadeo oo iyadana ku taala jasiirada Sulawesi. Inkastoo aan la sheegin halkey jaan iyo cirib dhigtay diyaaradan hadana waxaa warkaada la maqlay markii xirriirkii duuliyaha uu la lahaa qolyaha duulimaadyada diyaaradaha.

Diyaaradan ayaa la yiraahda magaceeda Adam Air, waxaana ay kamid tahay diyaaradaha dalka gudihiisa ka shaqeeya kuwaaso ah kuwa ugu raqiisan. Sidoo kale diyaaradaha ay shirkadaasi adeegsato ayaa ah kuwo lugu soo farsameeyey dalka Mareykanka kuwaasoo cadadooda dhan tahay labateenyo mana la sheegin shirkadaasi qorshaha ugu jiro iney toboneeyo kale ku soo darto.

Mareykanka oo ciidamada looga dilay Ciraaq ay gaarayaan 3000 oo askari

Madaxweyne Bush-ka dalkaasi Mareykanka ayaan ilaa iyo haatan sheegin goorta ciidamadiisa maalin walba uga dhinta Ciraaq la soo bixi doono balse waxa uu sheegay iney sii joogayaan dalkaasi tan iyo xaalka dalkaasi ka soo reynayo iyadoo tirada ciidamo ee dalkaasi uga dhintaana ay sii kordheys.

Habeenimadii sanadka cusub ee 2007-da ayaa si rasmi ah loo sheegay ciidamada Mareykanka ee kaga dhintay dalkaasi kuwaasoo gaaraya 3000 askari. Arintanina waxey murugo ku keentay dadka Mareykanka ah oo iyagu gebi ahaanba kasoo horjeeda joogitaanka ciidamadooda ee dalkaasi maalin maalinta ka dambeysa lugu dilayo. Madaxweyne Bush-ka dalkaasi oo lugu waday inuu soo bandhigo istiraajiyada siyaasadeed oo dalkaasi wadciga uu ku jiro wax looga badalayo maalmahana uu hadal hayey ayaa dib loo dhigay tan iyo dhamaadka bishan janaayo ee aynu ku jirno.

Xaalka Ciraaq ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxa uu lugaha la galayaa dhiig badan oo ku daata, dhamaadkii sanadkii hore ee 2006-dana waxaa dil del delid ah lugu fuliyey madaxweynihii hore ee dalkaasi Saddaam Xuseen iyadoo caalamka gebi ahaanba ay ku noqotay mucjiso sida deg dega ah loogu fuliyey waxaana loo arakayey arrin siyaasadeed oo indhaha caalamka laga duwayey. Balse warar ay qoreen wakaaladaha wararka ayaa sheegay in Mareykanku uu ka cararayo mas'uuliyada dilka Sadaam Xuseen islamarkaasina uu dusha u saaray ra'iisal wasaaraha Ciraaq ee Nuural Maaliki.

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH