Maxkamadaha
Islaamiga oo Wadahadalka Nabadda Soomaaliya ku
Xiray Bixitaanka Itoobiya...
- Arbaca 31 January 2007
| Tarjumadii: SomaliTalk.com | Isha:
www.sudantribune.com | La Razon
Jan 30, 2007 (MOGADISHU) –
Midowga Maxkamada Islaamiga ah waxay ku gacan sayreen in ay
wadahadal la yeeshaan Itoobiya ilaa inta ay Ciidamadeedu ku
jiraan gudaha Soomaaliya. Waxay intaas ku dareen in mid ka
mid ah hoggaamiyayaashooda uu Nairobi ku u tegey
weydiisashada Safiirka Maraykanka ee dalka deriska ah.

Sheikh Shariif Sheikh
Axmed |
Mustafa Axmed, oo ah
lataliyaha Sheikh Shariif Sheikh Axmed, hoggaamiyaha Midowga
Maxaakiimta Islaamiga ah (MMI), waxa uu Mustafa u sheegay
wargeys maalinle ah oo ka soo baxa dalka Spain, oo la
yiraahdo La Razon in ururkiisu uusan wax wadahadal ah la
geleyn Itoobiya inta ciidamadoodu ay ku sugan yihiin
Soomaaliya. Mustafa Ahmed waxa uu Maraykanka ugu
baaqay in ay dalka ka joojiyaan duqaynta, waxana uu beeniyey
in ay wax xiriir ah la laayeen Al-Qaeda. Waxaa sidaas warka
ku bilaabay shabakada Sudan Tribune oo soo xiganeysey
wargeyska La Razon.
Waxa uu Mustafa Axmed
xaqiijiyey in mowqifka MMI taagan yihiin uu yahay wadahadal
nabad gelyo oo ay ka qayb qaataan dhammaan dhinacyada ay ka
mid yihiin EU, USA iyo Dalwadda Soomaaliya. Waxa uu intaas
raaciyey in bilowga wadahadalkaasi uu ku xiran yahay in
marka hore ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya.
"MMI waxay markii hore
aqoonsanaayeen sharci ahaanta Dawladda Kumeelgaarka ah,
mowqifkayagiina wax iskama bedelin. Waxaan ku celinayaa: In
aan diyaar u nahay wadahadal iyo wadashaqayn heshiis qaran."
Dhinaca kale, madaxa
Midowga Yurub u qaabilsan horumarinta iyo gargaarka Louis
Michel, iyo madaxweynaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf kulan
ay maanta (Jan 30, 2007) ku yeesheen Addis Ababa waxay isku
raaceen heshiis Qaran oo ay tahay in ay ka qayb gataan
hoggaamiye-dhaqameedada, hoggaamiyaasha diinta, iyo weliba
kooxaha siyaasadda ee Soomaaliya si looga gudbo siyaasadda
cakirnayd 16ka sano. Lakaiin madaxweyne Cabdullaahi waxa uu
warfidiyeenada u sheegay in uusan wadahadal la yeelanayn
kuwa ka dambeeya siyaasada murugsan.
Hoos waxaa ku qoran qayb ka
mid ah warbixintii iyo waraysigii uu wargeyska Spanish-ka ee
ku soo baxay shabaka La Razon 30kii Janaayo 2007:
Mogadishu: Mustafa Axmed, oo 38-jir ah, waa lataliyaha
Sheikh Sharif Sheikh Axmed, oo ah mid ka mid ah madaxda sare
ee golaha Maxaakiimta Islaamiga (MMI), kan kale waa Xasan
Daahir Aweys oo ah madaxa golaha Shuurada. Mustafa Axmed oo
ah qunyar-socod sida Sheikh Shariif, waxa uu hadda si
dhuumaalaysi ah ugu nool yahay magaalada Muqdisho, sida qaar
kale oo ka mid ah dagaal-yahaniinta Islaamiyiinta, kuwaas oo
aan ka bixin caasimadda ka dib markii ay ciidamada Itoobiya
ay gacan ku siiyeen Dawladda Kumeelgaarka ah in ay la
wareegto dalka, malaysiyada Maxkamada Islaamigana qalwo lagu
geliyo Kismaayo, meel u dhow xadka Kenya. Wargeyska La Razon
waxa uu Mustafa Axmed waraysi kula yeeshay qol ku ka mid ah
Hoteel ku yaal Muqdisho.
ITOOBIYA WAA IN AY MARKA
HORE BAXDAA
Maxaa ka run ah warka la
isla dhex marayo ee sheegaya in Sheikh Shariif lagu hayo
Nairobi (Kenya) oo ay su'aalo weydiinayaan Maraykanku?
Mustafa Axmed: Maya.
Warkaasi gebi ahaanba waa mid khaldan. Sheikh Shariif waxa
uu Nairobi ku aadey weydiisashada Safiirka Maraykanka
Michael Ranneberger, kaas oo uu kala munaaqashoonayo
xaaladda iyo mustaqbalka Soomaaliya.
Ma ii sheegi kartaa wax
faahfaahin ah oo ku saabsan wadahadalkaas?
Mustafa Axmed: Waxa
keliya oo aan kuu sheegi karaa waa in aan ilaa hadda maxsuul
ka soo bixin. Weli kulamadoodii waa u socdaan. Shakhsiyan
anigu waa ku kalsoonahay hoggaamiyahanaga, waana ogahay in
uu Ameerika u jihaynayo jidka wada hadalka iyo is fahamka.
Midowga Maxkamadaha Islaamigu waxay rajaxayaan wadahadalka
nabadeed iyo wada xaajoodka dhinacyada oo dhan - USA, EU iyo
DFKMG - laakiin wax wada hadal ah la geli meyno Itoobiya
inta ciidamadeedu ay ku sugan yihiin dalkayaga. Shuruudaasi
waa mid aan la bedeil karin. MMI waxay markii hore
aqoonsanaayeen sharci ahaanta Dawladda Kumeelgaarka ah,
mowqifkayagiina wax iskama bedelin. Waxaan ku celinayaa: In
aan diyaar u nahay wadahadal iyo wadashaqayn heshiis qaran.
WAX XIRIIR
AH LAMA LIHIN AL-QAEDA
Maxaa shuruud ah oo aad uga
baahan tihiin Maraykanka haddii is-faham la gaaro?
Mustafa Axmed: Ugu
horayn, in uu joojiyo duqaynta dalka. Waxaan ku casumeynaa
in ay halkan yimaadaan oo ay arkaan xaqiiqada jirta.
Dawladda Maraykanku waxay ku kacaysaa khalad, sababtoo ah
waxay heshaa akhbaar khaldan. Ma jiraan wax dagaalyahaniin
Al-Qaeda oo ku sugan gudaha Soomaaliya, wax xiriir ahna MMI
lama lahan ururkaas. Waxaan haysanaa hub aan ku helo siyaabo
kala duwan, umana baahnin Al-Qaeda in ay na hubayso, mana
aqbalayno qaabkooda ay ku hawl galaan. Halgankayagu waa
sharafta Dadka Soomaaliyeed. Sababtaas weeye tan aan
Maraykanka ugu baaqeyno in uu cadaadis saaro Qaramada
Midoobey si ay shirweyne Qaran oo dib u heshiisiin ah in
lagu qabto gudaha Soomaaliya.
Diyaar ma u tihiin in aad
aqbashaan ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (AU)?
Mustafa Axmed:
Dabcan: waxaan rabnaa in dalku ahaado nabad, in kasta oo
aanan u malaynayn in ay xal yihiin. Waxaa hore u jirey
hawlgalkii sitey koofiyada buluugga ee Qaramada Midoobey,
ilaa haddana lama arag wax horumar ah oo la arkay. Si loo
helo xasilooni, waa in dhammaan garabyada lagu daro dawladda,
waxaana qayb ka nahay dawladda, inkasta oo ay isku dayeen in
ay na faquuqaan.
JIHAADKA LOOGA SOO
HORJEEDO ITOOBIYA
Tallaabadee ayaad
qaadeysaan haddii Itoobiya ciidamadeedu aysan ka bixin dalka
sida ay dalwadda Itoobiya ku ballan qaaday?
Mustafa Axmed:
Haddii Ciidamada Hubaysan ee Itoobiya ay sii wadaan in ay
dalka kusii jiraan, oo ballanta ay samaysan Dawladda
Federaalku aan la tixgelin, waxaan qaadi doonaa Jihaad aan
kaga soo horjeedno Itoobiya. Faraha kama qaadi doono
halganka hubaysan ilaa inta laga waayayo hal askari oo
Itoobiyaan ah oo ku jira dalka. Waxaan maleyshiyada ka
saarnay caasimada si aan u badbaadino dhimashada shicibka,
laakiin tani waxa keliya oo ay tahay waa xeelad bedelasho.
Shicibku ma taageeri doonaa
Maxkamadaha Islaamiga?
Mustafa Axmed:
Soomaalidu waa na taageereen sababtoo ah MMI waxay Muqdisho
keeneen ammaan. Waxaan ka shaqaynayn dib u dhiska guryaha
iyo nadaafadda jidadka caasimadda. Mahadi haka gaartee anaga
awgeed, dadku waxay socon kareen iyagoo aan wax cabsi ah ka
qabin rabshado. Waxaan keenay degganaansho, waxaana soo
dabar goyney musuqmaasuqii qabqablayaasha dagaalka. Dadku
bannaanka nooma tuurin: Waxay ahayeen ciidamda Itoobiya,
sabatoo ah dawladii dalka ayaa dan ka lahayn ayadoo ahayd
dawlad tabardaran ee Soomaaliya, sidaas daraadeed waxay (itoobiyaanku)
ka yeeli karaan sida ay rabaan oo dantooda garka ah.
Yaa ka dambeeya weeraradii
ugu dambeeyey ee caasimada, kuwaas oo ay ku dhinteen ugu
yaran dersin dad ah?
Mustafa Axmed: War
uma hayo. Dawladdu waxay weeraradaas ku eedeysan
Muqaawamada Islaamiyiinta. Waxaa jira kooxo badan oo xag
jira, kuwaas oo dhammaantood aan la xakumi karin. Waxaan
rabaa in aan caddeeyo MMI in aysan ka dambayn weerararadaas
dhimasha keenay.
Maraykanku waxa uu
tilmaamay dhawr xubnood oo ururkaaga ka mid ah in lagu
eedeeyey in y xiriir la leeyihiin shabakadda Argaggaxisada
caalamiga ee Al-Qaeda. Akhbaartaas ma beenineysaa?
Mustafa Axmed: Hore
ayaan u sheegay, haddana waa ku celinayaa: Midowga
Maxkamadaha Islaamiga wax xiriir ah lama leh Al-Qa’idah. Waa
cududaar ay u adeegsadeen in ay na weeraraan.
Tarjumadii: SomaliTalk.com
| Isha: www.sudantribune.com | La Razon
Faafin: SomaliTalk.com |
Jan 31, 2007
Weeraro xooggan oo xalay lala beegsaday Fariisimada
Ciidamada Itoobiya ee Ceel-Cirfiid
Weeraro xoogan ayaa xalay laga
maqlayay deegaanka Ceel-cirfiid ee Magaalada Muqdisho iyo
Suuqa Darmoole ee Duleedka Magalada...
Akhri...


|