Gudhis oo
gumaysiga lagaga dilay saraakiil sarsare.
Wariyaha RX uga soo
warrama dalka Ogaadeenya ayaa noo soo sheegay dagaal
adag oo ka dhacay Gudhis, oo ka tirsan degmada Fiiq,
kaasoo khasaare aad u wayn loogu gaystay ciidammada
caga-jiidka ah ee gumaysatada Itoobiya.
Cutubyo ka
tirsan ciidammada sida gaarka ah u tababaran ee
xoreynta Ogaadeenya ayaa markii ay taariikhdu ahayd
26/01/07 waxay weerar ku qaadeen ciidammo ka socda
gumaysatada Itoobiya oo hawlgallo millatari u yimid
nawaaxiga Gudhis, waxayna weerarkaas si wayn ugu
jabiyeen ciidammadii gumaysatada Itoobiya ee halkaas
loo soo diray.
Weerarkan waxaa
ciidammada gumaysatada Itoobiya lagaga dilay 45
askari, oo ay ku jiraan seddexdii sargaal ee isaga
hooseeyay hooggaanka ciidammadaas, iyadoo mid ka mid
ah saraakiishaas ay darajadiisu ahayd Gaashaanle.
Wuxuuna wariyuhu noo
sheegay in sargaalkaas Gaashaanlaha ah jeebabkiisa
laga soo saaray dukumintiyo muhiim ah iyo
caddaymihiisii, kuwaasoo ay hadda gacanta ku hayaan
taliska ciidammada xoreynta Ogaadeenya. Sargaalkan
sare wuxuu xubin ka ahaa Golaha Dhexe ee Isbahaysiga
EPRDF, wuxuuna ahaa taliyihii ciidammada gumaysiga
ee Shaygoosh.
Waxaa sidoo kale
ciidammada gumaysatada Itoobiya laga dhaawacay askar
badan oo dhaawacoodii lagu daldalay diyaarad
helikobtar ah.
Waxaa dagaalkaas
ciidammada gumaysatada Itoobiya lagaga furtay 15
Qori, iyo qalab is-gaadhsiineed oo dhawr ah.
Ciidammadan ayaa
markii jabkaas loo gaystay waxay ku gadoodeen, sidii
caadada u ahayd dadwaynihii rayadka ahaa ee
nawaaxigaas ka dhawaa, iyagoo dilay Alla ha u
naxariistee Haybe Saaban, oo ahaa oday waayeel ah oo
da�diisa lagu qiyaasay 80 jir. Waxay sidoo kale
dhaawacyo soo gadhsiiyeen Mahad Rashiid Yogol iyo
Abshiro oo magaceeda oo buuxa aan la haynin.
Wuxuu kaloo
wariyuhu noo soo sheegay in markii ay taariikhdu
ahayd 22/01/07 weerar lagu qaaday koox Dabaqoodhi ah
oo la keenay Qooran, oo ka tirsan degmada
Qabri-bayax, waxaana laga dilay 2, 5 kalana waa laga
dhaawacay.
20/01/07
weerar gaadmo ah oo ciidammada xoreynta Ogaadeenya
ay ku qaadeen kuwa cadowga eek u sugan Garigo�an,
waxay kaga dileen 2 askari.
Dad badan oo
Qabridaharre dhawaan lagu xidhxidhay.
Xukuumadda
gumaysatada Itoobiya ayaa 12/01/07 u soo dirtay
magaalada Qabridaharre sargaal sare oo ciidammadeeda
ka tirsan iyo calooshood u shaqaystayaal soomaali ah
oo uu hormuud u yahay ninka lagu magacaabo Aaden
Taani. Waxaana nimankan loo soo diray inay fuliyaan
qorshe lagu cadaadinayo dadwaynaha rayadka ah ee ku
dhaqan Qabridaharre iyo nawaaxigeeda.
Nimankaasi markii ay
yimaadeenba waxay dadwaynaha Qabridaharre u qabteen
shirar qasab ah, iyagoo dadka u sheegay in looga
baahan yahay inay ka qayb qaataan dagaalka lagula
jiro ciidammada xoreynta Ogaadeenya, hase yeeshee
dadwaynihii ayaa si cad ugu sheegay in cidda
hawshaas looga fadhiyo ay yihiin ciidammada dowlada,
dadwaynuhuna ayna wax shaqo ah ku yeelan karin,
arrintaasoo si wayn uga cadhaysiisay sargaalkii
hawshan loo soo xilsaaray iyo calooshood
u-shaqaystayaashii la socday.
Iyagoo hadalkii
dadwaynaha jawaab ka bixinayana waxay xabsiga u
taxaabeen dadwayne rayad ah oo tiradoou 30 kor u
dhaafayso. Dadka la xidhxidhay een magacyadoo helnay
waxay kala yihiin;
1-
Barre Cabdi Naasir
2-
Ruqiya Maxamed Sulub
3-
Sacda Sh Dayib
4-
Canab Cabdi Adar
5-
Muxubo Carab
6-
Ardo Xaaji Aaqib
7-
C/raxmaan oo magiciisa oo buuxa
aanaan helin
8-
Suleeqa Cabdi Adar
9-
Hodan Nuur
10- Ilyaas
Maxamuud Doolaal
11- Macalin
C/rashiid
12- Kayse
Aaden, oo ah guddoomiyihii hore ee degmada
Qabridaharre
13- C/llaahi
Doolaal, oo masuul ka ah waxa ay ugu yeedheen
Horumarinta Reer-Miyiga
14- Hire
Xasan Salaad, oo isaguna ah arrimaha nabadgelyada u
qaabilsan mamul ku-sheegga degmada
15- Deeq
C/llaahi iyo
16- Faadumo
Xaaji Xuseen
Askari
Itoobiyan ah oo isu dhiibay ciidammada xoreynta
Ogaadeenya.
Askari ka
tirsanaa ciidammada gumaysatada Itoobiya ee ka
hawlgala gobollada Ogaadeenya ayaa isu soo dhiibay
ciidammada xoreynta Ogadeenya markii ay taariikhdu
ahayd 24/01/07.
Askarigani wuxuu u
dhashay qowmiyada Oromada, wuxuuna sheegay inuu ka
tirsanaa Gaaska 32aad, gaar ahaan Kooxda 2aad ee
Madaafiicda ee xarunteedu tahay magaalada Jigjiga.
Askarigan ayaa sheegay
inuu ka soo goostay ciidammada gumaystada Itoobiya,
ka dib markii uu u adkaysan waayay dhibaatooyinka
xad-dhaafka ah ee lagu hayo dadwaynaha Ogaadeenya
iyo kuwa Oromada. Wuxuu kaloo ku daray inuu ogaaday
beentii ay xukuumadda EPRDF u sheegi jirtay ee ahayd
in la soo qaqabanayo koox shufta ah oo dadka dhibta.
Askarigan ayaa sheegay
inuu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato halganka ay
JWXO kula jirto gumaysatada Itoobiya, kaasoo uu
sheegay inuu diyaar u yahay inuu naftiisa u huro.
Askarigan ayaa si wayn uga mahad sheegtay sida
sharafta iyo walaalnimada leh ee loo soo dhaweeyay.
Mucaawino la
gaadhsiiyay dad Dhoobley ku tabaalaysan.
Markii ugu horraysay
muddo bilk u dhaw ayay xukuumadda Kenya oggolaatay
inay xadka NFD iyo Soomaaliya ka gudbaan baabuur
wadda mucaawanooyin kala duwan oo loo wado dadka
soomaaliyeed ee ka soo qaxay dagaallada xaqdarrada
ah ee xukuumadda Itoobiya ka wado dalka Soomaaliya,
kuwaasoo in muddo ahba ku tabaalaysanaa magaalada
Dhoobley oo xadka ku taalla.
Daba-yaaqadii toddobaadkii hore ayay xukuumadda
Kenya fasaxday baabuur wadda mucaawanooyin kala
duwan oo ay bixiyeen hay�adaha Qaramada Midoobey iyo
ururrada aan xukuumiga ahayn, kuwaasoo loo waday
qoxootiga soomaaliyeed ee dar-xumada iyo rafaadku ku
hayaan magaalada Dhoobley.
Qoxootigan ayaa
muddaba halkaas ku xayirnaa, ka dib markii ay
xukuumadda Kenya u diiday inay u gudbaan xerada
qoxootiga ee Dhadhaab, oo in ka badan 160,000 oo u
badan qoxooti Soomaaliya ka yimid ay ku jiraan, isla
markaana ay hay�adaha gargaarkana u diiday inay u
gudbaan dhinaca Soomaaliya, si ay dadkaas gargaar u
gaadhsiiyaan.
Mucawanadan hadda
Dhoobley la gaadhsiiyay ayay la sheegay inay isugu
jirto 1760 bustayaasha lagu seexdo ah, 810 ah bacaha
la dallaalimaysto iyo 1000 oo ah qalabka wax lagu
karsado ama wax lagu cuno, waxaana alaabtaas bixisay
Hay�adda UNHCR. Waxaa sidoo kale mucaawanadan ka mid
ah Shandarawooyinka Kaneecada laga galo, Bustayaal,
makiinadaha cuntada lagu karsado iyo saabuun,
kuwaasoo ay bixiyeen Hay�adaha UNICEF iyo Oxfam.
Dagaalka waxshinimada
ah ee gumaysatada Itoobiya ay ku soo qaaday dalka
Soomaaliya daba-yaaqadii bishii Disember ayaa
sababay inay guryohooda ka qaxaan dad gaadhaya
400,000, oo 6000 oo ka mid ahi ay u qaxeen dhinaca
xadka Soomaaliya iyo gobolka NFD.
Hay�ado badan oo kuwa
gargaarka ah ayaa ka cabsaday inay shaqaalohooda u
diraan dalka Soomaaliya, ka dib markii ay soo
gaadheen wararka sheegaya in ciidammada Itoobiya ee
qabsaday dalka Soomaaliya ay si ba�an u xasuuqaan
dadwaynaha, isla markaana qaar badan oo ka mid ah ay
xabsiyada u taxaabaan.
Ururka
Codka Nabada Ogadenya oo shir ku qabtay maraykanka.
Magaalada
Mineanpolis ee cariga maraykan ka ayaa waxaa
sabtidii lagu qabtay shir uu soo abaabulay ururka
loo yaqaan codka nabadda ee dhulka Ogadenia.
Shirkan oo ay ka
soo wada qayb galeen dhamaan ururada bulshada
Ogadenia, sida ururka Hooyooyinka, jaliyadda
ogadenya ee Minnesoto, oday-dhaqameedyada ogadenia
iyo dadweyne kala duwan ayaa wuxuu isugu jiray
warbixino qoto dheer oo ay soo gudbiyeen madaxda
ururka, iyo wacyigalin ay soo bandhigeen qaar ka mid
ah oday-dhaqameedyadii iyo hooyooyinkii isugu yimid
Madasha shirka.
Maxamed Sheikh &
Axmed Carab oo ah aasaasayaashii iyo madaxdii
ururkan ayaa si qoto dheer uga warbixiyey taariikhda
ururkan, marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray
muddadii uu jiray, kulamada kala duwan ee ay la
yeesheen qaar ka mid ah madaxda ugu saraysa waddanka
maraykanka & sida ay lama huraan u tahay in halganka
qalinka & qayladu ay yihiin laf dhabarka horumarka
umad baadigoob ugu jirta xaqooda aayo ka tashi.
Madaxda ururkan ayaa
waxay aad ugu nuuxnuuxsadeen arimaha ay ka midka
yihiin:_
1-
Baahida weyn ee loo qabo in xidhiidh
diplomaasi oo joogto ah lala yeesho aqalka cad ee
waddanka maraykan, hay�aadka u ololeeya xuquuqda
aadamaha & wasaaradda arimaha dibadda ee
maraykankana (State Department).
2-
In warbixin joogto ah & bandhig ku
saabsan qaddiyadda Ogadenia la hor geeyo dhamaan cid
kasta oo ay khuseyso gaar ahaan Senetorska waddanka
Maraykan ka, sharci-dajiyaashiisa & xildhibaanada ka
tirsan aqalka cad iyada oo Madaxda Ururkan (Ogaden
Voice for Peace) ay bulshaweynta Ogadenia ee
Carrigan ku sugan ay ka qaadi doonaan waxyaabo
muujinaya dareenkooda ku aaddan mashaakilaadka
umaddooda haysta sida in muwaadinka reer Ogadenia
laga qaado saxiixiisa, cinwanakiisa & fariinta uu
doonayo inuu u gudbiyo aqalka cad ee waddanka
maraykanka.
3- iyo
inay lama huraan tahay midaynta bulshada soomaalida
Ogadenia si wadajirnimo loogu raadiyo xornimada iyo
xaqa aaya-katashiga somalida Ogadenya.
Sidoo kale waxaa
madasha shirka lagu soo bandhigay cajalado maqal &
muuqaalba leh oo laga soo duubay shirkii kan la
midka ahaa ee kal hore lagu qabtay xarunta nabadda &
caddaalada ee Magaalada Sandiego, oo ay dadweynihii
si duuduub ah u wada iibsadeen, iyo weliba waraaqo
ay ku qornaayeen Baaq cabasho ah kuna socday
Senatorska aqalka cad oo iyana ay bulshadu dhamaan
ku wada saxiixeen magacyadooda & cinwaanadooda !
Gabagabadii shirka
ayaa ahaa mid kusoo dhamaaday jawi & saansaan
wanaagsan isla markaana xanbaarsanaa Iftiin cusub
wuxuu ururku runtii ku beeray bulshadii madasha
joogtay yididiilooyin hor leh, kalsooni dheeraad ah
iyo in si wada jir ah loogu guntado halganka qalinka
& qaylada ku salaysan ee looga baahan yahay muwaadin
kasta oo Ogadenia ka yimid!
"Soomaaliya waxay u baahantahay isku duubnida
Afrika"
Madaxweynaha wadanka Koonfur Afrika Mudane Thabo
Mbek ayaa qudbad dheer ka jeediyey kulankii
Madaxda AU ee ka dhacey Magaalaad Adis Ababa ,
qubadiisa oo meelo badan taabaneysay ayuu ku
bilaabey in "Soomaaliya u baahantahay isku duubnida
Afrika"
Madaxweyne Thabo, wuxuu sheegay in bishii June ee
sanadkii 1974 ay isaga iyo xubno kale ay maalmo ku
sugnaayeen Caasimada Soomalaiya ee Muqdisho iyaga oo
qayb ka ahaa wafti ka socdey Ururka ANC. Kuwaas oo
caasimada Soomaaliya u yimid in ay kaga qaybgalaan
shir sanadeedkii Madaxweynayaasha Qaarada Afrika oo
ka dhacayey Muqdisho.Sida ay Caadadu ahaan jirtey
wuxuu shirku shir gudoomiye u doortey Madaxweynihii
Soomaaliya Major Genaral Maxamed Siyaad Bare si uu u
hogaamiyo shirka, ayuuu yiri Mudane Thabo.
Xiligaas bishii June ee shirku socdey waxay Muqdisho
ahayd goob dabaal deg aad u weyn oo Afrikaanimo ka
socotay. Sababta dabaaldegaas oo ahaa burburkii
gumeysiga boortaqiiska iyo Xoreyntii wadamadii uu
boortaqiiksu gumeysan jirey. Xidiga maalintaas ee
aan su'aasha laga keeni karin ee ka soo qaybgaley
kulankaas wuxuu ahaa SAMORA MACHEL oo noqdey
Madaxweynihii u horeeyey ee wadankii xoroobey ee
Mozambique.
Bishii June
24, 1974 Wargeyska US Time ayaa qorey qormo uu ugu
magacdarey "Degitaankii (Quusidii)
Lusitania" iyo waxyaabo kale. Hadaba, markii
Madaxweyne Antonio de Spinola loo mgacaabey
Madaxweynaha
Angola iyo
Mozambique,
qudbadiisii
u horeysay ee uu ka jeediyo meel dadweyne
isagu yimid, waxa uu ku hadley, weedhii ama ereyadii
ay ka sugayeen Afrikanku in uu ku hadlo. Wuxuuna
yiri " Aayo-katalinta lagama saari karo
Dimoqraadiyada, sidoo kale Aayo-katalinta lagama
saari karo Madax-banaai"
Isla
kulankaas waxaa hadalo kulul ka soo jeediyey
Madaxweyne ku xigeenkii Frelimo oo lagu magacaabi
jirey Marcelino dos
Santos
(Marsalino) oo ku dhawaaqey
"Weerarkayaga waan joogteynaynaa, wanaan xoojineynaa
ilaa aan xornimo ka helo"
Hadii ay jiraan dad
caad ka saarraa xornimo u dirirkii ka soo horjeeday
Boortaqiiska, Ururka ANC wuxuu ahaa mid aanan qabin
fikirkaas. Warqad ay ANC u qortey Xoghayihii shirka
lagu doortey ayaa waxay ku sheegtay'. "In caalamka
guud ahaan xoogagii rajciyada aad looga guuleystey,
Dadweynaha Afrika iyo aduunka jecel Xoriyada, nabada
iyo Horumarka dhaqan dhaqaale ayaa waxay soo hooyeen
guulo la taaban karo", tusaale ahaan dadka
walaalaheen ah ee Afrika, sida, Angola, Mozambique,
Guinea-Bissau iyo Cape Verde oo dhamaantood iska dul
qaadey gumeysigii la nacey ee Boortaqiiska.
Madaxweyne
Thabo Mbek, waxa uu yiri xiligaas ayey ahayd markii
iigu dambeysay Soomaaliya, sanado badan kadibna ilaa
hadadan xasuusteytayada kama
bixin in Soomaliya ahayd meel rajo afrikanimo noo
leh, goob la isku lahayn karo oo Afrika lagu xoreyn
karo, oo aan anigu ku jiro sidii aan Midabtakoorka
uga xoroobi lahayn. Mudo kadib, qaar ka mid ah
halgamayaashayadii ayaa waxa ay ku noqdeen dawladii
Soomaliya, si ay halkaas uga furtaan saldhig
qarsoodi ah oo ay kaga soo galaan Koonfur Afrika
kadiriyiintayadii Umkhonto we Sizwe, kuwaas
oo Midabtarkoorki Koonfur Afrika ka soo geli jirey
dhinaca bada iyaga oo ka imanaya dekedaha Soomaaliya.
Si kastab aha ahataee, Soomaliya waxay kala daadatey
waxayna noqotey meel aan dawlad ka jirin, taas oo
keentay in ay noqoto Ajendaha ugu weynee Afrika ee
bilowga sanadkan 2007, halkii sanadkii 1974 ay
kulankii Afrikanku ahaa Xoreyntayada iyo Afrikada
kale, kuwaas oo soomalaiya garab ka haystey. Sanadka
2007 Soomaliya waxay u bahaan tahay taageerada
Afrika
Madaxweynaha
Koonfur Afrika mar uu ka hadlayey taariikhda
Soomalaiya, waxa uu sheegay in Soomaliya xornimo
qaadatey sanadkii 1960-kii, isaga oo sheegay in
labadii Gobol British iyo Italian Somaliland
ay
xoroobeen. Hadaba si ay labadaas Gobol u dhameeyaan
kala qaybsanaantii uu Gumeysiga Soomaaliya kala
qoqobey ayey labadaas Gobol isu tageen, isla
markaana dhalatey Dawladii Soomaliya.
Talaabadii isku darsanka dadka ku hadla Afka
Soomaliga, waxa ay dhalisay xiisad ka aloonsatey
wadamadii dersika ahaa sida Itoobiya iyo Kenya
oo labadaba ay degenyihiin dad soomaaliyeed.
Xiisadii ugu xumeydna waxay dhexmartey Soomaliya iyo
Itoobiya sanadkii 1977, kadib markii Soomaaliya
iskudaydey in ay qabsato dhulka ay degenyhiin
Soomaalida Ogadeniya. Dhulkaas oo ay Itoobiya
qabsatey qaybo ka mid ah sanadkii 1880-meeyadii,
halka dhulka intiisa kalena ay kula wareegtey
hesiish dhexmaray Itoobiya iyo wadanka Ingriiska.
Mudane Thabo Mbek, waxa uu yiri sababta aan
taariikhdan u soo hadal qaadney waxa ay tahay,
waxaa jira Ciidamo Itoobiyaan ah oo Soomaaliya ku
sugan, taas oo aan ahayn wax lala yaabo in
Warbaahinta qaar ku tilmaamaan joogitaanka Itoobiya
ee Soomaliya liidnimo ama bahdilid loo geystey
Soomalida, sida nin ganacsade ah oo lagu magacaabo
Abdulahi Mohamed Mohamud laga wariyey, waxaan
ka cabsi qabnaa dagaal aad u dheeraada, dadkuna aad
ayey uga xanaaqsanyihiin Ciidamada Itoobiya.
Madaxweyne Thabo Mbeki
qudbadiisa oo aad u dheereayd waxa ka mid ahaa
gabagabadii inuu yiri "Waqtiga ayaa inoo sheegi
doona xiliga dambe ee Hogaamiyaasha iyo
Madaxweynayaasha ay ku kulmi doonaan shirka AU oo ka
dhaca Muqdisho. Hadaba si ay taasi u dhacdo, hadii
aynu nahay Afrika waa in aan la nimaadnaa hab aynu
kaga gudbeyno dhibaatootooyinkii hore ee taariikheed
iyo kuwa hada cusub ee Soomaaliya ka dhigey dhibaato
ka mid ah kacdoonkii Afrika oo aan weli la xalin,
halka ay ka xorowgii gumeysigii Boortaqisku uu u
ahaa kacdoon Afrikan oo aan la xalin sanadkii 1974
Ugu dambeyntii Madaxweyne Thabo Mbeki waxa uu yiri.
"Hadii aynaan shiishka saarin oo aynaan la iman wada
xaajood ku dhisan xadaarad ama ilbaxnimo horseeda
nabad iyo xasilooni ka dhex-dhalata qabaa'ilada,
qoomiyadaha wadaaga hal wadan, dawladaha dhexdooda
iyo wadamada isu tagey, si aysan u dhicin arinta
Soomaliya ka dhacdey oo kale.
30 January
2007
Axmed
Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31
MB ee dhererkeedu yahay 9445 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalinta Talaadada ah 7:00PM � 8:00 waqtiga
Afrikada Bari
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 30, 2007
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...