SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maanta iyo wararka Caalamka

Dec 30, 2006

Saddaam Xuseen oo la dal dalay iyo rabshadihii oo dalkaasi weli kasoo socdaan

Dad badan oo reer Ciraaq ah gaar ahaan shiicada iyo Kurdida dalkaasi ayaa maanta u aheyd maalin farxadeed iyo gaado ka ciyaar kadib markii ay maanta soo afjarantay noloshii Saddaam Xuseen ee dunida. Saddaam Xuseen oo muddo 55 maalmood ka hor maxkamad ku taalo dalkaasi ay ku xukuntay dil ayaa maanta arrintaasi si rasmi ah u howlagashay iyadoo meydkiisiina loo qaaday magaalada uu ku dhashay Tikrid.

Wadamada xooga ku qasbaday Mareykanka, Ingiriiska iyo dowlada maqaar saarka ah ee gumeystuhu meesha soo dhigay ayaa aad u soo dhaweeyey waxaana ay sheegen in tani tahay mid Ciraaq u horseyda daganaasho iyo nabadgalo. Ra'iisal wasaaraha dalkaasina waxaa uu sheegay kadib dilistii Saddaam Xuseen in xubnihii Bacth-ka ee aan dhiig gacmahooda la gelin waa sida uu dhigaye hadal ay albaabada u furan yihiin kuwaaso buu yiri waxey ka qeyb qaadan karaan dib u dhiska dalka.

Dhinaca kale maanta dalkaasi waxaa ka dhacay rabshado ay dad sodomeeyo qof ku dhinteen kuwaasoo iyagoo ka adeeganyey suuqa ku yeela deegaanka Kuufa ee koonfurta dalkaasi ku ag qarxay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxshay oo dadkaasi lala beegsaday.Sidoo kale dhinaca waqooyi ee magaalada Bakhdad ayaa iyadana afartaneeyo dad ah ku dhinteen markii baabuur miino ka buuxdo lala beegsaday. Arrimahana waxey qeyb ka yihiin marka maanta si gaar ahaaneed looga bixiyo kuwii dalkaasi horey ugu jiray ee shiicada iyo sunniyiinta dalkaasi isla beegsanayeen.
Dunida Islaamka iyo reer galbeedka ayaa siyaalo kala duwan uga hadlay dilka Saddaam Xuseen oo ay intooda badan isku raaceen inaaney xasaradaha dalkaasi ka jira aaney wax ka badaleyn dilista Saddaam Xuseenkii dalkaasi lugu duulay.

Jabhada ETA oo qarax bambaamo la beegsaday gegida diyaaradaha Madrid ee dalkaasi Isbeyn

Jabhada ka dagaalanta dalkaasi Isbeyn ee ATA dhawaana heshiis xabad joojin ah la gashay dowlada dalkaasi ayaa ka baxday heshiiskaasi gebi ahaanba, kadib markii saaka aroortii ay qarax bambaano la beegsatay garoonka caalamiga ah ee ku yaala magaalada caasimada ah ee Madrid garoonkaasi la yiraahdo Barajas.
Inkasto qaraxani ka dhacay meel gawaarida la dhigto oo garoonka aan ka baxsaneyn hadana dowlada dalkaasi oo amuurtaasi ku eedeyneysa ATA ayaa sheegtay ineysan ATA laheyn qowl oo ay dhowr jeer ka baxay heshiisyo ay dowlada la gshay. Amuurtanina waxey dad badan ku abuurtay qalbi jab iyagoo rajo ka qabay iney soo afjaranto weerarada isbiidaaminta ah ee Jabhadaasi gooni isku taaga dooneysa.

ETA waxey sidoo kale caan ku aheyd iney digniino u dirto dowlada qaraxyadeeda la xirriira kuwaasoo inta badan ahaan jiray kuwo ay qasaarooyinkooda yar tahay balse inta weeraradaasi u dhimatay ayaa la sheegaya iney gaarayaan 800 ruux.


DEC 29, 2006

Banka Carafo oo ay shalay istaageen sadex malyan oo xujeey ah

Maalinta Banka Carafo oo ah maalintaa ugu fadliga badan maalmaha inta lugu jirro gudashada, waxey sidoo kale maalintaas iyo guud ahaan bishanba tahay tiirka shanaad ee Arkaanul Islaamka.
Hadaba maanta oo ah maalinta sagaaleed ee bisha carafo ayaa in ka badan 3 malyan oo muslimiinta dunida ku nooli ay iskugu yimaadeen Buurta Carafa oo ah halkii uu Nabi Maxamed CSW ugu qudbadeeyey musliimta ka hor intaan u galban xagga loo badan yahay ee daarta Aakhira. Rasuulkeena oo maalintaas ka hadlaya ayaa inoo sheegay iney tahay maalin qiimo leh isagoo yiri "Xajul carafah" (Xajku waa maalinta Carafo).

Guud ahaan xajka sanadkan oo ay dowlada Sacuudiga amingeeda aad u adkeysay ayaan wax dhibaato ah ka dhicin iyadoo guud ahaan muslimiinta caalamka ee iskugu tagay dhulkaasi Daahirka ah ay si wanaagsan u guteen islamarkaasina ay u gudan doonaan. Beritana/maanta waa maalin ciid ah oo ay guud ahaan ummadda islaamka si weyn u ciidayaan.
Hadaan nahay bahda SomaliTalk waxaan ummadda Soomaaliyeed ee islaamka ah leenahay ciid wanaagsan, waxaan sidoo kalena rajeyneynaa in gumeystaha madow ee dhulkeena qabsaday ay ka bixi doonaan waqtiga ugu sokeeya haddii Alla idmo.

Shiinaha oo ay ku soo badanayo adeegsiga Internet

Dalka shiinaha ayaa dadyowga ku nooli adeegsiga ay Internet-ka isitcmaalaan ay gaartay boqolkiiba 30, iyadoo in ka badan 132 milyan oo dad ah ay adeegsadaan.Hadalkan ay sheegtay wakaalada wararka dalkaasi u wareyso ayaa intaasi hadalkeeda ku dartay in sanad barkiis ay tiro intaas la eg gaartay. wakaalada ayaa sidoo sheegay in dadka shiinaha ay haatan awood u yeesheen iney guryaha soo dhigeen box-yada (santuuqyada) internetka ah ee loo yaqaano Browband, sidoo wax ka iibsashada internet-ka ayaa iyadana gaaray heerkii ugu sareysay ee dalakasi. Dowladana waxey amuurtan ku sheegtay talaabo wax ku ool ah iyo homar laga gaaray waxbarashada iyo teknolijiyada.

Dad xasuus ka geystay Rwanda oo London lugu qabtay

Afar nin oo u dhashay dalka Rwanda ayaa dalka Ingiriiska lugu qabtay maalinimadii shalay aheyd kuwaasoo lugu eedeynayo iney xasuuq ka geysteen dalka Rwanda. Raggan lugu qabtay London ayaa timid markii dowlada dalkaasi ay codsatay in dib loogu soo celiyo dalkeeda. Waxaana ay kala ahaayeen dhaqaatiir iyo gudoomiyeyaal gobol oo dalkaasi ah gaar ahaan deegaanadii lugu laayey dadka Tuutsiga ee sida xun loo gumaaday. waxaana lugu wadaa in maxkamad bisha soo socoto dabayaaqadeeda lugu soo saaro magaalada London ee dalka Ingiriiska.


Dec 29, 2006

Ruushka oo farta ku fiiqday nin ay ku tuhmeyso basaasihii Alexandr Litvinenko ee London lugu dilay

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Ruushka ayaa farta ku fiiqay ninka lugu magacaabo Leonid Nevzlin oo isagu ah ninkii lahaa shirkada shidaaleed oo magaceeda la yiraahdo Yukos.
"Nuqul kamid ah marka eego waxa ay codsadeen (suntaas) waxaa weeye isla dadkii gacan ku dhiigle yaasha ahaa ee liiska caalamka ku jira dadka la baadigoobayo kuwaasina waa kan ninka lugu magacaabo Nevzlin" ayuu yiri xeer ilaaliyaha oo farta ku fiiqaya koox ninkaasi ku jira oo lugu tuhmayo dilkii ay gesyteen.

Nevzlin waa nin maal qabeen ah oo shidaalka dalkaas qeyb ka ahaa, haatanse ku nool dalka Israa'iil ayaa kal hore waxa uu iska fogeeyey eedeymahaasi ah inuu ku lug leeyahay dilka ninkaasi. Afhayeen u hadlay Nevzlin waxa uu sheegay in sirdoonkii KGB ee Ruushka aqoon caalamku leeyahay islamarkaasina ay iyaga yihiin kuwii ka dambeeyey isagoo ka fogeynaya eedeymaha uu xeer ilaaliyaha sheegay.

Ilaa iyo hada ma jirto cid rasmi ah oo amurtaasi loo heysto marka laga reebo in shaqsiyaad sirdoonka ruushka ka tirsan iyo maalqabeeno lugu eedeynayo ninkaasi ka tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka oo bishii November lugu qaarajiyey magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ingiriiska iyo Mareykanka oo ogolaaday in Soomaaliya gumeyste cusub loo keeno

Waxey ku sheegeen Gollaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa ku guul darreystay in ciidamada gumeystaha madow ee dalka Soomaaliya ku duulay ka dhaa dhacsiiso iney ka baxaan islamarkaasina joojiyaan dagaalka ay ka wadaan.
Balse Mareykanka oo la aaminsan yahay inuu yahay cadowga soo jireenka ah ee Islaamka iyo xulafadiisa Ingiriiska ayaa is hortaagay in gollaha ka qaato go'aan mideysan oo amuurtaasi la xirriirra kadib markii ay ku taageereen qorsha Meles ee Soomaaliya ku qabsaday isagoo aan dowlad la dirririn ee koox jabhad ah la dagaalay.
Mareykanka oo tan iyo markii dalkiisa weeraro lugu qaaday xasaasiyad aad u balaaran ka qaaday Islaamka ayaa Soomaaliya noqotay liiska dalka Sedexaad ee qorshaha ka dhanka ah Islaamka ka fuli doono, taasoo u soo adeegsaday cadowga gaar ahaaneed ee ummaddu laheyd.
Shacabka Soomaaliyeed intooda damiirka leh ma ilaawin doonaan 28 12.2006 oo ah maalin taariikh madow baal ka gashay markii cadowgii soo jireenka ahaa ee ay dalka soo galeen iyagoo y garwadeen u yihiin shaqsiyaad sharaftood wadanimo ku qubeystay. Waxaase la iweydiinaya ma ku nagaan doonaan Amxaarada iyo kuwa taangida amxaaro keentay ee dowlada faashilka ah.


 Dec 25, 2006

Masar oo markale kasoo labo kacleeyey dureyga shimbiraha

Wararka ka imanaya magaalada Khaahira ee dalka Masaarida haweeney masaari ay u geeriyootay xalli ay haweeneydaasi dhaqtarkaasi ku mashquulsanayeen wax ka qabashada cudurkaasi ku dhashay iyada iyo labada walaaleed.Haweeneydan oo bishan 17-keedii cisbitaalka la dhigay ayaa shaqaatiirtu sheegeen in markii hore aan la fahmin jirada heysay balse maalmihii ugu dambeeyey ayaa dhaqaatiirtu ogaadeen cudurkaas soo rotay iyadoo markii hore aysan sheegin iney meelaha ay xirriirka kula yeelatay digaagadaha.

Haweeneydan ku geeriyootay dalka Masar maalintii shalay aheyd ayaa ka dhigeysa tirada guud ee dadka u dhintay 8 ruux tan iyo bishii feberaayo ee sanadkan markii dalkaasi laga helay hargabka shimbiraha.

Ra'iisal wasaaraha Israa'iil oo u muuqda mid fulinaya balimii uu ka qaaday Abuu Maazin

Ra'iisal wasaaraha Yahuuda Ehut Olmert ayaa maanta gollihiisa wasiirada kala munaaqishooday sida laga yeeli lahaa natiijadii ka soo baxday kulankii uu la yeeshay madaxweynaha Falastiinyiinta Maxamuud Cabbaas Abuu Maazin islamarkaasina balantii uu ku soo qaaday u fulin lahaa.
Durba wasiirka Gaashaandhiga ayuu ka codsaday in dhowr fariisimo oo ku yaalo Raamalah ka qaado xayidaadi iyo jid gooyadii ay ku soo rogeen, kuwaasoo ay ku jireen kuwo xayiraado lugu soo rigay bilowgii shagaashameeyadii taasoo labada qeybood ay kala maamuli jireen. Balse sanadkii 2002 ayey dib u qabsatay markale deeganadaasi taasoo ay iyadana gebi ahaan kontorooli jirtay. Urruro lugu sheegay iney yihiin xaquuq Insaanka ayaa cambaareyn ka muujiyey kulankii labada hogaamiye ay ku yeesheen magaalada Qudus iyadoo rajeynayey in xayiraada dhul ahaaneed ee Yahuudu ku soo rogtay Fasltiiniinta kor u dhaafeen 400 aan la qaadin halka laga qaaday 27 bar koontorooleedyo.

Sidoo kale ra'iisal wasaaraha Yahuuda waxa uu dabciyey hey'adaha gargaarka iyo ganacsatada Falastiinyiinta iney si sahal ah uga soo gudbi karaan xadka kala bara labada dhinac. Dad badan oo siyaasada indho indheeya ayaa arrintan ku tilmaamay rajo wanaagsan oo dar dar gelineysa wadahaladii nabada ee bur buray ee u dhaxeeyey Falastiin iyo Israa'iil.

Dec 24, 2006

Masar oo loo ogolaaday iney hubeyso ilaalada madaxweynaha Falastiiniyiinta

Dabcan inkasta uu yahay hindi ay horey Masar ugu timid in la hubeeyo ilaalada gaarka haya madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas (Abuu Maazin) ayaa ugu dambeyntii waxaa Israa'iil ay ogolaatay arrintaasi, sidaasi waxaa qoray wargeyska afka dheer ee kasoo baxa Israa'iil kaasoo la yiraahdo Haaretz.Inkastoo go'aankani yahay mid ay soo dhaweeyeen maamulka Abuu Maazin hadana waxaan la ogeyn qaabka loo hubeyn doono ilaaladaasi.

Dhinaca kalena dowlada Israa'iil ayaa maanta xayiraada ka qaaday lacag gaareysa 100.000 oo malyan taasoo horey ay xayiraad ugu soo rogtay markii dooroshooyinka guud ee dalkaasi Xamaas ay ku guuleysatay. Sidoo kale ayaa waxaa Israa'iil ay sheegtay iney ka qaadeyso xayiraada wadooyinkii ay go'doomisay ee Daanta Galbeed, amuurtanina waxey timid markii labada hogaamiye ee Yahuuda iyo Falastiinyiintu shalay kulan ku yeesheen magaalada Qudus ee la heysto. Balse arrinta ugu muhiimsan ee la xirriirta maxaabiista lakal heysto ayaaan la isla soo hadal qaadin.

Iiraan oo gaashaanka ku dhifatay go'aankii kasoo baxay Gollaha Amaanka

Madaxweynaha dalka Iiraan Axmedinejaad ayaa gaashaanka ku dhiftay go'aankii shalay Gollaha Amaanku ku gaaray in cuno qabateyn la xirriira hormartinta barnaamijkeeda nukliyeerka la saaro, waxaana uu go'aankaasi ku tilmaamay mid "warqad qashin ah".
Waxa uu sheegay in shan iyo tobankii wadan ee u codeeyey go'aankaasi ay ka shaleyn doonaa, isagoo sidoo kalena shegay in dowladaha reer Yurub ay dhumiyeen isku soo dhawaanshihii u dhaxeeyey dowladiisa iyo reer galbeedka oo uu rajo ka qabay.

Dowlada Mareykanka ayuu sidoo kale madaxweynuhu oo u waramayey wakaalad wareed oo magaceeda lugu sheegay Farisi sheegay in Washington ay isku dayeyso siddii ay dowladaha Ruusha, Shiinaha, Japaan iyo Midowga Yurub uga dhaa dhacsiin laheyd in cuno qabateynta intaas laga sii adkeeyo iyadoo ay taasi ku jirto buu yiri madaxweynuhu deynta ay dowladiisa dibada kasoo qaadan laheyd.

Gollaha Amaanka ayaa soo saaray maalintii todoraad aheyd go'aan lugu cuno qabateynayo waxkasta oo loo arko iney hormar ku sameynayaan barnaamijkeed Nukliyeerka, sidoo kale ayaa shaqsiyaadka ku howlan arrimahan iyagana lugu soo rogay xayiraad xagga socodaalka waxaana golluhu sheegay in haddii Iiraan ay jebiso qaraarkaasi ay mid kasii culus soo saari doonaan. Iiraana durba waxey ka jawaabtay go'aankaasi waxaana ay sheegtay inuusan saameyn ku yeelan doonin qorshaheedi ay ku dooneysa sameysasha Nukliyeerka.

Wasiirka arrimaha dibada Sweden oo walaac ka muujiyey dagaalka ay Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya

Iyadoo beesha caalamka ay si aad ah ula yaaban tahay gardarada qaawan ay cadowga soo jireenka ah ku soo qaadeen Soomaaliya iyagoo sheegtay iney difaacayaan dowlada taagta darran ee Beydhaba ku go'doonsan ayaa hadana durba waxaa soo yeereysa qeylo dhaan la xirriirta sidoo loo joojin lahaa dagaalka markiisa horeba ahaa anaa kaa awood badan ee cadowgu soo qaadeen.

Markii ugu horeysay ayaa dowlada cusub ee dhawaan ka dhisantay wadankan Sweden waxaa wasiirkeeda u qaabilsan arrimaha dibada Carl Bildt ka digay dagaalo lugu hoobto oo ku fida geeska Afrika. Waxaa uu sheegay iney muhiim tahay dib loogu laabto miiska wadahalada iyadoo la daminayo xiisada.

Hadalkan ayuu sheegay wasiirka xilli uu la hadlayey kooxo reer Yurub ah oo haatan ku howlan lo socdo xiisadda haatan ka cusboonatay waxaana uu tilmaamay iney muhiim tahay in cadaadis siyaasadeed la saaro dowlada maqaar saarka ee rajiimka Zanaawi hogaamiyo. Waana markii ugu horeysay ee dowlada Sweden ka hadasho dagaalada bareerka ah ee cadowga soo jireenka ah ku soo qaadeen jamhuuriyadda Xorta ah waxaana isagoo siyaalo kala duwan uga hadlaya arrimahaasi xusay iney muhiim tahay in beesha caalamka ay si deg deg ku demiso dagaalkaasi.

Dec 21, 2006

Ma dhabaa in Sacuudiga iyo Israa'iil ay yeesheen wadahadal?

Dowladaha Sacuudi Careebiya iyo Israa'iil ayaa markii ugu horeysay in muddo ah waxaa la sheegay iney yeesheen wadahadal la xirriira arrimaha barriga dhaxe gaar ahaan Falastiinyinta.
Danjiraha Israa'iil u jooga daarta Qaramada Midoobey Richard Jones oo amuurtan xaqiijiyey ayaa sheegay in labada dowladood ragg darajo sare leh oo ka socdaa ay kulmeen.

Warsidaha isna la yiraahdo Yedioth Ahronoth ayaa bishii november ee kal hore tagtay shaaciyey in boqor Cabdallaha Sacuudiga iyo Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Ehut Olmert ay yeesheen wadahadal xagga taleefanka ah kuwaasoo ka munaaqishooday qadiyada Falastiin iyo barnaamijka naaxinta macdanta Yuraniyamka Iiraan.
Inkastoo aan amuurtan si rasmi loo shaacin hadana danjire Jones waxaa uu ku tilmaamay wadahadalkaasi mid hormar laga gaarayo si loo xakameeyo xiisada bariga dhaxe.Hadalkan kasoo yeeray danjiraha Israa'iil ayaan marna dowlada Sacuudiga wax war ah kasoo saarin.

Sarkaal Mareykan ah oo loo heysto xasuuq uu ka geystay Ciraaq

Sarkaal kamid ah ciidamo ku sheega dalka Mareykanka ee Ciraaq loo diray ayaa loo heysta dcwad ah inuu dilay 13 ruux oo rayid ah, kuwaasoo uu ku dilay deegaanka Xadisa.
Sarkaalan ayaa udub u dhaxaad u ahaa xasuuq si ba'an loogu geystay dadkaasi rayidka ah kuwaasoo ay ku jireen dumar iyo carruur sida uu qareenkiisa xaqiijiyey. Qareenka ayaa sidoo kale sheegay in dad rayid ah oo aan hubeysnay oo tiradooda lugu sheegay 24 ruux iyagana la dilay bishii novmeber ee sanadkii hore taasoo uu ninkani qeyb ka ahaa dilkaasi waxashinimada leh.
Wargeyska Times oo amuurtan kal hore wax ka qoray ayaa haddii dembigaasi ku cadaato waxa uu kasbanayaa xabsi daa'in. Mana ahan markii ugu horeysay ee ciidamada xornimo doonka ah ee dalkaasi qabsaday ee xasuuq ka geystaan waxaana caalamku ay xasuustaan falalkii argagaxa lahaa ee lugula kacay maxaabiistii xabsiga Abuu Qureyb kuwaasoo si ka baxan bani'aadnimada lugula dhaqmay.

Dec 20, 2006

Bush oo u doonayo ciidamo dheeri ah dagaalka uu kula jiro "Argagaxisada"

Madaxweynaha dalka Mareykanka George W Bush ayaa sheegay inuu qorsheynayo ciidamo dheeraad ah oo ugu talaga dagaalka uu kula jiro waxa uu ku sheegay "Argagaxisada".
Wareysi uu siiyey wargeyska Washington Post maalinimadii shalay aheyd ayuu sheegay inuusan haatan go'aan wax ka badalida istiraajiyada dagaalka Ciraaq ama ciidamo dheeri ah loogu dirayo balse waxa uu carabka ku adkeeyey iney u baahan tahay juhdi badan dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.
"Waxaan runsanahay in loo baahan yahay in la kordhiyo ciidama iyo kuwa badan" ayuu Bush oo intaas hadalkiisa ku daray in siddii ay amuurtaasi ku taabagali laheyd uu ka codsaday wasiirka cusub ee dhawaan Gaashaandhiga u magacaabay Robert Gates inuu keeno.

Bush oo wareysiga ay jariidadaasi la yeelay arrimo badan oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah waxa maamulkiisu ku sheegaan "Argagaxisada" ka hadlaayey ayaa xusay in digniino badan ka dhageystay labada golle ee Senet-ka iyo Kongoreeska waxaana uu sidoo kale sheegay in dagaalka "loogaga guuleysan doonin iyagana aysan GUUSHA Raaceyn".

Dhinaca kale wargeyska Los Angeles Times ayaa isagana qoray in taliyaha ciidamada Mareykanka ee jooga Ciraaq John Abizaid ayuu is casli doono bisha Maarso ee fooda innugu soo heysa taasina ay qeyb ka tahay isbadalada istiraajiyadeed ay dowladu haatan ku howlan tahay. Abizaid ayey jariidadu sheegtay inuu yahay maskaxdii ka dambesay Istiraajiyada Ciraaq iyo Afgaanistaan sadexdii sanno ee ugu dambeysay waxaana uu marwalba diidayey hindisaha lugu doonayey kordhinta ciidamada Ciraaq si dhulka loo dhigo wadciga murugada leh ee dalkaasi ka taagan.


Sarkaal sare oo Washington Post la hadlay ayaa sheegay isagana in kordhinta ciidamada Mareykanka ay noqon karaan 70.000 kuwaasoo uu ku tilmaamay haddii timaado kordhintaasi ay wel wel ku keeneyso ciidamadii horey halkaasi u joogay.


Mareykanka oo sheegay qabashada hogaamiyaha Alqaacida ee Ciraaq

Inkastoo aaney magaciisa sheegin hadana ciidamo ku sheega Mareykanka ee jooga dalka Ciraaq ayaa warmurtiyeed ay soo saareen ku sheegeen iney qabteen mid kamid ah madaxda Alqaacida ee Ciraaq.
"Hogaamiyahan arggaxiso ayaa la qabtay xilli ay ciidamadi howlgal ka sameeyey goob la sheegay iney ku kulmaan argagaxisada" ayaa lugu yiri warmurtiyeedkaasi ay soo direen ciidamada Mareykanka ee jooga dalkaasi.
Ninkan la qabtay ayaa lugu eedeynayaa inuu mas'uul ka yahay howlgalada laga fuliyo Musul iyo Bakhdaad, sidoo kale waxa uu qorsheynayey sameynta waxyaabaha qarxa ee baabuurta lugu rakibo iyo afduubyada la geysto.
Warmutiyeedkaasi ayaa ugu dambeyntii waxaa lugu sheegay in ninkaasi uu si shaqsi ahaaneed ugu dambeeyo dilal loo geytsay boqolaal dad ah. Mana jirto wax war ah oo kasoo baxay hogaanka sare Alqaacida ee la sheegay in la qabtay xubin muhiim ah oo kamid ah.

Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya oo wadahal toos ah ku yeeshay magaalada Peking

Dowlada Mareykanka oo muddooyinkan dambe iskudayeysay iney cadaadis ku saarto dowlada waqooyiga Kuuriya hakinta sunta Nukliyeerka ay ku howlan tahay sameyntiisa ayaa haatan talaabadii ugu horeysay ee amuurtan wax looga qabanayo ay bilaabatay iyadoo wefdi ka socda Mareykanka ay wadahal kula yeesheen magaalada Peking ee xarunta wadanka Shiinaha ergo ka socoda waqooyiga Kuuriya.

Qubro heer sare ah oo labada dowladood ka socda ayaa kulankoodii ay Peking ku yeesheen kaga munaaqishoodeen barnaamijka Nukliyeerka W Kuuriya taasoo dowlada Washingtona ay horey cuno qabateyn dhaqaale ugu soo rogtay.Iyadoo taasina xukuumada Pyongyan-na ay shuruud ku xirtay in miiska wadahalka dib loogu soo laabto in xayiraadaasi dhaqaale laga qaado.
Qubaradan ayaa iyagana wadahadalkoodu waxa uu ahaa mid qaatay sadex saacood iyagoo isku afgartay in wadahalka halkiisa kasii socda islamarkaasina la jaaanqaada kulanka lix goosoodka ah oo hakad ku yimid muddo dhan sanad iyo bil.
Dhinaca kale maalintii isniintii wadahalka lix goosoodka ah ee loogaga munaaqishoonayey barnaamika sunta kuuriyada Waqooyiya ayaa wafuudii Mareykanka iyo W Kuuriya ay weji ka weji ku kulmeen. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin wixii ay ka wadhadleen ergooyinkaasi ka qeyb galeysay shirka ayaa hadana ergeyga matalaya Washington ee Christopher Hill sheegay in haatan astaan wanaagsani ay soo muuqaneyso W Kuuriya.
Balse dowlada Kuuriyada Waqooyi ninka u qaabilsan wadahalka amuurtan Kim Kye-Gwan waxa uu miiska wadahalka soo saaray liisto dheer oo ay ku qoran yihiin sharuudaha ay dowladiisa dooneyso kuwaaso ah in dhamaan cuno qabateynta dhaqaale ee caalamiga ah laga qaado. Mana jirto bey leeyihiin ragga wararka fidiya shirkaasi ka soo waramaya waxa Washington ay dhinaceeda ka tiri sharuudahaasi balse ergeyga Mareykanka waxaa isniintii sheegay in dowladiisa dulqaadkii ka tagay hadal goor dambe oo talaado laga soo xigtay ayuu muujiyey iney jiraan wax rajo ah oo la xiriira barnaamijka Nukliyeerka K Waqooyi.

Dec 19, 2006

Berlusconi oo qaliin wadnaha looga sameeyey

Ra'iisal wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi ayaa la sheegay in qaliin wadnaha looga sameeyey kadib markii uu la il darna mudooyinkan caafimaad darro xagga wadnaha ah. Qaliinka looga sameeyey xaga wadnha ayey wararku sheegeen inuu ahaa mid "fudud" oo aan qaadan saaco badan. Silvio Berlusconi oo toddobaatan jir ah ayaa haatan waxa uu ku sugan yahay dalka Mareykanka iyadoo qaliinkaasina halkaasi looga soo sameeyey.
Bishii november ayey aheyd markii Berlusconi oo ka qudbadeeynayey meel ay badnaayeen taageerayaashiisa oo uu miyir beelay kadibna loola cararay isbitaalka oo uu jiifay sadex cisho, dhaqaatiirtiisana waxey sheegeen inuu u baahan yahay nasiino xoog leh. Saxaafada Talyaanigana waxey qaliinkiisa uga hadashay siyaalo kala duwan.

Bush oo sheegay boqolaal aragagxiso iney hayaan

Dadka lugu tilmaamayo iney yihiin kooxaha aragagaxisada ah ayaa ah kuwo kor u dhaafay boqolaal marka laga reebo kuwa sida rasmiga ah loogu hayo xerada Guantanamo bey ee jasiirada Kuba kuwaasoo ay tiradoodu dhan tahay 435.
Warbixin uu madaxweyne Bush-ka Mareykanka siiyey gollaha Kongoreeska ayuu sheegay in kooxahasi ay hayaan yihiin kuwo taageero u haya Taliban iyo Alqaacida islamarkaasina ay ku hayaan caalamka daafahiisa kala duwan. Waxaana uu sheegay in dowladiisa ay sii wado qab qabashada kooxahasi argagaxisada lugu sheegay kuwaasoo qeyb ka ha dagaalka ka dhanka waxa Bush maamulkiisa u yaqaano argagaxisada.
Warbixinta ayaa sidoo kale lugu sheegay 21.000 oo askari ay ku sugan yihiin Afgaanistaan,134.000 oo askarina dalka Ciraaq halka 2.700 ay joogaan Kosovo Albeeniya boqol kamid ah askarkaasi ayaa jooga xarunta gaashaanbuurta Nato.

Dec 18 2006

Midabtakoorka lugu sameeyo dadyowga Muslinka ah ee Yurub oo aad u soo badanaya

Hey'ada Yurub u qaabilsan kahortaga cunsuriyada iyo midabtakoorka dadka shisheeyaha ah ayaa ka ugu baaqday dalalka Midowga Yurub iney ahmiyad iska saarto cunsuriyada ka dhanka ah muslimiinta dalalkooda ku nool.
Hey'adan oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano EUMC (European Monitoring Centre on Racism and Xenophobia) ayaa sheegtay in cunsuriyada ka dhanka Muslimiinta ay korortay islamarkaasina noqotay mid adag kadib markey timid waxa loogy yeeray argagaxisada oo raadadkeedu arrintaasi reebtay.

Warbixin ay hey'adu amuurtahaasi kaga hadleysay oo ay soo saartay ayey sheegtay in dadka muslimiinta ah gaar ahaan dhalinyarada ay si goono ah ula soo deristay xorriyad la'aan kuwaasoo waxyaabaha ay kamid yihiin, hormarka mustaqbal ahaaneed, shaqo helista, guryaha iyo isku socodka ay aad ugu adkaatay.Mid kamid ah shaqsiyaad ay warbixintu sheegtay iney wareysatay ayaa u sheegay in niyad jab aad u balaaran ay dareemayaan kamid noqotay nolol maalmeedkooda.

Dowladaha ku jira 25-ka wadan ee xubnaha ka ah bahwadaagta Midowga Yurub ayaa lugu eedeynayaa ineysan dhibaatooyinkaas waxba ka qaban,iyadoo in ka badan 15 milyan oo muslimiin ahi bey tiri hey'adu ay ku nool yihiin qaaradan Yurub kuwaasoo aaminsan diinta labaad ee Qaarada ka jirta.
Wareysiyo kala duwan oo ay hey'adu la yeelatay muslimiin badan ayey sheegtay in isdhexgal la'aanta dadka muslimiinta ah gaar ahaan dhaliyarada ay caqabad ku yihiin hogaamiyeyaasha diimeed ama dhaqamada ay aamisan yihiin kuwaasoo ah kuwo xadida iney ku dhex milmaan dadka ay u haajireen marka ay timaado arrimaha ay kamid yihiin xirriirka wiil iyo gabar, galmada iyo maandooriyaha.

Wiil dhalinyaro ah oo warbixintu xustay iney wareysi lala yeeshay ayaa sheegtay in wadaada diidamaha ay inta badan diidaan in cuntada lala cuno dadka aan muslinka aheyn (gaalada) taasoo ah mid diinta aanu ogeleyn in qof aan diin kula wadaagin aad cunto la cunto.Wiilkaasani waxa uu tilmaamahaasi ka bixinayey waxyaabaha uu arko iney hortaagan yihiin in bulshada loo soo hayaamay la dhexgalo.

Yahuud ah  dib loogu celiyey Daanta galbeed ee marinka Gaza

Kooxo yahuud ah oo dib loogu celinayey dhulka carabtu laheyd ee Falastiin ayaa shalay oo isniin ahi waxaa dib loogu celiyey deeganaadaasi kuwaasoo horey loo sii qorsheeyey dib u dejintooda.
Haweeney u hadashay dadkaasi dib loogu celinayo marinka Qaza ayaa sheegtay in dib u celintaasi si weyn loo agaasimayo iyadoo qoys 25 ka kooban oo arrintaasi diyaar u ahna ay u rari doonaan halkaasi.
Deegaanka Homesh oo kamid ah dhulka dib loo dhisay ee loogu talagalay in la dejiyo Yahuuda muhaajirinta ahaa ee dalka dibadiiisa ku noola ayaa markii israa'iilyiintu ka baxeen dhulal kamid ha marinka Qaza ay noqotay goob lugu heeraysan yahay oo isku badashay mid meleterigu geli karo oo keliya iyadoo laga baqayo in falastiiniyiintu ay gantaalo ku soo ridaan.
 

Dec 17, 2006

Xamaas iyo Fatax oo ay xiisad ka aloosantay

Magaalada Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta ayaa rabshado kasoo cusboonaday u dhaxeeya Fatax iyo Xamaas, kadib markii tacshiirado ay isweydaarsadeen maleeshiyada kala taabacsan labada dhinac.
Sidoo kale waxyaabaha ayaa qarxa lugu tuuray dhismaha madaxweyne Maxamuud Cabbaas. Rabashadan ayaa la rusan yahay iney toboneeyo ruux ku dhaawacmeen halka hal qof uu isna ku dhintay.

Wasiirka arrimaha dibada Maxamuud Zahra oo shir jiraa'id ku qabtay Gaza ayaa sheegtay in arrintu ay u muuqato inqilaab meleteri oo lugu inqilaabayo dowladiisa.
Ra'iisal wasaare Axmed Haniyah oo maanta dadka la hadlayey ayaa ka codsaday iney degenaanta kaashaadan isagoo dhinaca kalena xusay in dooroshooyinka shalay ku baaqay Abuu Maazin ay tahay mid sii wadeysa rabshada haatan aloolsamay. Gollaha baarlamaankana kulan la filayey iney iskugu yimaadaan ayaan qabsoomin kadib markii ay qaar xildhibaanada kamid ahi aysan soo xaadirin.

Jordan oo xireysa xabsi dhibaatooyin laga soo sheegan jiray

Boqor Cadallaha dalkaasi Jordan ayaa amar ku bixiyey in la xirro mid kamid ah xabsiyada dalkaasi oo muddooyinkan dambe ay cabashooyin kasoo yeerayeen, taasina ay keentay in he'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ku eedeeeyaan iney ku tuntaan.
Boqorka ayaa go'aankan soo saaray markii kulan uu la qaatay saraakiil katirsan ilaalada xabsiyada kuwaasoo sheegay in xabsiga Jacfar maxaabiista ku jirta qaarkood loo gudbinayo xabsiyo kale.
Xabsigaasi oo tan iyo markii la furay sanadkii 1951-dii ay noqotay xarun lugu hayo kooxaha sida daran mucaarid ugu noqday dowlada. Kooxihii ugu dambeeyey ee xabsigaasi la dhigo ayey ahaayeen sadex ka tirsanaa xildhibaanada baarlamaanka kuwaasoo la sheegay iney xirriir la yeesheen eheladii qosykii uu ka geeriyooday Abuu Muscab Al Sarqaawi.

Dhinaca kale hey'adaha u dooda xaquuqul insaanka Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa cambaareyn u jeediyey dowlada dalkaasi oo ku eedeyey iney meel uga dhaceen xaquuqda aadanaha iyagoo tacadiyo jirdil u geysta maxaabiista gaar ahaan kooxaha mucaaridka ah ee ay xabsiyada ku hayaan.

Buug uu qoray madaxweynihii hore Mareykanka ee Jimmy Carter oo muran dhaliyey

Buug uu qoray madaxweynihii hore Mareykanka ee Jimmy Carter ayaa dhaliyey muran badan kadib markii buuggaasi la sheegay inuu is bar bardhigay qoraagu xaalka adag ee Yahuuda kula dhaqanto Falastiinyinta iyo midabtakoorkii ka jiray dalka Koonfur Afrika.

Urrurada Yahuuda ee ku nool Mareykanka ayaa si weyn u cambaareyey buuggaas, waxaana ay sheegen in yahuuda aaan lala bar bardhigi karrin midabtakoorkii foosha xumaa ee Koonfur Afrika ka jiray.
Inkastoo Buugani yahay mid cambaareynaa qeybo kamid ah falalka Yahuuda ee ka dhan ah Falastiinyiinta hadana wuxuu si weyn uga hadlay dowrkii Carter ee xal u helida mushkiladaha caalamka gaar ahaan Falastiin iyo heshiishkii dhacay Camp 1978-dii.

Tafaftiraha wargeyska ku hadla afka Yahuuda Jewish Times kana soo baxa gobolka Atlanta Michael Jacobs ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in buugaasi yahay mid looga gol leeyahay in Mareykanka maxiisiyiinta ah isweydiiyaan sababta dowladooda ay Yahuuda u taageerto, isagoo intaas misna hadalkiisa ku daray ayuu tilmaamay in fariimaha buugaasi ku jira aysan ahaan doonin kuwo gaaray aqalada maxiisiyiinta Mareykanka in yar mooye.
Isku soo duubo buuga lafilayo in dhawaan soo baxo ayaa intiisa badani yahay kuwo dhaliilaya siyaasada Israa'iil ee ka dhanka ah xaquuqda reer Falastiin balse waxa la hubo ay tahay carrada iyo guuxa uu ka dhex dheliyey yahuuda ku nool dalkaasi Mareykanka gaar ahaan Atlanta oo durba ka hadlay buugaasi iyo fariinta dahsoon ee uu xambaarsan yahay.

Dec 16, 2006

Caasimada Denmark ee Kobanhagen oo rabsho ka dhaceen

Shalay gelinkii dambe ayaa magaalo madaxda dalkaasi Denmark waxaa ka dhacay rabsho dhaliyey in booliska iyo kooxo bananabaxayaal ahi ay gacmaha iskula tagaan, amuurtan ayaa timid markii kooxo dhalinyaro ahi ay ka caroodeen kana banaanbaxayeen xarun dhalinyaradu leeyihin oo dowladu albaabada iskugu dhifatay. Booliskuna waxey sheegen in dantu ku qasabto iney rabashahadaasi ka hortaan kadib markii ay banaanbaxayaashu ay soo wejiyada soo qarsadeen.

Booliska waxey sheegen in sadex baqol oo dhalinyaro ay xir xireen halka labo kamid ah askakoodana uu dhaawac soo gaaray walow aysan noqon mid halis ah, hadana amuurtan ayaa sii murjisay markii banaabaxayaashaasi iyo kooxo mootaaleey ahi uu dagaal dhexmaray taasoo markii dambe banaanbaxa iyo rabashaduhuba ay ku faafeen guud ahaan magaalada caasimada ah ee Kobanhagen.
Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale waxey geeystaan qasaarooyin lixaad leh iyadoo gebi ahaanba je jebis ugu dhaqaaqay dukaamanka ku yaala goobihii ay rabshaduhu ka dhaceen. Mana jirto hadal ay dowladu ka tiri marka laga reebo saxaafada dalkaasi oo siyaalo kala duwan uga qortay dhacdooyinkaasi.

Saraakiishii ciidamadii Saddaam Xuseen oo loogu baaqay iney ka qeyb qaataan xal u helida dalkaasi

Ra'iisal wasaaraha kumeel gaarka ah ee dalkaasi Ciraaq Nuur Almaaliki ayaa ugu baaqay saraakiishii hore ee ciidamada dowladii Saddaam Xuseen iney ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo xal u helda mushkilada murugsan ee dalkaasi.
Shir jaraa'i oo shalay qabtay ayuu sheegay in ciidamada cusub ee dowladiisa ay albaabada u furayaan saraakiishaasi hore hadeysan ka qeyb qaadan karrina waxa uu xusey inuu siinayo lacagta howlgabnimada ee la qaato, isagoo sidoo kale ugu baaqay iney wax abuuraan "shabakad amniga" sugta kana hortagta dhimashada joogtada ah iyo xasi loonida darrada dalkaasi ku baahday.

Madaxweyne Chavez: Castro kuma dhicin Kansar

"Fidel Castro kuma dhicin kansar balse waxaa ku dhacay xanuun aad u xun" hadaladaasi waxey ahaayeen kuwo uu jeediyey madaxweynaha Venezuela ee Hugo Chavez kadib markii uu taleefan kula hadlay dhigiisa Kuba ee Castro.
Madaxweynaha Kuba Fidel Castro oo tan iyo bishii juun ee sanadkan wixii ka dambeeyey qaliin xaga caloosha ah xaaladiisa guud kama soo hagaagin, hogaanka dalkaasina waxaa si ku meel gaar ah u haya walaalkiis Raul Castro. Balse amuurtan xanuunka Castro waxaa markale ka dhawaajiyey Sarkaal Mareykan ah oo sheegay in bilooyin u haray Fidel Castro, taasoo uu meesha ka saaray madaxweynaha
Venezuela ee Hugo Chavez. Labadan hogaamiye waxey xirriir diblomaasiyadeed la laheyn dowlada Washington waxaana ay u arkaan cadow halis ku ah jiritaankooda.

Dec 15, 2006

Xamaas oo Fatax ku eedeysay weerar lala beegsaday ra'iisal wasaare Ahmed Haniyeh

Maamulka sare ee Xamaas ayaa eedeyey xisbiga Fatax kadib weerar shalay lugu qaaday ra'iisal waaraha falastiiniyiinta Axmed Haniyah. Dibad bax ka dhacay Gazza ayuu Axmed Haniyah u sheegay dibadbaxayaashu iney dhiiga falastiin mudan yahay in la dhowro oo aan la daadin.

Mid kamid ah xubnaha ugu sareeya Fatax oo la yiraahdo Muhammed Dahlan ayaa farta loogu fiiqay in isku deygii shalay lugu dooneyey in lugu waxyeeleyo ra'iisal wasaaraha uu ka dambeeyey walow uu inkiratay eedeyntaas. Shalay ayaa qarax lala beegsaday ra'iisal wasaaraha waxaa ku dhintay labo kamid ah ilaaladiisa xilli uu socodaal kaga soo laabtay dalka Masar.

Xaaska madaxweynaha Taiwan oo loo heysto lacago ay lunsatay

Shalay waxaa dalka Taiwan ka bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah xaaska madaxweynaha dalkaasi oo lugu eedeynayo musuq maasuq iyo lacago lunsato ay sameysay. Haweeneydan oo ah xaaska labaad ee madaxweynaha lana yiraahdo magaceeda Wu Shu-chen ayaa lugu eedeyey in qasnada dowlada ay kala baxday lacago badan walow ay arrintaasi gaashanka ku dhifatay waxaana ay sheegtay ineysan laheyn wax dembi ah oo la xirriira eedeymahaasi iyadoo markii dambana suuxday oo looga qaaday meesha kursi.Madaxweynaha dalkaasina Chen Shui-bian waxa uu sheegay in xukunka uu ka degayo haddii dembiga xaaskiisa lugu heysto ay yihiin kuwo sax ah, waxaana uu farta ku fiiqay mucaaridka oo uu sheegay iney ka dambeeyeen.

Booliska London oo weli baaritaan ku haya dilki basaasihii Ruushanka ahaa ee Aleksander Litvinenkos

Inkastoo aan jawaab rasmi ah kasoo bixin dilka loo geystay basasihasi ruushanka ah ee lugu sumeeyey dalka Ingiriiska bishii ina dhaaftay ayaa hadana weli booliska London oo arrintan si weyn baaritaankeeda ula wareegtay ayaa bilaabay dhageysiga shaqsi kale oo kamid ah kuwa la sheegay iney la kulmeen kowdii bishii november.
Ninkan oo aan magaciisa la sheegin ayaa boolisku wax ka weydiiyiin sababihii dilkiisa iyo raadkey laftooda ku yeesheen. Sidoo kale booliska London ee loo diray Mosko ayaa laftooda la sheegay iney soo wareysteen qaar ka tirsan ehelada raggan xiriirka la lahaa Aleksander Litvinenkos.Mase jirto war rasmi ah oo ku saabsan natiijada baaritaankooda.

Aleksander Litvinenkos waxa uu ahaa basaase u dhashay dalka Ruushka oo ka tirsanaa hey'adii sirdoonka Ruushka ee KGB, waxaana markii dambe uu noqday nin ka baxa howlahaasi oo dalka dibadiisa nabadgalyo siyaasadeed ku joogay balse waxa uu bilaabay eedeyn ka dhan ah rajiimka Vladamir Putin ee ka taliya Raashiya taasoo ku lug leh xasuuq ay ka geysteen Jeejniya taasoo iyadana markii dambe keentay inuu buugag ka qoro maamulkaasi iyo waxyeeladooda aakhirkiina waxaa loo diray shaqsiyaad dila kuwaasoo cunto uu cunay la sheegay iney ugu dareen sunta halista ah ee ka sameysan radioactive-ka

Ciraaq oo joogo ka noqdeen daadashada dhiiga dadka aan waxbagalabsan

Toboneeyo ruux ayaa shalay lugu dilay dalka Ciraaq maalin kadib markii in ka badan 70-neeyo kale ay dhinteen mid sida caadada ahi uu bam isku qarxiyey naftiisa qarxinayey. Sidoo kale qaraxii shalay ayaa isagana ahaa bamb baabuur lugu soo rakibay.
Ilo hoose oo ka tirsan wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay bariga Bakhdad uu ahaa mid lala beegsaday goob suuq aheyd oo ay ku badnaayeen dadka saboolada ah xilli ay dadkaasi adeeg ku jireen, 25 ruux oo kale ayaa igana qaraxaas ku dhaawacmay.Ruux ilahaasi kamid ah ayaa dhinaciisa sheegay in qaraxu aheyn mid loogu tala galay in masjidka goobtaasi ku dhaweyd lala beegsado iyadoo dalkaasi ay horey caan ugu aheyd weerarada lala beegsado masaajidada Illaahey ee lugu cibaadeyso,goobta qaraxaasi lala beegsaday ayaa sido kale aheyd meel ay ku badnaayeen dadka shiicada ah.

Jaamacada Carabta oo xal u raadineysa Lubnaan

Labo maalmood oo wadahadal lugu doonayey in xal looga gaaro ay ka socdeen magaalada Beyruut ee xarunta ah dalkaasi Lubnaan ayaa xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Caamur Muusa sheegay in jaamacadu ay haatan dowr ka qaadaneyso sidey wax uga qaban laheyd mushkilada siyaasadeed dalkaasi maalmahanba ka taagneyd, iyadoo xoghayuhu sheegin waxey kala hadleen ra'iisal wasaare Fu'aad Sinyuura.
Mudooyinkan ugu dambeeyeyna waxaa banaanbaxyo waaweyn ay ka socdeen magaalada Beyruut iyadoo muraacadka gacan saarka la leh Suuriya ee Xisbullah ay dowlada Sinyuura ku cadaadinayeen inuu dowladiisa rido taasoo uu iyadana ka biyo diiday walow u yahay nin taageero ka heysta dalalka reer galbeedka oo durba diblomaasiyiin sarsare u soo diray si loo demiyo xiisada siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan.

Dec 13, 2006

Zimbabwe oo diiday iney soo dhiibto keligii taliyihii Itoobiya ee Mengistu Haile Mariam

Dowlada Zimbabwe ayaa gaashaanka ku dhifatay codsi uga yimid rajiimka Itoobiya kaasoo ay kaga codsadeen iney u soo dhiibaan keligii taliyihii dalkaasi xukumi jiray ee Mengistu Haile Mariam.
Zimbabwe ayaa sheegtay ineysan amuurtaasi ku fakreyn waqtiga dhow marba haddii aysan dalalka qaarkood kala dhaxeyn wax heshiis ah dhibaatana aan ku keeneyn dowlada rajiimka ah ee haatan Addis ka talisa.
"Mengistu waxa uu naga codsaday nabadgalyo waana siisay, mana jirto wax isbadal ah oo arrintaasi ku yimid" ayuu yiri Paul Mangwana oo ah isku duwaha wasaarada warfaafinta Zimbabwe oo intaas hadalkisa ku daray ineysan xaq u laheyn iney koontoroolaan dalalka iyagana ay yihiin dowlad xor ah.
Keligii taliyii hore ee rajiimka Itoobiya Mengistu Haile Mariam oo dalkaasi xukumayey 17 ayaa dhawaan maxkamad ku taala magaalada Adis Abbaba ku xukuntay dil toogasho ah isaga iyo ragga kale oo dowladiisa ku jiray kuwaasoo lugu eedyeye iney geysteen xasuuq iyo dilkii boqorkii dalkaasi ee Heile Selassie.

Dhamaan 73 ruux oo kamid ah dambiileyaalkii ka tirsanaa dowlada kelgii taliyahaas ayaa geeriyooday muddadii ay socotay baaritaano la xirriira dembiyada ay geysteen afar iyo labaatan ruux oo kamid yahay keligtaliyaas ayaa nolol ku sugan iyagoo qaxooti ku ah dalal shisheeye.


 


Dec 10, 2006

Madaxweynihii hore ee dalka Chile oo geriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Chile Augusto Pinochet ayaa xalay wuxuu ku geeriyooday cisbitaal meleteri oo ku yaala magaalo madaxda dalkaasi Santiago sida ay xajiisay afhayeen u hadashay cisbitaalkasi meleteri oo iyadana geeridaasi kasoo xigtay qoyskiisi.

Pinochet waxaa muddooyinkan dambe la xanuunsanahayey wadano xanuun la sheegay oo korkiisana qeybo kamid ahi ku rakibnaayeen kumbiyuutaro, waxaana uu ku dhintay cimri gaaraya 91 sanno. Madaxweynahani waxaa ahaa nin keligii taliye ah oo dalkaasi muddo badan xakunkiisa ka jiray ayaa lugu eedeyey in tacadiyo badan uu geystay, sidoo kale ayaa la sheegay in labo kamid ah ilaaladii madaxweynihii hore ee Salvador Allendo ee la dilay sanadki 1973-dii,uu isago ka dambeeyo dacwad loogu soo oogay arrintaas xabsina la sheegay in la dhigo ayaa markii dambe damaanad lugu sidaayey sababo caafimaad darro oo la sheegay.

Ugu dambeyntii waxa uu dhintay Pinochet isagoo sanado badan dalkiisa ka ahaa baxsad nabadgalyo siyaadeedka ku joogay dalka Ingiriiska oo markii dambey dib ugu celisay dalkiisa codsi, waqti aan sidaasi u dheereyna waxa heleelay cudurka uga dhacay wadanaha oo markii dambe ugu geeryooday. Geeridiisana waxaa ku farxay intii uu dhibaatada u geystay muddadii uu xukunkiisa guracan hayey.

Ciraaq oo aarsiga Suniga iyo Shiicada oo gaaray heerkii ugu xumaa

Inaan la cafin maatada, carruurta, waayeelada iyo dumarka waxey caadi ka noqdeen dalka Ciraaq taasina sababteeda ay tahay "Xorriyadii" la sheegay in loo geeyeyey markii la afgambiyey Saddaam Xuseenkii dalkaasi. Balse xaalka murugsan waxa uu noqday mid aan cidi wax ka qaban karrin mustaqbalka dhow, marba haddii dalkaasi ujeedo fog oo laga lahaa lugu dumiyey. Saas oo ay tahayna weerarada ku dhisan aargoosiga ee u dhaxeeya kooxaha shiicada iyo sunniyada ayaa ah mid dadka siyaasada indho indheeya ay ka bixiyeen rajo xun iyo mustaqbal madow.

Hadaba xalay dadka dalkaasi iyadoo falalka dilka ahi ay la noqotay wax caadi ah la dilay oo xasuuq loo geystay qoys kadib markii niman dabley ahi u dhaceen gurigooda oo ay halkaasi xabado ku fureen wixii ragg ahaa u joogay. Talaabadan ayaa daba socoto fal shalay lugu dilayo kooxo Sunni ah magaalada Bakhdaad sidoo kalena dab lugu qabadsiiyey guryo dhowr ah. Shalay oo axad aheyna geerida dadka falalka waxashinimada leh ee u dhaxeeya kooxahaasi ay gaarayeen kudhawaad soddomeeyo ruux.
Xalay goor sii dambeysana madaxweynaha maqaar saarka ah ee dalkaasi waxa uu gaashaanka ku dhiftay warbixintii laga diyaariyey dalkaasi ee Baker report, waxaana uu ku tilmaamay mid aan "cadaalad" aheyn isagoo aan si dhab ah u qeexin waxa uu cadaalad darrada ku tilmaamayo. Balse ra'iisal wasaaraha dalkaasi ayaa kal sii horeysay soo dhaweeyey warbixintaas isagoo ka codsaday Mareykanka in ciidamadiisa kala baxo dalkaasi iyo goobaha shidaalka ee ay gacanta ku hayaan.


Dec 9, 2006

Iiraan oo sheegtay iney diyaar u tahay kaalmo ay ka geysato xaalka Ciraaq

Iyadoo maanta magaaalooyin kala duwan oo ugu yaraan ah afar ay la gariireen bambaanooyin lugu soo xiray gawaari kuwaasoo lala beegsado inta badan dadka rayidka ah, ayaa hadana dowlada Iiraan oo haatan wasiirkeeda arrimaha dibada booqasho ku joogo dalka Baxreyn sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay sidey gacan uga geysan laheyd wax ka qabashada xaalka murugsan ee Ciraaq, iyadoo la tixraacayo warbixintii qabyada aheyd ee ay soo saareen guddii la baxay Baker Report. Wasiirka arrimaha dibada Iiraan oo magaciisa la yiraahdo Manouchehr Mottaki ayaa ka dhawaajiyey sida ay amuurtaasi dowladiisa diyaar ugu tahay haddii dowlada Washington ay badasho hanaankeeda ka dhanka ah.

Balse madaxweyne Bush-ka dalkaasi ayaa kol hore waxa uu gaashaanka ku dhiftay hindisaha kooxdan Baker Report la baxday ee ay ku baaqeen in Iiraan iyo Suuriya lugu soo darro wadahadalada barriga dhaxe si xal looga gaaro dabka ka holcaya Ciraaq iyo guud ahaan gobolkaba.

Pakistaan oo tijaabisay gantaal xambaari karra sunta wax gumaada

Dowlada Pakistaan ayaa maanta cirka u gantay gantaaladaha rida gaaban kuwaasoo xambaari kara madaxyada ay ku rakiban yihiin sunta Nukliyeerka ee 29 mayl gaara. Muddo sadex dodobaad gudahood ayey Pakistaan waxey tijaabisay gantalaaha ay ugu magac dartay Hatf I II Ghaznavi-robot, kuwaasoo qeyb ka ah tartanka xagga ridista gantalaahaasi ay kula jirto dowlada Hindiya oo iyada qudheeda horey u tijaabisay gantaalaha qaada madaxda sunta Nukliyeerka.

Sanadku markuu ahaa 1998-dii Pakistaan ayey sidoo kale gantaalo dhowr ah gantay iyadoo awooda sameynta gantalahaasi ay muujineysay markii Hindiya ay iyadana horey u tijaabisay. Labada dowladood oo dagaal aad u dhexmaray sanadkii 1947-dii wixii waqtigaasi ka dambeeyey labada dowladood waxey ku muransanayeen dhulka Kashmir oo labada dalba xad la leh. Sidoo kale sanadkii 2004-ta ayey labada dowladood ka hadleen sidey u dhameyn lahaayeen qilaafka xududeed oo u dhaxeeya islamarkaasina ay nabad kuwada joogi lahaayeen.

Dec 8, 2006

Madaxweyne Bashiir: "Haddii maxkamadu magac Islaamka ku lifaaqnaan laheyn waa la aqbali lahaa"

Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasanal Bashiir oo ka hadlayey shir jaraa'id uu ku qabtay dalkaasi ayuu sheegay in Soomaaliya aysan haatan u baahneyn ciidamo shisheeyo oo la keeno maadama aysan aheyn kuwa iney dhiig daadiyaan maahee aan xal keeneyn. Waxa uu si daran u weeraray gollaha Amaanka oo ku sheegay iney ku deg degeen cunoqabateyn hubka saarnaa tan iyo sanadkii 92-kii. Waxaana uu rajo kamuujiyey in markale gollaha arrintaasi si caqli leh u eegi doono. Marxaladii uu soo maray shirki dib u heshiinta dowlada Beydhabo ku go'doonsan iyo Maxkamadaha Islaamiga ah ayuu tilmaamay in rajo wanagasan ay ku dhamaadeen labadii israg iyadoo kulankii saddexdaadna ay fashilyeen dowlado shisheeye.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayey xaalka guud ahaaneed ayuu sheegay in beesha caalamka iyo gollaha amaanka ay Soomaaliya ku fiirsadeen kooxo u sheegay Tuugo iyo qab qableyaal dagaal kuwaasoo halakeeyey dalka oo dhan. In beesha caalamkana ay arrimaha Soomaaliya ka dhigto waxaan jirina waxaa uu ku tilmaamay ayaan darro, iyadoo dalkaasi Afrikaanta ah waa Soomaaliya e ay kamid tahay wadamada xorta ah una soo halgantay xornimada Qaarada.
"Haddii magaca maxkamaduhu aan eryga ISLAAM ku lifaaqnaan laheyn waxey heli lahaayeen taageero dhankasta ah, waxaase muuqata in magaca Islaamka lugu colaadinayo" ayuu yiri Madaxweyne Bashiir oo hoosta ka xariiqay in dowladiisa iyo maxkamadaha ay iskaga mid yihiin diidmada ciidamada shisheeye ee dalalkooda loo rabo,isagoo tilmaamay in Darfur ciidamo la keeno aanu aqbaleyn. Xukuumada Mareykanka oo arrimaha Soomaaliya uu madaxdooda mararka qaar kala hadlay ayuu sheegay iney markasta oran jireen waa la xiray arrimaheeda loomana baahna in laga hadlo, taasoo isaga yaab ku abuurtay islamarkaasina isweydiyey sida shacabka Soomaaliyeed aysan u mudneyn in ay ka maqnaadaan saaxada siyaasadeed.

Dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo aad u amaanay ayuu xusay iney yihiin dalka Keliya ee ku yaala qaarada Afrika, wadaaga hal dhaqan, Af iyo Diin, misna diintooda ay hal madhab ka heystaan taasoo ah Imaamu Shaafi, hadana ay dagaalo sokeeyo oo qeyb ka musuubooyinka llaahey ay ku habsadeen.
Isku soo duubo hadalka madaxweyne Bashir ayaa ahaa mid u ku muujinayey sida ay dowladiisa raali uga aheyn ciidamo loo dirro Soomaaliya isagoo hadaladaasi ka jeediyey shir jaraa'id kulan ay iskugu yimaadeen madaxda qaarada Afrika qaarkood magaalo madaxda dalkiisa ee Khartuum.

Marakeyna oo gebi ahaanba joojiyey kaalmadii dhaqaale ee uu siin jiray Falastiin

Gollaha Kongoreeska dalka Mareykanka ayaa maanta cod buuxda oo HAA ah ugu codeeyey codbixin loo qaaday in la sii wadi doono kaalmada dhaqaale ee la siiyo Falastiin iyo inkale. Kongoreeska ayaa isku raacay in kaalmada laga joojiyo inta Xamas aysan aqoonsaneyn jiritaanka dowladnimo ee Israa'iil iyo waxa ay ku sheegeen falalka guracan ee ay wado.
Sidoo kale cunaqabateyn xaga dal ku galka ah ayaa la saaray dhamaan xubnaha ka tirsan Xamaas taasoo socon doonta tan iyo inta ay siyaasadooda ka dhanka ah Israa'iil ay wax ka badalayaan. Hindisahan haatan gollaha senet-ka dalkaasi u codayey ayaa lugu wadaa in madaxweyne Bush saxiis qalinka ugu duugo.

Kofi Annan oo gollaha Amaanka ku eedeyey wax ka qabsho la'aan xaalka Darfur

Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee haatan xilka kasii dagaya ayaa gollaha loo dhan yahay ku eedeyey iney ka seexdeen xaalada murugsan ee gobolka Darfur oo uu sheegay iney afar sano jirsatay islamarkaasina ay mas'uuliyada dhabarka u ridan doonaan wixii kasoo baxo jiifkoodaasi.
Hadal uu maanta ka jeediyey Qaradama Midoobey ayuu si darran u weeraray dalalka xubnaha ka ah, waxaana uu tilmaamay in waxa ka dhacaya Darfur ay yihiin kuwo aan la aqbali karrin gollahana uusan iska saarin mas'uuliyad wixii ka dambeeyey wax ka qabashada Rwanda iyo Bosniya.

Dec 7, 2006

Bush iyo Tony Blair oo kawada hadlay xaalka Ciraaq

Madaxweynaha Mareykanka G W Bush iyo ra'iisal wasaaraha Ingiriiska ayaa ku kulmay magaalada Washington iyagoo ka munaaqishooday xaalka Ciraaq iyo guud ahaan wadciga barriga dhaxe. Sidoo kale ayaa labadan hogaamiye waxey si aad uga hadleen warbixntii ay soo saareen gudiga la magax baday Baker rapport kuwaasoo gudbiyey warbixin qabyo ah. Blair oo ka hadlayey shir jaraa'id ayaa hoosta ka xariiqay in xalka barriga dhaxe hagaagi karro ay tahay in xiisada u dhaxeysa Falastiin iyo Israa'iil loo helo. Balse dowlada Israa'iil oo warbixintan bariga dhaxe laga diyaariyey dhaliishay ayaa sheegtay in barnaamijka Nukliyeerka iyo qorshaha ay ku dooneyso iney yeelato ay tahay cabsida ugu weyn ee barriga dhaxe.

Shil baabuur oo sababay dhimasho sideed iyo toban ruux oo reer Bulgaariya ah

Ugu yaraan sideed iyo toban ruux ayaa la runsan yahay iney dhinteen tiro kale oo aan la shaacina ay dhaawacmeen kadib markii shil baabuur uu haleelay. Dadkan oo saarnaa gaari bas ah ayaa la sheegay inuu baskaasi ka duulay buundo uu marayey oo ay hoostiisa wabi ku tiilay, waxaana sidoo kale la sheegay iney gaari weyn oo kuwa xaamulka qaada ahi ay isku dhaceen taasina keentay inuu baskaasi ka duulo buundada.

Wakaalada wararka AFP oo amuurtan soo tebisay ayaa sheegtay in buundadu aheyd mid aad u liidata webiguna uu dherer ahaan u jiray 15 miter, taasoo keentay in shaqaalaha gurmadka ee leh kuwa badda hosteeda quusa ay ku adkaatay in dadkaasi meydka ahi helaan. Dalalka ku yaala Yurubta bari ayaa qaarkood waxaa heysta dhibaatooyin xagga gaadka iyo wadooyinka ah, sanadkii 1993-kii ayaa shil noocan oo kale uu isla buundadaasi ka dhacay iyadoo ay ku dhinteen dad tiradooda lugu qiyaasay 29 ruux, waxaana mooda in dowlada dalkaasi aysan wadadaasi iska saarin mas'uuliyad sidii loo habeyn lahaa loona yareyn lahaa shilalka halkaasi ka dhaca.

Robert Gates oo wasiirnimadiisa la ansaxiyey

Gollaha sanedka Mareykanka ayaa goor sii dambeysay habeenimadii khamiista soo galeysay ansaxiyey wasiirka gaashaandhiga cusub ee dhawaan magacaabay madaxweyne Bush-ka dalkaasi. Robert Gates oo ahaa madaxii hore ee hey'ada sirdoonka dalkaasi ee CIA-da ayaa waxa uu badalayaa Donald Rumsfiled oo ahaa wasiirkii gaashandhiga islamarkaasina lugu tuhmayo inuu dhibaayin u geystay awooda ciidan ee dalkaasi. Sidoo kale ayaa waxa uu yahay maskaxdii ka dambeysay dagaalkii lugu qaaday dalka Ciraaq. Mana muuqato in wasiirkan cusub uu wax isbadal ah ku keeni doono siyaasada arrimaha ee dowladiisa.


Dec 5, 2006

Wasiir Mareykanka ah oo sheegay in dowladiisa ku guuldareysatay dagaalka lugu qaaday Ciraaq

Wasiirka gaashaandhiga dhawaan madaxweynaha Mareykanka u doortay madaxii hore ee sirdoonka CIA-da Robert Gates ayaa sheegay in dowladiisa aysan heyn haatan wado ay kaga guuleysaneyso wadciga ka jira dalkaasi, hadalkan ayaa la sheegay inuu sheegay mar la dhageysanayey warbixino Ciraaq la xirriira oo gollaha sanadku dhageysteen.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladiisa da daalada ay wado aysan aheyn kuwo dhameystiran iyadoo dabka shidan ee gobolkana ay saameyn kuyeelan doonto hadaan daganaan laga abuurin marka hore Ciraaq. Inkastoo aanu sheegin shaqsiyan sida xalka arrintani ay ku iman karto ayuu hoosta ka xariiqay iney waxkasta oo suuragal ah miiska saaran yihiin, waxaana uu haatan diiday in ciidamada dalkaasi jooga si deg deg ah lugu soo celiyey.

Raashiya oo diiday iney dhiibto ragg lugu tuhmayo dilkii basaasahaa ee London lugu qaarajiyey

Dowlada Ruushka oo haatan kormeerid xoog leh ku heysa qaabka ay booliska London ku baarayayaan dilkii basaase Ruushan ah oo lugu sumeeyey dalkaasi Ingiriiska ayaa sheegay ineysan marnaba dhiibi doonon ragg lugu tuhmayo dilka ninkaasi waxaana ay sheegen in maxkamad Ruushan ah la soo taagi doono haddiiba ay jiraan dad noocaas ah.

Xeer ilaaliyaha dalkaasi Jurij Tjajka oo hadalkaasi daboolka ka qaaday ayaa cadeeyey in booliska ruushka ay laftooda ay gacan weyn ka geysanayaan baaritaanka dilka ninkaasi ee booliska biritan u joogo caasimadooda.
"Marka aanu wareysaneyno ragga la tuhumayo booliska reer Ingiriis goob joog wey ka ahaan karaan laakin anagoo joogno waxba ma wareysan karaan" ayuu yiri Jurij Tjajka oo u waramayey wakaalada wararka u faafisa dalkaasi ee InterFax, isagoo hoostana ka xariiqay in booliskoodu ay arrintani gebi ahaanba la wareegayaan baaritaankeeda.

Baarayaalka ka socda booliska London ee Scotland Yards ayaan haatan wax rajo ah ka qabin iney ragga la tuhmayo ay meel gaar ah ku wareystaan taasoo ay hortaagan tahay amaanka, gaar ahaan nin lugu magacaabo Andrej Lugovoj oo isagu la sheegay inuu la kulmay basaasahaasi Ruushka ah ee uu kula kulmay magaalada London, ninkanoo qudhiisa cisbitaal ku jira. Balse xeer ilaaliyahan waxa uu sheegay in haddii ninkan xanuunsan ay dhaqaatiirtu saamaxaan in la wareysto ay xagooda wax dhibaato ah u arag, waxaase uu gaashaanka u daruuray in madaxda sare ee hey'ada sirdoonka FSB ka tirsan oo qaarkood lugu tuhmayo sumeyntaasi aysan suuragal aheyn in qudhooda la wareysto.

Wargeyska The Times ee kasoo baxa London ayaa daabacay in sirdoonka Britin ay ku qanacsan yihiin in basaasiinta Ruushka ay qaarkood ka dambeeyeen dilkii Alexander Litvinenko. Sarkaal u hadlay booliska London waxa uu aaminsan yahay he'adaasi sirdoon ee Ruushka iney gacan weyn ku leedahay kuwaasoo uu sheegay in caalamka dalacaladiisa kala duwan ay howlo ka hayaan islamarkaasina ay si qibradeysan howlahasi u filiyaan.


Wararkii 4.12.2006

Danjirihii Mareykanka ee Qaramada Midoobey oo is casilay

John Bolton oo ah danjirihii Mareykanka u fadhiyey Qaramada Midoobey ayaa is casilay kadib markii la sheegay in jagadaasi aanu sii heyn doonin. Inkastoo uu ahaa nin siyaasadiisu ay janjeertay dhanka Bush caana ku ahaa muxaafidnimo hadana xisbiga Dimoqraadiga oo labadiisa golle awood buuxda ku leh Aqalka cad ayaa diiday in ninkaasi sii ahaado danjire.
Danjire John Bolton ayaa waxaa madaxweyne Bush si ku meel gaar ahaan ugu diray Qaramada Midoobey isagoo adeegsanayey awood ah in marka gongereska ay fasax ku maqan yihiin, taasoo lafteeda qeyb ka ah rabitaan shaqsi ahaaneed oo uu ninkaasi ku doonayey.

Bolton ayaa sanadkii 2005-ta loo diray Qaramada Midoobey xilli la sheegay in Gongoreska fasax ku maqnaa goboladii laga soo doortay. Bush ayaa sidoo kale waxa uu donayey in muddada joogitaankiisasi ee Qaramada Midoobey loo dheereeyo iyadoo taasina uu Aqalka cad codsigaasi diray si loo ansixiyo. Balse xisbiga Dimoqraadiga oo labada golle ku awood badan ayaa diiday in markale ninkaasi si hayo jagada uu muddo sanad iyo bar ah hayey, waxaana ula muuqday mid gabay kaalintiisi isagoo si cad u taageeray fikiradaha Bush ee ka dhanka ah dunida Islaamka.


Madaxweynaha Venezuela oo ku guuleystay dooroshooyinka dalkaasi ka dhacay

Madaxweynaha haatan xukunka haya dalkaasi Venezuela ee Hugo Chavez ayaa ku guuleystay dooroshooyinkii madaxweynimada ee dalkaasi ka dhacay. Chavez ayaa cododkii la tiriyey boqolkiiba sideetan ka helay 61,3 halka ninka la loomayey Manuel Rosales 38.3.
Wax yar kadib markii la tiriyey codbixinta ayuu hadal u jeediyey taageeriyaashiisa u sheegay in haatan guul u tahay kacaanka dalkiisa. Dowlada Washington oo ku rajo weyneyd isbadal in weyni ka dhacaan dalkaasi oo loogaga guuleysto dooroshooyinka ayaa rajadaaasi wiiqantay markii Chavez cod aqlabiyad leh ku guuleystay.
Madaxweynaha Venezuela Hugo Chavez ayaa mudooyinkan waxa uu xirrriir weyn la yeeshay dowladaha Islaamka sida Iiraan waxaana ay uu dhaliilay siyaasada Bush ee ku wajahan bariga dhaxe, aakhirkiina kulankii Qaramada Midoobey ee dhawaan ka dhacay New York ayuu Chavez ka cuudabileystay Bush isagoo ku tilmaamay sheydaan weyn oo u baahan in la cuuda bileysto taasoo dad badan ka yaabisay, sidoo kale wuxuu danjirhiisa u fadhiyey kasoo celiyey Israa'iil


Dec 3, 2006

Koofi Annan oo xaalka Ciraaq ku tilmaamay mid ka daran dagaal sokeeye

Xoghayaha guud ee dhawaan xilka ka dagaya Koofi Cannaan ayaa arrimaha Ciraaq ka digay iney abuurto dagaalo sokeeyo oo lugu hoobto, wuxuuna sheegay in wadciga haatan dalkaasi jira ay ka daran tahay dagaalo sokeeyo. Wareysi uu siiyey BBC-da ayuu cadeeyey in dadka Ciraaqiyiinta ay ku saxan yihiin kolkii ay sheegeen in xaaladooda guud ahaaneed ay haatan ka liidato xilligii ay jirtay dowladii Saddaam Xuseen ee la afgembiyey.
Koofi Cannaan waxa uu kal hore ku baaqay in la qabto shirweyne caalami ah oo loogaga hadlo xaalada murugsan ee dalkaasi balse madaxweynaha dalkaasi Jalal Talabani ayaa gaashaanka u daruuray shir noocaas ah.
Ciraaq maalin walba waxaa ka dhaca qaraxyo dhiig badan ku daata oo isku geystaan taasoo u dhaxeysa Shiicada iyo suniyiinta iyadoo ay u sii dheer tahay weerarada kale ee ciidamada ameerikaanka uga imanaya.


Venezuela oo dooroshooyin ay ka dhaceen

Dalka Venezuela oo shalay dooroshooyinka guud ee madaxweynenimada looga dareeray ayaa goor dambe oo xalay aheyd waxaa la xiray goobaha lugu tiriyo codbixinta, iyadoo dadka qaarkiis ay aaminsan yihin in madaxweynaha haatan xilka haya ee Hugo Chavez uu noqon doono mid ku guuleysta dooroshooyinkaasi balse wararka ay wakaaladaha wararka kasoo tabiyeen dalkaasi ayaa sheegay iney isku dhibco yihiin labo musharax ee Hugo Chavez iyo Manuel Rosales oo isagu ah hogaamiyaha mucaaridka dalkaasi.
Su'aashasa sida weyn dadka maskaxooda uga guuxeysay ayaa ah sida loo mareynayo dhaqaalaha dalkaasi kasoo gala saliida ay dibada u dhoofiso, iyadoo labo hogaamiye ee ku loolamaya dooroshooyinkasi ay sheegeen iney la dagaalamayaan faqriga dalkaaasi ka jira taasina iyagoo adeegsanaya dhaqaalaha saliida kaso gala. Madaxweyne Chavez waxa uu sheegay inuu sii wadayo halgankiisa ka dhanka ah Mareykanka iyo fikirkiisa isagoo taasina u adeegsanaya dhaqaalaha saliida ee dibada u dhoofiyo taasoo iyadana ah mid ay mucaaridka kasoo horjedaan.

Wararkii 2.12.2006

Ciraaq oo maaro loo waayey dilalka macno la'aanta ah ee lala beesado dadka rayidka ah

Inkastoo xaalka Ciraaq isku badalay mid fowdo iyo kala dambeyn la'aan ah ayaa hadana dilalka macno la'aanta ah ee dadka dalkaasi isku geystaan noqday mid aan xad laheyn oo faro ka bax ah. Maanta waxaa magaalada Bakhdaad ee xarun ah dalkaasi ka dhacay sadex qarax oo kala duwan kasoo gaari lugu soo rakibay ay ka geysteen dhimasho gaaraya 51 halka dhaawuna kor u dhaafay sagashameeyo ruux.
Sadexdan gawaari oo la sheegay iney isku meel yaaleen ayaa hadalo laga soo xigtay gaashaandhiga dalkaasi sheegeen in qaraxii hore uu ahaa mid lala beegsaday goob ay joogeen ciidamada dadka dhaawac noqdayna ay qaarkod ahaayeen askar.
Wakaaladaha wararka oo falkan soo tabiyey ayaa sheegay in qaraxii maanta ka dhacay Bakhdad uu ahaa mid dadka dalkaasi dib u xasuusiyey qaraxyo isdaba joog ah oo dad badani ku dhinteen kaasoo dhacay magaalada la yiraahdo Madiinatul Sadar oo ay ku badan yihiin dadka shiicada ah, qaraxyadaasi kadib ayaa laga maqlayey magaalada xabado meel walba ka dhaceysay.

Ciidamada Mareykanku hogaaminayo ee dalkaasi xooga ku qabsaday ayaan u muqaan xal ay amuurtan ku joojin karaan, iyadoo haatan maamulka Bush uu doonayo inuu wax ka badalo istiraajiyadii dagaal ee dalkaasi markii hore loogu duulay walow aysan muuqan kabixitaanka ciidamada ajnabi oo haddii ay taasina dhacdo ay noqoneyso mid halka ay haatan joogto mid kasii hooseysa.

Hey'ad kormeereysa dooroshooyinka Bangladesh oo ka digtay wax isdabamareyn

Hey'ad Mareykan ah oo kormeer kuheysa doorooshooyinka ka dhacaya dalka Bangaladesh ayaa sgaacisay in dooroshooyinkaasi oo lugu wado iney qabsoomaan bisha janaweri ee fooda inugu soo heysa ay jiraan waxyaabo isdabareyn ah dooroshooyinkaasi lala damacsan yahay. Hey'adan ameerikaanka ah oo magaceeda la yiraahdo National Democratic Institute marka la soo gaabiyana loo yaqaan NDI ayaa sheegay arrintan ay shaacisay ay tahay iyadoo magacyo badan oo beer abuur ah la sameeyey ama kaararka codeynta magacyo kale oo dheeri ahi ku jiraan.

Eeydamaha noocaas oo kale ah ayaa horey waxaa u sheegay kooxaha mucaaridka ku ah dowlada dalkaasi kuwaa tilmaamay iney jiraan waxyaabo isdamareyn ah oo dowladu wado,iyadoo codsiga ay mucaaridkan ay ku doonayaan in dooroshooyinkaasi ay u dhacaan si cadaalad ah ay abuureen isfahan darro labada gabar ee siyaasada dalkaasi isku haya ayaa hadana warbixinta hey'adan koormaha ah ay soo saartay abuurtay tuhun iyo kalsooni darro doorashooyinkaasi laga muujiyo.


Dec 1, 2006

Ingiriiska oo hadal heyntii ugu badneyd noqotay sunta Radioactive-ka ee ludilay basaase Ruushan ahaa

Tan iyo markii ay soo caan baxday wararka la xiriira suntii lugu dilay basaase ruushan ah oo la oran jiray Alexander Litvinenko ayaa dadka u dhashay Ingiriiska waxey badidooda walaac kamuujiyeen sunta ninkaasi lugu dilay ee loo yaqaano radioactive taasoo laga helay dhowr gooboo oo ku yaala dalkaasi, sida diyaaradaha dalkaasi ee British Airways. Arrintan ayaa sidoo kale waxey iyadana walaac ka abuurtay dalkan Sweden oo la sheegay in diyaaradahaasi oo hadda socdaalkii laga joojiyey ay soo fareentiin garoonka diyaaradaha Arlanda ee dalkan, taasoo dadka reer Sweden laftooda cabsi weyni ay soo wajahday.

Inkastoo hadalheynta ugu badan ee amuurtani labada dalka ee Sweden iyo Ingiriiska ay noqotay suntaasi iyo raadadkii ay martay ayaa hadana waxaa wararku sheegeen in mid kamid ah raggii xirriirada la sameeyey basaasahaasi ruushanka ah ee Alexander Litvinenko uu haatan la xanuunsanayo suntaasi oo meelo kamid ah jirkiisa la leeyahay wey gaartay.

Ninkan haatan la leeyahay waxaa korkiisa gaaray sunta radioactive-ka ayaa isagana magaciisa lugu sheegay Mario Scaramella, baaritaano xagga caafimaadka ah oo lugu sameeyey ayaa lugu sheegay in suntaasi gaadhay jirkiisa taasoo aan la ogeyn sidey ku timid. Qiyaaso la sameeyey ayaa sheegeysa iney ugu wacan tahay labadaasi nin iney isku gacan qaadeen markii aragti ahaan iskugu dambeysay waa basaasaha geeriyooday iyo ninkan saaxiibka ah ee Talyaaniga u dhashay.

Wargeyska Daily Telegraph ee kasoo baxa magaalada London oo soo xiganayo ilo wargaleeydo ka tirsan dowlada ayaa sheegay in arrintu haatan u muuqan ama aan lugu tilmaami karin sheekooyinki lugu yaqiinay filimkii la oran jiray James Bond, balse ay salka ku heys kooxo tuugo ah oo arrintan lugu kula jira.

Isku soo duuboo walaaca haatan heysta dadka reer Ingiriis ayaa mid aad u kacsan taasoo la xirriirta suntaasi lugu magacaabo radio active ee laga helay goobaha dadka rayidka ah ka cunteeyaan, waxaana dowlada dalkaasi dooneysa in dareenkaasi ay demiso iyadoo baaritaan aan caadi aheyna lugu hayo sida ninkaasi lugu dilay. Sweden lafteeda ayaa qorsheyaal taas lamid ah wada walow qatar sidaasi u buuran aaney jirin hadana cabsida dadka waa halkeedi.

Banaanbax aad u balaaran oo ka dhacay caasimada Lubnaan ee Beyruut

Magaalo madaxda Lubnaan ee Beyruut ayaa shalay oo jimco aheyd waxaa iskugu soo baxay dad kor u dhaafay boqolaal kun kuwaasoo jawaab ugu baxinayey baaqii ee hogaamiyaha Xisbullaah ee Sayid Xassa Nasrullah ee la xirriira isbadala siyaasadeed ee dalkaasi soo wajahaday muddooyinkan dambe.

Sayid Xassan Nasrulah ayaa dadka ugu baaqay iney iskugu soo baxaan banaanbaxaasi si meesha looga baxiyo meesha waxa uu ku sheegay dowlada daciif ah oo aan waxba qaban karrin. Ra'iisal wasaaraha wadankaasina Fu'aad Siniora waxa uu banaabaxasi ku sufiiyey "Afgambi".

Dildhawaan loo geystay wasiir masiixi ah oo si weyn uga soo horjeeda Suuriya ayaa dowlada Fu'aad Siniora waxaa ay ka dhigtay midaan laheyn awood, waxaa xaalada sii murjiyey markii wasiiro taabacsan Suuriya ay dowladiisa ka baxeen. Nasrullah waxa uu codsaday in dowlada laga siiyo awood uu waxuusan ka raali aheyn ku diido karo.

Sayid Nasrullah wuxuu magacisa caan noqday markii ay maleeshiyadiisi u bacbac dhigeen weerarada Israa'iil ee ay dhawaan ku qaaday dalkaasi, taasoo ay ku burburisay qeybo badan oo dalkaasi kamid ah, balse ay dhulka dhigi weysay awooda ciidan ee maleeshiyada Xisbullaah.

Wasiirka gaashaandhiga Sri Lanka oo bambaano lala beegsaday

Wasiirka gaashaandhiga dalka SriLankaGotabaye Rajapakse iyo nin la dhashay madaxweynaha dalkaasi ayaa weerar bambaano lala beegsaday. Weerarkan oo la sheegay inuu fuliyey nin taksi watay ayaa dhimasho u geystay labo kamid ah ilaalada wasiirkaasi afartan qof ayaa sidoo kale wararku sheegeen in qaraxaasi ismaadimta ahi dhaawac u geystay.

Gotabaye Rajapakse muddooyinkan dambe waxa u uahaa nin gacan adag kula jira kooxaha falaagada ah ee Tamils-ka la yiraahdo kuwaaso dagaal kula jira dowlada dalkaasi.Dagaalka ay dowlada dalkaasi kula jirto kooxahan Tamiiliyiinta ahi waxa uu geystay qasaaro naf iyo maalba leh iyadoo in ka badan 65.000 la rusan yahay iney dagaalkaasi ki dhinteen.
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD